Qaddar Dhacay

Qaddar Dhacay

W/Q: Saalamiin Ibraahin

Waa casarliiq qorraxdu ay godkeeda ku sii wajahantahay, waa galab aan dareen ahaan caaddaa maraayo oo qaadkaygii baan soo duubtay, inta badan ninka khammuuraa waa marka uu ugu farxad badanyahay, xilliga uu qaadka soo qaato, waxaan ku soo dhacay dariiq toore ah, aad cariiri u ah oo aan gaadiid marin, indhahaygu waxay si dhugasho la’aan ah u qabteen cadrad hortayda soo laafyoonaysa, kolkii aan sii daymooday aan u maleeyay in aysan cagaha dhulka ku hayn, qorqornaanta jirkeeda iyo sawraceeda asal Soomaaliga ah ayaa oogadeeda ku seeman, socodkeeda iyo jooggeeduna waa geenyo markiiba isaaqday oo aan ka jeesan waayay. Maskaxda aadmigu waa mid aad u dheeraysa oo ilbiriqsigiiba go’aamo tiro beel ah qaadata, intii uu fakarkaygu ku maqnaa go’aamadii maskaxdu guddoominaysey ayaan arkay inantii jaaha qurxoonayd ee tilmaan walba oo wanaagsan Mowluhu u dhameeyay oo sida hillaac bilig yiri halmar dhankayga bidix gooysay, iyadoo xishoonaysa afkana gacanta saartay, jalleecadii aan eegay iyo daymadeedii xishoodka ay dib soo fiirisay, indhahaygii waxay qac ku dhaheen indhaheedii quruxda badnaa ee aadka u waaweynaa, isla jeerkiiba waxaa qub igu soo yiri:

“Deymada xishoodka
Markaad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
Oo leyga darayaa
Indhadeeraleeyeey!”

Huryo oo heeskaan allifay waxaad mooddaa gabadha uu ka hadlaayo in ay tahay cadraddan sida shilka ah galabta iiga soo horbaxday, suugaantu waa muraayad aynu iska dhax aragno, dhacdo walba oo aynu si maalinle ah u aragno waxay markiiba si kadis ah inoogu xariirisaa suugaantii hore iyo tan hadda hadba inta maskaxdeenna ku jirta.

Aniga oo isku ciilkaambiyay oo nafta ku hiifaya afgaroocnimadayda ayaa ay inantii iga libidhay. Kolba aniga oo dib u sii dhuganaya ayaan socodkaygii sii watay, waxaan soo gaaray Maqaamkii Xerta ee gaarka noo ahaa, raggu aalaaba wuxuu iskaga warramaa bi’iisa iyo waxa ay kala kulmaan waayaha, kolkii ay aniga i soo gaadhay sheekadu ayaan wax uga taabtay laantii hareeriga ahayd ee jidka igaga soo baxday maanta iyo sida ay u la tagtay dareenkayga, raggii wax aamusay mooyee badi waxay ku qosleen nacasnimadaydii iyo sidii aan afkayga ugu ciilbaxi waayay ee aan inanta isu dhaafiyay, maankayga waxaa ka dhex daaran Kuluc oo ereyo Heello ah Laxankii Carwo ku jaalbeebinaya:

“Maankiyo maskaxdaa i kala maqanoo
Idinna waygu maadsanaysaaneeey!”

Aragtidii filanwaaga ahayd ka gadaal waxaan naftayda ku sabaalinayay cadraddaan isaaqday in waqti waqtiyada ka mid ah aan u heli doono kansho kale oo aan ku arko.



****

“Waa ciidee ciida maanta, ha loo ciyaaro maanta!”

Waa wixii ugu horreeyay ee dhagtayda ku soo dhaca, anigoo barhurda ayaan ku soo toosay dhawaqa codkaan ay qaadeyso gabar aan da’deedu tobanka wax qumani u raacin. Waa ammin subax ah, xilli ay huuwaan arlada is gogoshay qaboowguna uu daran yahay, mayay aad mooddo in waabariga uu sheedda ka soo arkaday ayaa da’aya, lixdii subxeed wax door ah ma raacin, waan gaajeysanahay oo daallanahay, ma anaa xalay il iyo baarba isu geeyay, waase garteey oo ma qof baa ladi kara isagoo baadigoobaya qofkii sida leebka kaga dhagtay wadnaha bidix, sidii caadada ahayd waxaan u labistay in aan soo tukado labada rakcadood ee salaadda ee maalinta farxadeed e ciidda.

Inta badan salaadda ciidda waxaa lagu tukadaa barxad weyn oo ay rag iyo dumarba ku wada oogaan maalintaan weyn, kolka labada rakcadood ee ciida la dhameeyo dadku waxay u qeybsamaan dad danahooda gaarka ah u degdega iyo qaar kale oo meesha ku sii nagaada in door ah si ay u damashaadaan, ma jirto hawl i gubaysa oo anigu si deggan ayaan uga baxay goobtii iidda lagu tukaday, kolkii aan u jihaystay dhankii aqalkaygu iga xigay oo aanan wali ka bixin barxaddii ayaan meel dad iska damaashaadaya ku xoonsanyihiin ka dhex halacsaday geenyadii quruxda u dhalatay ee maalintii biluhu ka soo wareegeen sida kediska ah aan mar ku daawaday.

Indhahaygaa u baahday araggeedoo
Kolkaan eegay waan ku oon baxay!

Maahmaah Soomaaliyeed baa waxay ahayd “nin iyo baadidii il iyo aragti baa ka dhaxaysa”, durba waxaan isku durraantay inaan u degdego dhankeeda, si gacaltooyo leh ayay ii soo dhaweysay oo sida oogadeedu u tahay mid saxartiran oo qurixi ku dhantahay ayay dadnimadeeda hoosana u tahay mid iin la oo dhaqan kastoo wanaagsan astaan ka leh.

“Rag bi’ii ka sheekeeyee” waan u warramay oo waan isaga warramay, si furan ayaan isu barannay oo waynu ballannay. Ballankaasi niyaddeyda wax badan ayuu ka baddalay, waayo hadda waan niyadsamahay waxaanan ku niyadsamahay in waqtigu igu simay qofkii aan sida daadki isu raaciyay, waxaanan ku soo kala tagnay hadallo aad mooddo dardaaran ku aadan in aan ballanka adkeeyo, waa halkii Saado Cali kaga heestay:

“Ballanki aan dhigannaba
Waligaa ha beenayn
Barashadii kalgacalkuna
Bilaash yaanay kula noqon.”

Nasiibwanaag waqtigii aan ku ballannay iyada oo aan la gaarin ayay i soo wacday, nasiibku waa laan ka mid ah waqtiga, sida u caada ahna wuu kugu xumaan karaa ama wuu kuu samaan karaa, hadda waa ii ‘hoodo, cawo iyo ayaan” waayo filasho walbo oo wanaagsan oo xaggeeda iiga timaaddaa waa cawo iyo ayaan, markii aan ugu tagay halkii aan ku ballannay ayay ii sheegtay in ay safar degdeg ah tahay, berri subaxna ay magaalada Beledweyne u kicitimayso, sow kan nasiibkii dhanka kale isu rogay? “Ha u bixin, waqtiga isagaa na xukmiya samo iyo xumaba” ayaan niyadda iska iri.

Safarkaan lagama baaqsan karo miyaa? Ayaan cod hoose oo cabsi ku jirto ku iri, waayo inaan sababta safarkeeda weydiiyo iyo in ay mushkilad soo korortay waxaa igala cuslaaday dareenkayga iyo inaan sii jeclaan lahaa la jooggeeda.

” Maya, waa arrin qoys, arrimihii aan caasimadda u joogayna halkaas ayay iigaga egyihiin, nooli kulantay” ereyadaas nabarka ku noqday qalbigayga ayay igu macsalaameesay maalinkaa, Nabadgalyo!

Waxaan gudahayga ka dareemay in aanan sidaa ku quusan gabadhuna aysan iga fakan, waayo waxaa ii sawiran gobolkii haddii ay tagto waad ku kala tagteen, oo si fudud ayaa loo guursan karaa, waxase cajiib ah! Ilaa hadda kalama hadal wax quseeya dareenka ina dhaxmari kara iyo waxa aan u qabo in ay ila qabto, sida aan uga fuqi waayay in ay iigu falantahay, balse taa waxaa iiga sii muhiimsan in aynaan kala fogaan. Waxaan isku dayay in aan safar qudhayda isu diyaariyo dhulkana ku safro, waayo diyaaraddu waa qaali, mana aha qof dhallinyaro ahi wax uu go’aankiisa fudud ku awoodi karo.

Boosteejada Beledweyne baabuurta looga raaco oo markaa ku taallay suuqa bakaaraha ee Magaalada Xamar ayaan go’aansaday inaan berri ka safro, magaalada aan u socdaa waa meel waqti hore iigu dambeysay oo aan u boholyowsanahay, waxaan niyadda ku hayaa inaan ahaansho dareemi doono, markii aan u tago ina adeerradey oo waqti fog iigu dambeysay, halkii aan wax ku soo bartay iyo baarkii wabiga jiinkiisa ku yaallay ee aan suugaanta ku faaqidi jirnay, waqti hore ayaan gaarigii raacay, waxaan isku kursi ahayn oday aad u da’weyn, markii aan agfadhiistay ayuu igu yiri “cariiri ha ii keenin maandhoow, fadhiga ina deeqsii,” odayga hadalkiisa aad iima dhicin waayo waxaan ka fakarayaa go’aankii qardajeexa ahaa ee aan soo qaatay, qoyskaygii oo aan ka soo fogaaday iyo ujeedkaan u soo safray oo aan hubanti ahayn in ay sidii aan rabo wax iigu dhacayaan.

Gaarigii waxa uu xawaareeyaba waxa uu na geeyay magaalada Jowhar, Jowhar 90km² ayay caasimadda dalka u jirtaa, waa dhulbeereed aad u qurux badan, waa mid kamid ah magaalooyinka ugu waxsoosaarka badan dalka, halkii ayaan ka qadeynay, kolkii aan Jowhar ka dhaqaaqnay ayuu odaygii aan agfadhiyay i weydiiyey “adeer reer ma leedahay?” Markaas baan ugu warceliyay “maya”, isaga oo dhoollacaddaynaya buu yiri “markii aan da’daada oo kale ahaa saddex carruur ah baa ii joogtay ee fadhiga ka kac.”

Odayga markii uu hadalladaa kaftanka ah igu tuuray ayaan is sheeko fahannay, wuxuu iila muuqday xeeldheere aad u furfuran, wixii aan kaftannaba waxaan uga sheekeeyay xaalkayga iyo inaan gabadhaa darteed u soo safray, indha adag ayuu igu soo fiiriyay, malaha kaladuwanaanteenna da’da oo kaliya ma aha ee xitaa isku adduun-arag ma nihin, inta badan dadka da’ahaa waxaa lagu sheegaa waaya-arag, waaya-araggu wax kale ma aha waa qof leh aqoon dheeraad ah, ka helo dad-la-dhaqan, shaqajoogtayn iyo dhacdooyin uu u soo joogey. Waaya’aragnimadu waa haaraha wakhtigu inagu dhigo. Halka aan u socdaa waxay tahay wuxuu si kaftan-dhable ah iigu sheegayaa in aan hawaraac ahay, mooyaqooqaar iyo waxaan micno lahaynna daba ordaayo. Hubaal, arrinkayga waxa uu u quursanayey si yasmo weyni ku jirto.

Waxaan ku iri waligaa wax ma jeclaatay? Isla su’aashaa aan weydiiyay ayaa uu ku qoslay mar kale wuxuu igu yiri “reermiyi aad u nolol adag baan ahaa, xaasas badanna waan guursaday, Allana awlaad waa iga siiyay, waxa kaliya ee laga yaabo inaan ka damqadaa ama dareen ahaan i dhibaa waa geel si dhib yar leyga dhaco!”

Waayo-aragnimada odaygaa malaha waxba ku soo kordhin meyso waxa aan doonayay, shaqsiyanna markii hore waxaan iska ahaa qof aad u neceb talada iyo waxsheegga, waayo taladu waa tilmaanta saxnaanshaha, saxnaanshuhuna ma aha wax la isku waafaqo, kaladuwanaanshuhu waa uu jiri doonaa inta col iyo nabadi jiraan. Dadku isku dan ma aha, laba aan isku dan ahaynina waa ay isku daba daashaa.

Waagii baa baryayay, subax walba waxaan maqli jiray “arooryo suubban”, saaka subax ay ka mudantahay ma jirto weedhaasi, waayo waxaan dareemayaa ahaansho. Magalaadaydii, dadkaygii iyo xasuusahaygii soo noolaaday, waan soo caga dhigtay magaaladii aan boholyowga u qabay. Maalmo badan oo aan u riyaaqsanaa dhulkii aan haybta iyo sokeeyanimada ku dareemayay ka dib, waxaan si kadis ah u wacay cadraddii aan baadigoobayay, waxaan ku wargaliyay in aan magaalada la joogo laakiin uma sheegin inaan darteed u imid, waayo ma rabin in ay qof waalan ii aragto, waxaan ku ballannay isbuuca soo socda in aan hotel magaalada ku yaal ku kulanno, markaan waxaan ka dareemayay farxad gaar ah iyo furfurnaan iyo qosol aan horay uga baran waan u riyaaqay oo dareen kale oo dheeri ah ayay igu sii abuurtay.

Waqtigu fogaa, toddobaadkii wuxuu igu noqday mid aad u dheer waayo, indho aan iyada ahayn ma lihi, reerki waan kala baadnay, asxaabtiina warkood ha sheegin. Hadda waa la gaaray xilligii aan ballannay, waanse ka soo dabbaashay sugiddii iyo habeenno badan oo aan soo mirkacay, imminka ayaan baadigoobay, waayo hore taleefan uga lama hadal, sababta aan isaga daayayna waa in aysan ii arag inaan haworaac ahay, waxbana aanan uga duwanaan ragga badan ee soo waca, ma hubo inay soo wacaan, balse waa u gabar iyo damaceenna ninnimo. Saw ma nihin laba jeex oo mar fog la kala dillaaciyey, welina goobaya midawgoodii abuurniin.

Saaka waa subaxdii aan ballansanayn balse farxaddii aan ku soo kacay waxay isbaddashay markii aan wacay nambarkeeda oo xidhnaa, waxaan nafta ku sabaaliyay in uu ka damay amase wax kale qabsan karaan oo aan sugo, nasiibdarro se waxaan sugaayay laba maalmood oo uu wali dansanyahay! Waan carooday markaan waxaan is tusay ballankii ay iiga baxday, safarkii aan darteed u soo galay sida ay waxbayahay uga soo qaadday, waxaa igu soo dhacay odaygii aan safarka soo wada galnay hadalkiisii ahaa “mooyaqooqaar iyo hawo been ah” in aan ku jiro, waxaan is tusay in dareenkaygu ka weynaaday caqliga inaan ku fakaro, waxa kaliya ee ii muuqdaa waa “sidee adigoo waxaas oo dhan ugu sameeyay ay ballankii uga baxday!” Ma shallaay oo kaliya ayaan ku jirayaa, waxaan goostay inaan iska laabto, intaan ka badanna aysan waxba igu dhicin, mar kalana waxaan leeyahay horta sababta ay waxaan u sameesay ogaaw, muddo saddax isbuuc ah oo aan ku celcelinayay oo aanan wax jawaaba ka helin ugu dambeyn waa ii dhacay nambarkii, se qof kale ayaa iga qabtay, waa qof aanan hadlayn, “halow, ma i maqashaa, ila hadal”, waa laygu damiyay wali way i sii faduulinaysaa, hadda ayaan rumaystay in ay kutalagal iiga dansatay, mar kale ayaan ku celiyay, si xanaaq leh ayaan ku iri “haddii aadan hadalkayga iyo aragtideyda rabin, maxaad ii meermeerinaysaa i dheh ‘baddayda ka bax!”

“Walaal waa ayo?” Ayuu qof kale igu yiri, “aaway gabadhi nambarka lahayd?” Ayaan weydiiyay, “waa walaalkeed, Bilan Alle ha u naxariisto waa ay dhimatay, muddo bil ah ayay duugantahay!” Markaas ayaa iigu dambeeysay dhawaaqi qofka ila hadlayay, waxaa ilbiriqsi gudihii isku baddalay dareenkii carada ahaa ee aan saddax isbuuc isku cabburinayay, dareemmadu ma aha wax waara xaaladba xaalad kale oo ka culus ayay isugu ka dhiibaysaa, waxbana wax baa lagu illaawaa, waxay igu noqotay dhacdo huqreeb ah, hadda ma naftayda ayaan eedaa mise waqtiga, ma rajadaydii burburtay ayaan ka shallaayaa mise qofka dhintay ee aan eedda u heystay, magaceeda fursad aan ku weydiiyo xitaa ma helin iska daa inaan u sheego sida aan uunka uga jeclaystaye, magaceedu waa Bilan waxaanse u la baxay Bila, ayaamahayga ayey xallad iyo xiiso u yeeshay oo hammigii ay igu daartay waxa uu igu dhaliyey dhaqdhaaq hawl adduun. Waxaan dib ugu celiyay nambarkii, waanan uga tacsiyeeyey ehelkeedi, waxaan hubsiimo quus ah walaalkeed uga toydey sababta geerideeda, waxa uuna ii sheegay in ay si kedis ah habeen ay seexatay wedka u la kulantay, nolosha oo dhan ayaaba Wedlakulan ah.

Geeridu waa waxa ugu xanuunka badan ee aadunuhu wajaho, qofku isagoo og in la dhimanaayo ayay filanwaa ku noqotaa marka qof u dhawaa nafta waayo, aniguse shaqsiyan geerida wax aan aad uga cabsado ayay ahayd xitaa waxaan ka baqi jiray inaan qof u tacsiyeeyo waxaan u arkayay in aan nabar uun sii danqaabaayo micno badanna aysan ku jirin ereyga ugu liita ee ay dadku adeegsadaan: “dhamaanteen waan wada dhimanaynaa” taasi qof inaad ugu boogdhaydid iska daa ee xitaa naftaada ayaadan u sheegi karin markii aad xaalad noocaas ah gasho. Waayihii aniga iyo Bilan sidaas ayuu ku soo idlaaday, waa sheeko bilawgeedii gabagabowdey balse dareen ahaan aan ka xanuun yarayn eelka dad tobannaan sano isla noolaa. Geeridu waa dhammaad tifaftiran, waa oohin aan rejo lahayn, waana bilawga nolol ugub ah. Warkii xumaa ee subaxaasi waxa uu ahaa caleen geeriyaad oo aan gawska ku dhuftay, welina waan sii dhadhansanayaa kharaarkeedii dacarta la moodey.

One thought on “Qaddar Dhacay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *