SIYAASI FAQRI AH IYO DHISMAHA DOWLADNIMADA

Qore. Mohamed A. Abdulle “Mohamed Daacad”

HORDHAC

Dowladnimo waa hannaan nidaamsan oo lagu hago bulsho, laguna maamulo arrimaheeda iyadoo loo marayo sharciyo, hay’ado iyo hoggaan siyaasadeed oo masuuliyad leh. Hoggaamiye siyaasadeed oo aqoon leh, khibrad u leh maamul, isla markaana leh aragti siyaasadeed oo fog, wuxuu laf-dhabar u yahay dhismaha dowladnimo xooggan oo waarta.

Haddaba, marka hoggaanka siyaasadeed uu noqdo mid “faqri ah” – micnaha halkaan ku xusan – oo ka kooban aqoon la’aan, cilmi xumo, khibrad darro, daacad la’aan iyo aragti la’aan, wuxuu si toos ah u dhaawacayaa hannaanka dowladeed. Marka laga hadlayo Siyaasiga faqriga ah, ma ahan hanti la’aan ama baahi nololeed, balse waa maskax-faqri siyaasadeed oo ka dhashay tayo-darro ku aaddan hoggaaminta qaranka.

1. ASTAAMAHA SIYAASIGA FAQRIGA AH

1.1 Aqoon La’aan Siyaasadeed

Siyaasiga aan lahayn faham ku saabsan hannaanka siyaasadeed, maamulka dowladeed, iyo sharciyadda qaran, wuxuu ku fashilmaa go’aan qaadasho sax ah iyo horumarinta danaha dadweynaha.

1.2 Cilmi La’aan Istiraatiijiyadeed

Hoggaan aan awoodin inuu dhiso aragti fog, qorshe qaran, iyo istiraatiijiyad horumarineed, wuxuu sababaa dowladnimo aan laheyn jihayn cad iyo himilo mustaqbal.

1.3 Khibrad La’aan Maamul

Waayo-aragnimada siyaasadeed iyo maamul waa laf-dhabarka hoggaanka. Siyaasi aan lahayn khibrad ku filan wuxuu sababa go’aanno is burinaya iyo jaangooyo aan la fahmi karin.

1.4 Daacad La’aan iyo Mas’uuliyad Xumo

Siyaasiga daacad darrada ah wuxuu danihiisa shaqsiyadeed ka hormariyaa kuwa shacabka. Tani waxay horseedaa musuqmaasuq, kalsooni-darro iyo kala shaki bulsho.

1.5 Aragti La’aan Qaran

Marka hoggaamiye aanu lahayn aragti iyo himilo qaran oo horumarsan, dowladdu waxay ku shaqeysaa xaalad degdeg ah, iyada oo aan lahayn yool iyo jihayn siyaasadeed.

1.6 Xirfad La’aan Hoggaamineed

Siyaasi aan lahayn xirfadaha lagama maarmaanka u ah isgaarsiinta, dhageysiga bulshada, iyo isu soo dhoweynta fikradaha kala duwan, wuxuu abuurayaa kala fogaansho shacabka iyo dowladnimada.

2. SAAMEYNTA SIYAASIGA FAQRIGA AH KU LEEYAHAY DHISMAHA DOWLADNIMADA

2.1 Burburka Kalsoonida Dadweynaha

Shacabka oo arka siyaasiyiin aan matali karin danahooda, waxay luminayaan kalsoonida nidaamka dowladeed, taasoo curyaamisa dowlad-dhisidda.

2.2 Musuqmaasuq Baahsan iyo Eex

Marka daacadnimadu yaraato, siyaasiga faqriga ahi wuxuu u janjeeraa inuu dhiso nidaam qaraabo-kiil ah, oo ku saleysan musuq iyo dano gaar ah, taasoo wiiqaysa hufnaanta dowladnimada.

2.3 Curyaaminta Hay’adaha Dowladeed

Hoggaan aan tayo lahayn wuxuu sababa in hay’adaha dowladdu noqdaan kuwo shaqeyn la’, madax-bannaani la’, iyo kuwa aan lahayn wax kalsooni ah oo bulsho.

2.4 Deganaansho La’aan Siyaasadeed

Siyaasiga liita wuxuu inta badan horseedaa khilaafaad siyaasadeed, xasillooni darro iyo kala qaybsanaan bulsho, kuwaasoo carqaladeeya dowlad-dhisidda iyo amniga qaranka.

2.5 Dib-u-dhac ku yimaada Adeegyada Dadweynaha

Hoggaan aan lahayn aqoon iyo aragti horumarsan wuxuu si toos ah u saameeyaa tayada adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo amniga.

GUNAANAD

Siyaasiga faqriga ahi waa khatar muuqata oo saameysa dhammaan tiirarka dowladnimo. Isaga oo aan lahayn aqoon, aragti, damiir, iyo khibrad, wuxuu wiiqaa kalsoonida shacabka, wuxuu curyaamiyaa hay’adaha dowladda, wuxuuna joojiyaa horumar qaran. Si dowladnimo dhab ah loo helo, waa in la helaa siyaasi karti, cilmi, iyo daacadnimo leh. Tani waa waddada keliya ee lagu xaqiijin karo dowladnimo waarta, horumarineed, iyo mid ay bulshada ku naaloon karto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *