Faallo Buug: Boojin

Faallo buugga : Boojin

W/Q: Cali deeq Ibraahim

Bogagga buugga waa saddex boqol iyo labo bog( 302)

Buuggan ‘Boojin’ waa buug ka warrama xaalado iyo marxalado isku sidkan oo ay dadkii soomaalidu ku jireen, laga soo billaabo xilliggii 2000 ilaa 2005_ta.
Sannadkii sagaalaad oo dagaal sokeeye ah ayay ku jirtaa Muqdisho, oo burbur lixaad leh ka muuqdo. In kasta oo shir dib_ u_ heshiineed jabuuti ka socday haddana rajo la’aan baa jirtay, sababtuna ay aheyd in badi hoggaamiye kooxeedyadii xamar ay shirkii ka soo horjeesteen.

Waxa uu ka hadlayaa buuggu dhallinyaro wax ku baraneysa colaad, burbur iyo dagaallo sokeeye.
Waxaa uu qoraaga sheekada billowgeeda ugu wanqalay’ yuusuf’ ahna Metalaha sheekada. Iyo ‘ muno’ oo iyadana atariishada sheekada ah. muno waa gabar 18_sanno jir ah, oo qurux iyo jamaalba rabbi siiyay. in kasta oo quruxda ay tahay aragti shaqsiyadeed haddana muno waa hammiga nin kasta ka dhex guuxaye oo haddii la weydiiyana gabadha uu jecel yahay bal inuu sawiro uu iyada sawir ka bixin lahaa. Halka yuusuf isaguna uu yahay arday dhallinyaro ah oo la nool reerkooda, waxna baranaya. Hal iskuul ayay wada dhigtaan isaga iyo muna, waxa ayna ku jiraan sannadkii ugu dambeeyay ee dugsiga sare.

Waa da’yar ay dhex mari doonaan sheekooyin iyo wada hadallo xiiso leh. Waxa ayna ku korayaan colaaddaa iyo dhibaatooyinkaa joogtada ah, oo noloshooda wax u dhimaya.

Guyaal tegay iyo waayahooda dhallaannimo ayay ka soo raaci doonaan doonta shiraaceeda xeelliga badweynta cishqiga. iyaga oo si weyn isugu faraxsan ayay ceelasha kalgacalka in badan wadaamahooda isla shubanayaan oo midba midka kale uga turayaa xariga daraanka ah inuu midkooda si qaaya leh u jiito. Isbarashadooduna ay ka billaabaysaa goobtoodii waxbarasho. Waa dad is raba, oo nolol iyo reys inay wadaagaan u hamuun qaba. Oo ay ka go’ntay in ay meel sare ka gaaraan waxbarashada ay wadaan. Waxa uu mid walba kan kale kula taliyay in ay diyaar u yihiin hirdan iyo halgan nololeed, oo waxbarashadoodan iskuulka ah marka ay dhammeeyaanna ay sii billaabi karaan heerkooda xiga ee jaamacadda. Balse ay dhaqan iyo duruufo kale kula dhex jiraan.

Yuusuf duruuftaas iyo rafaadkaa waxaa ooga sii darnaa in saaxiibkiisii ciise ahaa uu isagana dhinaciisa ka damcay muna, tartan adagna uu dhankiisa uga iman doono.

Ciise waxa uu muno ku qancin doonaa in uu guursan doono isla haddeerba, uuna dejin doono guri filla ah oo uu aabbihii siiyay isaga. Waxbarashadeediina sii wadan doonto. Ciise reerkooda waa hantiilayaal ugu magac iyo darejo sarreeya magaalada Muqdisho. Halka reerka yuusuf ay iyagana ka daba dhicin. balse iyagu ay u janjeeraan xagga aqoonta, yar iyo weynba ay harraad aqooneed ku abuuran tahay. yuusuf waxa uu isaguna kula ballamay muna shan sanno ka dib in ay is guursadaan, oo ay lamaane wada noqdaan. Marka ay soo dhammeeyaan waxbarasbada iskuulka iyo tan jaamacaddaba.
” haye abbowe iyo waa yahay” ayay isku afgarteen.

Da’yartaas is doonaya kala qarintooda dad ayaa shaqa ka dhigan doona oo maalin iyo habeenba diyaar u ah inay is waayaan. Balse iyaguna aysan isku dhiibeyn dhibtaadaas lala maleegayo, wax walba oo dhacana ay diyaar u yihiin in xiriirkoodan xididdeystay ay sii adkeeyaan.

Muna waxa ay hadba ka dhuumato ciise ciddooda oo la rabana in ciise la siiyo, oo xaafad baasoo gabdhaha ay ragga u yihiin macaamiil iyaga u rukuman oo markey dantooda gaaraanna shilimaad yaroo gabdhaha ay ku noolaadan siiya u tagto, marna looga soo wadoo wiil reerka ahna la siiyo. ugu dambeyn gacaliyaheeda yuusuf oo inta uu iskuulkii dhammeeyay oo deeq waxbarashana ka helay waddanka Malaysiya ugu tagi doonta. Iyada oo ay waalidkeeda u soo fasaxeen in ay halkaa jaamacad ka gasho. Waddan aysan cidna arbushen ayay isku heli doonaan, oo waayahoodii iyo rafaadkii ka soo maray is barashadooda ka sheekeysan doonaan.

Sannadkoodii saddexaad ee jaamacadda ayay foodda la gelayaan, waxa ayna rabaan in ay halkan isku mehersadaan marka ay wadankii u laabtaanna arooskoodii dhigtaan, sidaa ayay yeeli doonaan. Oo lamaane daacad ah, dhib iyo dheefba isla soo mareyba isku noqon doona…

Sheekadan intaa kuma eka, wax badan oo aanan sheegin baa jira, iyo xaalado kale oo kaa oohin doona. balse inta hartay idinka ayaan idin kaga tegayaa.

Gabagabo.
Buugga marka aan akhriyay qodobbada iiga soo dhex baxay inta aan waday akhriskiisa, oo aan u arkay inay faa’iido iyo wax tar lee yihiin baan idinla wadaagi:

  1. Dhaqanka guur ku qasbidda: in kasta oo sheekada ay u dhaxeysay yuusuf iyo muna, haddana waxaa jira dad aan iyagana dhinacooda ka dhicin sheekada, oo darafkooda duruuftaas dacal ka darsanaye.
    Muraayo oo ahayed inan yar oo da’yar ah baa inta qoorta loo geliyay oday waayeel ah, oo 76_sanno jirna ah, nolosheedii gabarnimo iyo aayaheedii gashaantinnimo afka ciidda u dari doona. si walba oo ay odeygaa uga soo cararta, Aabbaheedana ooga dhaadhiciso in aysan diyaar u aheyn guurka odeyga iyo la noolaanshihiisaba haddana uu qasab ooga dhigaye aabbuha, xilli walba oo ay u soo carartna inta uu xarig ku xira ayuu xoog oogu geyn jiray. Wadaadkuse waxa ay ka tahay ‘ wax hakaa haraan’ ee saqiirtan yar noloshaba dhaafi. Muraayana ay nustaqbal iyo nolol aayatiin leh diyaarsanesay. Dhaqankaa ah in gabdhaha hadba wixii lacag lehba qoorta loo geliyo iyaga oo aanan la fiirineyn rabitaankooda iyo doonistooda shaqsiyadeed. buu buugga sawirayaa, oo gabdho badan noloshooda halkaas ku duugmi doonaan, col iyo cadaawadna nolosha ka qaadi doonaan, raggoo dhanna in ay u arki doonan bahallo aan damiir jixinjixa la heyn oo iyaga uun u nool. Dhaqankan weli hadda ayuu aad innoogu badan yahay.
  2. Dagaalkii gabdhaha: xilligii hore waxa uu dagaal iyo naf waa ka dhici jiray gabar la soo doontay oo la isu diido. Dagaalkaa waxa uu sababi jiray in ay wiilal badan iyo odayaal ku nafwaayaan oo maalmo iyo bilooyinba socosn jiray. Ka dibna ay odey dhaqameedyo fariisan jireen oo arrintaa xal laga soo saari jiray. reerkii gabar soo doontana aan loo diidin oo sidooda lagu siiyo, haddii kake uu dagaalku sidaa ku billaabanaye; iyada oo la tixgelinayo amarrada ka soo baxaye shirka odeyada.
  3. Colaadda: burburka dawladdii dhexe ka dib magaalada muqdisho waxa ay yeelatay dhawr xaafadood oo aan cag la dhigin. Qofka ku qaldamana uu halkaa ku nafweynaye, oo meydkiisa waddada ku qurmaye. Waxaa dagaalladaa waday tuugo qoryo hulal soo qaadanaye, kuna tartamaye cidda xabad qofka soo socda la heli karta. Badi waxa ay ku yaalleen deegaannadiis meelo laba ama dhowr beelood isku hayeen oo inta u dhaxeysa labaad beelood baa noqon jirtay ‘ qad cagaaran ‘ ama ‘lamagalaan’ taas oo baqdin iyo walwel ku abuureysay dadkii degganaa magaalada.
  4. Haybsooc: waxa uu buuggu tilmaam ka bixinayaa qaabkii arxanka darnaa ee ay ku kici jireen waalidiintii hore iyo falalkii gurracnaa ee ay ku ababiyeen carruurtooda. Qabiil qabiil ka fiican oo ka sharaf iyo haybad sarreeyo ma laha. Qabiil walbana mid xun iyo mid fiicanba waa ay ku jiraan sida uu kiinnaba u lee yahay. Sharfa iyo muunadna waxaa lagu lee yahay Alle ka cabsiga iyo u hoggaansamidda rabbi amaradiisa. waxa intaa ka soo harana ay sawirro fool xun iyo mala awaallo ay dadku isku madadaalliya yihiin.
    Haybsoocaas waxa uu sababi karaa in ay ku kacaan dhallinyaradaas la isku diidayo ficillo diinta ka fog, oo ay meelahaa inta ay tagaan ilmo xalaal aan ahyn iska dhala. xilligan hadda lagu sii jirana ay usii daran tahay!
    Waalid aan la socon xaalad iyo marxalada lagu jiro, oo dhaqan hore iyo utunno ay qabiil kale isku qaadeen weli qalbigiisa ku shaabbadeysan baa u horseeda carruurta Haybsoocaas. dembiga ay dhallinyartaas ku kacaanna ay iyagu qeyb weyn ku lee yihiin.
  5. Qiimaha jaceylka: duruuf walba iyo xaalad walba oo soo marta labada qof ee wada socda inaysan ku kala tegin, xiriirkooduna ku burburin. Jaceylka dhabta ah ee uu yuusuf muna u hayey waxa uu gaarsiiyay heer uu muno illowsiiyay dhibaatadii kakaneyd ee ay kala kulantay waayaheeda. Waxa uu billaabay markuu ogaaday halka ay ku nooshahay in uu maskax ahaan iyo jir ahaanba u daryeelo, booskii waalidkeedana u buuxiyo. In uu maadaama ay imtixaannadii soo dhaw yihiin casharrada iyo imtixaannada uu isaga ka qaado, galab walbana u yimaado, si aysan meeshan ay joogto cidlo oogu dareemin. Iyaduna ay kor ka qaban jirtay cashar walba oo uu keeno gacaliyaheeda, wehelna ka dhigan jirtay la jooggiisa. dedaal, dabeecad wanaag, iyo naxariis joogta ah ayay muna ka dhaxashay yuusuf. Waxa ayna ballan ku qaadday in si walba oo xaaladdu ugu adkaato yuusuf in nin kale sii saneyn, qofka kala geeyana ay u arkeysay cadawgeeda koowaad.
  6. Muhiimadda Waxbarashada: waa awoodda keliya ee dunida ka shaqeysa, iyada oo aanan mudnaanta koowaad la siininna ay wax walbaa qabyo iyo dhinnaan yihiin. Waxaa middaa caddeynaya sida ay ku ababiyeen yuusuf waalidkiisa. Xaaladdiisa iyada oo ay sidaa tahay haddana cabsi ayuu ka qabay aabbihii in uu u sheego in gabar loo doono. Nin la sugayo oo reerka oo dhanba ay u hanweynaayeen in uu meel gaarsiin doono buu aabbuhii aamminsanaa, nasiib wanaag waxbarashadiisiina meel sare ayuu ka gaaray shaqo iyo caawinaad badanna dadkii danyarta ahaa u fidiyay, muna ay xaaskiisii noqotay ugu dambeyn.

Buuggan intan aan ka qoray saddex jibbaarkeeda baa sii maqan. qof walba oo kansho u heli karana waan kula talin lahaa in uu akhriyo.
Intaa ka dib Qoraaga buuggan baan mahad ballaaran u mahadcelinayaa, oo qoraal suubbanna noogu xarriiqay buugga.

W/G: Cali deeq Ibraahim

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *