Soomaaliya: Dal leh qurux daahsoon, se dadku mooganyihiin

W/Q: Maryan Aadan Isxaaq

Arar

Mowduucaani waxa uu si gaar ah u baaraya, una tilmaamayaa jasiiradaha Soomaalidu ay leedahay oo laga yaabo dad badani ineysanba garaneynin amaba ayasan ka heynin xog buuxda.  sidaa darteed, ujeedka ugu weyni ee mowduucan uu xambaarsahayna waa soo bandhigista Soomaaliyada aan inta badan laga warramin.

JASIIRADDA SACAADADIIN

Jasiiradda sacaadadin ama sa’ad diin island, waa jasiirad ku dhex taala biyaha gacanka cadmeed ee “badda Cas” taasi oo 7km ujirta megaala xeebeedka taariihkiga ah ee saylac. Jasiiradda sacadadiin waa mid aad ubalaadhan oo lagu qiyaasey iney ku fadhido bad dhan 12km oo isku wareeg ah. Juqraafi ahaan, jasiiraddaan waxay dhacdaa Waqooyi-Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Awdal. Jasiiradda waxa loogu magac-daray boqor la odhan jiray Maxamed Sacaadadiin oo xukumayey magaalada Saylac wakhtiyadii dawladii Cismaaniyiinta. Jasiiradani  wuxuu Ilaahay ku mannaystay qurux dabiici ah oo aanay indhuhu marnba ka xiiso goynayn/dhaceyniin. Sido kale jasiiradan waxaa ku yaalo geedo aad uwaaweyn oo badanaa aanan ka bixin degaanada kale ee Soomaalida, waaxaana lagu magacaabaa QANDAL .

JASIIRADDAHA BAJUNI

Jasiiradaha Baajuuni, waxaa sidoo kale loo yaqaanaa TIKULU. waa koox jasiirado xiriirsan kuwaas oo ku yaala koonfurta soomaaliya, waxayna udhaxeeyaan magaalooyinka kismaayo iyo Raas kambooni. Jasiiradaha Baajuuni waa jasiirado qadiimi ah, waxaa berigii hore deganaan jiray boqortooyadii “Ajuuraan” taasoo katalin jirtay Koonfurta Soomaaliya, haddase waxaa inta badan lasoo wariyaa in ay dad saas ubadan aysan kunoolayn. Tiraba toddobo jasiiradood ayaa la isku yiraahdaa JASIIRADAHA BAAJUUNI ,waxayna kala yihiin: CHANDRA, CHULA, CHUVAYE, KOYAMA, DARAKASI, PUNCH.

Mid kamida jasiiradaha hoos yimaada jasiiradaha Baajuuni la isku yiraahdo waa KOYAMA.

Juquraafi ahaan waxay dhacdaa Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Jubbada hoose. Sidoo kale waxa ay 45KM ujirtaa magaalada kismaayo. Waana  jasiiradda labaad ee ugu weyn jasiiradaha la isku yiraahdo Baajuni. Dherarka jasiiradda waxaa lagu qiyaasaa inay tahay 5.3KM, halka ballaceeduna lagu qiyaaso 2KM.

JASIIRADDA JUULA

Jasiiradda juula waxa ay kamid tahay jasiiradaha la isku yiraahdo Bajuni, waa jasiirad ku taal koonfurta Soomaaliya ee magaalada Kismaayo, waa jasiirad qadiimi ah taasoo ku dhowaad afar qarni lagu noolayahay, sanad ahaan waxaa lagu qiyaasaa iney jirto 426sano. Jasiiraddani waxay leedahay dhismooyin qadiimi ah, kuwaasi oo raadad kooda ilaa iyo haddaba muuqdo.

Dadka jasiiraddani kunool tiradoodu waxaa lasheegaa inay tahay ku dhowaad labo boqol  oo qoys. Dadkani inta badan noloshooda waxay ku tiirsan tahay , badda iyo barrigaba , taasi oo micnaheedu tahay, dadkani inay yihiin dad beeralay iyo kalluumaysatoba isugu jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *