
Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
Tujamadda: Guryasame Cabdi
Waxaa qoray: Gabriel García Márquez

Hugo oo ah tuug maalmaha fasaxa ee toddobaadka keliya wax dhaca ayaa habeen Sabti ah u dhacay guri. Aana; oo ah naag dhaban wacan, soddon iyo dheeraadna jirta, oo hurdo la’aan lagu salliday ayaa shanqartiisa dareentay oo ku soo baxday.
Bistoolad ayuu ku handaday kaddibna waxaa ay faraha ka saartay wax allaale iyo wixii ay dahab iyo qalab qiimo leh haysatay, waxaa ayna keliya ka codsatay in uusan u dhowaan gabadheeda 3-jirka ah ee Pauli.
Si kastaba, Pauli markii ay Hugo indhaha ka qaadday kama ay didin, balse waaba ay u dhoollacaddeysay sidii in uu indhasarcaadiyay. Intaa ka gadaal, Hugo wuxuu iskula xanshaashaqay “Maxaan la degdegayaa mar haddiiba xaalku sidaan isaga wanaagsan yahay halkan?”
Wuxuu xaqiiqsaday in uu nasashada toddobaadka halkan si waafi ah ugu qaadan karo. Maadaama uu ogaa Hugo –horay ayuu u sii sahmiyay guriga– in odaygii reerku safar shaqo ku maqan yahay, oo uu habeenka Axadda ah kahor soo laaban doonin.
Maba uu is martiyayn tuuggii, ee aayar buu kaalintii ninkii guriga lahaa galay, naagtiina wuxuu ku yiri: orod casho ii soo kari oo dhalo khamri ah ii soo qabo, heeso macaanna innoo shid. Hugo waa nin aan muyuusig la’aan noolaan karin.
Aana, waxaa ay u cabsatay gabadheeda yar ee Pauli, intii ay cashada diyaarinaysay waxaa ay ka fekeraysay sidii ay ninkan guriga uga saari lahayd. Balse, talo faro ugu ma jirto oo goor hore ayuu Hugo gooyay fiilooyinka telefoonka, guriguna waa mid go’doon ah oo ma jirto cid habeenkan madoow u soo gurmanaysa.
Intaa kaddib, Aana waxay go’aansatay in ay kiniini hurdo biyaha ugu darto Hugo. Tuugga oo sidoo kale sitimaanka intiisa kale waardiye ka ah bangi ayaa wuxuu fahmay in ay Aana tahay naag uu aad u taageero oo daadihisa barnaamijka bandhigga raadiyaha oo uu aad jacel yahay, habeen kastana aan seegin.
Waxay ka sheekeysteen fanka iyo fannaaniinta iyaga oo ay rikoor uga baxayso heestii ‘Cómo fue’ ee hoobalkii weynaa Benny Morè. Aana, waa ay ka damqatay kiniiniga hurdada ee ay Hugo biyaha ugu dartay, maadaama ay hadda aragtay in uu yahay nin deggan oo gob ah, wax xumaan ahna aan la damacsanayn, se waa mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen. Kaniiniigii koobka ayuu ku jiraa, tuuggiina si niyadsamaan leh ayuu u qurqurinayaa. Hase ahaatee qalad baa dhacay! Aana ayaa si kama ah u cabtay biyihii kiniiniga lahaa, waqtiba kama soo wareegin markay hurdo biliq tiri!
Subaxii xigay, Aana waxaa ay soo toostay iyadoo hurudda qolkeedii jiifka, oo sideedii xalay u lebbisan, sariirtuna si wacan u goglan tahay! Beerta gurigana ay ku wada ciyaarayaan Hugo iyo Pauli oo quraacdii diyaariyay. Aad ayay u la shaamareertay sida ay isku fahmeen ee ay isula jaanqaadeen! Waxaa kale oo ay la ashqaraartay marka laga tago soojiidashadiisa kale, cunto macaanida Hugo. Aana waxay dareentay qanaaco iyo xasillooni aysan waqeed horay u dareemin.
Isku markii agteeda waxaa u timid saaxiibteed oo ka codsatay in ay la cuntayso. Hugo xoogaa ayuu ciriiri dareemay, Aana ayaa marmarsiyo soo alliftay oo ku cudurdaaratay in gabadhu ka xanuunsanayso, sidaas ayayna ku fasaxday saaxiibteed. Waxaa isku keliyaystay seddexdoodii oo si milgo leh maalinkii Axadda isku weheshaday.
Hugo, wuxuu hagaajiyay daaqaddii uu habeen hore ka soo dusay iyo fiilooyinkii telefoonka ee uu jaray, isaga oo intii uu howsha waday si qurux badan u foorinayay. Aana, waxaa ay ku baraarugtay in uu Hugo ku wanaagsan yahay qoobkacayaarka Kuubaanka, oo ay aad u jaceshahay iyadu. Wuxuu ka codsaday in ay la dheesho waana ay ka oggolaatay. Fiidcawlkii oo dhan ayay wada dheelayeen iyagoo xoogaa kala xishoonaya. Pauli oo daawanaysay ayaa inta u sacbisay ugu danbeyn seexatay. Labadoodii oo daallan ayaa qolka fadhiga ku dhacay. Dhowaan jannadooda yar waa laga carqaladayn rabaa oo waxaa la gaaray xilligii uu ninkeedu soo hoyan jiray.
In kastoo ay Aana isku dayday in ay ka diiddo, haddana Hugo waa uu ku adkaystay oo dhammaan dahabkii iyo alaabtii uu ka dhici rabay dib ayuu ugu soo celiyay. Isagoo intaas u raaciyay talooyin iyo xeelado ay kaga gaashaaman karto in ay tuugo u soo dhacdo gurigeeda! Intaa kaddibna si murugo ku laran tahay ayuu u nabadgalyeeyey iyada iyo cunugteedii. Hugo, oo mugdiga ku qarsoomi raba ayay ka daba qaylisay Aanna, markii uu dib u soo jalleecayna waxaa ay u sheegtay iyadoo indhihiisa eegaysa in toddobaadka soo aaddan ninkeedu markale safar shaqo u bixi doono.
Tuuggii toddobaadku, isagoo xaraga’soconaya oo farxad iyo riyaaq jidadka ku dhaanteynaya ayuu habeensaday.

Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
Halkaa markay maraysaY baan u noqday curadkii xidigaha geeska iyo heestii oran jirtaY labada isla keenayaa korkay iskasii fahmaan mahadsanid sxb waa qormo cajiiba