Suugaanta codka qaxootiga: Khaalid Xusayni.

Suugaanta codka qaxootiga: Khaalid Xusayni.

W/Q; Maxamed D. Ciise

Khaalid waxa uu ku dhashay Afgaanistaan, Kaabuul, sannadkii 1965-kii. Aabbihii waxa uu ahaa dibloomaasi halka ay hooyadiinna bare ka ahayd dugsiga sare. Hooyadii waxay u dhuundalooshay suugaanta Beershiyaanka, taasina waxay Khaalid siisay fursad uu caruurnimadiisa ku lexjeclaado tixda kalaasikaalka ah ee Beershiyaanka. Waxa uu daawan jiray shineemada Hindida iyo waxqabadyada Mareekanka oo taasi waxay qaabaysay humaaggiisa khiyaaliga ah ee sheekoqorista. Waxa uu sida oo kale akhrin jiray sheekofaneedyada caalamiga ah ka dib marka la tarjumo. Akhrinta gabayada kalaasikaalka ah ee Beershiyaanka, daawashada shineemada iyo waliba danayntiisa sheekofaneedyada afnaqan waxa uu billowgiisaba ka dhex helay naftiisa, taasina waxa ay ku abuurtay iskuday waxqoris gaar ahaan qorista sheekogaabanta oo uu ku qori jiray afka bulshadiisa. Horraantii siddeetameeyadii ayay qoyskiisu ka socdaaleen Afgaanistaan ka dib taliskii galistii taliska Soofiyeetka, oo Aabbihii ayaa codsi uu u dirsaday safaaradda Maraykanka ku helay badbaado. Labo toddobaadba markii uu joogay gobalka Kalafoorniya waxa uu fursad u helay dugsi dadwayne in uu waxbarasho caafimaad ka helo. Billowgaan cusub waxa uu dhib ka mutay dhaqannada ka la jaadadka duwan, afka ku cusub iyo waliba nolosha qaxootiga. 

Shaqooyin suugaaneedyadiisa badankood markii dib loo jalleeco waxaa laga dhex arki karaa mid kasta hayaankiisa nololeed iyo tabyadiisa dhallaannimo. Iskudayadiisii waxqoritaan ee uu soo billaabay caruurnimadiisii iyo kalgacalkii uu u hayay suugaanta ayaa qaabeeyay go’aankiisa u go’idda waxqorista gaar ahaan sheekofaneedda. Isaga oo ka baxay kulliyadda caafimaadka ayuu haddana u go’ay Khaalid in uu adeegsado mikrafoonka suugaanta si uu uga hadlo arrimo bulsho, uguna hadlo bulsho dhibban misana uu la hadlo bulshada caalamka. Suugaanyahanku waa kan laga dhex arki karo shaqooyin suugaaneeddiisa: dhaqamada, afka, iyo haybtiisa bulsheed. Khaalid isaga oo ka hawlgalaayo habeenkii isbitaal ayuu haddana shaqadiisa kudhex wadi jiray qorista iyo khiyaalaynta sheeko, sidaasna waxaa ku dhalatay sheekadiisii u horraysay “The Kite Runner”. 

Indhaha kolka la la raaco sadarrada sheekofaneeddiisa koowaad-‘The Kite Runner’ waxa uu qofku u malaynayaa inay tahay sooyaal dhab ah oo ku saabsan Khaalid Xusayni. Sheekadu waxay dhabba’abbaaraysaa wiil sheekofaneedda qora oo ku nool Kalafoorniya misana go’aansanaayo in uu ku laabto Kaabuul. Waxqabadka sheekofaneeddaani waxa uu Khaalid ku soo bandhigayaa tabyadiisa dhallaannimo, kalgacalka uu u haayo caasimaddiisii iyo waliba hayaankiisii qaxootiga. Sheekadu waxay akhristaha dhexgaynaysaa suuqyada, guryaha, habnololeedka Kaabuul. Waxa ay sida oo kale akhristaha dhexgaynaysaa qaxootiga iyo dhibtaada ay la kulanto nafta soogalootiga ah. Sheekadu waxay noqotay durbaba waxqabad ay akhritayaashu daneeyaan, waxaynna ku guulaysatay abaalmarinno waawayn iyo mudnaansiin goonni ah.

Waxqabadyadiisa qoraal marka loo kuurgalo waxa uu akhristuhu arkayaa qoraa ku dhex safraayo erayadiisa oo u adeegsanaayo in uu dib ugu noqdo waayo tagay, caasimad uu dhallaannimadiisii kudhex ordi jiray misana tabyo daran u haayo dhulkiisa. Caruurnimadiisa sheekofaneedyada uu qori jiray waxa uu ku la hadli jiray bulshadiisa mana dhaafi jirin caruurta saaxiibbadii ah bal se hadda waxa uu ka hadlaa bulshadiisa isaga oo waxkuqoro af ummad badni fahmi karto. Sadar walba waxa uu ku gudbayaa xuduud kasta isaga oo indhaha bulshooyinka ku soo jeedinaayo xuduudka Afgaanistaan iyo dhacdooyinka talisyada isbaddelay dhowrka jeer ay ka dhexgaystaan caasimadda iyo luuq kasta. Sida uu kaga soo socdaalay jidhkiisu Afgaanistaan kagama aysan soo socdaalin ruuxdiisu oo wali baaqi bay ku tahay, waxa uu akhristaha waxqabadyada Khaalid ka dhex arkayaa ruux iyo jidh ka la siibtay. 

Suugaanyahanku waa kan haddii uu jidhkiisu ka socdaallo dhulkii bulshadiisa aanay ruuxdiisu joojin dhabsheegga iyo waxkadhidda arrimaha ka iftiinsan dhulkii uu jidhku ka soo fogaaday. Jidhka Khaalid iyo kuwa kale oo suugaanyahanno caalami ahba way ka socdaaleen dhulkooda bal se ruuxdooda hoose ayaa ka biyodiidday oo ku negaatay daltabyo daran taasina waxay ku dhalisay inay wax ka dhahaan: dhabta, dhimaalka bulsho, iyo waxkasta iyaga oo adeegsanaayo suugaanta marna u adeegsanaayo mikrafoon marna u adeegsanaayo hub ay ku dagaal waa halkii uu ka lahaa sheekocuriye Chinua Achebe; “hubkaygu waa suugaanta”. Sida Nuuradiin kaga socdaalay dhulka Soomaaliyeed ee aannu ruuxdiisu marna joojin ka warramidda qofka Soomaaliga ah iyo dhulka ayaa ah tusaalaha ugu xooggan.

Suugaan tiraabeedda Khaalid waxay midkasta ku gaynaysaa Kaabuul iyo talisyadii ka la jaadadka duwnaa waxayna dhacdo kasta ka warramaysaa xanuun iyo farxad ciidda iyo qofka Afgaaniga ahi la kulmayaan. Waxa uu sadarradiisa ku dhexgaynayaan taliska Daalibaan iyo siday u la dhaqamayaan dumarka iyo xoriyaddooda. Waxa ay suugaantiisu la gaar ahaatay xanuunka iyo shakhsiyadaha kudhex silicsan sadarradiisa, sadar kastana waxa uu akhristuhu dhextagayaa suuqyada iyo luuqyada Kaabuul. 

Khaalid Xusayni kaliya ku ma ekaanin in uu waxqoro oo sidaas kaga warramo ama ku caawiyo nafaha qaxootiga ah ee ku dhibban gudaha dalkiisa ama kuwa ku dhibban dibadda ee waxa uu ka shaqo billaabay hay’adaha samafalka oo waxa uu waqti badan ku bixiyay u hadlidda iyo u gargaarista qaxootiga. Isaga oo ka warramaayo arrimaha uu ka shaqeeyo ee samafalka ayuu uga xogwarramay Al Jasiira oo uu yidhi: “Anigu qaxooti ayaan noqday. Kaliya labo toddobaad markii aan joogay Kalafoorinyaa waxa aan fursad u helay waxbarasho inaan tago. Waxaa jiro malaayiin aanan haysan nolol, raadinaayo shaqo, cunto iyo waliba waxbarasho. Waxaa jiro malaayiin caruur ah oo ku sugan Afgaanistaan iyo Ciraaq oo aan haysan waxbarasho….” Ruuxdiisa gudeed waxa ay isku taagtay inay ka warranto dhibka qaxootiga oo uu cod u noqdo misana si xirfadeedna ugu gargaaro oo uu ka shaqeeyo samafalka. Isaga iyo qalinkiisuba waxay mudan yihiin oo waqti iyo dedaal dheerba galiyaan ka warramidda xanuunka bulsho ee ka dhex jiro dhul ka mid meeraha. 

Dhammaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *