Faaqidaad Riwaayadeed: Dad baa dadka waala

Faaqidaad Riwaayadeed: Dad baa dadka waala

Aw Saahil 

(Luulyo, 2024)

Hordhac

Bishii Disembar, 2021-di, waxa ay kooxdi Sooraan soo saartay riwaayad aad qiimo badan oo ka mid noqotay mid ka mid ah kuwii ay sameeyeen kuwa uga saamaynta badan, aad loo jeclaystay loona daawaday. Magaca riwaayaddu waa “Dadbaa dadka waala” ama sida ay ku caan baxday riwaayaddii “Rida/laxda” waxaa ku jira sarbeeb qotodheer iyo dhaleecayn bulsho. Waxa ayna safka ugu horreeya ka gashay tirada yar ee ugu caansan riwaayaddaha waayahan dambe bulshadu la kulantay. 

Haddaba, faaqidaaddan waydda ahi waa mid isku dayaysa in ay ka jawaabto su’aalahan: Maxay riwaayaddani ka hadlaysaa? Qaabkee ayaana loo soo gudbiyay? Sidee ayay u taabatay nolosha bulshada Soomaalida? Maxayse kaga duwan tahay riwaayaddihii hore oo ay Sooraan kooxdiisu soo saari jireen?

Xulashada magaca “Dad baa dadka waala” 

Haddii aan ku billownno magaca riwaayadda “Dad baa dadka waala” waa magac sarbeeb ah, marna murugsan, “Sarbeebtu guud ahaan waa farsamo ay si joogta ah u adeegsadaan halabuurka suugaantu, dunida oo dhan. Soomaaliduna aad ayay ugu horreeyaan. Dadka Soomaaliyeed si weyn ayay ugu indhafuran yihiin fasiraadda sarbeebta suugaanaysan.”  Waa magac ka turjumaya nuxurka riwayaadda. Waxa uu sawirayaa dad wareersan oo midba midka kale ka waalayo, dhabta iyo dhalanteedkana aan kala saari karin. Ummad aan aqoon hormuudka ay hoggaanka u dhibteen waxa ay yihiin, waxa ay u qaban karaan iyo halka ay geeddiga ku furi karaan. Sidaas darted, iska waaliddu waa mid ka mid ah mawaadiicda ay sheekadu innoo duurxulayso. Inta riwaayaddu socoto waxa aan arkeynaa jilayaal badan oo laga waalayo/yaabinayo iyaguna kuwo kale jahawareer ku sii ridaya, ka dhaadhicinaya wax aan jirin amaba wax meesha yiil si kale oo aysan ahayn ugu fasiraya.

 Sooraan oo “RI’ ” iska wata ayaa la qaadsiinayaa in waxa uu wataa aysan ri’ ahayn oo ay “LAX” tahay. Jawaan oo nin xildhibaan ahaan u doortay waxaa laga dhaadhicinayaa in uu NAAG doortay. Muuqaallo kale oo badan oo sidaas ah ayaan ku arkaynaa gudaha riwaayadda. Kolkaa qofka riwaayadda daawada waxa maskaxdiisa ku dhalanaya, dadkan wax ka waalayo/yaabinayo maxay yihiin, maxayse uga waalayaan? Maxay bulshadu qofba qofka kale uga waalaysaa? 

Bil kaddib, daawashada riwaayaddan, waxa ay Sooraan iyo Jawaan soo saareen riwaayad magaca wax yar ka duwan oo ay “Dad baa dadka caaya” ugu wanqaleen. Nuxurka riwaayaddani waa mid ay aad u fududdahay in la fahmo oo ma aha mid sida kan hore u adag. Waxa ay ka warramaysaa dadka sabab la’aanta ugu xadgudba dadka aan lixaaddoodu buuxin ama iin gaar ah leh. Saddex arday oo dugsi dhigta midi aad u gaaban yahay, midi jiis/laangarre yahay midina tuur leeyahay ayaa mid walba abuurtiisa lagu caayaa, mar walba oo ay iskuulka yimaaddaanna ardaydu erayo dhibaya ku tuuraan oo qalbi jebiyaan.  Ugu dambayn, saddexda arday waxa ay go’aan ku gaarayaan in ay waxbarshadaba isaga haraan maadaama maalin walba ay aflagaaddo iyo hagardaamo kala kulmaan guud ahaan bulshada si gaar ah ardayda. 

Aragtidayda, haddii aan labada riwaayadood is barbardhigno waxa noo soo baxaysa in mawduuca dad ka waalku ama halka uu magacu ka yimid in ay tahay marinhabaabinta, beenta, run maroorinta ay dadkeennu caadaysteen. Waxa ay muujinaysaa sida bulshadeennu xaqiiqada isaga indhasaabayso, borobogaandada iyo kala jeedintuna caadi uga dhex noqotay, oo ay dhinaca xumaha oo kaliya ugu xagliyaan, samahana uga kufriyaan.

Sooraan riwaayado fara badan oo isugu jira wacyi gelin iyo hanuunin bulsho ayuu allifay, oo maad iyo macnaba lahaa, bulshaduna aad u xasuusato; riwaayaddan oo ahayd mid ka mid ah kuwii ugu dambeeyay ee uu sameeyay  aadna u qarxay maadaama ay ahayd riwaayad maldahan maadna ah. Majaaajillada badan iyo dadka oo aan u dhuundaloolin faaqidaadda masraxa ayaana malaha ugu wacan in riwaayaddan aadka u waxtarka badan si weyn aan loo fahmin loona arko mid iska caadi ah oo riwaayadaha la sameeyo aan waxba ka duwanayn.

Waa kuma “Sooraan”?

Ibraahin Ismaaciil Sugulle “Sooraan” (1968-2021) waxa uu ahaa abwaan, jilaaa dhab ah, fannaan iyo riwaayadsameeye kaalingalay. Nin socodkiisa, lebbiskiisa, xarrakaadkiisa, fool-dareenkiisa, eraygiisa iyo guud ahaan jilliinkiisuba dadka ka qosliyaan. Dabshidkii 1968-di ayuu ku dhashay miyiga tuulo u dhaxaysa Burco iyo Wadaamagoo oo Kirir la yiraa. Waxa uu ka dhashay qoys xooladhaqato. Isaga oo weli yar ayaa Burco la keenay dugsi Qur’aanna la geeyay. Waxbarasho ma gelin, laakiinse qoraalka iyo akhriska ayuu bartay. Abbaarihii 1974-ti waxa uu ka mid noqday dadkii abaaruhu ku habsadeen ee koonfurta loo soo raray. Xamar ayuu yimid, fanka ayuuna 1979 ku biiray oo  kooxdii muusigga ee Durdur ayuu qayb ka noqday. Waxa uuna allifi jiray heeso iyo sheekooyin gaagaaban oo majaajillo ah. Heesaha uu allifay ee caan baxay waxaa ka mid ahayd “Saarkii duleedow soo degeey” oo noqotay hees ciyaareed aad loo jeclaystay. Heesta oo laba qayb kala ahayd waxaa kala qaaday Shimaali Axmed Shimaali iyo Cabdullaahi Shariif Baastow. Dawaladdii iyo fankiina waa ay isla burbureen Sooraan oo aan weli hibadiisa iyo fankiisu hanaqaadin bulshaduna aad u baran.

Abwaanku waxa uu haystaa hub uu dadka kale uga soocan yahay. Waa hub geeddiga nolosha loogu sahan tago, lagu hago looguna raro naqa iyo dalsanka; sidaas darteed waxaa saaran waajib weyn oo aan dadka kale saarnayn, waa waajib ay farayaan garashada iyo fiiradheeridu kuna qasbaya in uu inta naftiisa la faqo faallada waayaha iyo adduunyada u fiirsado, waana  isla waajibkaas kan u dira in uu xaaladaha bulshada ee markaas taagan iyo kuwo ku soo wajahan labadaba sidii loo farsamayn lahaa wax ka yiraa. Sooraan oo uu waajibkaas dirayo Jawaanna uu ku tilmaamay”Nin dadka ka horreeya oo waxa jooga iyo wax soo socda u fiirsada, xaaladaha daran ka damqada oo mar walba u heellan in uu bulshada wacyi geliyo waxna u sheego oo barnaamijyada gaagaaban iyo masrixiyadaha kula hadlo kor iyo hoosna wax ugu sheego.” Riwaayado aad u tiro badan oo waxtar leh ayay curiyeen, kuwaas oo iftiiminaya dheelliga iyo gaabiska mujtamaca Soomaalida ee miyi iyo magaalaba ka jiray. 

Mawaadiicda ay xusheen kuwaas oo ay riwaayadaha aadka u tayada badan ka sameeyeen waxa ay ahaayeen kuwo waqtigaa la joogo iyo nolosha bulshada muhiim u ah, sida tahriibka, qabyaaladda, nabaadguurka, siyaasadda, waxbarashada, hay’adaha, qoyska, guurka, kufsiga, baraha bulshada,  iwm. Sooraan iyo Jawaan oo ahaa laba jilaa oo aan kala maarmin iyo saaxiibbo aad isugu dheer oo mararka qaar dhihi jiray “Naf qura” ayaan wadaagnaa, horraantii 2003 ayay kulmeen markii ugu horraysay, waxa ayna ogaadeen in ay yihiin labo nin oo jilitaankoodu is dhammaystirayo. 

Inta aanay is arag ayaa loo kala war qaaday oo dadku ku guubaabiyeen in ay is raadsadaan hibadoodana isku biiriyaan, intaas ka dibna waxa ay noqdeen labo nin oo waxqabad suugaaneed aan salguurin oo la ammaanay diiwaanka taariikhda ku darsaday. Labo marxaladood ayay martay riwaayad samayntoodu. Marxaladahaas oo ay jaangoynayeen waaqica bulshada maadaama cidda ay mar walba la hadlayeen bulshada ahayd. Intii hore waxa ay soo saari jireen riwaayado isdaba jooga oo dhaadheer oo saacad ama ku dhowaad soconaya, ama kasii dheer oo ay qaybo badan u kala qaybin jireen;hase ahaatee, intii dambe ee dadku tiknolojiyadda la qabsadeen mashquulkuna siyaaday waxa ay dhimeen daqiiqadaha welibana aad u gaabiyeen oo waayihii ugu dambeeyay barnaamijkooda ama riwaayaddooda ugu dheeri labaatan daqiiqo ma dhaafi jirin, tanina waxa ay ku tusinaysaa sida ay jawiga bulshada ula socdeen. 

Sooraan, ma uusan gelin iskuul nidaami ah iyo mid kale oo jillidda iyo riwaayadsamaynta lagu barto haddana waxaa uu si dabiici u ahaa jilaa dhalad ah iyo cabqari,  sida ugu kooban ee lagu qeexi karaa waxa uu ahaa “Masrax guuraya” Waxa uu ahaa nin fahamsan doorka hal-abuuraha iyo bulshada, isaga oo hadlaya ayuu leeyahay “Horta turjumaadda bulshada ayaa iska leh…” Mar uu ka warramayay halka uu ka helo fekradaha uu riwayadaha ka sameeyana waxa uu ku jawaabay;“Waxaan eegaa uun dhibaatada hortayda taal ama dadka. Waxa qoyskaaga uun baad ka metelaysaa, ama halka aad joogto ama waddanka aad ku nooshahay ama xaafaddaada, marka mushkiladahani waa mushkilado fara badan oo dhexdeenna yaal.” Nin fanka maadda [Satire art] iyo duurxulka macallin ku ah. Xilkas ah, bulshada u damqanaya oo halka ay taagan tahay iyo halka ay ku socoto labadaba xil iska saara oo wacyigelin joogto ah ku kaba, daldallooladana ka awda. Fannaan, abwaan iyo jilaa buuxa iyo sida saaxiibkiis ku sifeeyay “Indheergarad sii oddorosa waxa soo socda.”

Intii uu noolaa sheekooyin murti iyo maaweello, mug iyo miisaan leh oo ku saabsan dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaalida ayuu qaab maad ah u soo tebin jiray, isaga oo dhaliilaya ama waxa ku soo socda u sii tebinaya ayuu haddana si madaddaallo leh u soo bandhigi jiray. Inta ugu badanna masrixiyaddiisa iyo fankiisu waxa ay ahaayeen kuwo ku iidaaman ama uu fanka maaddu [The Art of Satire] udub dhexaad u yahay. 

Fanka maaddu (satire) waa farsamo suugaaneed ama nooc suugaanta ka mid ah oo loo adeegsado dhaliisha qof, xaalad, ama caqiiddada bulshada, iyada oo la marsiinayo qaabab faneedka kala duwan ee muujinta, sida suugaanta, riwaayadaha, faallooyinka, filimada iyo muusigga intaba. Waxaana inta badan la isticmaalaa qalab suugaaneedyada lagaaddada, jeesjeeska, iyo buunbuuninta. Ujeeddada weyn ee suugaanta maadduna waa faaqdidaad bulsho (Social Criticism) oo wax dhisaysa, iyada oo murti adeegsanaysa si ay arrinta iyo xaaladda taagan oo ay dhaliilayso ama tilmaamayso ugu soo jeediso indhaha kooxda ay sida gaarka ah u quseeyaan, ama guud ahaan bulshadaba.

Dhalashadii masraxa dhijitaalka ah iyo kaalintiisi

Gebaggabada qarnigii hore iyo billowga qarnigan labaatan iyo koowaad (1995 – 2005) fanmasraxeedka Soomaalida iyo Soomaalida lafteedaba isbeddel xooggan oo waax walba ah ayaa ku dhacay, habnololeedkii iyo habfekerkii bulshada wax badan ayaa ka hallaabay, hankii iyo himiladii dawladnimo ayaa ciidda ka hoos maray. Waxaa dhalatay bulsho jirran oo colaad iyo ciil ku nool ah, bulsho  rajadeedu wiiqan tahay oo hankeedu ugu weyn yahay quutulyomwka iyo iilka qabriga. Bulsho aan ceelna u qodneyn cidina u maqneyn.

Haddaba, xilliyadaas la kala irdhoobay waxaa la dhihi karaa waxaa soo ifbaxay masrax caato ah, oo kii hore dhan walba ka geddisan qaabka bandhigga, baaqa iyo muuqaalkaba. Masrax ka maran farshaxanki, habaysnaanti daraamada, iyo maansadii oo muraayadihiisa iyo faalkiisa lagu eegayo duruufaha burburku soo kordhiyay kana falcelinaya saamaynta ay nolosha ku yeesheen, sidii filimkana taleefanka iyo tiifiiga laga daawado oo aan lahayn gole iyo tiyaatar toonna. Marxaladdan cusub waxaa masraxa u kacay oo hoggaan u noqday hal-abuurayaal isxilqaamay oo badi ahaa haraaga kooxihii fanka ee kala haadku ku dhacay kuwaas oo aad uga niyadxun waddada qalloocan ee bulshada Soomaaliyeed cagta saartay. 

Waxaa xilligan cusub xiddigaha masaraxa noqday majaajiliistayaal badan oo ay ugu horreeyaan Marshaale, Ilkacase, Cali Hiiraan, Aw Kuukuu, iqk.. Kuwani waxa ay ahaayeen rag isu tegay oo allifi jiray riwaayado aad u qotodheer oo ku saabsan meertada nolosha. Riwaayado maad iyo murti badan oo bulshadu aad u jeclaysatay welina raadkoodi muuqdo lana xasuusto se aan wax laga qorin. Waxa ay ahaayeen hiboolayaal aan kala dhicin oo dhacdooyinka nololeed iyo dhaqameed aad ugu kuurgala oo ka abuura qiso riwaayadeed caqiibo leh oo si qodan u lafaguraysa. Masraxani ma ahayn mid cago badan ku taagan oo awood leh, maxaa yeelay, ma aysan jirin cid taageerta iyo xukuumad garab istaagta oo waxqabadkooda dhiirrigelisa toonna, waxa ugu weyn ee riixayaynna waxa ay ahaayeen jacaylka weyn ee riywaad curinta u qabaan, hibadooda xarka goosatay iyo xaaladaha bulshada ee aan afka laga qabsan karin.

Haddaba, Sooraan oo uu saaxiibkiis Cabdi Ciise (Jawaan) wehliyo waxay u tafo xeyteen in ay hir masraxeedkan cusub door wax ku ool ah ku yeeshaan oo jiilka cusub ee habaabay usha u qabtaan, waxa alle wixii bulshadan gebi dhacleynaysa guryosamo ku gaari kartana guntiga u xirtaan.

Qisada riwaayadda: Maxay ku saabsan tahay?

Sida masraxeenna iyo sheekadeennuba caanka ku ahaayeen, shakhsiyaadka sheekada noloshooda iyo tilmaamahooda muhiimad lama siiyo oo looma arko kuwo dhiska iyo quruxda sheekada bila, riwaayaddanina waxba kama duwana weliba arrinkaas ayay ka marqaati kacaysaa oo shakhsiyadaha ku jira mid sooyaal iyo qoddo leh kuma jiro, waa dad iska caadi ah oo nolol maalmeedkooda iska wata. Sooraan ayaa ah jilaha koowaad, inta kale oo dhammi waa boos buuxiyeyaal/kaabayaal. Sidoo kale riywaaddu waxa ay sawir cad naga siinaysaa sida masraxa aan habaysneen ee tiyaatarkiisu dhulka bannaan yahay, jilayaashiisuna socotada yihiin ee markii masrixii qaranku burburay soo ifbaxay in uu dhan kasta uga murugsan yahay ugana liito kii hore. 

Waxa ay ku furmaysaa Sooraan oo meel bannaan socda ri’na suuqa u safrinaya. Ka dib waxaa ka hor imaanaya dhawr qof oo waydiin doona ama ula hadli doona si isku mid ah “Laxda iga iibi iyo laxda imisa ayaad iibinaysaa?” Yaab ayuu meel la fadhiisanayaa dadkan magaalada jooga ee wareersan ri’diisana laxda ku sheegaya ayuu la fajacsan yahay, welibana lagaa iibsan mayo ayaa lagu leeyahay.  Marka dambe isaga ayaa shaki ka gelayaa neefkan uu wato ee rida ah sababta dadku lax ugu sheegayaan ayuu is warsanayaa,  isaga oo fadhiya oo ri’di qoorta ka haya ayuu afadiisi taleefan u dirayaa si uu bal u hubiyo ri’ iyo lax midka ay xerada ka soo bixisay, se in ay ri’ ka soo bixisay ayay u sheegaysaa, haddana darawalkii gaariga ayuu isna wacay balse cadan uga heesay oo ku yiri, “waxba maadan wadan” ka daran oo dibi dhal!

Ugu dambayn ri’dii inta uu geed ku xiro ayuu ka dhaqaaqayaa isaga oo hadalka darawalka u arkaya midka runta ugu dhow, islamarkaana is la hadlaya oo waxba ma wadan iyo islaantu way iska hadlaysay ku digrinaya. Magaalada marka uu galo maqaayad ayuu fadhiisanayaa koob shaah ah ayuu dalbanayaa balse haaf baasto ah ayaa loo keenayaa “Waa waxa aad naga dalbatay” ayaana loo raacinayaa iyada oo baastada shaah ahaan looga iibinayo, shaqaalaha maqaayadda iyo qof kale oo waddada marayayba waxa ay isku waafaqayaan in waxa loo keenay ay shaah caano geel leh yihiin.

Intaas kaddib Jawaan oo isaguna soo wareeray oo kala garan la’ nin iyo naag waxa uu ahaa qofka uu xildhabaan u doortay, ayay iska soo horbaxayaan, wayna is xaal waraysanayaan. Sooraan waxa uu Jawaan siinayaa talo fiican oo marka xigta cidda aad dooranayso iska hubi ayuu leeyahay, laakiin Jawaan isagu talo siin maayo arrinkaagana waxba lagama qaban karo iyo nin lax iyo ri’ wixii uu watay aan kala aqoon hawshiisu ma dhowa ayuu ugu jawaabayaa, “Anigu taadaa waxaan kaaga taliyo garan mayo” ayuu Jawaan warka ugu koobayaa. Sooraan marka dambe isaga oo garwaaqsaday in uu lunsan yahay ayuu iskula hadlaya,”Haddaan immika taa ku celiyo oo anoo lax wada geeyo illeen ri bay islaantu ii dhiibtaye, miyaanay ila yaabeyn? Miyaana n noqonaynin; 

Ninka reer u dhaanshee

Dadku dhawrayeene

Dhexda awrki kaga lumay?” 

Haddana inta xagal sagaashan ah is wareejiyo ayuu isaga oo isla qumman go’aansanayaa in uu lax gurigii ku celiyo naagtiisana ku yiraa laxdan ayaad ii dhiibataye xerada ku celi.

Fekradda Riwaayadda

“Shaqo-suugaaneed kasta (riwaayad, gabay, sheeko, iwm) waxay leedahay laba dhinac oo laga qiimeeyo: fikrad iyo farsamo – waa fikradda ay xambaarsan tahay iyo farsamada ay adeegsanayso si ay fikraddaas dadka maskaxdooda u galiso.”

Haddaba maxay tahay fekradda riwaayaddu? Maxay tebinaysaa? Sida aan horay u soo xusnay riwaayaddu waa mid murugsan, dhisme ahaan iyo dhanka jilayaashaba. Qaabka ay isugu xiriirsan tahay waa mid iska daba noqod ah. Dhanka kale, goobta wax lagu jilayo waa magaalada dhexdeeda, jilaa walbana tilmaantiisu ma qeexna, doorka uu metelayo aad uma cadda, sidaas darteed tani waxa ay foganaysaa dhuuxidda iyo macne u samaynta doorka uu qof walba sheekada ka metelayo.  Aad ay isugu murugsan tahay, sababta murugsanaanta keentaynna waxa ay noqon kartaa mid abwaanku ugu talagalay si uu u muujiyo qotadheerideeda, ama mid ka timid qaab dhismeedka sheekada oo isku qasan. Haddaba, wadahadallada dhex maraya jilayaasha oo ah halka inta badan nuxurka shaqasuugaaneedka xambaarta ayaan ka shidaal qaadanaynaa, waxa ay ka hadlayaan iyo qaabka ay uga hadlayaan ayaa innoo kexaynaysa dhabta ah iyo dhambaalka ay shaqadu siddo. 

Intii ay socotay daawashada riwaayadda oo qeyb qeyb loo soo kala daayay, bulshadu siyaabo kala duwan ayay u fasiratay. Tiro yar oo daawadayaasha ka mid ah ayaa u fasirtay in ujeedkeedu yahay mid ku aaddan xukuumadda Muuse Biixi  iyo  Soomaalilaan, oo Sooraan Muuse Biixi metalayo. In kale oo farakutiris ahina, waxa ay u fahmeen in ay ka warramayso gooni u goosadka Soomaalilaan, iyo in uusan dhaboobin hawaawigii ay hugun raaceen, sidaas darteedna ay hadda dani ugu jirto in ay Soomaalida mar kale la midoobaan.

Sooraan marka uu ri’da magaalada keeno ee lax looga dhigo, dhawr qof ayaa ku oranaya “Lagaa iibsan maayo.” Maxaa yeelay dadku lax ayay u arkaan isaguna wuu ku diiddan yahay, marka ismaandhaaf ayaa ka dhex dhici doona isaga iyo qof walba oo isku daya in uu neefka uu wato ka iibsado sidaas awgeed cidina kama iibsan doonto. Haddaba, halkaas waxa ay dadku inta badan u qaateen in ay la macne tahay wax walba oo dhaca Soomaalilaan aqoonsi ma heli doonto ee gurigeedi ha lagu celiyo. Waxaase doodi ka taagan tahay waxa keenay in Sooraan oo ri’ wata lax loo arko haddana loogu yiraa lagaa iibsan maayo, oo ka dhignaanaysa in Soomaalilaan ajande aan la la fahmayn ama looga wareegsanayo la timid oo aqoonsi ku raadsanayso.

Waxaa qolada dambe fahankooda sii taageeraya muuqaal qaybaha dame ku jira, Sooraan marka uu Jawaan waano siiyo ayuu markiisa warsanayaa isaga waxa xal u ah, iyo halka uu arrinkiisa la aadi doono, Jawaan waxa uu si fudud ugu warcelinayaa “Anigu taada waxa aan kaaga taliyo garan maayee bal aan aragno halka ay ku dambayso” 

Maaddu si ay waxgal u noqoto waxaa lagama maarmaan ah in loo fahmo maad ahaan– waxaa had iyo jeer jirta halis ah in maadda loo akhriyo “mid toos ah” oo aan la garawsan nuxurkeeda iyo dulucdeeda, markaasna inta kaliya lagu qoslo laga sii socdo la isna weydiin ama loo fiirsan. Maaddu, waa hub xoog badan marka loo isticmaalo si waxku-ool ah oo habboon; laakiin sidoo kale waa mid halis ah, haddii aan biyadhaceeda la garan.

Sooraan riwaayaddaan waxa uu u soo gudbninayaa qaab maad ah, weliba maad xad dhaaf ah oo ka tagtay hal qabsiyo caan baxay oo ay ka mid yihiin,“Naa lax baad tahay iyo laxnimada nagala tag.” iyo kuwo kale; hase ahaatee jiilkan oo aan masraxa la qabsan aqoon badanna u lahayn farriinta riwaayadda dhanka maadda ayay ka istaageen oo intii qosolka lahayd ayay daqiiqadaha isku dhaafiyeen, maadaama aanan ahayn jiil masrax la soo koray una fiirsan kara ujeeddoyinka mu’allifka ee sarbeebta iyo duurxulka isugu jira.

Halkan marka aan mareyno waxa aan u baahannahay in aan is weydiinno su’aal lagama maarmaan ah. Su’aashu waxa ay noqonaysaa masraxu daawadayaal ma u baahan yahay mise iskiisa ayuu u taagnaan karaa? Macnaha iyo waxtarka waxqabadka masaraxa lagu soo bandhigayo cid dhuuxda oo dheefsata ma u baahan yahay? Si kale, masraxu ma mid daawadaha ka madax bannaan baa? Waydiintaasna waxaa jawaabteeda nooga filan ujeeddada riwaayaddu waxa ay tahay in aan qeexno, Fanmasraxeedka nuxurkiisu muxuu yahay? 

Shakespeare oo sharraxaya doorka masrixiyaddu leedahay waxa uu si kooban ugu tillmaamayaa in ay tahay ‘muraayad nolosha laga daawado’ oo ka dhigan in riwaayaddu ay tahay nooc runta ka mid ah oo aysan kaliya ahayn maaweelo. Muraayadda masaraxa waxa aan ku aragnaa samaha iyo xumaha bulshada oo ay soo celiyaan wajigooda saxda ah, taasina waa shaqada dhabta ah ee masraxa. Jawaabtani waxa ay noqonaysaa in masraxa iyo daawadayaashu isku tiirsan yihiin. Cidda masraxa lagala hadlo waa daawadayaasha, daawadayaashuna waa in ay falcelin, riyaaq iyo dalbasho dheeri ah muujiyaan. Waa in ay dareenkooda iyo aragtidooda ku cabbiraan tayada bandhigyada masraxa oo faaqidaan oo qiimeeyaan, marna ammaanaan marna dhiirrigeliyaan xiriirka ka dhexeeya waa isleeg isku miisaaman. Masraxu daawadayaasha la’aantood ma noqon karo mid hawlaha faneed gudan kara.

Shineemada Afrika waxyaabaha ka hor taagan in ay cagaheeda ku istaagto marka laga warramayo waxaa lagu daraa in aysan lahayn macmiil–daawadayaal daneeya oo jacayl iyo xiise u haya waxsoosaarka Afrikaanka. Dadka madow ee filimada daawada waxa ay macmiil u yihiin waxsoosaarka dunida kale si gaar ah shineemada galbeedka, dukaamada inta tagaan filimada Afrikaanka ah ee cusub ma dalbadaan, kuwa tiifiiyada gudaha laga soo daayana ma daawadaan; maqnaashaha doorkaas daawadayaasha oo dhab ahaan noqon lahaa dhiirrigelin xooggan iyo jiritaan la’aanta dawlad taageerta shakhsiyaadka is xilqaamay ee isku dayay in ay wax soosaaraan, qisada qofka madowna adduunka baraan ayaa lagu tiriyaa caqabadaha Shineemada Afrikaanka haysta.

Haddaba si taa la mid ah, ayaa qabsatay Sooraan iyo kooxdiisi. In badan ma daawato haddii ay ay daawatana ma dhuuxdo oo madadaalo ahaan ayaa loo fiirsadaa, cidina iskuma lurto in ay garato ujeedkooda iyo baaqooda. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxqabadka Sooraan iyo kooxdiisu waxa uu aad xoogga u saarayeen dhinaca siyaasadda. Sababta taas keentayna waxaa loo aanayn karaa in ay tahay garashada in dawladnimadu lama huraan u tahay dadka iyo maamullada dawladeed ee dalka ka jira yihiin kuwo aad u liita.

Riwaayaddanina waxa ay baarka sare  uga jirtaa riwaayadaha sida weyn siyaasiga iyo siyaasaddiisa bulshada ku aaddan u sahminaya. Marka laga soo tago been faafinta iyo marin habaabinta la banneystay oo bulshada muqaddaska ka noqday, waxaa kale oo ay si qodan u lafaguraysaa doorka bulshadu siyaasadda ku leedahay oo nooca uu yahay ayay noo tusmeynaysaa. Bulshadu waa tan qaabaysa siyaasiga iyo guud ahaan hannaanka dawladeed, iyada ayaa abuurta awoodna siisa hoggaamiyaha hawlkarka ah iyo kan aan awrka caynka ku jiidi karin. Haddaba, haddii bulshadu noqoto mid habsan ah oo aan dawladda u arag mid lagama maarmaan u ah oo noloshooda wax ku soo kordhin karta ciddii ay arkaanna xilalka ku taxa waxa dhacaya waa mawduuca ay riwaayaddu sida dadban iyo sida tooska ahba u soo tebinayso.

Dhammaadka riywaadda waxaa yaraanaya dad ka waalka waxaana loo qalab qaadanayaa halka aan ku tilmaami karo “Mucda riwaayadda.” Afar muuqaal (Scene) oo aad gundheer, wadahadallo mug lehna la ciirciiraya, eelka iyo dhibta Soomaalidana si wanaagsan tooshkaa ugu ifinaya ayaa lagu soo gabaggabeynayaa. Waxaana la dhihi karaa riwaayadduba waa afartaan muuqaal, haddii la fahmana iyada dhan ama barkeeda waa la fahmay. 

Muuqaalka koowaad:

Waxa aan arkaynaa Sooraan oo lax meel duur ah daaqaysa hortaagan, isaga oo weli wareersan “Bil immika waa taase ma lax baan kaxeeyaa oo aan qabadsiiyaa gurigi?” ayuu iskula hadlayaa. Waxa uu is waydiinayaa haddii uu guriga lax ku celiyo saw islaantiisi lama yaabayso illeen ri’ bay u dhiibtaye, sidoo kale, waxa uu isku mataalayaa in uu ka dhigan yahay nin inta uu reer u dhaanshay iyada la sii eegayo awrki dhex kaga lumay ee kaligiis aqalka isi soo taagay. 

“Ninka reer u dhaanshee

Dadku dhawrayeene

Dhexda awrki kaga lumay?” 

Haddaba marka aan muuqaalkan kooban aad ugu fiirsanno Sooraan waa siyaasi, waa nin ay reerkiisi xil iyo xoolo ku aamineen, laakiinse hawshii loo dhiibay dayacay oo hadda kaligiis ban cidla ah taagan kana fekeraya wixii uu dadkii soo doortay ee masuuliyadda u soo dhiibay kula noqon lahaa. Waxse la yaab leh in uu isaga oo weli laxda hor jooga uu leeyahay “War nin baan ahay laakiin” isaga oo muujinaya awoodda iyo sarraynta raganimada iyo in uu xaaskiisa ka dhaadhcin karo in wixii ay u dhiibtay ay lax ahayd oo aysan ri’ ahayn, “Ma naagtayda ayaan wax marsiin waayay” ayuu isku canaanayaa. Sida aan soo sheegnay Sooraan waa siyaasi, xaaskiisuna  waa “Bulshada” waxa uuna na siinayaa sawir ah in sida marka dhaqankeenna la joogo ninku naagtiisa ugu taliyo oo ay raalliyo ugu tahay, sidaas si la mid ah marka ay dawladnimada timaado bulshadeennu siyaasiga hayin ugu tahay oo aysan ula xisaabtami karin, haddii uu wax u qaban waayo ama ammaanadii ay u dhiibatay ku soo celin waayo aysan tin ka goyn karin, haddii uu mar kale u yimmaaddana ay wax u dhiiban doonaan illeen naagi ninkeedi xoolaha moorada ugu jiro kama hor istaagi karto’e. 

Muuqaalka Labaad

Intaas kadib, waxa aan arkaynaa Jawaan oo kaligiis socda, sidi Sooraan ayuu wareersan yahay, wuu isla hadlayaa, “Miyaan layla yaabeyn ninkaygan weyne intan la’eg ee maanta garan waayay wixii uu doortay in uu nin ahaa iyo in uu gabar ahaa. Mushkiladda intaa la’eg eega.” Balse wax uu naftiisa ugu cudur daarayaa hawraar aad u qotodheer oo ka turjumaysa dhaqan silloon oo ay bulshadeennu qaayibtay, oo waxa uu isugu calool qubeynayaa in aysan jirin cid la yaabaysa oo  dadkan maanta joogaa isaga ayay la mid yihiin “Dadku dadka way isaga codeeyaanoo wax allaale waxa ay doorteen qof qudh ahi garan maayo, kan la doortay laftiisu ma yaqaanno dadkii doortay ….” Marka in uu dadka la mid yahay oo aan lala yaabi karin, asalka bannaanna qof fayow oo layaaba waxyaala qalloocan aanay joogin ayuu isugu bishaareynayaa.

Hadalkan miisaanka lihi waxa uu hogotusaaleynayaa dib u sixidna ku sameynayaa siyaasad xumada iyo qalad fahanka dawladnimada Soomaalidu tan iyo xorriyaddii ay ku dhex dabaalanayso. In aan nahay bulsho ‘Qofka’ ay waxa u dhiibanaayso sababta iyo waxa ay ku dooranayso aanba fahamsanayn. Dhanka kale, kan wax dooranaya iyo kan la dooranayaa waxba isma dhaamaan, waxa ugu weyn ee mideeya waa tolnimada iyo qaraabokiilka meel walba asaaska looga dhigay. Waa mujtamac ba’ay oo been iyo marinhabaabin caqiido ka dhigtay, siyaasigu saddex dalaaqo ku qabo kuna leeyahay waxba idiinma qaban, haddana ma aqaan waxa aan idin qaban doono, halkii inta ay isla yaabaan iska burin lahaayeenna weli diyaar u ah in ay marar kale oo badan dirsadaan, sed dheeeri ahna siiyaan waayo waa wiilashoodi. 

Wegereey waa heer aad u hooseeyaa oo dhimasho  ah ayna adag tahay in bulsho jiritaan lihi gaarto, haddii ay gaartana dadkeedu daaqadaha quusta wada hor kambaruursadan. Siyaasiga uma dooranno in uu wax qabto, karti iyo aqoonna kuma dooranno, ee indhala’aan iyo qabyaalad ayaa lagu doortaa iyo in uu booska buuxiyo reerkana magaciisa ku metelo fadhi beenaadyada iyo baarlamaanka lagu shaaho.  Arrinkaanina waa kan ugu wacan in ninkii iga gee iyo qaraabakiilka meesha lagu keenay miciyeysto oo musuqmaasuq, kalitalisnimo iyo caddaalad darro isla dadkii wax u dhiibtay kula soo noqdo kaddibna qaar isku diro qaarna dhiiggooda cabbo, dadka uu sidaas u kala dilayana waa kuwa  gaashaanka u ah ee aan oggolayn in siyaasigaas dugaagoobay wax laga sheego ama la dhaliilo.

Muuqaalka Saddexaad

Jawaan iyo Sooraan waddo ayay isaga soo hor baxayaan, nin walbana dhib haysto ayuu kan kale u sheegayaa. Jawaan in cidda uu doortay ay rag iyo dumar ahayd kala garan waayay ayuu u sheegayaa. Kaddib Sooraan ayaa jiheynaya“Aan kula taliyo adiga waxbaa kuu laaban. Mar haddaad markii hore kala garan wayday waxaad u codaysay, dadkii ku noqoo ha mashquuline, immikaba doorashooyin baa soo socdee waxaad dooranaysaan waxa ay yihiin iyo waxqabadkooda intaad fahamtaan kaa aad garanaysaan immika u codeeya kii hore iska dhaafa.” Bal aad u dhugo erayada, Jawaan ‘Nin iyo naag’ waxa uu doortay ma uusan kala garan weyn ee waa hadal la sogordahay. Cidda ay reerkiisu doorteen waxa ay ahayd iyo waxa ay u tari karto ayuu garan waayay. Marka waxa uu si cad oo aan gambbasho lahayn isugu dayayaa in uu wax ka beddelo fahamka iyo fekerka qalloocan ee dadkan qaybyaaladdu dhuuxa ka gashay, waxa uuna barayaa in maanta wixii ka dambeeya qofka la dooranayo aan la iska dooran iyada oo loo eegayo reerka ma yahay, balse dadnimadiisa, aqoontiisa, waxa uu gudo iyo waxa uu gooyo lagu qiimeeyo. 

Muuqaalka Afaraad

Sooraan marka uu Jawaan ka soo tago kaligiis ayuu geed ag istaagayaa. Weli  waxa uu suureynayaa sida afadiisu ugu falcelin doonto marka uu guriga lax geeyo oo waa nin canaan ka baqaya! Hase ahaatee, waxa uu isu sheegayaa in aysan la yaabi doonin oo waxbana waydiin doonin. “Waxba ila yaabi maysoo iyadaba hawlihii baa ka farabatay iyo guriga hawshiisa. Reerka hawshiisi bay ku waalatay, awrtii ka dibjirtay, waxarihii qaarbaa dawaco meel kaga cunaysaa, ari waa ka goostayoo meel kale ayuu qabtay, iyaduba [ninkaagu] hakuu yimaado ayay isleedahayoo way ku farxaysaa immaatinkayga”

Muuqalkan oo ah kan ugu dambeeya, waxa uu sharraxayaa in Sooraan haddii uu gurigi ku laabto isaga oo lax wado aysan ooridiisu la yaabi doonin, sababtuna waa in aysan ba eegayn waxa uu la soo noqon doono, adduunyadeeda ayaa ka badan oo ay ku mashquulsan tahay, jaanis ay ku wareysato oo sidee wax yeeshay ku tiraa xitaa ma haleeli dooto; ninkaagu ha ku soo hoydana ay tahay waxa ugu weyn ee ay ka fekerayso. Waa isla sawirkii siyaasiga carruureynaya iyo bulshada hurudda aan yac iska lahayn oo kaliya suga in uu mar kale u soo noqdo oo xil uga soo doonto si ay u siiyaan. Marka waxqabadka qofka la doortay halkii laga hubin lahaa mar uun wiilki reerku ha soo noqdo ayaa laga yiraahdaa.

Riwaayaddani, maxay kaga duwan tahay waxsoosaarki ka horreeyay?

Dhab ahaantii, riwaayaddan, “Dadbaa dadka waala” muuqaal ahaan marka laga soo tago macne iyo feker ahaan waa mid aad uga qotodheer shaqooyinkii hore. Waxa ay ka marqaati kacaysaa cabqarinimada iyo indheergaradnimada Sooraan. Waxa ay si wanaagsan noo tusaysaa sida uu Soomaalida ugu fiirsaday dhaqamadeeda, nolosheeda iyo siyaasaddeedaba, waxaa kale oo nagu riixi kartaa in aan shaqooyinkiisi hore dib u eegis ku sameynno. Riwaayaddu dhaliilo badan oo xagga jilliinka iyo dhismaha ahba waa ay leedahay balse haddana waxqabad qofeed oo isxilqaan ku dhashay uma xuma.

“Dadbaa dadka waala” waa shaqasuugaaneed hodon ah oo si fiican dabeecadda bulshada iyo jawiga siyaasadeed ee Soomaalida u dersaysa, islamarkaana na siinaysa xagal-ka-eeg(Point of view) cusub. Waxaa loo qaadan karaa mid siyaasiga iyo bulshada xiriirkooda dib u qeexaysa oo muraayad dhab-abbaarnimo ah ku eegaysa: Waxa ay tilmaamaysaa in ‘guur dhaqanka Soomaaliga ee wada iinta ku dhisan labadooda dhex yaal.’ Waxa ay abuuraysaa shareere (Metaphore) cusub oo ah in siyaasiga Soomaaliga ah iyo bulshadiisu ka dhigan yihiin ‘nin iyo naagtiis’ weliba naagtu tahay raalliyo aan saygeeda ka daba  hadlin kuna taageersan waxa uu dhabjinayo. Biyadhacuna waxa uu yahay  inta ay naagtaasi ka baraarugayso oo sida Carraweelo kacdoon u horseedayso aan wax hormar iyo horay u socosho ah la filayn.

Gunaanadka

Masrax aan dawlad lahayn, masrax aan shacbiyad jecel lahayn iyo daawadayaal awoodsiiya, jilayaasha soo koraya iyo abwaannada hagaya oo aan cidi daryeelin, iskuullo u furin, oo aan qalabka iyo aqoonta faneed iyo farsameed oo ay u baahan yihiin laga taageerin ma yeelan karo tabar iyo itaal uu ku sii xoogeysto in uu tukubo mooyee. Haddaba, Sooraan waxa uu ka mid ahaa raggii masraxa tabarta daran tukibanayay ee lafdhabarta iyo shidaalka u ahaa. Marka masrixii waa inna sagootiyay, iftiinkiisi u dambeeyay waa uu damay, Sooraan iyo kooxdiisa ayaa ahaa tiirkii u dambeeyay ee kor u hayay guud ahaan masraxa macnaha leh. 

Wixi xilligan ka dambeeyana ifafaaluhu waxa uu na tusayaa in beeshu ku jeeddo sahan shineemo. Inta aan riwaayadda daneyno inta aan filimka daneyno ayaa ka badatay, waxqabadyada shirkadaha iyo shakhsiyaadkuna waxa ay u sii xaglinayaan dhanka filimsameynta. Marka, waxaa la saadaalin karaa in ay dhanka shineemada u sii guurayso, waxa ayna u diyaar garoobaysaa in ay caalamka wax la qaybsato oo ka soo dhex muuqato adduunka filimada. Waxa aan se ka fekerayaa sida duul masrax quruxsan waayay shineemo oo kun jeer ka hawlo badan u quruxsan doonaan, laakiinse yanaan ka hordhcin, aan dhawrno halka ay geeddiga ku furan!

Tix raac

-Fanmasraxeedka Soomaalida

Faaqidaad-masraxeed Darsaysa Riwaayaddii Xorriyo Maxamed D. Afrax July 05, 2010

-https://liberalarts.oregonstate.edu/wlf/what-satire

Aweys Geedow Nuur Diinle’s ‘Ciyow Biyaha Keen’: A Case Study  of Dooro Duureed Aa in Banaadiri Metre By Ibrahim Hirsi May 5, 2023.

https://www.enotes.com/shakespeare-quotes/hold-mirror-up-nature

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *