W/Q: Cabdifataax Shureym
SAHAY
Waxaan akhriskiisa dhammeeyay anigoo sii jecel inaan sii wado, balse waxa i soo celiyay boggii dambe ee buugga oo muujinayay dhammaadkiisa.
Buugta ku saabsan dhaqaalaha aad ayaan u xiiseeyaa. Runtii, buugtii hore ee aan horay u arkay ee ka sheekeynayay dhaqaalaha wuu ka duwanaa midkan. Buuggani wuxuu isku xiraa dhaqaalaha iyo dhinaca diinta, isagoo sharaxaad ka bixinaya waxa dhaqaalaha yahay iyo sida uu ku kobco.
Nasiib darro, buugtii hore ee aan ka akhriyay dhaqaalaha badankooda ma ahayn kuwo ay qoreen dad awood u leh in ay ku xiraan dhinaca diinta.
Buuggan waxaa qoray Islaam Jamaal, waxaana soo tarjumay Nuux Faarax (Nuux Qaradaawi). Waa buugga labaad ee aan ka akhriyo qoraagan, runtii waa qoraa leh xirfad sare oo hab qoraalkiisa aan lagu caajisin.
Buugga qaybihiisa hore wuxuu ibo-fur u yahay fahamka “SUHDIGA” iyo waxa uu yahay, isagoo meesha ka saaraya fahamka qaldan ee laga qaatay Suhdiga. Si aan iskula fahanno, qoraaga Suhdiga waxa uu ku tilmaamay: “In ay tahay shaqo qalbiga laga qabto, waa cibaado qalbiyeed, ee ma ahan mid muuqaal iyo xoolaha xiriir la leh.”
Qoraaga waxa uu ku dadaalayaa in ay ummadda si wadajir ah u fahmaan waxa Suhdiga uu yahay, waxa uuna tusaale u soo qaadanayaa Sufyaan Al-Thawri oo ahaa imaam saahid ah, culimadii Islaamka ugu waaweynaa sharaf iyo aqoon ahaanba. Wuxuu ahaa culimo cibaado badan, habeenkiina salaadda u toosa. Mid ka mid ah ardaydiisa ayaa yiri: “Waxaan arkay Sufyaan oo Kacbada agteeda ku tukanaya salaaddii Maqrib, kadibna wuxuu galay sujuud dheer oo aan madaxa kor u qaadin ilaa laga addimay salaaddii Cishaha.”
Hase yeeshee, Sufyaan wuxuu ahaa mid hodan ah oo hantida badnaa xilligii uu noolaa. Dad qaar ayaa ku eedeeyay xoolo-badnidiisa, iyagoo leh: “Suhdi iyo xoolo badan meel ma wada galaan,” taas oo ay ula jeedaan in cibaado badan iyo hanti badani aysan is waafaqsaneyn. Sufyaan wuxuu yiri: “Aamus, haddii aan sabool ahaan lahayn, boqorrada ayaa na gumeysan lahaa.”
Wuxuu sidoo kale yiri: “Suhdigu ma ahan cunidda wax adag iyo xirashadiisa, ee waa in adduunyadu gacantaada ku jirto oo aysan u dhaadhicin qalbigaaga, adiga oo aan u aabbe yeelaynin haddii aad hesho iyo haddii aad waayaba.”
Si kooban, Suhdiga (cibaado badnida) iyo hantida meel way wada geli karaan haddii qofka uu maalkiisa ku fitnaynin.
Qoraaga waxa uu usii gudbayaa in uu naga kala tuso hantiilayaasha hadda jooga iyo kuwii xilligii saxaabada jiray. Waxa uu u kala bixiyay laba magac:
- Hantiilayaasha Jannada – kuwaas oo ahaa saxaabadii hantida lahaa.
- Hantiilayaasha Dunida – kuwaas oo ah dadka maanta dunida ugu hantida badan.
Fikirkeyga gaaban markaan ku cabbiray labadaas ciwaan ee uu hantiilayaasha u kala bixiyay, waxay ila noqotay in saxaabadii hantidooda hormarsadeen. Iyagoo hanti badan haysta ayay sadaqo bixin jireen si cajiib ah, aakhiradoodana horay u marsadeen. Halka kuwa hadda jira, oo uu tusaale u soo qaatay kuwa ugu hantida badan dunida, ay yihiin dad aan Muslim ahayn oo haddii aan Alle hanuunin, hantidooda ugu dambeyn uga tegaya dunida iyagoo waxba hormarsanin.
Ragga uu is barbardhigay waa kuwa labadaas waqti ugu cad-caddaa. Wuxuu noogu dhex tilmaamay duruus qiimo badan oo qofka Muslimka ah baraarujin siinaya.
Qoraaga waxa uu nala wadaagayaa cilmi-baarisyo dhowaan la sameeyay oo sheegaya dadka ugu hodansan, astaamaha ay leeyihiin, iyo sida ay ku kasbadeen lacagtaas. Waxa uu sidoo kale sharaxayaa sida lagu ogaan karo qofka hodanka ah. Waxaa laga yaabaa inaad si fudud uga fikirtid qofka hantida leh inuu yahay mid wata gaari qaali ah ama deggan guri qasri ah. Hase yeeshee, dhammaan fikradahaas cilmi-baarisyadaasi way burinayaan.
Ugu dambeyn, waxaa aad ii soo jiitay sheeko ku saabsan rag walaalo ah oo bartay cilmiga beeraha. Inkastoo ay ku adkeyd helitaanka quudka maalintooda, haddana waxay ku heshiiyeen in ay sameeyaan mashruuc beereed. Mid kasta wuxuu keenay wixii uu heli karo, waxayna ku maalgelin jireen si wadajir ah.
Alle wuxuu barakeeyay mashruucooda ganacsi, waxayna marba marka ka dambeysay uga sii tallaabsanayeen heerar cusub oo bulshada iyo deegaanka faa’iido u leh. Markii hore, hal beer ayay wada lahaayeen, balse markii dambe beero kala gaar ah ayay yeesheen. Markasta oo ay faa’iidaan, 10% ayay bulshada deegaankooda ugu celin jireen, ilaa ay markii dambe gaarsiiyeen 30%.
Tuulada ay ku noolaayeen ayay markastaba ugu dhisi jireen barnaamijyo kheyr ah sida xarumo caafimaad, ceelal, wadooyin, iyo jaamacado. Ugu dambeyn, waxay tuuladaas ugu sameeyeen bangi gaar ah oo taageera bulshada deegaankaas, sida agoonta, garoobada, iyo dhallinyarada guurdoonka ah.
Mashruucaas, oo laga sameeyay Masar, aad buu ii soo jiitay, waana mid mudan in lagu daydo.
Buuggan waxaad ka heli doontaa duruus aad noloshaada dambe ku mahadin doontid. SAHAY akhrintiisa kuma qasaari doontid.
