Hitler iyo Naasiyiinta: Maxkamadeyntii Sharta

Hitler iyo Naasiyiinta: Maxkamadeyntii Sharta

W\Q: Abdirahman H. Daher

5-tii bisha June ayay shirkadda Netflix hawada soo galisey dokumintari looga hadlayo kiiskii iyo eedeemihii loo heystay xukuumaddii kalitaliska ahayd ee Hitler, kaas oo ka dhacay magaalada Nuremberg¹ ee dalka Jarmalka. Taariikda uu soo gudbinayo dokumentarigan, waxa ay shirkadda Netflix ka soo xigatay buug uu qorey William L. Shereir² oo lagu magacaabo The Nightmare Years, 1930-1940.

Taxanahan lixda xalqadood ka kooban, waxa uu tooshka ku bidhaaminayaa, taariikhda Mudane Adolf iyo dhalashadii kacaankiisa. Waxyaabaha kale ee taxanahani warinayo waxaa qayb ka ah, sababta keentay Yahuud naceybka. Halkii xalqo waxa ay soconaysaa hal saac iyo sikimo yar. Dokumintarigan , waxaa agaasimay agaasime yahuudi ah oo lagu magacaabo Joe berlinger, kaas oo ku caanbaxay agaasinka dokumentariyada ka hadla tabinta dhacdooyinka la xariira fal-dambiyeedka/ criminal documentaries. Mar uu wareysi siinayay Times of israel wax na laga weydiiyay sababta ka dambeeysa in uu sameeyo taxanahan waxa uu ku sheegay: jiilkan cusub (GEN Z), jahli ayay ka yihiin xasuuqii loo geystay yahuudda. Sida taariikhdan la idin ku soo bandhigay xilligii hore waxa ay ahayd, kaliya xog ay iska yiraahdeen taariikhyahannadii hore.

Reer galbeedka markii ay taariikh wrinayaan, qolo kasta dhinaceeda ayay waxa kaga darsataa. Taas oo jirta soo ma laga yaabo in ninkan yahuudiga ah uu dhinaciisa wax kaga darsday? Waxaa kaloo jirta is weydiimo badan oo igu abuuray daawashada Dokumintarigan . Is weydiimahaas waxaa ka mid ah: talow, suurtogal ma tahay in Israa’iil ay doonayso in jiilka cusub ay ku abuurato beerlaxawsi maadaamaa cidda ugu badan ee ka soo horjeedda falalka bahalnimada leh ee ay ku kacayso xukuumadda Netanyuhu ay iyaga yihiin? Maxaa keenay in ay isku soo aadaan sii deynta Dokumintarigan iyo xasuuqa Israa’iil ay shacabka reer Falastiin ku hayso? Sidii shalay afartii quwadood ee dunida ugu weynaa ay xukun ku fuliyeen xuumaddii Hitler, ma dhici doontaa isla waqtigan in Netanyahu ay xukun maxkamadeed ku qaadaan?

Taarikhyahannadu, Hitler waxa ay u aqoonsadeen in uu ahaa Kalitaliskii ugu arxanka darnaa abid taariikhda aadanaha soo mara. Taariikhda uu dokumentarigan soo gudbinayo waxaa warinaya Mudane William L. Shirer, oo ahaa mid aad uga warqabay dhaqdhaqaaqa Hitler billow illaa dhammaad maadaamaa uu si dhumaaleysi ah kaga shaqeynayay Dalka Jarmalka, asiga oo markaa xogta u soo gudbinayay aqalka cad. Aaladda Ai-ga ayay adeegsatay shirkadda Netflix si ay codkiisa uga dhigto mid nadiif ah, oo waxa aad ba moodaa in uu taariikhda hadda la warinayo. Kiiska Nuremberg waxa uu ahaa mid socday muddo 10 bilood. November 1945 ayuu billowday dhagaysiga eedeymihii loo heystay xukuumaddii Hitler. Waxa uu na soo idlaaday october 1946.

Bal si dul-ka-xaadis ah aan qaybtan hoose kugu la wadaago, xalqada koowaad iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee ay tooshka ku ifisey.Muuqaalka koowaad ee dokumentariga, waxa uu ku billaabanayaa haweeney matalaysa xaaskii Hitler oo liqaysa sun lagu magacaabo Cyanide poisoning, iyo Hitler oo isna markiisa xabad xiska iskaga aadinay, dabadeed na qudha iska goynaya. Hal maalin oo aan waxba u dhaxayn ayay gacantooda isku dileen. Mid ka mid ah tabiyayaashii idaacadda asiga oo sawir ka bixinaya xaalladii jarmalka ku sugnaa maalinkaas, waxa uu yir: awooddii jarmalka waa ay burbureysaa. Waxaan ku jirnaa maanta xaalad ay wax walbaba dhici karaan. Mar haddii ay fashilanto xukuumad dal ka talinaysay nooca ay doonta ha noqotee, oo uu meesha ka baxo nidaamkii bulshada isku hayay, badanaa waxaa dhasha isku-dhacyo bulsheed ama aan si kale u dhigee dagaallo sokeeye.

William L. Shirer: Hitler wuu dhintay, wuxuu na u burburay sida waddankiisa oo kale, kaas oo markii hore isku dayay in uu ka dhigo awoodda Caalamka. Maanta waa maalin aan sugayay sanado badan. Ereyga isdhiibid/ surrender ee UN-ka ka soo yeeraya, waxa ay noo caddeenaysaa in ay arrintu dhab tahay. Mudanayaal iyo marwooyin, kan waa dhammaadka dagaalkii labaaad ee adduunka. Tiro lagu qiyaaso 60 Milyan oo qof ayaa ku naf waayay dagaalkii labaad ee dunida. Isku-dhicii ugu burburka badnaa ee taariikhda aadanaha soo mara ayaa loo aqoonsaday dagaalkii labaad adduunka.

Tabiyaha labaad ayaa la wareegay tabinta xaaladda. Tabin aad mooddo tix gabay ah ayuu ku warinayaa xaaladda. ” Baarliin waa ay is dhiibtay. Ciidamadii jarmalka godadkii ay ku dhuumalaysanayeen ayay ka soo baxeen. Mudane Goering³ wuu is dhiibay. Goebells⁴, waxa uu ka doorbiday in uu nafta is dhaafiyo. Hadda dambiilayaashii ugu waaweynaa, gacanta caddaaladda ayay ku jiraan. Waxaan go’aan lagu gaaray, in Nuremberg lagu maxkamadeeyo. Nuremberg-tii, ay Nazi-gu Maamuli jireen. Nuremberg-tii uu Hitler Caalamka uga gooddin jirey.

Nuremberg, hadda waxa ay noqotay meel burbursan oo dambas miiran ah. Tabinta mudane William L. Shirer, waa waxa xiisaha u yeelaya Dokumintarigan .Xalqada koowaad qaybteeda hore, waxa ay hummaag guud kaa siinaysaa, sida ay u wkeyd magaalada Nuremberg, ka dib dhimashadii dawladdii Hitler. Si fiirmo taxaddir leh ku dheehan, markii aad u daawato qaybaha hore, waxaa kuu sawirmya meydad jidadka daadsan, guryo burbursan oo qaarkood ay ciil iyo caro la qiiqayaan iyo Dad farxad nafis ku lammaan tahay u dabbaaldegaya. Kiiskii Nuremberg, taariikhyahannadu waxa ay bogagga taariikhda ugu qoreen in uu ahaa markii ugu horreesay dunida ee maxkamad ay xukun ku oofiso madax dawladeed.

Asalka sharta

Bini’aadam kasta, waxa uu leeyahay awood uu ku noqon karo qof xun ama mid wanaagsan. Haddaad fiirido Hitler markii uu yaraa, ma jirin calaamado kuu muujinaysa inuu noqonayo hoggaamiye arxan darran oo bahal ah. Austria ayuu ku dhashay. Qoys dabaqadda dhexe ka soo jeeda ayaa iska dhalay. Dunida qofka kaliya ee uu si dhab ah u jeclaa waa hooyadiis. Waxa ay ahayd qof naxariis badan, dabci wanaagsanna leh. Aabihiis waxa uu ahaa mid aad ugu daran oo mar walbo cadaadis iyo garaacid kala dul dhaci jirey. Waagaas caadi ayay ahayd, in aabuhu ilmihiisa si adag u la dhaqmo. Hitler waxa uu jeclaa inuu wax badan akhriyo. In uu noqdo farsaxamiiste weyn ayuu ku riyoon jirey mar walbo. 1907-dii ayuu u soo wareegay Vienna, si uu u barto Farshaxanka. Macallimiinta iskuulka Farshaxanka, waa ay diideen in ay aqbalaan maadaamaa uusan sawiri karin Dadka. Kaliya waxa u fududeyd sida loo sawiro dhismayaasha magaalada. Niyadjab ayuu ka qaaday markii loo diidday aqbalaaddii iskuulka. Sawirro uu postcards-ka ka soo koobiyeeyo ayuu iibin jirey, si uu noloshiisa ugu debbaro. Nin kale ayuu dulsaar ku ahaa, oo muddo yar kooban ayuu hoygiisa ku noolaa. Xilligan Austria, waxaa la dhihi jirey Austria-hungary- Boqortooyo ay waddamo badani ku midoobeen ayay ayay ahayd. Waxaa jirey dareen ay dadku doonayeen in ay kala baxaan, oo waddan walbaba si gaar ah dadkiisa u maamusho. Bulshooyin badan ayay boqortooyadan ka koobnayd. Waxaa sidoo kale jirtay boqortooyada Jarmalka, tasoo ahayd ilaha dhaqaale ee Yurub tan ugu muhiimsan.

Jarmalku waddan warshad iyo dhaqaalo badan heysta ayuu ahaa. Xilligaas waxaa xawli ku socotay aragtida Pan-German. Aragtidan waxa ay ka dhex jirtay, dadkii reer Jarmal ee ku noolaa Austria kuwaas oo doonayay in ay ka goostaan si ay ugu biiraan boqortooyada Jarmalka. Dhaqan aad u baahsanaa ayaa ka jirey magaalada Vienna, oo sheegayay in dadka Jarmalka ay ka sarreeyaan dadka Yahuudda iyo Czechs-ka. Yahuud nacaybku, muddo badan ayuu ka jirey laakiin nuuc cusub oo Yuhuud nacayb ah ayaa Yurub ka soo shaacbaxay dhammaadkii qarnigii 19-aad.

Magaalada Vienna waxaa ka dhisnaa xisbiyo siysaasadeed, kuwaas oo aad u riixi jirey dhaqdhaqaaqa Yahuud-ncaybka. Hitler, asiga oo yar ayuu aad ula socday dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed, oo waxaa la is oran karaa ba arrin uu dhiirigalin ka helayay ayay ahayd. Yaraannimadiisii, waxa uu quursan jirey Austrian-ka iyo boqortooyadii Habsburg. Waddan awood leh ayuu u arkayay Jarmalka. Waxa uu ku noolaa duni khiyaal ah. Lacagtiisa oo dhan waxa uu ku bixin jirey dhagaysiga iyo daawashada heesaha loo yaqaano Opera⁵. Waxa uu aad u jeclaa in uu ka qaybgalo fan-masraxeedka uu soo bandhigi jirey Richard Wagner⁶. Fanka Wagner, waxa uu u arkayay in uu matelayo Jarmanida uu ku hamminayey. Opera-dii ugu horreesay ee Wagner soo bandhigo oo uu Hitler ka qaybgalo waxa ay ahayd Lohengrin- Roomaantig opera oo la agaasimay qarnigii 19-aad ayay ahayd. Waxa ay ka hadlaysay nin lagu magacaabo Lohengrin oo naftiisa u huraya dalkiisa. Heesihii mudane Wagner waxa ay koriyeen aragtidii Hitler ee ahayd in uu maalin maalmaha ka mid ah noqdo hoggaamiye geesi ah. Gugii 1913, Hitler oo 24 jir ah, ayaa iskaga tagay Vienna, waxa uu na u kicitamay dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee Jarmalka.

Sababtii uu uga baxay Austria waxa ay taariikhyahanadu ku sheegaan Waajibaadka Militeri ee dalka Austria kaga aaddanaa, Maadaamaa uu aaminsanaa in uusan Austrian ahayn. Maalmihiisii qaraaraa, noloshiisii xumeyd iyo burburkii duni aragiisa hal mar ayaa iftiin u butaacmay. Mar kale ayuu dareemay nolol, rajo iyo yididiilo. Gudihiisii marnaa waxaa buuxiyay hammi iyo Himilo. Dagaalkii koowaad ee dunida waxa uu siiyey fursad uu ku rumeyn karo Hadafkiisa Ku aaddannaa Jarmalka. Fursad uu ku baxsado ayuu helay. Dagaalka kowaad waxaa sababay, dilkii loo geystay dhaxalsugihii boqortooyada Habsburg ee lagu magacaabo Archduke Franz Ferdinand.

Shirqoolkaas waxaa ka dambeeyay Gangs bosnian-serbian ah. Shirqoolkaas ka dib waddamadii Yurub waxa ay billaabeen isxulufeysi. Isbuucyo ka dib na waxaa dillaacay dagaalkii kowaad. Waddamadii Yurub, dagaalkaas kowaad waxa ay u arkayeen sida ciyaar kubadeed. Waddan kastaba dagaalka farxad iyo rayn-rayn ayuu ku wajahayay. Uma ba aysan arkeyn in uu yahay dagaal dhimasho iyo baaba’ sababi kara. Dhallinta waagaas xamaasad weyn ayay u hayeen ka qabygalka dagaalkaas. Hitler, waxa uu ka mid ahaa dhallintii uu ku jirey dareenka noocaas ah. Dareen qarannimo ayaa ku weynaatay quluubta jiilkii waagaa. Jarmalka ayuu tegay. Dhallinyaro badan ayaa si bilaash a u qortay askarinimo si ay dalkooda u difaacaan. Si iskiis ah ayuu ugu biirey ciidankii Baharian-ka ahaa, kuwaas oo ahaa guuto ka mid ah ciidamadii Jaramalka. Hitler, dagaalku wax weyn ayuu ugu dhignaa. Waxa uu aaminsanaa dhabbaha kaliya ee guusha lagu gaari karo inuu yahay. Hitler, waxa uu ahaa askari farriimaha gudbiya. Doorkiisa ka ciidan ahaan intaas ayuu ahaa. Godad bahallo galeen ah iyo khatarro badan ayuu u mari jirey si uu farriimaha ugu gudbiyo saraakiisha. Qof kasta oo uu kaga shakiyo in uu jarmalka cadow ku yahay ama khiyaano wado dhabarka ayuu ka toogan jirey. Dagaalkii kowaad jarmalku waa ay ku jabeen.

Dagaalkaas waxa uu sababay in ay Jarmalka ka guuraan nidaamkii boqortooyanimo, una guuraan nidaam liberal democracy. Waqtigan waxaa dhashay nidaam Hanti-wadaag. Xuukumaddaas waxaa loogu yeeri jirey Weimar Republic⁷.

Kooxdii xuukumadan ku midowday waxa ay u badnaayeen bidixda-fog iyo siyaasiyiin Yahuudi ah. June 1919-kii, waxaa qabsoomay heshiiskii Versailles⁸, inkastoo Jarmalku uusan qayb ka ahayn.

Heshiiskaas Jarmalka, waxaa looga la wareegay 13% dhulalkii uu Jarmalku heystay ka hor dagaalkii koowaad. Xaaladdaas Jarmalka waxa ay ku abuurtay dareen ah in hal dhinac ay waddamadii Yurub ugu soo wada jeesteen. Yurub, eedeymo ayay u jeediyeen Jarmalka. Caro ayay ku abuurtay heshiiskii Versailles dadkii reer Jarmal. Ciidamadii Jarmalka, waxa ay billaabeen in ay faafiyaan aragtiyo shirqool oo ku saabsanaa: in jarmalka ciidan ahaan aan looga guuleysan ee khiyaano iyo dhabarjabin ay siyaasiyiin Yahuud ah sameeyeen darteed looga guuleystay.

Dadka dokumentarigan lagu wareysanayo arrintan waxa ay ku tilmaamayaan, arrin maalaayacni ah.Hitler oo sumaysan iyo askar kale isbitaal ayaa laga dhigay. Waddaad diimeed qiireysan ayaa u soo galay subax ay ku waaberisteen iyaga oo dulsaaran sariiraha isbitaalka. Waxa uu u sheegay in dagaalkii looga adkaaday. Hitler waxa uu ka mid ahaa askartii aadka u aaminsanayd, in dagaalka aan looga guuleysan oo ay khiyaameen siyaasiyiin yahuudi xagjir ahaa. Halkaas ayaa uu ka billowday nacaybkii uu u qabay Yahuudda. Waan hubaa inaad maqashay warinta ah: Hitler hooyadiis nin yahuudi ah ayaa kufsaday, oo uureeya, halkaas na uu ka billowday nacaybka uu yahuudda u qabo. Eedaymo ayuu u jeediyay Yahuudda, iyo xisbigii Hantiwadaagga Maadamaa ay hoos u dhigeen Sumacaddii iyo guushii ciidamada Jarmalka. Habeeno badan su’aal uu raadinayay ayuu u helay jawaabo.

Markan hadafkiisu waxa uu noqday, in uu ciribtiro Cid kasta oo looga shakiyo in ay ku lug lahayd Jabka soo gaaray Jarmalka iyo in uu jarmalka mar kale ka dhigo Waddankii Cududda weynaa. Sidoo kale waxaa rajadiisa ka mid ahayd in cid aan jarmal ahayn aysan waddanka madax ka noqon. Dagaalkii koowaad waxa uu abuurey xasillooni darro siyaasadeed iyo Loollan u dhaxeeya madaxda ka arrimisa Dalalka Yurub.

Xukuumadda Munich waxa ay billowday, in ay la socoto xaaladda magaaladeeda iyo xanta ka socoto. Si ay wax ugu ogaato waxa ay adeegsatay ciidan uu ka mid ahaa Hitler. Shaqadooda waxa ay ahaayeen, kaliya in dhegta u taagaan shirar hoosaadka xisbiyada siyaasadeed iyo arrimaha ay ka hadlayaan Dabadeedna u soo gudbiyaan xukuumaddii Munich. Mar asiga oo shaqadiisa ku jira ayuu Hitler waxa uu ku soo dul dhacayaa Xisbi siyaasadeed oo yar, oo lagu magacaabo ” German Workers Party”. Waxa ay ahayd, sida caadiga ah, inuu indhaha ka eego wixii dhacaya, ka dib na uu u gudbiyo madaxda sare waxa halkan ka dhacay, laakiin ma uu sameynayo, oo waxa uu billaabayaa inuu meesha ka hadlo asiga carro kala dul dhacaya ninkii ku hadlayay afka xisbiga.

Xubnaha xisbiga waxa ay la yaabayaan Kartidiisa iyo aftahamadiisa. Waxa ay ka codsanayaan inuu ku biiro xisbigan. Mid ka mid a madaxdan xisbigan ee lagu magacaabi jirey Anton drexler⁹ ayaa dhahay: ninkani (Hitler) waa aftahan. Dhanka siyaasadda waan u adeegsan karnaa. Xisbigan, waxa uu ahaa mid aad ugu soo horjeeda xukuumaddii Weimer. Sidoo kale xisbigan waxa uu cadaawad kulul beerka ugu hayaa Yahuudda, shuuciyadda iyo hantiwadaagga. Muddo lix sano ah oo uu u shaqeeynayay ciidamada Jarmalka, Hitler Waxa uu go’aan ku gaarayaa inuu ka baxo ciidanka, Maadamaa uu helay xisbi ay isku mawqif yihiin. Halkan ayuu ka billaamayaa safarkii siyaasadda ee Adolf Hitler.

Muddo yar ayuu ku noqday midka ugu firfircoon xisbigan. Khudbadihiisu waxa ay ahaayeen kuwo ay carro iyo tamar badan kulansadeen. Waxa uu aad xariif ugu ahaa. sida dadka loo dareen galiyo. Tanna waxa ay qayb ka ahayd, waxyaabihii keenay in dadka reer Jarmal ay dhaqsiba muuqiisa iyo magaciisaba ku bartaan. Ka mid noqoshadii xisbigaas waxa ay fursad u siisey, gudbinta farriimo uu aad u aaminsanaa haba ugu horreyso Yahuud-nacaybka.

Yahuudda markan Jarmalka waxa ay ka yihiin wax ka yar 1%, taas oo ka dhigaysa dad laga tiro badan yahay. Jarmalka, mar kale waddan awood badan in uu ka dhigi doono ayuu wacad ku mari jirey, goorta uu dadka u khudbeyn jirey. Sidoo kale waxa uu si caro leh ugu hadli jirey heshiiskii Versailes ee Jarmalka lagu dhabar jabiyay. Xisbigan waxa uu shaacbaxayaa ka dib 1921-dii, markii uu Hitler khudbad u jeediyo dadka gaaraya 2000 kun. Magacii hore ee xisbiga ayuu ka baddelayaa isaga oo siinaya magaca Nationalist-Socialist German Workers Party ama loo garan ogyahay Nazi Party. Calaamadda Swastika ayuu summad uga dhigayaa xisbigiisa.

Markii taariikhda dib loo raaco sumadani waxa ay u taagnaan jiray, barwaaqo iyo nabad. Hitler, waxa uu sheegan jirey in uu asiga ahaa cidda hindistay calanka xisbigiisa. Waxa uu sidoo kale sheegi jirey, qaybta guduudka ama casaanka in ay u taagan tahay ujeeddo Hantiwadaag, caddaankana ay ka dhigan tahay qarannimo iyo calaamadda Swastika oo guud ahaan u taagan yididiiladda dadka reer Jarmal.

Xisbi walba si uu aragtiyihiisa dadka ugu gado, waa in uu sameystaa wargeys ay ku faafiyaan farrimahooda. Xisbigii Nazi-ga waxaa ay lahaayeen wargeys lagu magacaabo Volkischer Beobachter/ People’s Observer. Waxa uu wargeys lagu faafin jirey aragtiyo Yahuud-nacayb ah, Khudbado, calamo iyo heestii ahayd “Germany Awaken” ayay dareenka dadka reer Jarmal ku soo jiidan jireen.

Dabcan xalqada kowaad waxa ay gudbinaysaa taariikh intan ka ballaaran, laakiin ujeedkaygu waxa uu ahaa, kaliya inaan kula wadaago dhacdooyinka ugu waaweynaa ay xalqada koowaad tooshka ku iftiimisey.

_______________________________________________________________________

1: Nuremberg= waa caasimadda labaad ee ugu weyn gobolka Bavaria. Waana meeshii uu ka dhacay xukunkii lagu qaaday Xukuumaddii Hitler.

2: William L. Shirer= waa saxafi mareykan ah, kaas oo uu ku caanbaxay tabinta wararka dagaaladda.

3: Hermann Göring/ goering= waa siyaasi Jarmal ah iyo Hogaamiye millitari. Waxaa uu ka mid ahaa raggii ugu awoodda badnaa ee xisbiga Nazi-ga.

4: Joseph Goebells= waa siyaasi Jarmal ah, kaas oo xilligii Hitler ahaa madaxa dacaayadda ee xiabigii Nazi.

5: Opera= waa nooc ka mid ah heesaha lagu soo bandhigo Tiyaatarka.

6: Richard Wagner= waxa uu ahaa Muusigiiste Jarmal ah. Qarnigii 19aad ayuu caan ka ahaa fan-masraxeedka loo yaqaano Opera.

7: Weimar Republic= waa magacii loo yaqiin xukuumaddii jarmalka ka talinaysay inta u dhaxeysay 1918 illaa 1933.

8: Versailles treaty= waa heshiis nabadeed la saxiixey 28-dii June 1919-kii. Waxa uu na sidoo kale ahaa heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii koowaad ee dunida.

9: Anton drexler= waa siyaasi Jarmal ah, kaas oo ahaa asaasihii xisbigii German Worker’s Party. Sidoo kale waa macallinkii siyaasadda ee Adolf Hitler.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *