
Hadyad.
W\Q: Farxiya-halgan
Mar kaste oo aan muraayadan isku eego, waxaan arkaa sida aanu u fool xunahay! Ma dhabaa, ma sidan ayaannu u nahay dad liita? Maankayga kama baxdo waydiintaasi. Fanku, waa dhalo layska daawado, waa muraayad si gaar ah iyo si guud ba laysaga arko. Wuxuu qeexaa umaddiisa, dhaqankeeda, diinteeda, siyaasadeedda, taariikhdeeda, aqoonteeda, ilbaxnimadeeda, farshaxkeeda, aftahanimadeeda, halgankeeda iyo halabuurkeeda. Dabadeed, qofkiisa ayuu qeexaa, wuxuu dhigdhigaa fikirkiisa, anshixiisa, garashadiisa, dadnimadiisa, waayihiisa, hirdankiisa iyo gobbanimadiisa dhaladka ah. Wuxuu furfuraa duunkiisa hoose, oo meel aan ishu gaadhin ayuu dareeno qotodheer kaga soo dhuraa sugaan dhilan oo farshaxan afeed lagu tolay. Fanku, waa astaanta xorniyadda. Waa afka saboolka, waa garabka dulmanaha. Sidaas oo ay tahay, halabuur aan xor ahayn ayaa fankeenna dhooqeeya, waxaay ubaxaa xariirta ah ku waraabiyaan biyo uskag ah oo laga soo dhuray webiyada dulmiga, eexda iyo faquuqa aadanaha badhkood, markaas ayuu sidii bulaacad soo kamkamaa, udugii lagu ilwaadsan jiray. Waxaad moodaa in ay ku heshiiyeen quudhsiga garashada dhediga iyo walaxaynta naagnimada. Dhan walba hees, gabay, maahmaah, riwaayad, murti iyo hidde umaddeed ba. Waxaa buuxa wax laga wiswiso oo dumarnimada lagu yaso. Bulshada ayaa sidaas u qaabaysan, waa bulsho labbeed samaha oo dhan labka siisa, xumaha oo dhana dhediga u daysay. Labku waa sifaha awooda, garashada, dadnimada, gobbanimada iyo geesinimada. Dhediguna, waa sifaha intaas lidkeeda.
‘Waxaan ahay bila’aaddam- sidaada oo kale, waxaan ahay gabadh. Igu caawi rumaynta waxa aan karo, kaliya wax aan ahay’ mar kaste oo aan dhagaysto heesta “one day at a time” ee ay qaado fanaanada Meriam Berlina, waxaan dib u xasuustaa habeenkii aad igu tidhi ” ragganimadu maaha ismoodsiiska labeed ee wax walba adayga iyo awooda ku doona, maaha bixinta maalka, maaha amarka dumarka, maaha anaaniyada kali jiraalka ah, haddii ay dadka qaar u tahay na, aniga sidaas iima ah. Gacaliso, ragganimadu waa in labku ku qanco ahaanshiyihiisa basharnimo, oo iska furfuro xadhkaha boqornimo ee bulshadu ku seetaysay. Waa in aanu iska dhigin malaa’iig Ilaahay u soo diray hanuuninta iyo hagida dumarka, oo garaad iyo garasho hoggaamineed dheer, ee uu ku qanco in aad tihiin iinsaan aanu nolol waddaagno. Waxaynu nahay bila’aaddam, waxaa inagga dhaxaysa nolol. Waa nolol horteen jirtay, midkeenna khibrad iyo garasho lagu waajaho lama dhalan, qoloba si bay la noqotay, si deegaankii ay ku noolaayeen laga dheegay. Haddii kuwii naga horeeyay ay la noqotay in garaadku labka ku kali yahay, taasi maaha caqli la subcin karo. Maxaynu taariikhda ka baranay? Ma adka, waxaynu baranay in aan quudhsiga basharka lib lagu helin!” Sidii dhay qabow oo kal oomani dhowr cantuugo si-boobsiis ah isugu hubsatay, ayay erayadani qalbigayga u qaboojiyaan, waxaad tahay jaadgooni naftii jamataa ayna ka xiiso dhicin. Waxaad tahay bashar qaayaha dadnimada yaqaana, waxaa la sheegaa in dumarku jecel yihiin ninka qiimahooda yaqaana. Anigu taas ma hubo, maxaa yeelay, ma jecli ninka dumarka qiimeeya! Dhab ahaantii, ma jirto fool xumo ka weyn in basharka loo yeelo qiimo gooya.
Waxaad tahay asal dhalad ah, qof kaste oo ku jaleeca eegmada u horaysa ayuu garanayaa in aad Soomaali tahay. Waxaad tahay nin dhuuban oo sidii nin Soomaaliyeed lagu yaqaanay aad moodo in aanu dhawr sanno wax cunin, dibnaha yaryar ee ilkaha cas daaha looga dhigay marka aad furto, dadku waa in qosal la rafata iyo in si hamuum leh u dhagaysata sheekadaada. Waxaad tahay sheeko yaqaan kaftankiisa loo busaylo. Indhaha waaweyn ee sidii guluub cas oo lagu xidhay goob lammaanayaasha loogu talogalay wajigaaga u nuuriya, waa farshaxanka ugu mudan ee aan u muhdo daawashadooda, gamcahaaga dhuudhuuban ee xaadu garaaryaha u yeesho iyo shaarubaha miiqmiiqan ee bishintaada sarre qariya, waa halabuurkii ugu qurux badnaa ee ishaydu qabato. Waxaad tahay nin dareenka curin og oo hadalka helid og. Waxaad xariif ku tahay xadantayda dareenkayga, gacantaadu taabasho og halka aan la rabo, afkaagunna si fiican ayuu u yaqaan erayada kashayda gilgila. Waad isku kalsoon tahay, si wanaagsan ayaad u taqaan kala duwanaanshaha u dhaxeeya isku kalsoonaanta iyo isla waynida. Kama khajishid in aad shilimaad i waydiisato maalinka aan ku jeeb dhaamo, sida aan aniguba falo, waxaad aaminsantahay in qofku halka uu ku dhigto la dhigto, in aad qof wax waydiisatana gacalsi iyo xigsasho ayay kuu tahay. Dadka ma quudhsatid, waad se qadarisaa oo ku ixtiraamtaa waxa aad ku kala duwanaataan. Ma tihid qof ka dida aragtiyaha ku lidka ah oo aan xayntiisa ka dhex bixi karin, waxaad tahay qof maanfuran oo gacaltooyo badan. Iskuma hawshid qancinta dadka, uma aragtid arrin muhim ah waxa dadku kaa odhanayo, waxaad aaminsantahay in dadku xor u yahay sida uu kuu arkayo, adigunna aad xor u tahay sida aad naftaada u qeexayso. Ragganimada uma taqaanid feedho waaweyn iyo suudhadh laysku giijiyo, sidaada ayaad ku qanacsan tahay. Inkaste oo aad mushaar yar ku shaqayso, uma taqaanid in wax kaa maqan yihiin marka aad koob bun ah iyo midh sigaar ah isla hesho. Heesuhu waa kuu wehel, dhawr jeer ayaad igu tidhi “ma jirto hees kalgacal oo ka mug weyn Hud-Hud oo fankeenna ku jirta!” waxaa kugu jirta ruux fan. Maya, adiga ayaaba fan ah.
Waan jeclahay sida aad u labisato, had iyo gooraale, waxaad xidhataa surwaal jeemis ah oo buluug ah, kabo buudh ah oo maddow iyo funaanad qoor-dheere ah oo maddow. Inkaste oo aadan ku tasxiibsan, haddana, tusbax maddow gacntaada lagama waayo, qayb xaragada ka mid ah ayaad u taqaan in qofku faro-laab sito, in aadan bakoorad qaadan karina, waa sababta aad tusbaxa u sidato. Dadku way kula yaabaan markaad tidhaahdo “tusbuxu waa xarago” oo waxaay ku taliyaan in aad buugg ku baddesho, laakiin, aad baad uga xishootaa in aad buugg xarago ahaan u qaadato, waxaad u taqaan in aad maamuuskii buugga lahaa meel uga dhacday. Ma tagtid meheraddaha qaaliga ah ee lagu caweeyo, waxaad u taqaan meel dad dhargay ku dibiro-dhacsadaan oo fanka sheekaysigu ka maqan yahay, mar kaste oo aad soo baxdo, dhanna uma dhaaftid maqaaxida Caasha-kiin, sababo badan ayaad meheraddan ku jeceshahay, shaaheeda caleenta, sonkorta iyo xawaashka ba si qiyaasan loogu daray ee dhadhankiisu aanu goska ka go’in, saaxiibadaada aad sida haleelka ah ugu kullantaan iyo iftiinka oo ku yar habeenkii ayaa u mudan. Anigu ba, waan jeclahay meheradda Caasha-kiin, in aan kugula caweeyo aad baan u jeclaan lahaa, laakiin, nasiib kaa ma lihi. Maxaa yeelay, nin ma ihi! Mar kaste oo aan guriga ka soo baxo, waxaan ku qasbanahay in aan tago goob buuq badan oo laydhadh badan oo aad moodo in tuug mooyee aan qof wax isku falaya iman oo meel walba kamarad ka laalaado, meel shaax bilaa xawaash ah oo caleentu ku yar tahay oo aad moodo caano la karkariyay hal doolar lagaa qaadayo, meel dadku marka ay qoslayaan ayna gacanta afka saarin oo marka ay hadlayaan ayna codka hoos u dhigin ee sidii dad waalwaalan u sheekaystaan, meel qof kaste oo caan ah loogu sarre-kaco oo aad mooda in salaantiisa ajar laga korodhsado.
Dumar badan ayaa heesa, fanaanniin badan oo fanka la soo jabhadaysay oo maalmo adag kala soo gudubtay ayaa jira. Xalliimo Khaliif Magool ayaa tusaale u ah, waxaay Gaalkacayo uga soo hayaantay oo Hargaysa u saldhigatay si ay u heesto, fanku isaga ayaa qofka hoggaamiya oo meesha uu gacalkiisu joogo hagaag u geeya, taas ayay Xalliimo iyo fanaanniintii kale ee ka soo hayaantay deegaankii ay ku dhasheen ba caddayn buuxda u yihiin. Heeso badan ayaa kalgacalka iyo laabta uu dagay si dareen taabad leh looga curiyay, ragg iyo dumarba, si weyn ayaa arrintaas looga heesay. Ha yeeshee, mar walba labka ayaa hadlayey oo gabadha kaalinteedu soo gudbin ayuun bay ahayd, way jiraan heeso dumar curiyay oo aad u tiro yar, waxaa ka mid ah heesta ay qaado Farxiya-Fiska ee ‘Dareen caashaq” oo erayada iyo laxankaba ay iyaddu leedahay, waa midka ka mid heesaha loogu jecel yahay fankeeda ee ugu dareenka fog. Waxaan taas u sababayn karaa labbo arrin, kow; in eraydu ay kal dhedig ka soo go’een iyo in ay gabadhaasi dareenkeeda ka warramayso. Ma jirto cid qofka kaga wanaagsan cabirida dareenkiisa, sidaas si la mid ah, jinsi waliba isagga ayaa sida ugu xeesha fog u sheegan yaqaana dareenkiisa, waa sababta heesaha yar ee dumarku allifeen uga dhadhan macaan yihiin heesaha labku curiyay ee dumarku qaadaan. Raggu, maadaama uu isaggu lahaa kaalinta curinta, waxa uu dumarka u sawiray sidii uu u arkayey gabadha ama bulshaduba u arkaysay. Waxa uu ku sheegay, noole garaad yar oo aan lahayn garasho ballan ay qaado ay ku fuliso, qof been badan oo aan hal xalaal ah aqoon oo kun nin haasaawin karta, qof dhuuni raac ah oo kolba kii jeeb qoyan la jirta, qof ay tahay in loo taliyo oo aan tashan karin. Wuxuu sawiray shikhsiyad aad u fool xun oo kolka aad aragto aad ka argagaxayso wax dhaqan xumo ku dhan. Waxaa jirta hees aad u qaayo weyn oo arrintaas ka baddebaaday, inkaste oo aanan helayn ciddii erayda curisay, waxaay si weyn heestu u sawiraysaa kal dhedig oo kalgacal weyni sidii roob mahiigaan ah u miray, oo dabadeed, calcalyo dareen ah burqanaysa. Heestaas, ayaan caawa hadyad kuu siinayaa inaabti.
“Baxnaanada naftaadiyo
Beer nugal aan kuu qabo
Boga laabta mooyee,
Barkin kuguma seexsheen”
Khadra Maxamed Muxumad oo la yaqaano, Khadra Cabdi Sinimo, (Cabdi Sinimo waa naanays Khadra aabbaheed yaraantiisii u baxday) waxaay ii tahay fanaannada labbaad ee cod dumar ku heesta, mar kaste oo aan maqlo hees ay ku luuqaynayso, waxaan dareemaa in gabadhi ay ila hadlayso oo darafyada nolosha- si gaar ah na, jacaylka iyo waayihiisa wax iiga sheegayso. Waa hoobbalad kalgacku si uu mudan yahay ugu heesta, iyabba taas way og tahay oo tii ina tidhi ” annaa caashaqa u heesa, amaanoo had iyo goorba, ka jira nacabkii u heelan, dhibtiyo hagar daamadiisa”. Qabowga barkinta iyo kalinimadeeda kuuma quudheen ee sida ay Khadra sheegtay, ayaan bogayga ku jecel kuu gogli lahaa oo buste kaaga dhigi lahaa kalgacal aan gu’ iyo jiilaal aqoon ee aragtidaada ku darara oo la joogaaga ku burqada. Dhegahaagu eray ay saluugaan waan ka dhawri lahaa oo sidii boqor in aad raaxo bogato ayaan ballan kuugu mari laa, haddii aad ila bogato oo sida uu iigu weyn yahay uu laabtaada u dagonna, waxaad tahay badhkaygii, ee waagii dilaacaba abshir ayaan ku bariisan lahaa oo dunidda cidd iga farxad badan ma joogteen.
“Aduunkana baliyo khayr
Waayaha basaasiyo
Barwaaqadiyo samahaba
Barbarkaaga waligay
Berri kama maqnaadeen
Oo kuma baylahsheenoo
Cidlo kuma badeen abid”.
“Waxaan isku dayayaa in aan si joogto ah ula xidhiidho, wax aan lala xidhiidhi karin, sharaxo wax aan la sharixi karin, wax aan dhuuxa hoose ee lafahayga ka dareemo, kaliya duunkayga hoose og yahay” way adagtahay in uu qofku qeexo kalgacalka uu u qabo qof bogiisa dagay oo nafta la yeeshay, sidaas ayuu Kafka ina leeyahay. Midkeenna maqaadiirta maqanta waxa kama oga, mid baan se kuu hubaa; waa in kalgacal asal aan is-doorin yahay, waayuhu se maalinba cayn yihiin. Qofku haddii uu waayo adag la kullmo oo uu xanuunsado, ama wax-waayo ama si kale ba walbahaar aduun uu u haleelo, miyuu naftiisa ka tagi karaa oo nici karaa? Sidaas ayaad ii tahay oo mar walba badhkaygii ayaad tahay. Heesta ‘Beer nugal ” ee ay Khadra Cabdi qaado, waa hadyadaydii ee nafta ku sab, si waliba adoo wacan.
