SILSILADDII HUBUROW IYO ABWAAN SAHAL MACALLIN CIISE

SILSILADDII HUBUROW IYO ABWAAN SAHAL MACALLIN CIISE

W/Q: Cabdiraxmaan Caqiil

WAA KUMA ABWAAN SAHAL MACALLIN?

Abwaan Sahal macallin Ciise waxa uu dabayaaqadii 1948 kii ku dhashay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxa uu ka dhasahy qoys reer magaal ah oo Baydhabo deegaan u ahaa, Waxa uu ahaa halabuure weyn oo dhif iyo naadir tahay noociisa oo kale.Hibada iyo Halabuurka uu ilaahey siiayay abwaan sahal abwaannada kalena uu dheeraa ayaa ah in uu si isku mid ah wax ugu sheegi jiray afka soomaaliga (Maay iyo Maxaa).

Halabuurkiisa iyo kala xulashada kalmadaha uu adeegsanayo ayaad ka garanaysaa in abwaanku uu ahaa dhul-yaqaan, bulsho-yahan aad u kala fahmay saykoolajiyadda iyo dabeecadda bani’aadamka, habka uu u kala dhigdhigayo dhulka, bilicda deegaannada waxaa maankaaga ku soo dhacaya in abwaanku muuqaal uu soo duubay hortaada soo dhigay.Marka laga yimaado in uu suugaanyahan ahaa Waxa uu sidoo kale hibo u lahaa in hal maanso uu tiriyay u yeelo laba, ilaa saddex hummaag.

Billowgii toddobaatameeyada ayuu suugaanta soo galay maansooyin, heeso Iyo samaynta riwaayado intuba hibo ayuu u lahaa, heeso ay kamid yihiin Jeenaan, Lug ninkii isjebiya asagaa u jiisa, Soomaalidu dhammaan dhabtii waxay rabaan way u dhimanayaan, iyo qaar kale ayuu ka tiriyay afka soomaaliga (maxaatiri), Suugaantiisa afka soomaaliyeed ee maayga waxaa kamid ah silsiladda aynu u soconno ee huburow, kor eddooy, sabare, iyo suugaan ballaaran oo uu ka tiriyay nabadeynta soomaalida, dad badan waxa ay ku barteen shirweynihii nabadeynta ee Carta iyo heestiisii NEBEDA NAAS LÉ NUUGÉ LEH. Waxaa jirta qayb badan oo Suugaantiisa kamid ah oo aan weli fasir laga bixin sarbeebaha iyo hummaagyada ku jira.

Sannadkii 2012 waxa ay xarunta centre for peace magaalada Landhan ku guddoonsiisay billadda suugaanta soomaaliyeed.Sannadihii u dambeeyay noloshiisa waxa uu degganaa dalka Ingiriiska halkaas oo uu ugu dambayn ku geeriyooday bishii Noofambar 2013 kii, afar caruur ah ayuuna ifka kaga tagay Eebbe ha u raxmadee.

SILSILADDA HUBUROW 

Silsiladdan dheer ee ka soo bilaabata “Hakaba banaanshe” waxa uu abwaanku ku kala dhigdhigayaa waxa uu yahay  Jacayl, waddaniyad, abuurka iyo bilicda dalka, qurux dumar, bulshada qaybaheeda miyi iyo magaalo, nolosha beeralayda,xoolo dhaqatada,I.W.M.

Silsiladda heesaha Huburow waxa uu abwaanku ku furfuranayaa bayt cajiib ah oo tilmaamaya in oohintu ay tahay wax ay u simanyihiin dadka oo idil yar iyo weyn, rag iyo dumarna aan la kala xigin, suugaanta afafka dunida qaarkeed waxaa araar looga dhigay hab lamid ah qaabka uu abwaan sahal ku bilaabay, tusaale: silsiladda ugu caansan ee suugaanta Carbeed loo soo qaato waa mucalaqaatka(xirmada suugaaneed) ee ay ku jiraan dhowr abwaan, Imri’ul Qays oo tixdiisa ugu horraysa waxa uu ku bilaabayaa «Qifaa nabki min dikraa xabiibin wa mansili», sidoo kale silsiladdani waxa ay ku suntantahay in ay kaydisay wax badan oo kamid ah afka Soomaaliga waxa uuna abwaanku iftiiminayaa in afka soomaaligu yahay mid hodan ku ah suugaanta.

Silsiladdani waxaa qayb ka ahaa ilaa siddeed abwaan oo dhinacyo kala duwan u saftay.

Maanso-yahannadii qaybta ka ahaa silsiladdan waxaa kamid ahaa: 

1. Abwaan sahal macallin Ciise

2. Prof. Maxamed Cismaan Jawaari

3. Aliyoow widaayow 

4.Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash

5. Abwaan Mustafe Sheekh

6. Cali binu Cali

7. Abwaan Canjeex

8. Mukhtaar Mad yerow

Qormadan waxaan kaga warramaynaa 7 heesood oo uu abwaan sahal macallin Ciise kaga qaybgalay silsiladda Huburow, waxa ayna u xiriirsanyihiin qaab isku xiran oo farshaxannimo ay ka muuqato.

QISADA SILSILADDA OO KOOBAN

Huburow iyo Iidow waa labada qof ee sheekadoodu koobsatay silsiladda, waxa uuna abwaanku ku bilaabayaa tilmaanta gabadha Huburow lagu magacaabo oo ah gabar Jamaal iyo Qurux Eebbe u dhammeeyay, in ay ballan ku lahaayeen Buurhakaba ayuuna xusayaa, mar uu riyooday baa waxa uu arkay in gabadhii nin kale uu aroosay iyadiina ay naawilaysay in ay mar uun aqal wada dhistaan Iidow, kolkii uu riyada ka soo toosay ayuu ku hadaaqayaa “ Riyadani way rumoowi Buurhakaba baan u guurayaa e Xamar ma joogi karo”.sidii uu ku riyooday bay noqotay gabadhiina nin baa la siiyay, isaguna si gobannimo leh inta uu u ammaanay buu u raaciyay waan iswaynay ee aan iscafino, balse gabadhii aad bay u dhibsatay in sidaas aadka u fudud uu Iidow ku haray una quustay, muddo kaddib waxaa loo sheegay Iidow in gabadhii Huburow ahayd ay jacayl daran u haysay xitaa intii ay marwo noqotay, ninkii Iidow ahaa waxa uu iska soo jaray gabar iyo garoob sinna uma gefaayo Huburow ha la iga gaarsiiyo in aan sugayo markasta, Huburow kolkii arrintii loo sheegay bay gurigii ka tagtay meel ay qabatayna la garan waayey, isagiina waxa uu u tiriyay walaa xawla warbaa yaalla, mar dambe waxa uu bilaabay in uu isla hadlo oo uu ka hadlo waxa uu ka dareemayo qalbigiisa, in uu ka hadlo sidii loo kala fogeeyay isaga iyo Huburow, waxa uu aad u tilmaamay in qalbigiisa aan waxba arag, maqal iyo urin haba sheegin, in gudihiisa dab ka shidanyahay ayuu tilmaamayaa, ugu damabaynna isaga oo saaxibadii la sheekaysanaya ayuu isweydiiyay haddii Huburow uu arko wixii uu dhihi lahaa, beerlaxawsi ayuu halkaas ku bilaabayaa in uu baryootamo ayuu isku dayayaa balse iyadiibaa sheekada soo afjaraysa oo layr cas u shidaysa, isaga oo quus taagan ayuu leeyahay: hal mar haddaan arki lahaa sheekadaas baan is dhaafsan lahayn, waxa ay silsiladdu socotay sannado badan sida laga dareemi karo dhammaadkeeda.

  1. HAKABA

Heestan hakaba waa heesta koowaad ee ka soo bilaabatay silsiladda, waxa ay gogol-dhig u noqotay silsiladda jacayl ee abwaan sahal iska lahaa, qaybtan laguma xusin magaca gabadha oo qaybaha kale aan ku ogaan doono.

Lang wiing mé booraaw

Beengaa ogaadey

Iligntey baroodshe

Biyi haang dareerte

Fiidley bateey 

Bushé laang korteey

Isgoow badéngaa

Lang baal maraaw 

Ké birémee

Mé bedbaadiyaaw

Hakabé bannaanshee

Buurtoo ké taalloo banoodaa

Balléngkaayné haayey

Baabuur mé rahaa

Ay iilé buubee 

Ay iilé buubee

«Qaybtan hore waxa uu abwaanku leeyahay: nin weyn ma ooyo, in ay been tahay baan ogaaday taa, illintayda burqanaysa sidii biyaha ayay u socota, sida ubax soo baxay bushi la’aanna koray udug badan, qofkii dhinac mara shaki la’aan wuu ku leexan oo kama badbaado, Hakaba bannaankeeda buurta ku taalla ayaa ballan inoo ahayd, baabuur ma raacayee yaa ila duula talow, oo yaa ila duula».

Bogley yaraangtiye

Baraar aybé sheegnee

Hindhé hidoor ké buuhoo

Bishimoo lé yaabee

Beengtey mé ee

Beddéngshee deyoo

Nuurshee bila

Lang baal maraaw 

Ké birimee

Mé bedbaadiyaaw

Hakabé bannaanshee 

Buurtoo ké taalloo banoodaa

Balléngkaayné haayey

Baabuur mé rahaa

Ay iilé buubee

Ay iilé buubee 

«Dhexda ooy u yartahay, timaha yaanba sheegin, indho hidoor ka buuxo, bishimaha waad la yaabi, been kumaan warramine muuqeeda kolkaan eego nuurkeedaa bilaya, nin agmaraya wuu ku leexdaa oo dhaafi maayo, Hakaba bannaankeeda buurta ku taalla ayay ballanteennu taallay, gaari ma raacayo e yaa ila duula talow, oo yaa ila duula».

Nolloley bilaawshee

Nafteey berkoowaa

Beerkey dhatiisaa

Bee oo ké reebteey

Geber baarré ee

Boor-dhaaysé ee

Beylé roogté wa

Lang baal maraaw 

Ké beegémee

Mé bedbaadiyaaw 

Hakabé bannaanshee 

Buurtoo ké taalloo banoodaa

Balléngkaayné haayey

Baabuur mé rahaa

Ay iilé buubee

Ay iilé buubee

Ay iilé buubee 

« Billowga noloshaydiyo bar naftayda kamid ah weeye, beerkayga dhexdiisa ayay boog igaga tagtay, waa gabar baarri ah midabkeedu maarriin dhalaalaya ah meel fogna joogta,nin agmaraya wuu ku leexdaa oo dhaafi maayo, Hakaba bannaankeeda buurta ku taalla ayay ballanteennu taallay, gaari ma raacayo e, yaa ila duula talow, oo yaa ila duula».

*******************************

  1. HUBUROW

Waxa uu abwaanku riyo ku arkayaa in Huburowdii uu jeclaa ballantana uu la lahaa nin kale reerkeedu siiyeen oo marwo u dhaxda ninkaasi noqon doonto dhawaan.

Hungdurmeedii owhoraad

Wal yaablee haayteey

Hufeeytoo kooyteey

Haangshoo iing sheengteey

Huburowtii geeraad

Hartii lé siiyeey

Hadégii ley dhiméng maa

Habartiisaa nagéteey

Hadégoo lé kooy

Tafteey kiing hiroo

Hakaboo ké jeeyeey

Warshee mé haaynee

Ha haabsédee

Lang jeng lee haang

Hor leey ku rooree

«Hurdadii habeen hore waxyaab leh bay ahayd, dafe baa iigu yimid oo Xaashi ii keenay, huburowdii dorraad nin baa la siiyay, xarigii(nikaaxii) uun baa dhimane xaaskiisa ayay noqotey, [xarig la imaw aan lugtayda kuu xiree hakabana aan ku geeyee] sow warkeedu ma ahayn, waan hahaabtay oon toosay sidii nin waalan durba waan cararay.»

Ir leey huriyaaw

Hogollis biraaso

Hareeddé jhiiftoo

Heelaa badiingshoo

Maabé liing hisaabaanee

Barbaarké heesaaw

Gaalii horaayoo

Horkii lé maalaaw

Hoboog leytii

Hangshab dhawaasoo

Hiiloo adiijeey

Haamoo ulaasoo

Huburow lé roogtoo

Hurugoo oroodis

Onoggoo ké haaytoo

Dooykii heggaadshey

Dooykii haalkii mé seenee

Cirka oo gugaciisa la maqlo daruurihiisuna danab ka bidhaamayo, Xareeduna is wada barkantahay, tiradhaafka xoolaha aan la xisaabayn, barbaartu heesayso, geelana ay hor fadhiyaan xoorkiina laga lisayo, habluhuna sacab iyo alalaas isku dareen islaamuhuna ay haamaha culayaan, Huburowna ay la jirto geed dhiniciisa ilmo ay dhabta kaga siddo, Dhulkii Dooy dhankiisa, sow markiiba maa tegin.»

Hareeré dheerko 

Hareeddé saagtey

Hamballo ké roogté

Laamo haboogdi

Ya hoos fadheeday

Ameel humbooyaaw 

Hortey lé sheeni

Wal ha I dhowaayi

Huburowné kooytey

Ha I baal fadheeti.

«Hareeri dheerka xareeddu saaqday, caleenta ku taalla laamaha qariyay baan hoos fariistay, ameel xumbo badan baa hortayda la keenay, si milgo ku jirto baa la iisoo dhaweeyay, Huburowna way timid oo dhinacaygay ayay soo abbaartay.»

Hergela

Bariida 

Salaang mé haaynee

Adablaagé hoosjhey

Hogolaa jimaaytey

Wal hung mé sheegne

Ha dhawaaw

Jiwaab mé haaynee

Hadal uurké yaaloo

Afka hadee waa

Is-haayé waayteey

Hagar ii

Humbaawé

Hundhé geed nugeelaa

Hambé soor mé ee

Heraay Wang mé ee

Hoobadé bal leyaa

Heer beledké haaljheey

Madal ii hirtiitaa

Sé leyba haayteey

Anné iing hallaaytoo

Iidow mé heetoo

Warshee mé haaynee?

Ané méké humaayaaw

Hoola lahaayi

Hoolaa lahaayi maa

Anné mé ké hilmaamaa

Howé magé mé ee

Mé hungduraaw

Mé hergalaaw

Adii horteey roogdee

Anné mé ké humaayaaw

Anné mé ké hallaayaaw

Warkey mé haaynee?

«Qaybtan waxa ay ku bilaabanaysaa isbariidin iyo salaan ay isku yaqaanaan bulshada ku hadasha afka soomaaliga Maayga, Hergela, bariida sow salaan ma ahayn, adablaha(¹) hooskiisa daruur baa haraysay, wax xunna lama sheegine soo dhawoow sow jawaab ma ahayn? Hadal uurka yaalla afka ayaa kaa xada, Waad is hayn kari wayday, ( abwaanku waxa uu tilmaamayaa geedaha iyo dalagga ay beeralaydu beerato)  intaa kaddib huburow waxa ay leedahay: reer magaalka xaalkii, ballan inoo xirtii ma sidaas bay ahayd? Amnigu ha I halleyn iidow maad ka joogtid sow warkeedu ma ahayn? Ani kuma xumayn karo, hawl baan lahaa mooyee kuma moogani, hurdo iyo hargal midna ma helo aduunbaa hortayda jooga, ani kuma xumayn karo, kumana hallayn karo e, warkaygu sow sidaa ma ahayn?

Hilimoodung rumoowaase

Hakaboo Ing guure maa

Hamar mé roogaaw.

«Riyadani way rumoobaysaa, Hakaba baan u guuri xamar joogis ma laha».

*********************************

¹. Adablaha waa dhul ku habboon daaqa nugul iyo beerasha xilliyeedka, gobollada Koonfureed degmooyin kamid ah ayaa kamid ah dhulkaa

  1. IS-WAAYNEY IS-EFIINOY

Waxa uu qaybtan ku cabbirayaa abwaanku in sidii uu riyada ku arkay ay dhacday, Huburowna la siiyay nin kale oo aysan raali ka ahayn iyada, waxa uu leeyahay:

Shaley amaangtaa

Aré dheeraa deertey

Haté ley ing eebowtoo

Arréng hoobé aawkaa

Sheenoo oroodis ké kooytoo

Angkaar ii do’aawaa

Ingké aasiyoowtoo

Shimbirkoo abégoo korsheey

Ukungtoo buulshee dhisaaw

Ees ley kooy foof erreey

Onoggoo aytiis galii

Ariitoo langkoo fadaaw

Lang kalee agalshee gadee

Hindhoogey nuurshoo

Jinaadé oorshee

Qalbégee aftiinsheey

Is-waayney is efiinooy

Adduunyé ley waa

Adduunyé ley waa

« Waxa abwaanku leeyahay;adigu eed malihide, anigaa wax kasta eed ku leh, Shalay amaantaada meel Fog bay gaartoo, hadda ha ceeboobin, hadduu aabbahaa arrin keeno oo dhankiisa ka timaado ninna lagugu daro, waa duco iyo habaar midkood ee amarka waalid ha ka caasin, shimbir qurac dushiisa.. ukunta buulkeeda dhisanaysa, kolkay caws doonato bay ciyaal shabaqa u gashaa, waa dunida xaalkeeda, gabar nin doonaya, baa nin kale aqalkeeda gadaya, indhahayga nuurkoodaay, jannada udugeedaay qalbigayga iftiinkiisaay, waynu isweynay aan iscfino, waa adduun iyo xaalkiisee».

Eeraab mé feylee

Habiibow afkaa reebooy

Islaangké koo yaabey

Amar Eebbé sheenaaw

Wiinyaa lang né ood mé saaraa

Usé hoo lé duugooné

Reedshey ku her ma ahaa

« waxa uu aakhirka leeyahay amar Eebbe keenay wuu naga weynyahay cidina ood ma Saari karto, waan isweynay aan iscfino».

****************************************

  1. GEBER II GAROOB

Abwaanku waxa uu qaybtan kaga warramayaa jacaylka uu Huburow u qabay iyo in uusan ka samri karin marnaba, waxa uu leeyahay:

Garbé garaa liing dhikee

Jeelké ganaa ii geddiis mé ee

Ul lé goosédaayoo

Tangaa godéng

Ul lé goosédaayoo

Taasaa godéng lé guraaw mé e

Gaabéneytoo garguurédaaso

Gember ley lé taawiyaa

Lang ley gerriyow erree

Geber ii garoob

Tooné méng gefaaw

Guurké guur ley erre

« Garba garbaa loo dhigaa.. jacaylku ganacsi iyo wax kala beddelasho ma aha, ul la goosanayana oo tanaa godan ama taasaa godan la la yiraahdana ma aha, gabadhu si kastay u gaaban tahay xitaa gambar hadday la egtahay ninbaa gerriyay dhaha (jacaylku indho ma laha) gabar iyo garoob toona uma gefaayo ..guurku waa guur uun baan leeyahay»

Heesta oo aad u dheer haddaynu dhammaadkeeda tagno waxa uu abwaanku leeyahay:

Guhung gusheey

Huburowti léng goodiyey

Garbéduubké léng hiri

Gurbégé lè saari

Lahawkoo I giliidi ya

Lé gebbédee

Lé gosey haalkung lé gosee

Ay geeysiye warkey

Ay geeysiyee

« Gu’gan gu’giisa, huburowdii loo hanjabay garbaduubka loo xiray awrkana la saartay, xanuunka ay I galisay baan la gabannayaa oo aan la fekeraa haatanba la fekerayaa… Talow yaa Iga gaarsiiyaa warkayga, yaa Iga gaarsiiya».

************************************

  1. WALAA HOWLA 

Iidow kolkii uu maqlay in Huburow ay gurigii ka tagtay bidhaanteedana la waayey waxa uu yiri:

Walaa howlaa

Walaa yaale

Huburow weerégdeey

Ing lé waayi yaa dheegi

Witisoow yaraado

Sirtiis ké wiinyaa wal ley dey 

Wiiré-wiiré geedo ké wareegédaase

Wal ley dey

Goob waantuwaaled

Widaad mé seedaa wal ley dey

Weysaaysédee maa waaaley mé dheelaa 

Wal ley dey

Iyeené si waahey

Wal mé ké hallaayane

Wal ley dey

Se kiilé weeli

Wir ley mé ee

Warhsey ha qaad ley mé ee

« Walaa xawla warbaa yaalla, huburow way carartay in la waayey baan maqlay, witis(nooc shimbiraha kamid ah) witiskaa yar sirtiisu waynaa bal eeg, weero-weerada geedaha ka wareegata bal eeg, goob ciyaal suuq wadaad lagama sugayo inuu tago bal eeg, waysada baan ku dadaalaa waalley in aan ciyaaro la iguma oga, iyaduna si gudud wax kuma hallaysee bal eeg, siduu yaallay talow, xaajadu cannaan uun ma ahee».

Adduunyadung wednaada

Warréng oo ké dhooshey

Welwel ii dhibaa 

Waltar iingké weelley

Weel dab fuulo ahaa

Wadiingtiyee

Wa’diyoow waa ahaa 

Wadiidémee

Qaybtan aakhirkeeda waxa uu abwaanku leeyahay:

Widaayow Aliyoow

Wal iing sheeg 

I waanidoo fadee

Waraabé ii libee

Marbé sédo Ing weerow

Mé lé widaayaw

Haanii waasho 

Bariyowké diidi

Mé lé widaayaw

Wang kiing shuboow

Warréngné lé sidoow

Mé lé widaayaw

Welaayi dhiibow

Weelidshe mé deeraw

Walaal mé aayaw

Ilaa wedkey tuugow

Wéjigey mé kooyaa ogaaw

Huburow weerégdeey

Ing lé waayi ya dheegey

Anii weydiiye

Umboo usuu weydiiyeeyi

Wal yaabey

«Wadaayow caliyow wax ii sheeg, waano iyo talo baan kaa rabaa, waraabe iyo libaax marba si u dhawaaqa lama saaxiibo, kuwii waaberigooda in la arko diiday lama saaxiibo, mid caano kuu shuba warrankana gadaal ka sita lama saaxiibo, waalidkeeda waligeeda ah wax kama sheego walaalna cay ma laha, se kan wadkayga/dhimashadayda raba in uusan wajigy Iman baan ogahay, Huburow way carootay in bidhaanteeda la waayayna waan maqlay, ma anigaan baadigoobkeeda galayaa mise isaga waa yaabe.»

  1. QALBIGOO

Qaybtan waxa ay u badantahay naf lahadal uu abwaanku ku tilmaamaya in qalbigiisa uu dhaawac weyn gaaray, sidoo kale waxa uu cabbirayaa xaaladda nafsi ee uu ku jiray, waxa uu yiri:

Qalbigoo  ooyaayoo

Ing aamaanee

Ing oomaanee

Islaangké oo jhiifoo

Indhoo inis geliyaané

Waane kiing aregaané

Waané kiing uriyaané

Hoo ké eedémaasoo

Edkaa ing dheegaane

Amintoo iyaa guraaw

Afké shal teegaaw

Qalbigoo ulumé ku noogteey

Wal liing akrii

Wal liing afuufi

Eber leey ku haadaa

Qalbigoo oodoo beraa

Edaang ii iftiing

Itheed ii sarmaang

Eesley ka aalaaw

Ay lee?

Ay lee ? Ay lee?

Iidoow iidoow

Iidoow magaageyaa

Geeké iid me eh

«Qalbi ooyaya, oo aan wax cunin waxna cabbin,ummaddu goortay hurudo aanu indhihiisu isgalin, aan wax arkayn waxna urin kolka aad ku eedaanto aanu ku maqlin, ammin dambena afka kala qaado iyaah ku yiraahdo( abwaanku wuxuu ina tusayaa in maskaxda laga weeleeyo intaas oo arrimood), qalbi ay culimo ku daashay wixii lagu akhriyay iyo wixii lagu afuufay eber ka ah, qalbi oodda jabsada caddaan iyo iftiin cadaad iyo sarmaan ay caws ula muuqdaan, qalbigaasi yaa leh ( iidoow baa loogu jawaabayaa) iidow waa magacayga maantana ciid ma aha».

Dhammaadka heestani waxa uu abwaanku leeyahay:

Dhédhegé abaareed

Isku nagadii

Anjaraagii buuroo

Isku nagadii

Dudéme abuurow

Oofsheey bilaashaa

Agalkaa meeloo degsoo eree

Oowkébe banoo

Qalbigoo irké ii dhulkoo

Iig liing ké weelii

Qalbigoo awsiintiis

Alaay liing ku weelii

Qalbigoo unugdoo ii aawshee

Ol ii edaawé ké weeli

Qalbigoo ariitiis

Usuley adaabee

Dertiis liing oroodi

Deréng liing fadheedi

Usiiné enjegee

Amuushé roogee

Ay lee Ay lee?

Iidoow Iidoow

Iidow magaageyaa

Geeké iid ma eh

« Dhegdheg abaareed iyo shimbirta buuraha in aan noqdaa la ii qaatay, dudunta kan dhista dadaalkiisu waa hal bacaad lagu lisay, qalbi cir iyo dhul dhexdooda ciriiri ku ah, qalbi gabar iyo waalidkeeda col iyo cadaawad dhex dhigay, qalbi gabadhiisa isaga uun cadaaba, dartii loo cararay daran loo fariistay, isaguna engeg iyo dhimasho uu marayo, yaa iska leh qalbigaasi? (Iidow baa loogu jawaabayaa) iidow waa magacayga, maantana ciid ma aha».

Huburoow islaan teyaa

Anii ha waydiyee

Hunjhuftoo ing enjegnee

Eriteey ha saarethee

Huburow amaang keyaa

Anii ha waydiiye

Unegeethii aaytemeng

Warshoo ooftey ma eh.

•Abwaano dhow ah oo silsiladda sii kiciyay buu qaybtan ugu jawaabayaa abwaanku, waxa uu leeyahay: 

« Huburow waa xaaskayga, anigaa raadsanaya, candhuuf inta aysan qallalin baan dhabarkayga soo saaranayaa, Huburow waa ammaankayga anigaa raadsanaya, ciyaalkii iska hadlay warkooda waxba iima dhimayo».

  1. IRÉ DHIIMÉ

Heestani waa tan ugu dheer guud ahaan silsiladda waxaana lagu tilmaamaa mucda murtida suugaanta afsoomaaliga Maayga, waxa uu abwaanku leeyahay:

Iré dhiimé

Iré dhiimé

Asar gaabédkii

Adé ii islaantaa

Ising o arraabsanag

Irkéné gaduudké

Arlaabé filleero

Hogollé uung ii

Asal liské jiidi

Langki Allé tusaaw

Suurud arageey

Illi barré ing jeeddé

Orsi deyaasé

Geenémé amuudey

Oownémyé darshee e

Abaar ing haayne

Enjeg ing haayne

Suut amaangtiye

Ooté hoos midoow e

Hamballé aftiing e

Dhulkéné isgoowshey

Ha kii afuufaaw

Usuuné liing towaané

Idéng liing fadaaw

Adduunye kii hariirtee

Arlaathi dheertaa

Iyow ha seew

Indigaa ke taalloo

Iyeené reedka

Oboow oboow

Kabtung ilaashe

Farnyaawa aamee isug

Isug guraasoo

Athiine doogii

Ka aloole humaayey

Amang kiibe wirik tarey

Lugte unjhuf ku saarteey

Oorkii oorkii

Maabe ko og

Inis tarooy

I afi eriteyne daar

I afi guraasoo

«Gabbal dhicii, casar gaabadkii adiga iyo xaaskaaga idinkoo carraabaya, cirkuna casaan yahay, fallaaraha cadceeduna dhulka istubay,daruurtiina aad mooddo qaac iyo asal la isku dhexjiiday, ninkii Alle tusa baa quruxdaas arka, ishii bari u jeedday galbeed bay jalleecaysaa, maalin hadduu galbado habeen baa soo dargalaya, goortu abaar ma aha qallaylna ma aha, waa xilli xagaayo yari jiro, dhirta hoos bay u madowdahay caleentuna way ifaysaa, dhulkana udgoonkiisa uu kugu afuufayo, uunsi iyo idin midna lama tabo goortaas, adduunyaa kugu xiriirta, arladii fogayd in aad dhaqso ku tagto baa cindigaaga ku taalla, iyaduna(gabadha) gadaashaada kugu leedahay aboowe kabta meesha farta la geliyo baa faraha iga gubay ee isug, adiguna hadalkeeda intaa ka calool xumaatay oo aad kala wareegtay baad ku tiri odaygii miyaa ku og, ee I cafi dhabarkana iga taabo,

•Qaybtan oo ah qaybta ugu dheer toddobada qaybood waxaan kaga gaabaanaynaa intan hoose oo uu abwaanku kaga quustay in uu dib u helo Huburow;

Aglégoo bersheey

Murugaa abuurey

Huburow ing seedowbé

May erree?

Ilaaheey illé ley iing saara

Ma ee orooshé ley walaashee

Amuushoo dooreteey

In seedoo may erree

Ma aaytémaasoo

Awaabshee mé eh

Wal iing edaa

Erataa lé ii eediyey

Obsé ley ming ernee

Afyaala iske weeley

Uung siney nebedaa

Iidiyaa lé deeri baa erey

Ugun lang sheey galii

Afsheey may waayaa

Usbé lang sheey gooyaaw

Afsheey mal waayaa

Iing oomido oo biring baa I tareey

Ootaa dhinigoo tegee

Afaaf kalee waydiyee

Ajallaa dhiménaaytey

Iilka ke sigédeey

Kiing eng jegeey

Moogtaa

Iyeeyow moogtaa

Baa ereey

«Caqliga qaar murugo iyo walbahaar ayuu sababaa, Huburow aan u tago e, maxaan iraahdaa Eebbe isha mar uun ha ii saaro e, arrinteedu carro Kuma eka e dhimasho ayay dooratay, haddaan u tago maxaan iraahdaa, Cay laguma abaabin, way iska caddahay in dhabarka la I aaddiyay, intaan abwaan iska dhigay baan ku iri udgoonay ma nabad baa, cahdi qof gala oon aafin baan ahay tusbax nin gooyay afkii ma waayo, ha I harraadin ee dhinac iga joog bay igu soo tuurtay kolkiiba,intaan dib u gurtay maskaxdana shiilay baan kula soo laabtay Ajashii baa dhinnayd oo iilka ayaan ku sigtay, dartaada ayaan u engagay gacallooy ma moogantahay baan iri».

Enjegow kii yeryaa

Aboor mé ké galoo

Aaréng hoobe roogé

Oortey may ha iing rori

Baa I tareey iinghii

Angrabkaa dhuung-dhuugee

Walleey aduudee

Jeelkii asalkii

Haalkuung usubaa

Usugii ley ahaa

I aaming baa erey

Mé ké iideysedaaw

I aaming baa ereey

Iidow dhirif laangtaa

Eelaa ii rideey

Is afiinooy tiitaa

Hattaa ogolaa

Aruursooy éng fedhiidoo

Baa I tareey iinghii

May inis inkaaree

Owaad maabé jaraa

Awoow ii awooyoow

Baa enaa

Ilaahey illé leey iing saara.

«Engeg wuu kugu yaryahay e, aboor muu ku galo, anoo barwaaqo jooga maxaan awrkayga u rari bay I tiri, carrabka intaan dib u liqay oon wax cusub soo lufluftay baan la imid, jacaylkii asalka ahaa  wali wuu cusubyahay, anna isagii baan ahoo I aamin baan iri, Iidow xanaaq la’aantaada baa ceel igu riday, aan iscafinodii aad berrigii lahayd hadda ayaan ogolahay,uruurso dhinacna ii dhaaf bay hadal iigu soo koobtay, maxaan isu habaaraa? Awoowe iyo ayeeyo baynu nahay, Ilaahey mar uun isha ha ii saaro».

DHINAC KALE MA LOO FASIRI KARAA SILSILADDA?

Waxa ay dad badan aaminsanyihiin in silsiladdani humaagga kore kaliya jacayl ka tahay, se ay xambaarsantahay aragti siyaasadeed oo hab sarbeeb ah u dhacaysa, tusaale ahaan marka uu abwaanku leeyahay “ Lang wiing mé booraaw….. Hakaba banaanshe,buurtoo ké taalloo banoodaa ballankaayné haayey” waxa ay ujeedadiisu ahayd bay leeyihiin: bulsho badan oo Soomaaliyeed oo oynaya kana gadoodsanaa nidaamkii dalka ka jiray, deegaannada barwaaqada ah ee Rabbi ku mannaystay ayuu tilmaamayaa quruxdooda, waxa uu si sarbeebaysan u tilmaamayaa in Buurhakaba lagu ballamo oo laga arrinsado xaalka ay bulshadaasi ku suguntahay. Waana tii markii dambe keentay in abwaan sahal uu ka tago dalka oo lagu shaabadeeyo kacaan diid, ilaa aakhirkii siddeetamaadkiina uu ku sugnaa khaliijka, waxaa abwaan sahal Eebbe ha u naxriistee afkiisa laga hayaa in loo oggolaaday in uu dalka soo galo kolkii uu tiriyay heesta “Kor Eddooy” oo erayadeeda ay kamid ahaayeen “ Anigoo kabahaaga tolaayey oon kaala daahin baad ii qaadatay nin kafantaada tolaya, ka joog sidaa ma aha xaalkuye” heesta Kor Eddooy dad badan waxa ay u qabaan hees Roomaansi ah oo halkii ugu dambaysay kaga warrantay jacaylka, waana sida dusha sare laga dheehan karo, balse waxa ay ku socotay taliskii milatariga ee dalka ka jiray waqtigaasi. 

Silsiladdan waxaa xiisaheeda sare u qaaday kolkii ay soo galeen Abwaanno si weyn looga yaqaano dalka, gaar ahaan abwaan Mukhtaar mad yarow oo ku soo galay heesta “weerarow dooyow” oo uu ku sheegay in uu meel ku ogyahay Huburowda la raadinayo, abwaan tarash ayaa sidoo kale kaalin muuqata ku lahaa silsiladdani. Eebbe ha u raxmadee abwaan sahal macallin waxa uu burburkii kaddib u batay dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska Soomaaliya in uu Suugaantiisa kaga qaybgalo.

FG: Fasirka meelaha qaar waan u waayey erayo u dhigma oo aan ku fasiro, si loo wada fahmo waxaan adeegsaday erayo soo dhawayn kara ama ku dhow miraha asalka ah ee Maayga, waxaan kaloo xusaysaa in beydad badan aan ku jirin si uusan qoraalku u dheeran.

Tixraac:

¹. Halabuure”silsiladdii sahal macallin Ciise{Axmed Cabdiqaadir Nuur}.

2. Astaan Tv {Fanka Maayga iyo sooyaalka abwaan Sahal macallin}.

3. Mohamed Abdi Idris{ Notes..Huburow}

One thought on “SILSILADDII HUBUROW IYO ABWAAN SAHAL MACALLIN CIISE

  1. Asc mahadsanid horta waxaan idinka codsan lahaa inaad soo dhamaystirtaan heesaha yacni gedigooda noo soo wada fasira. Waa iga codsi. Sababtoo ah waxaan rabaa inaan wada fahmo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *