
SILSILADDII HUBUROW IYO ABWAAN SAHAL MACALLIN CIISE
W/Q: Cabdiraxmaan Caqiil
WAA KUMA ABWAAN SAHAL MACALLIN?
Abwaan Sahal macallin Ciise waxa uu dabayaaqadii 1948 kii ku dhashay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxa uu ka dhasahy qoys reer magaal ah oo Baydhabo deegaan u ahaa, Waxa uu ahaa halabuure weyn oo dhif iyo naadir tahay noociisa oo kale.Hibada iyo Halabuurka uu ilaahey siiayay abwaan sahal abwaannada kalena uu dheeraa ayaa ah in uu si isku mid ah wax ugu sheegi jiray afka soomaaliga (Maay iyo Maxaa).
Halabuurkiisa iyo kala xulashada kalmadaha uu adeegsanayo ayaad ka garanaysaa in abwaanku uu ahaa dhul-yaqaan, bulsho-yahan aad u kala fahmay saykoolajiyadda iyo dabeecadda bani’aadamka, habka uu u kala dhigdhigayo dhulka, bilicda deegaannada waxaa maankaaga ku soo dhacaya in abwaanku muuqaal uu soo duubay hortaada soo dhigay.Marka laga yimaado in uu suugaanyahan ahaa Waxa uu sidoo kale hibo u lahaa in hal maanso uu tiriyay u yeelo laba, ilaa saddex hummaag.
Billowgii toddobaatameeyada ayuu suugaanta soo galay maansooyin, heeso Iyo samaynta riwaayado intuba hibo ayuu u lahaa, heeso ay kamid yihiin Jeenaan, Lug ninkii isjebiya asagaa u jiisa, Soomaalidu dhammaan dhabtii waxay rabaan way u dhimanayaan, iyo qaar kale ayuu ka tiriyay afka soomaaliga (maxaatiri), Suugaantiisa afka soomaaliyeed ee maayga waxaa kamid ah silsiladda aynu u soconno ee huburow, kor eddooy, sabare, iyo suugaan ballaaran oo uu ka tiriyay nabadeynta soomaalida, dad badan waxa ay ku barteen shirweynihii nabadeynta ee Carta iyo heestiisii NEBEDA NAAS LÉ NUUGÉ LEH. Waxaa jirta qayb badan oo Suugaantiisa kamid ah oo aan weli fasir laga bixin sarbeebaha iyo hummaagyada ku jira.
Sannadkii 2012 waxa ay xarunta centre for peace magaalada Landhan ku guddoonsiisay billadda suugaanta soomaaliyeed.Sannadihii u dambeeyay noloshiisa waxa uu degganaa dalka Ingiriiska halkaas oo uu ugu dambayn ku geeriyooday bishii Noofambar 2013 kii, afar caruur ah ayuuna ifka kaga tagay Eebbe ha u raxmadee.
SILSILADDA HUBUROW
Silsiladdan dheer ee ka soo bilaabata “Hakaba banaanshe” waxa uu abwaanku ku kala dhigdhigayaa waxa uu yahay Jacayl, waddaniyad, abuurka iyo bilicda dalka, qurux dumar, bulshada qaybaheeda miyi iyo magaalo, nolosha beeralayda,xoolo dhaqatada,I.W.M.
Silsiladda heesaha Huburow waxa uu abwaanku ku furfuranayaa bayt cajiib ah oo tilmaamaya in oohintu ay tahay wax ay u simanyihiin dadka oo idil yar iyo weyn, rag iyo dumarna aan la kala xigin, suugaanta afafka dunida qaarkeed waxaa araar looga dhigay hab lamid ah qaabka uu abwaan sahal ku bilaabay, tusaale: silsiladda ugu caansan ee suugaanta Carbeed loo soo qaato waa mucalaqaatka(xirmada suugaaneed) ee ay ku jiraan dhowr abwaan, Imri’ul Qays oo tixdiisa ugu horraysa waxa uu ku bilaabayaa «Qifaa nabki min dikraa xabiibin wa mansili», sidoo kale silsiladdani waxa ay ku suntantahay in ay kaydisay wax badan oo kamid ah afka Soomaaliga waxa uuna abwaanku iftiiminayaa in afka soomaaligu yahay mid hodan ku ah suugaanta.
Silsiladdani waxaa qayb ka ahaa ilaa siddeed abwaan oo dhinacyo kala duwan u saftay.
Maanso-yahannadii qaybta ka ahaa silsiladdan waxaa kamid ahaa:
1. Abwaan sahal macallin Ciise
2. Prof. Maxamed Cismaan Jawaari
3. Aliyoow widaayow
4.Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash
5. Abwaan Mustafe Sheekh
6. Cali binu Cali
7. Abwaan Canjeex
8. Mukhtaar Mad yerow
Qormadan waxaan kaga warramaynaa 7 heesood oo uu abwaan sahal macallin Ciise kaga qaybgalay silsiladda Huburow, waxa ayna u xiriirsanyihiin qaab isku xiran oo farshaxannimo ay ka muuqato.
QISADA SILSILADDA OO KOOBAN
Huburow iyo Iidow waa labada qof ee sheekadoodu koobsatay silsiladda, waxa uuna abwaanku ku bilaabayaa tilmaanta gabadha Huburow lagu magacaabo oo ah gabar Jamaal iyo Qurux Eebbe u dhammeeyay, in ay ballan ku lahaayeen Buurhakaba ayuuna xusayaa, mar uu riyooday baa waxa uu arkay in gabadhii nin kale uu aroosay iyadiina ay naawilaysay in ay mar uun aqal wada dhistaan Iidow, kolkii uu riyada ka soo toosay ayuu ku hadaaqayaa “ Riyadani way rumoowi Buurhakaba baan u guurayaa e Xamar ma joogi karo”.sidii uu ku riyooday bay noqotay gabadhiina nin baa la siiyay, isaguna si gobannimo leh inta uu u ammaanay buu u raaciyay waan iswaynay ee aan iscafino, balse gabadhii aad bay u dhibsatay in sidaas aadka u fudud uu Iidow ku haray una quustay, muddo kaddib waxaa loo sheegay Iidow in gabadhii Huburow ahayd ay jacayl daran u haysay xitaa intii ay marwo noqotay, ninkii Iidow ahaa waxa uu iska soo jaray gabar iyo garoob sinna uma gefaayo Huburow ha la iga gaarsiiyo in aan sugayo markasta, Huburow kolkii arrintii loo sheegay bay gurigii ka tagtay meel ay qabatayna la garan waayey, isagiina waxa uu u tiriyay walaa xawla warbaa yaalla, mar dambe waxa uu bilaabay in uu isla hadlo oo uu ka hadlo waxa uu ka dareemayo qalbigiisa, in uu ka hadlo sidii loo kala fogeeyay isaga iyo Huburow, waxa uu aad u tilmaamay in qalbigiisa aan waxba arag, maqal iyo urin haba sheegin, in gudihiisa dab ka shidanyahay ayuu tilmaamayaa, ugu damabaynna isaga oo saaxibadii la sheekaysanaya ayuu isweydiiyay haddii Huburow uu arko wixii uu dhihi lahaa, beerlaxawsi ayuu halkaas ku bilaabayaa in uu baryootamo ayuu isku dayayaa balse iyadiibaa sheekada soo afjaraysa oo layr cas u shidaysa, isaga oo quus taagan ayuu leeyahay: hal mar haddaan arki lahaa sheekadaas baan is dhaafsan lahayn, waxa ay silsiladdu socotay sannado badan sida laga dareemi karo dhammaadkeeda.
- HAKABA
Heestan hakaba waa heesta koowaad ee ka soo bilaabatay silsiladda, waxa ay gogol-dhig u noqotay silsiladda jacayl ee abwaan sahal iska lahaa, qaybtan laguma xusin magaca gabadha oo qaybaha kale aan ku ogaan doono.
Lang wiing mé booraaw
Beengaa ogaadey
Iligntey baroodshe
Biyi haang dareerte
Fiidley bateey
Bushé laang korteey
Isgoow badéngaa
Lang baal maraaw
Ké birémee
Mé bedbaadiyaaw
Hakabé bannaanshee
Buurtoo ké taalloo banoodaa
Balléngkaayné haayey
Baabuur mé rahaa
Ay iilé buubee
Ay iilé buubee
«Qaybtan hore waxa uu abwaanku leeyahay: nin weyn ma ooyo, in ay been tahay baan ogaaday taa, illintayda burqanaysa sidii biyaha ayay u socota, sida ubax soo baxay bushi la’aanna koray udug badan, qofkii dhinac mara shaki la’aan wuu ku leexan oo kama badbaado, Hakaba bannaankeeda buurta ku taalla ayaa ballan inoo ahayd, baabuur ma raacayee yaa ila duula talow, oo yaa ila duula».
Bogley yaraangtiye
Baraar aybé sheegnee
Hindhé hidoor ké buuhoo
Bishimoo lé yaabee
Beengtey mé ee
Beddéngshee deyoo
Nuurshee bila
Lang baal maraaw
Ké birimee
Mé bedbaadiyaaw
Hakabé bannaanshee
Buurtoo ké taalloo banoodaa
Balléngkaayné haayey
Baabuur mé rahaa
Ay iilé buubee
Ay iilé buubee
«Dhexda ooy u yartahay, timaha yaanba sheegin, indho hidoor ka buuxo, bishimaha waad la yaabi, been kumaan warramine muuqeeda kolkaan eego nuurkeedaa bilaya, nin agmaraya wuu ku leexdaa oo dhaafi maayo, Hakaba bannaankeeda buurta ku taalla ayay ballanteennu taallay, gaari ma raacayo e yaa ila duula talow, oo yaa ila duula».
Nolloley bilaawshee
Nafteey berkoowaa
Beerkey dhatiisaa
Bee oo ké reebteey
Geber baarré ee
Boor-dhaaysé ee
Beylé roogté wa
Lang baal maraaw
Ké beegémee
Mé bedbaadiyaaw
Hakabé bannaanshee
Buurtoo ké taalloo banoodaa
Balléngkaayné haayey
Baabuur mé rahaa
Ay iilé buubee
Ay iilé buubee
Ay iilé buubee
« Billowga noloshaydiyo bar naftayda kamid ah weeye, beerkayga dhexdiisa ayay boog igaga tagtay, waa gabar baarri ah midabkeedu maarriin dhalaalaya ah meel fogna joogta,nin agmaraya wuu ku leexdaa oo dhaafi maayo, Hakaba bannaankeeda buurta ku taalla ayay ballanteennu taallay, gaari ma raacayo e, yaa ila duula talow, oo yaa ila duula».
*******************************
- HUBUROW
Waxa uu abwaanku riyo ku arkayaa in Huburowdii uu jeclaa ballantana uu la lahaa nin kale reerkeedu siiyeen oo marwo u dhaxda ninkaasi noqon doonto dhawaan.
Hungdurmeedii owhoraad
Wal yaablee haayteey
Hufeeytoo kooyteey
Haangshoo iing sheengteey
Huburowtii geeraad
Hartii lé siiyeey
Hadégii ley dhiméng maa
Habartiisaa nagéteey
Hadégoo lé kooy
Tafteey kiing hiroo
Hakaboo ké jeeyeey
Warshee mé haaynee
Ha haabsédee
Lang jeng lee haang
Hor leey ku rooree
«Hurdadii habeen hore waxyaab leh bay ahayd, dafe baa iigu yimid oo Xaashi ii keenay, huburowdii dorraad nin baa la siiyay, xarigii(nikaaxii) uun baa dhimane xaaskiisa ayay noqotey, [xarig la imaw aan lugtayda kuu xiree hakabana aan ku geeyee] sow warkeedu ma ahayn, waan hahaabtay oon toosay sidii nin waalan durba waan cararay.»
Ir leey huriyaaw
Hogollis biraaso
Hareeddé jhiiftoo
Heelaa badiingshoo
Maabé liing hisaabaanee
Barbaarké heesaaw
Gaalii horaayoo
Horkii lé maalaaw
Hoboog leytii
Hangshab dhawaasoo
Hiiloo adiijeey
Haamoo ulaasoo
Huburow lé roogtoo
Hurugoo oroodis
Onoggoo ké haaytoo
Dooykii heggaadshey
Dooykii haalkii mé seenee
Cirka oo gugaciisa la maqlo daruurihiisuna danab ka bidhaamayo, Xareeduna is wada barkantahay, tiradhaafka xoolaha aan la xisaabayn, barbaartu heesayso, geelana ay hor fadhiyaan xoorkiina laga lisayo, habluhuna sacab iyo alalaas isku dareen islaamuhuna ay haamaha culayaan, Huburowna ay la jirto geed dhiniciisa ilmo ay dhabta kaga siddo, Dhulkii Dooy dhankiisa, sow markiiba maa tegin.»
Hareeré dheerko
Hareeddé saagtey
Hamballo ké roogté
Laamo haboogdi
Ya hoos fadheeday
Ameel humbooyaaw
Hortey lé sheeni
Wal ha I dhowaayi
Huburowné kooytey
Ha I baal fadheeti.
«Hareeri dheerka xareeddu saaqday, caleenta ku taalla laamaha qariyay baan hoos fariistay, ameel xumbo badan baa hortayda la keenay, si milgo ku jirto baa la iisoo dhaweeyay, Huburowna way timid oo dhinacaygay ayay soo abbaartay.»
Hergela
Bariida
Salaang mé haaynee
Adablaagé hoosjhey
Hogolaa jimaaytey
Wal hung mé sheegne
Ha dhawaaw
Jiwaab mé haaynee
Hadal uurké yaaloo
Afka hadee waa
Is-haayé waayteey
Hagar ii
Humbaawé
Hundhé geed nugeelaa
Hambé soor mé ee
Heraay Wang mé ee
Hoobadé bal leyaa
Heer beledké haaljheey
Madal ii hirtiitaa
Sé leyba haayteey
Anné iing hallaaytoo
Iidow mé heetoo
Warshee mé haaynee?
Ané méké humaayaaw
Hoola lahaayi
Hoolaa lahaayi maa
Anné mé ké hilmaamaa
Howé magé mé ee
Mé hungduraaw
Mé hergalaaw
Adii horteey roogdee
Anné mé ké humaayaaw
Anné mé ké hallaayaaw
Warkey mé haaynee?
«Qaybtan waxa ay ku bilaabanaysaa isbariidin iyo salaan ay isku yaqaanaan bulshada ku hadasha afka soomaaliga Maayga, Hergela, bariida sow salaan ma ahayn, adablaha(¹) hooskiisa daruur baa haraysay, wax xunna lama sheegine soo dhawoow sow jawaab ma ahayn? Hadal uurka yaalla afka ayaa kaa xada, Waad is hayn kari wayday, ( abwaanku waxa uu tilmaamayaa geedaha iyo dalagga ay beeralaydu beerato) intaa kaddib huburow waxa ay leedahay: reer magaalka xaalkii, ballan inoo xirtii ma sidaas bay ahayd? Amnigu ha I halleyn iidow maad ka joogtid sow warkeedu ma ahayn? Ani kuma xumayn karo, hawl baan lahaa mooyee kuma moogani, hurdo iyo hargal midna ma helo aduunbaa hortayda jooga, ani kuma xumayn karo, kumana hallayn karo e, warkaygu sow sidaa ma ahayn?
Hilimoodung rumoowaase
Hakaboo Ing guure maa
Hamar mé roogaaw.
«Riyadani way rumoobaysaa, Hakaba baan u guuri xamar joogis ma laha».
*********************************
¹. Adablaha waa dhul ku habboon daaqa nugul iyo beerasha xilliyeedka, gobollada Koonfureed degmooyin kamid ah ayaa kamid ah dhulkaa
- IS-WAAYNEY IS-EFIINOY
Waxa uu qaybtan ku cabbirayaa abwaanku in sidii uu riyada ku arkay ay dhacday, Huburowna la siiyay nin kale oo aysan raali ka ahayn iyada, waxa uu leeyahay:
Shaley amaangtaa
Aré dheeraa deertey
Haté ley ing eebowtoo
Arréng hoobé aawkaa
Sheenoo oroodis ké kooytoo
Angkaar ii do’aawaa
Ingké aasiyoowtoo
Shimbirkoo abégoo korsheey
Ukungtoo buulshee dhisaaw
Ees ley kooy foof erreey
Onoggoo aytiis galii
Ariitoo langkoo fadaaw
Lang kalee agalshee gadee
Hindhoogey nuurshoo
Jinaadé oorshee
Qalbégee aftiinsheey
Is-waayney is efiinooy
Adduunyé ley waa
Adduunyé ley waa
« Waxa abwaanku leeyahay;adigu eed malihide, anigaa wax kasta eed ku leh, Shalay amaantaada meel Fog bay gaartoo, hadda ha ceeboobin, hadduu aabbahaa arrin keeno oo dhankiisa ka timaado ninna lagugu daro, waa duco iyo habaar midkood ee amarka waalid ha ka caasin, shimbir qurac dushiisa.. ukunta buulkeeda dhisanaysa, kolkay caws doonato bay ciyaal shabaqa u gashaa, waa dunida xaalkeeda, gabar nin doonaya, baa nin kale aqalkeeda gadaya, indhahayga nuurkoodaay, jannada udugeedaay qalbigayga iftiinkiisaay, waynu isweynay aan iscfino, waa adduun iyo xaalkiisee».
Eeraab mé feylee
Habiibow afkaa reebooy
Islaangké koo yaabey
Amar Eebbé sheenaaw
Wiinyaa lang né ood mé saaraa
Usé hoo lé duugooné
Reedshey ku her ma ahaa
« waxa uu aakhirka leeyahay amar Eebbe keenay wuu naga weynyahay cidina ood ma Saari karto, waan isweynay aan iscfino».
****************************************
- GEBER II GAROOB
Abwaanku waxa uu qaybtan kaga warramayaa jacaylka uu Huburow u qabay iyo in uusan ka samri karin marnaba, waxa uu leeyahay:
Garbé garaa liing dhikee
Jeelké ganaa ii geddiis mé ee
Ul lé goosédaayoo
Tangaa godéng
Ul lé goosédaayoo
Taasaa godéng lé guraaw mé e
Gaabéneytoo garguurédaaso
Gember ley lé taawiyaa
Lang ley gerriyow erree
Geber ii garoob
Tooné méng gefaaw
Guurké guur ley erre
« Garba garbaa loo dhigaa.. jacaylku ganacsi iyo wax kala beddelasho ma aha, ul la goosanayana oo tanaa godan ama taasaa godan la la yiraahdana ma aha, gabadhu si kastay u gaaban tahay xitaa gambar hadday la egtahay ninbaa gerriyay dhaha (jacaylku indho ma laha) gabar iyo garoob toona uma gefaayo ..guurku waa guur uun baan leeyahay»
Heesta oo aad u dheer haddaynu dhammaadkeeda tagno waxa uu abwaanku leeyahay:
Guhung gusheey
Huburowti léng goodiyey
Garbéduubké léng hiri
Gurbégé lè saari
Lahawkoo I giliidi ya
Lé gebbédee
Lé gosey haalkung lé gosee
Ay geeysiye warkey
Ay geeysiyee
« Gu’gan gu’giisa, huburowdii loo hanjabay garbaduubka loo xiray awrkana la saartay, xanuunka ay I galisay baan la gabannayaa oo aan la fekeraa haatanba la fekerayaa… Talow yaa Iga gaarsiiyaa warkayga, yaa Iga gaarsiiya».
************************************
- WALAA HOWLA
Iidow kolkii uu maqlay in Huburow ay gurigii ka tagtay bidhaanteedana la waayey waxa uu yiri:
Walaa howlaa
Walaa yaale
Huburow weerégdeey
Ing lé waayi yaa dheegi
Witisoow yaraado
Sirtiis ké wiinyaa wal ley dey
Wiiré-wiiré geedo ké wareegédaase
Wal ley dey
Goob waantuwaaled
Widaad mé seedaa wal ley dey
Weysaaysédee maa waaaley mé dheelaa
Wal ley dey
Iyeené si waahey
Wal mé ké hallaayane
Wal ley dey
Se kiilé weeli
Wir ley mé ee
Warhsey ha qaad ley mé ee
« Walaa xawla warbaa yaalla, huburow way carartay in la waayey baan maqlay, witis(nooc shimbiraha kamid ah) witiskaa yar sirtiisu waynaa bal eeg, weero-weerada geedaha ka wareegata bal eeg, goob ciyaal suuq wadaad lagama sugayo inuu tago bal eeg, waysada baan ku dadaalaa waalley in aan ciyaaro la iguma oga, iyaduna si gudud wax kuma hallaysee bal eeg, siduu yaallay talow, xaajadu cannaan uun ma ahee».
Adduunyadung wednaada
Warréng oo ké dhooshey
Welwel ii dhibaa
Waltar iingké weelley
Weel dab fuulo ahaa
Wadiingtiyee
Wa’diyoow waa ahaa
Wadiidémee
Qaybtan aakhirkeeda waxa uu abwaanku leeyahay:
Widaayow Aliyoow
Wal iing sheeg
I waanidoo fadee
Waraabé ii libee
Marbé sédo Ing weerow
Mé lé widaayaw
Haanii waasho
Bariyowké diidi
Mé lé widaayaw
Wang kiing shuboow
Warréngné lé sidoow
Mé lé widaayaw
Welaayi dhiibow
Weelidshe mé deeraw
Walaal mé aayaw
Ilaa wedkey tuugow
Wéjigey mé kooyaa ogaaw
Huburow weerégdeey
Ing lé waayi ya dheegey
Anii weydiiye
Umboo usuu weydiiyeeyi
Wal yaabey
«Wadaayow caliyow wax ii sheeg, waano iyo talo baan kaa rabaa, waraabe iyo libaax marba si u dhawaaqa lama saaxiibo, kuwii waaberigooda in la arko diiday lama saaxiibo, mid caano kuu shuba warrankana gadaal ka sita lama saaxiibo, waalidkeeda waligeeda ah wax kama sheego walaalna cay ma laha, se kan wadkayga/dhimashadayda raba in uusan wajigy Iman baan ogahay, Huburow way carootay in bidhaanteeda la waayayna waan maqlay, ma anigaan baadigoobkeeda galayaa mise isaga waa yaabe.»
- QALBIGOO
Qaybtan waxa ay u badantahay naf lahadal uu abwaanku ku tilmaamaya in qalbigiisa uu dhaawac weyn gaaray, sidoo kale waxa uu cabbirayaa xaaladda nafsi ee uu ku jiray, waxa uu yiri:
Qalbigoo ooyaayoo
Ing aamaanee
Ing oomaanee
Islaangké oo jhiifoo
Indhoo inis geliyaané
Waane kiing aregaané
Waané kiing uriyaané
Hoo ké eedémaasoo
Edkaa ing dheegaane
Amintoo iyaa guraaw
Afké shal teegaaw
Qalbigoo ulumé ku noogteey
Wal liing akrii
Wal liing afuufi
Eber leey ku haadaa
Qalbigoo oodoo beraa
Edaang ii iftiing
Itheed ii sarmaang
Eesley ka aalaaw
Ay lee?
Ay lee ? Ay lee?
Iidoow iidoow
Iidoow magaageyaa
Geeké iid me eh
«Qalbi ooyaya, oo aan wax cunin waxna cabbin,ummaddu goortay hurudo aanu indhihiisu isgalin, aan wax arkayn waxna urin kolka aad ku eedaanto aanu ku maqlin, ammin dambena afka kala qaado iyaah ku yiraahdo( abwaanku wuxuu ina tusayaa in maskaxda laga weeleeyo intaas oo arrimood), qalbi ay culimo ku daashay wixii lagu akhriyay iyo wixii lagu afuufay eber ka ah, qalbi oodda jabsada caddaan iyo iftiin cadaad iyo sarmaan ay caws ula muuqdaan, qalbigaasi yaa leh ( iidoow baa loogu jawaabayaa) iidow waa magacayga maantana ciid ma aha».
Dhammaadka heestani waxa uu abwaanku leeyahay:
Dhédhegé abaareed
Isku nagadii
Anjaraagii buuroo
Isku nagadii
Dudéme abuurow
Oofsheey bilaashaa
Agalkaa meeloo degsoo eree
Oowkébe banoo
Qalbigoo irké ii dhulkoo
Iig liing ké weelii
Qalbigoo awsiintiis
Alaay liing ku weelii
Qalbigoo unugdoo ii aawshee
Ol ii edaawé ké weeli
Qalbigoo ariitiis
Usuley adaabee
Dertiis liing oroodi
Deréng liing fadheedi
Usiiné enjegee
Amuushé roogee
Ay lee Ay lee?
Iidoow Iidoow
Iidow magaageyaa
Geeké iid ma eh
« Dhegdheg abaareed iyo shimbirta buuraha in aan noqdaa la ii qaatay, dudunta kan dhista dadaalkiisu waa hal bacaad lagu lisay, qalbi cir iyo dhul dhexdooda ciriiri ku ah, qalbi gabar iyo waalidkeeda col iyo cadaawad dhex dhigay, qalbi gabadhiisa isaga uun cadaaba, dartii loo cararay daran loo fariistay, isaguna engeg iyo dhimasho uu marayo, yaa iska leh qalbigaasi? (Iidow baa loogu jawaabayaa) iidow waa magacayga, maantana ciid ma aha».
Huburoow islaan teyaa
Anii ha waydiyee
Hunjhuftoo ing enjegnee
Eriteey ha saarethee
Huburow amaang keyaa
Anii ha waydiiye
Unegeethii aaytemeng
Warshoo ooftey ma eh.
•Abwaano dhow ah oo silsiladda sii kiciyay buu qaybtan ugu jawaabayaa abwaanku, waxa uu leeyahay:
« Huburow waa xaaskayga, anigaa raadsanaya, candhuuf inta aysan qallalin baan dhabarkayga soo saaranayaa, Huburow waa ammaankayga anigaa raadsanaya, ciyaalkii iska hadlay warkooda waxba iima dhimayo».
- IRÉ DHIIMÉ
Heestani waa tan ugu dheer guud ahaan silsiladda waxaana lagu tilmaamaa mucda murtida suugaanta afsoomaaliga Maayga, waxa uu abwaanku leeyahay:
Iré dhiimé
Iré dhiimé
Asar gaabédkii
Adé ii islaantaa
Ising o arraabsanag
Irkéné gaduudké
Arlaabé filleero
Hogollé uung ii
Asal liské jiidi
Langki Allé tusaaw
Suurud arageey
Illi barré ing jeeddé
Orsi deyaasé
Geenémé amuudey
Oownémyé darshee e
Abaar ing haayne
Enjeg ing haayne
Suut amaangtiye
Ooté hoos midoow e
Hamballé aftiing e
Dhulkéné isgoowshey
Ha kii afuufaaw
Usuuné liing towaané
Idéng liing fadaaw
Adduunye kii hariirtee
Arlaathi dheertaa
Iyow ha seew
Indigaa ke taalloo
Iyeené reedka
Oboow oboow
Kabtung ilaashe
Farnyaawa aamee isug
Isug guraasoo
Athiine doogii
Ka aloole humaayey
Amang kiibe wirik tarey
Lugte unjhuf ku saarteey
Oorkii oorkii
Maabe ko og
Inis tarooy
I afi eriteyne daar
I afi guraasoo
«Gabbal dhicii, casar gaabadkii adiga iyo xaaskaaga idinkoo carraabaya, cirkuna casaan yahay, fallaaraha cadceeduna dhulka istubay,daruurtiina aad mooddo qaac iyo asal la isku dhexjiiday, ninkii Alle tusa baa quruxdaas arka, ishii bari u jeedday galbeed bay jalleecaysaa, maalin hadduu galbado habeen baa soo dargalaya, goortu abaar ma aha qallaylna ma aha, waa xilli xagaayo yari jiro, dhirta hoos bay u madowdahay caleentuna way ifaysaa, dhulkana udgoonkiisa uu kugu afuufayo, uunsi iyo idin midna lama tabo goortaas, adduunyaa kugu xiriirta, arladii fogayd in aad dhaqso ku tagto baa cindigaaga ku taalla, iyaduna(gabadha) gadaashaada kugu leedahay aboowe kabta meesha farta la geliyo baa faraha iga gubay ee isug, adiguna hadalkeeda intaa ka calool xumaatay oo aad kala wareegtay baad ku tiri odaygii miyaa ku og, ee I cafi dhabarkana iga taabo,
•Qaybtan oo ah qaybta ugu dheer toddobada qaybood waxaan kaga gaabaanaynaa intan hoose oo uu abwaanku kaga quustay in uu dib u helo Huburow;
Aglégoo bersheey
Murugaa abuurey
Huburow ing seedowbé
May erree?
Ilaaheey illé ley iing saara
Ma ee orooshé ley walaashee
Amuushoo dooreteey
In seedoo may erree
Ma aaytémaasoo
Awaabshee mé eh
Wal iing edaa
Erataa lé ii eediyey
Obsé ley ming ernee
Afyaala iske weeley
Uung siney nebedaa
Iidiyaa lé deeri baa erey
Ugun lang sheey galii
Afsheey may waayaa
Usbé lang sheey gooyaaw
Afsheey mal waayaa
Iing oomido oo biring baa I tareey
Ootaa dhinigoo tegee
Afaaf kalee waydiyee
Ajallaa dhiménaaytey
Iilka ke sigédeey
Kiing eng jegeey
Moogtaa
Iyeeyow moogtaa
Baa ereey
«Caqliga qaar murugo iyo walbahaar ayuu sababaa, Huburow aan u tago e, maxaan iraahdaa Eebbe isha mar uun ha ii saaro e, arrinteedu carro Kuma eka e dhimasho ayay dooratay, haddaan u tago maxaan iraahdaa, Cay laguma abaabin, way iska caddahay in dhabarka la I aaddiyay, intaan abwaan iska dhigay baan ku iri udgoonay ma nabad baa, cahdi qof gala oon aafin baan ahay tusbax nin gooyay afkii ma waayo, ha I harraadin ee dhinac iga joog bay igu soo tuurtay kolkiiba,intaan dib u gurtay maskaxdana shiilay baan kula soo laabtay Ajashii baa dhinnayd oo iilka ayaan ku sigtay, dartaada ayaan u engagay gacallooy ma moogantahay baan iri».
Enjegow kii yeryaa
Aboor mé ké galoo
Aaréng hoobe roogé
Oortey may ha iing rori
Baa I tareey iinghii
Angrabkaa dhuung-dhuugee
Walleey aduudee
Jeelkii asalkii
Haalkuung usubaa
Usugii ley ahaa
I aaming baa erey
Mé ké iideysedaaw
I aaming baa ereey
Iidow dhirif laangtaa
Eelaa ii rideey
Is afiinooy tiitaa
Hattaa ogolaa
Aruursooy éng fedhiidoo
Baa I tareey iinghii
May inis inkaaree
Owaad maabé jaraa
Awoow ii awooyoow
Baa enaa
Ilaahey illé leey iing saara.
«Engeg wuu kugu yaryahay e, aboor muu ku galo, anoo barwaaqo jooga maxaan awrkayga u rari bay I tiri, carrabka intaan dib u liqay oon wax cusub soo lufluftay baan la imid, jacaylkii asalka ahaa wali wuu cusubyahay, anna isagii baan ahoo I aamin baan iri, Iidow xanaaq la’aantaada baa ceel igu riday, aan iscafinodii aad berrigii lahayd hadda ayaan ogolahay,uruurso dhinacna ii dhaaf bay hadal iigu soo koobtay, maxaan isu habaaraa? Awoowe iyo ayeeyo baynu nahay, Ilaahey mar uun isha ha ii saaro».
DHINAC KALE MA LOO FASIRI KARAA SILSILADDA?
Waxa ay dad badan aaminsanyihiin in silsiladdani humaagga kore kaliya jacayl ka tahay, se ay xambaarsantahay aragti siyaasadeed oo hab sarbeeb ah u dhacaysa, tusaale ahaan marka uu abwaanku leeyahay “ Lang wiing mé booraaw….. Hakaba banaanshe,buurtoo ké taalloo banoodaa ballankaayné haayey” waxa ay ujeedadiisu ahayd bay leeyihiin: bulsho badan oo Soomaaliyeed oo oynaya kana gadoodsanaa nidaamkii dalka ka jiray, deegaannada barwaaqada ah ee Rabbi ku mannaystay ayuu tilmaamayaa quruxdooda, waxa uu si sarbeebaysan u tilmaamayaa in Buurhakaba lagu ballamo oo laga arrinsado xaalka ay bulshadaasi ku suguntahay. Waana tii markii dambe keentay in abwaan sahal uu ka tago dalka oo lagu shaabadeeyo kacaan diid, ilaa aakhirkii siddeetamaadkiina uu ku sugnaa khaliijka, waxaa abwaan sahal Eebbe ha u naxriistee afkiisa laga hayaa in loo oggolaaday in uu dalka soo galo kolkii uu tiriyay heesta “Kor Eddooy” oo erayadeeda ay kamid ahaayeen “ Anigoo kabahaaga tolaayey oon kaala daahin baad ii qaadatay nin kafantaada tolaya, ka joog sidaa ma aha xaalkuye” heesta Kor Eddooy dad badan waxa ay u qabaan hees Roomaansi ah oo halkii ugu dambaysay kaga warrantay jacaylka, waana sida dusha sare laga dheehan karo, balse waxa ay ku socotay taliskii milatariga ee dalka ka jiray waqtigaasi.
Silsiladdan waxaa xiisaheeda sare u qaaday kolkii ay soo galeen Abwaanno si weyn looga yaqaano dalka, gaar ahaan abwaan Mukhtaar mad yarow oo ku soo galay heesta “weerarow dooyow” oo uu ku sheegay in uu meel ku ogyahay Huburowda la raadinayo, abwaan tarash ayaa sidoo kale kaalin muuqata ku lahaa silsiladdani. Eebbe ha u raxmadee abwaan sahal macallin waxa uu burburkii kaddib u batay dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska Soomaaliya in uu Suugaantiisa kaga qaybgalo.
FG: Fasirka meelaha qaar waan u waayey erayo u dhigma oo aan ku fasiro, si loo wada fahmo waxaan adeegsaday erayo soo dhawayn kara ama ku dhow miraha asalka ah ee Maayga, waxaan kaloo xusaysaa in beydad badan aan ku jirin si uusan qoraalku u dheeran.
Tixraac:
¹. Halabuure”silsiladdii sahal macallin Ciise{Axmed Cabdiqaadir Nuur}.
2. Astaan Tv {Fanka Maayga iyo sooyaalka abwaan Sahal macallin}.
3. Mohamed Abdi Idris{ Notes..Huburow}

Asc mahadsanid horta waxaan idinka codsan lahaa inaad soo dhamaystirtaan heesaha yacni gedigooda noo soo wada fasira. Waa iga codsi. Sababtoo ah waxaan rabaa inaan wada fahmo