Faallo: Buugga Jiraha Cusub

Waxaa qoray: Yuusuf Cabdifitaax

Buugga Jiraha Cusub waxa uu sanadkaan 2025 kusoo baxay Af-soomaali waxaana hore lagu daaabacay labo af. Luqaddii asalka lagu qoray ee Faransiiska iyo luqadda laga sii tarjumay ee Ingiriisiga ah. Waana buug ka kooban ilaa toban cutub iyo 184 bog.

Buuganiwaxa uu ka waramayaa  waayaha iyo jiritaanka shaqsiyadda ama qofka ku nool dalka Jabuuti, waxa uuna buugga cuskanayaa dood tilmaamaysa in samaysanka heybta iyo ahaanshiyaha qofkani si weyn ay isaga kaashadeen gumeystihii kusoo duulay geyigaas iyo sidoo kale nidaamka siyaasadeed ee dalkaas ka hana qaaday kadib gumeystaha.

Qoraaga si uu u darso shaqsiyaddaas, waxa uu  adeegsanayaa dhowr laamood oo ka mid ah  culuumta aadanaha  sida kasmonafeedda, taariikhda, siyaasadda iyo si guud cilmiga bulshada. Si faham buuxa looga qaato shaqsiyaddaas la dersayana waxa uu qoraaga hoosta ka xariiqayaa in la tixraaco oo wax badan laga ogaado aqoonyahannada kale ah Albert memmi kaa wax ka qora xiriirka ka dhaxeeya gumeystaha iyo  la gumeystaha. Sidoo kale kawaakibi oo aad wax uga qora kelitelisnimada iyo raadaadka ay bulshooyinka  ay kaga tagto. Waxa uuna tibaaxayaa qoraaga in si fudud lagu garan karo ahaanshiyahaas qofeed oo laga ogaan karo dowladaha  sii dhacaya  ama burburka qarka u saaran ee   la daala-dhacaya  maamul iyo dhaqaale xumo joogta ah.

Horhdhaca buugga waxa uu qoraaggu tilmaamayaa in labada awoodood  ee aan kor kusoo sheegnay sabab u noqdeen soo if baxa jiraha cusub ee yeeshay sifaad  iyo dabeecado laga tilmaami karo: waalli bareer ah, qulub sahlan, jirrooyin hor leh sida qaxootinnimada ama daltabyada. Waxa uuna qoraaggu sheegayaa sababta  ku keliftay in jirahaas uu ka hadlo ay tahay dhowr xaalad oo isbiirsaday bulshaduna ay si guud ula dhiban tahya. Waxaa xaaladahaas ugu mudan; Mowtulqaflada ama geerida kedisada ah oo bulshada ku baahsan xitaa qofka da’da dhexe ah, qaxa oo loo arkay xalka keliya ee lagu doonanayo nolol dhaanta  tan Jabbuuti ka jirta, xanuunnada nafsiga ah oo aad isusoo taraya marba marka ka dambeysa, xuquuqdii muwaadinnimo  aasaasiga ah oo meeshaba kasii baxaysa kuna soo koobmatay aqoonsiga waraaqaha  ah oo keliya iyo adeeg la’aan , iyo ugu dambayn in qofkaasi uu waayay tilmaam kasta lagu garan karo ama lagu qiimeeyo dadnimada caadiga ah.

Qoraagga waxaa uu isla qeybaha hore ee buugga ku sheegayaa astaamaha guud ee lagu garto jirahaas cusub in ay yihiin:

  • Wahsilow isma lure ah,
  • Ku caan baxay xatooyada iyo is daba-marinta xoolaha dadweynaha,
  • Ku dul nool qoyskiisa oo aanan isku filneen
  • Ma tashiishe aan xisaabtamin oo aan keydsiga aqoon
  • Qof dansan oo aan dhiiraneen, sidoo kalena waxna dhibin oo damqashadu ku yartahay
  • Umminnimo oo waa mid aan waxna qorin waxna aqrin
  • Eex ku noole.

Qoraaga waxa uu sii  raacinayaa sababaha doorka ka qaatay  ama  ugu  wacan fadhiidnimada noocaan oo laga xusi karo: sharci  iyo kala dambeyn la’aanka dhex jirta bulshada qeybaheeda kala duwan, dhaqanka bulsho oo ka caawinaya  jiraha in uu ahaado ku dul noole aan waxba qabsan Karin, sababtuna tahay  wanaaggii iyo caajiskii oo hal noqday. Sidoo kale hiddaha oo isna ka caawiya jebinta xeerarka shaqo iyo u hoggaansanaanta sharciga, aqoon darrada iyo jahligaoo baahsan, qabyaaladda/qabiilka oo uu ku taageera in uu jiraha ku tiirsanaado eexda iyo garab siinta , iyo isku filnaanshiyo la’aan  abadi ah.

Qoraagga waxa uu sheegayaa in fekradda buugga ay ku dhisantahay in la faaqido oo wax laga ogaado xiriirka jirahan cusub la leeyahay  laftiisa iyo dunida, waxaa uuna cutubyada kale ee buugga mid walba kusoo bandhigayaa  qoraagga sida xiriiradaas u qaabeeyaan jiraha. Xiriiradaas oo kala ah :

  • Goobta&Goorta : goorta oo uu kaga hadlaya xiriirka jiraha kala dhaxeeya mustaqbalka oo isugu jira: tagtada, taaganta iyo timaadada;  iyo weliba goobta oo uu kaga hadlaya xiriirka jiraha la leeyahay dalkiisa iyo dunida kale
  • Naftiisa&Qayrkiisa : waxa uu kaga hadlaya cilaaqadaha jiraha la leeyahay ahaanshiyihiisa qofeed iyo sidoo kale xiriirka dadweynaha ama bulshada uu la noolyahay.
  • Afka& Dhaqanka: waxa uu tilmaamayaa xiriirka ka dhaxeeya  jiraha iyo  afkiisa hooyo iyo weliba dhaqanka bulsho ee jirahaas uu ku dhex samaysmo.
  • Caqliga&Iimaanka :  waxa uu si qoto dheer u sharxayaa xiriirka jiraha kala dhaxeeya maangalka iyo sababeynta iyo sidoo kale arrimaha  diinta ku tacaluqa.

GOOBTA

Qoraagga waxaa uu cutubkan  ku sharxayaa Goobta oo uu juquraafi ahaan ku tilmaamaayo dalka iyo dunida kale. Waxa uuna ku  faaqidayaa xiriirka jiraha cusub kala dhaxeeya dalkiisa iyo qaabka uu ula falgallo isaga oo soo bandhigaya astaamaha jiraha uu leeyahay oo laga sheeggi karo; aqoonta taclimeed  ee jiruhu helo oo ah  mid  liidata ayaa keeneysa in  uusan ku qanacsaneen  aqoonsigiisa muwaadinnimo. Sidoo kale shantii shruud ee muwaadinnimadu ku taagneedna waa uu ka habowsanyahay oo jiruhu waxaa lagu yaqaanaa in uu yahay   mid aanan firfircooneen (dantiisa gaarka), aanan ilaalin deegaanka ee taas bedelkeeda wuxuu hormuud u yahay tayo dhaca deegaanka, xur uma ahan lahaanshihiisa, ficiladiisa, hantidiisa iyo fekerkiisaba, sidaa si lamid ahna ma lahan  wax qaddiyad uu u taaganyahay.

Waxaa uu sidoo kale qoraagga sheegayaa xiriirka  jiraha cusub uu la leeyahay dunida in uusan hagaagsaneen oo jiruhu  waa mid ku liita labada hab ee ugu habboon ee dunida lagula jaan qaado ; akhriska iyo safarka. Taa bedelkeedana wuxuu kula xiriiraa dunida  isticmaalka baraha bulshada oo keliya laga dheefo warar degdegga ah oo aan sugneen run ahaanshahooda  iyo wicidda qurbojoogta oo aan sawir buuxda ka siin karin caalamka iyo waxa ka socda.

GOORTA

Marka laga hadlaya Goorta oo uu qoraagga ula baxay Mustaqbalka , waxa uu tilmaamayaa in Jiruhu uu  ku caan baxay in taagantiisuaysan qorshe iyo ujeedo kusalaysneen sidoo kalana uusan lahayn baarandag taa oo loo aaneen karo daneyn la’aanta jirah uu ku waajahayo  waayihiisa nololeed  iyo in  uusan isku wareerin sidoo kalena ka walwal iyo walbahaar la’aado. Qoraagga waxa uu sheegayaa in jiraha cusub yahay  naftiisa ma yaqaane, kusii darsadayna karti xumo iyo jahli. Waxa uu  sidoo kale cadeynayaa in timaadada jiruhuay tahay mid maran oo qorshe iyo yoolba aan lahayn. Waxa uuna ku caan baxay jiraha cusub in rejada mustaqbalka uu ka qabo ay noqoto laba midkood; quus xad dhaaf ah iyo naawilaad dhalanteed ah oo aan fal la socon. Waxaana xiriirkaas uu sababay in jiruhu ahaado mid aan hore u socod ahayn  oo aan soo dhaafeynin  waayihiisa  tagtada, kana arradan oo jaahil ka ah naftiisa duleed ama gudeed ee jiritaanka mustaqbalka ka caawin lahayd.

AFKA

Qoraagga waxa uu si qoto dheer u falanqeynayaa jiraha cusub iyo xaaladdiisa ku aadan  fahamka iyo adeegsiga  luqqaddiisa hooyo  . Waxa uuna ku doodayaa qoraagga in jiruhu  qoraalka ka hor  ayba ku adag tahay  in uu si fudud  iskugu tacbiiriyo afkiisa hooyo, waxa uuna  farta ku fiiqayaa  in xididka aafadaas ay u laabaneyso waxbarshada gumeystayha oo ujeedkeedu marka horeba ahaa in la dhallaan-roggo dhaladka. Waxaa inbtaa dheer nidaamka iskullada dowladda oo iyana aanan lahayn qorshe iyo mashruuc lagu hormarinayo afka kuwaas oo ka arradan agabyada tacliinta oo idil, sida falsafad, manhaj, barayaal, iyo maktabado. Ugu dambayn dhammaadka cutubka ayuu ku sheegayaa qoragga in  natiijadu ay noqotay soo ifbaxa jirahan aan awoodin in uu is qeexo sidoo kalena ka qatany oo aan karaan u lahayn in uu si waafi ah ugu hadlo afkiisa hooyo.

DHAQANKA

Qoragga waxaa uu tilmaamayaa dhaqanka bulsho ee uu jiraha ku tiirsanyahay kuna bulaalo oo u ogolaada xaaladdan habawsan ee uu ku jiro. Wuxuu qoraagga cutubkan ku sharxayaa dhowrkan qodob ee bulshada dhaqan u ah kuwaas oo  loo aaneen karo in ay fursad u yihiin jiraha cusub, waxaana kamid ah;

  • Martisoor xad ka bax ah oo qofka ku dhiirigelinaya in uu sii ahaado ku dul nool abadi ah.
  • Ilaahaynta dadka da’aadda ah iyo  waalidka oo qalad iyo sax lagu raaco iyada oo laga baqayo hoog dhanka eebbe ka yimaada haddii warka waalidka la raaci waayo.
  • Asalraacnimo biyo dhigatay ragga oo ay ku keliyeeyaan dumarka howlaha qoyska iyo guriga.
  • Bulshada oo xal u aragtay hadal tiro badnida xad dhaafka ah iyo tororogta iyada oo aan muhiimadba  la siineen hadalka qoran.
  • Waqtiga  oo qiioi ahaan la macno tiray iyo  bulshada oo ku caan baxday bartiiyaqaannimo joogta ah, safarka iyo hawogediskana maalayacni u arka.

CAQLIGA

Waxa uu cutubkan qoraagga ku sharxayaa  heerka uu jiraha cusub ka joogga maangalka, sababeynta iyo weliba noocyada kala duwan ee kasqabnimada qofeed. Waxaa uuna qoraagga ku doodayaa in jirahan cusub leeyahay tilmaamayaashaan soo socda:

  • Sababaynta maba daneeyo, mana fahansana qeybaheeda kala duwan ee  lafaguridda, tijaabada, iyo taabagelinta
  • Dhammaan wuu ku liita amaba garasho uma lahan  noocyada kasqabeednimada ee kala duwan sida luqadda, miyuusikada, xisaabta, goobta, iyo isla dhaqanka & dad ladhaqanka.
  • Ma lahan awood iyo tamar uu ku qaabillo maangalnimada.

IIMAANKA

Qoraagga  waxaa uu cutubkan kaga hadlayaa iimaanka iyo diinta isaga oo soo bandhigaya shacsanayaal bulshada dhexdeeda isaga faafay oo xooggoodu ay yihiin mafaahiim diini oo  si qaldan loo fasirtay amaba la iskaga aaaminay. Ugu dambayn kuwaa oo isu bedelay dhaqammo diimeed  oo  jiraha cusub leeyahay,  waxaa kamid ah dhaqamadaas:

  • Jiruhu wuxuu wax walba oo fashilkiisa ah dusha u saaraa qadarta & qalinka oo ah awoodo  inaga sareeya. Xaalad iyo dhacdo walba waa wax u qornaa baa lagu dhaafaa!
  • Jiruhu waxaa ku adag fahamka iyo weeleynta diinta, oo waxa uu aaminsanyahay in wadaadka oo keliya  in laga rabo barashada iyo fahamka diinta.
  • Jiruhu, sabab la’aan ayuu cibaadeystaa oo falka iyo mabda’ diineed iskuguma xirno.
  •  Jiruhu, cusbooneysiinta iyo caqliyeenta umuuraha diiniga looma soo dhaweyn karo.
  • Jiruhu, diintaba wuxuu u yaqaanaa cibaadaadka muuqda ee jirka laga sameeya oo dhaqankiisa qofeed raadeyn kuma lahan.

Qeybaha ugu dambeeya ee buugga waxa uu qoraagga uga hadlayaa  Isirka Habawga jirahan cusub iyo weliba sidii xal looga gaari lahaa dhibannahaan oo  dib u dadeynta loogu sameyn karo. Qoragga waxa uu sheegayaa  in qodobadan soo socda ay yihiin isirka dhibta heysata jirahan cusub:

Dhibannaha laftiisa: Qoraagga waxa uu ku doodayaa in jiraha cusub laf ahaantiisa sabab u yahay in uu sii ahaado dhibbane habawsan, waxa uuna jiruhu ku qeexayaa inuu yahay mid leh sifaadkan soo socda:

  • Jiruhu waa qof  u nugul  waayaha iyo hareerihiisa taa oo sababta in si fudud ay uga adkaadaan.
  • Jiruhu waxba  iskama  caabiyo.
  • Jiruhu ma lahan ama maba tixgeliyo wax qaayasooraad ah sida daacadnimada, kartida, hal’abuurka, naf-hurnimada, iyo waar kale.
  • Waa jire iska socda oo aan qorshe iyo yoolba lahayn.

Gumeystaha: Qoraagga waxaa uu si qoto dheer u sheegayaa kaalinta gumeystaha uu ku leeyahay qaabeynta jiraha cusub, oo waxaa uu ku doodayaa in uu   dhaqan galay   howlgalkii dadnimotir ee kala ahaa qabsashada, qalaadeynta, iyo waarinta talisyada dhaladka ee isla gumeystaha laftiisa u adeega.

Kelitaliska: Qoraagga waxaa uu sheegayaa in talisyada dowladeed ee dhaladka ah  iyagana ay  ku lug leeyihiin sameysanka  jirahan cusub oo  waxa ay caan ku yihiin  inay joogteeyaan tilaabooyinkan soo socda:

  • Waa kuwa u dhaqmaa sida  gumeystaha oo kale.
  • Waxa ay bulshada ku sanduleeyaan rabitaanadooda gaarka ah.
  • Waxa ay dayacaan oo ay hoos u dhigaan  tacliinta.
  • Waxa ay sameystaan  hal’abuuro suugaaneed oo jeebka ugu jira.
  • Waxa ay asal dooriyaan qaayasooraadka bulsha iyaga  oo caadi ka dhigaya  xaqdarrada.
  • Waxa ay burburiyaan hantida dadweyne, si ay bulshada u gaajeysiiyaan.
  • Waxa ay kala kalaqeybiyaan bulshada, si ay ugu sahlanaato in ay usii taliyaan.

Ugu dambeyntii qoraagga waxa uu soo jeedinayaa in ay lagama maarmaan tahay ku dhaqaaqidda  howlgalka dib-u-dadeynta si xal waara looga gaaro dhibbanahan uu buugga ka hadlayo, waxa uuna qoraagga  sheegayaa in xalkaas gaaristiisa ay  adkaan doonto maadaama caqabadaha jira ay yihiin kuwa xooggan. Ugu danbayn waxa uu gebegebada buugga  soo jeedinayaa in la qaado tilaabooyinka soo socda:

  • In la helo oo uu jiraha yeesho wacyi ama baraarug xooggan  isaga oo la imaanaya kalsooni iyo dhiiranaan.
  • In jiraha ay ka go’antahay doorashada ama go’aan qaadashada, doorashadaas oo  sal iyo aasaas looga dhigayo  xurriyadda iyo doonista qofeed.
  • In uu jiraha la yimaado dedaal iyo dhabar adayg
  • In la dhiso oo kor loo qaado wacyiga dadweynaha, lana diyaariyo  badiilka meesha ka saari lahaaa talisyada bulshada la haray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *