Muhimmadda Turjumaadda

W/Q: Cabdulqaadir Diiriye

Muhimmadda Turjumaadda

Dadka adduunka ku nool intii isku degaan ahba waa isku af. Waxay wada wajahaan dhib iyo dheef ay u wada joogaan, waxayna wada doontaan tabo iyo aqoon ay uga faa’iidaystaan fursadaha hor yaal ama ay uga gudbaan mushkiladaha nolosha ee degaankooda ka jira. Aqoonta ay sidaas ku abuuraan, waxay isugu gudbiyaan afka ay wadaagaan. Aqoontaas ayaa ku baahda degaankooda oo jiilka markaas wada nool ayaa isgaarsiiya ka dibna waxaa loo sii tebiyaa jiilasha ka dambeeya oo isla afkaas ku hadla. Inkastoo afku yahay gaadiid sidaas muhiim u ah oo aqoonta lagu gudbiyo, haddana waxaa aqoontaas kala degi kara oo keliya dadka afkaas fahmi kara. Taas micnaheedu waa in aqoontu ku gawaracan tahay afka lagu tebiyo. Waxaase aqoonta xabsigaas looga saari karaa oo dadyowga kale loogu faa’iidayn karaa in loogu turjumo afkooda. Qoraalkan wuxuu eegi doonaa muhimmadda ay leedahay turjumaadda iyo sida ay u baahiso aqoonta iyo xogaha salka u noqda nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo farsamada.

Waxaa jirta in afafku ku kala duwan yihiin sida ay u sameeyaan micnaha ama u sawiraan walxaha iyo falalka. Tusaale ahaan afafka qaarkood markay tilmaamayaan qof ama shey waxay hor mariyaan tilmaanta halka afaf kalena soo hormariyaan sheyga ama qofka la tilmaamayo. Soomaaliga waxaa la yiraahdaa “Wiil gaaban” iyo “Caano macaan” halka Ingiriisku yahay “Short boy” iyo “Sweet milk”. Soomaaliga iyo afaf la mid ah waxaad mooddaa inay xoogga saarayaan oo soo hormariyaan qofka ama sheyga la tilmaamayo, halka aad mooddo in Ingiriiska iyo afafka la midka ah ay xoogga saarayaan tilmaanta ah gaabnida ama macaanka.

Afka Carabiga ah marka weedhu ku bilaabato magac iyo marka ay ku bilaabato fal waxaa kala duwanaada micnaha ay xoogga saarayso. Sidaas ayaa dhismaha weedhu ugu kala duwanaan karaa afafka. Taasina waxay kala duwaysaa sida bulshooyinka afafkaas ku hadlaa wax u arkaan ama u gudbiyaan micnayaasha ku samaysma maskaxdooda. Waxaa markaas la oran karaa dadku waxay si buuxda u sawiran karaan micnaha iyo ujeeddada hadalka iyo qoraalka marka loogu soo gudbiyo afkooda hooyo.

Gudbintaas iyo fahamkaas waxaa ku kordha aqoonta waxaana ku dhisma dhaqaalaha iyo horumarka. Tusaale ahaan, koboca dhaqaalaha waxaa aasaas u ah wax is weydaarsiga. Dadka kala degaanka iyo afafka duwan waxay soo saaraan alaabo kala duwan. Alaabtaasi ha noqoto kuwo farsamo lagu soo saaro, ama kuwo degaankooda iyo beerihiisa laga helo. Waxay kaloo leeyihiin aqoon ama adeegyo u gaar ah ama ay uga fiican yihiin degaamada kale. Taasoo jirta, ayaa haddana isla dadkaasu u baahan yihiin alaab iyo adeegyo kale oo aan dhulkooda laga helin laakiin ay ka soo qaadan karaan degaammo kale. Baahiyahaas is gudubsan waxaa fure u noqon kara in dadka kala duwan ay is fahmaan oo wax is dhaafsadaan.

Turjumaaddu waxay markaa fududayn kartaa in dadku wada hadlaan iyagoo midba afkiisa ku muujinayo ujeeddadiisa iyo baahidiisa. Waxaa intaas dheer, in dadku aqoonta farsamada, oo aasaas u ah koboca dhaqaalaha, ay ku gudbiyaan qoraal. Qoraalkaas in loo beddelo afaf kala duwan wuxuu sahlayaa in dadka ugu badan ay ka faa’iidaystaan oo ay markaa farsamadaas u adeegsadaan waxsoosaar. Waxaaba dhici karta in dadka loo turjumay qoraalkaas ay sii horumariyaan aqoontii oo heer aad u sarreeya sii gaarsiiyaan oo markaa ay qoraallo cusub ka sameeyaan oo dib loogu soo turjumo degaankii markii hore laga soo turjumay.

Turjumaaddu waxay lafdhabar u tahay ganacsaiga oo waqtiga hadda la joogo waxaa ganacsiga hoggaamiya shirkado waaweyn. Shirkadahaasu waxay ganacsigooda ku guulaysan karaan markay badeecaddooda gaarsiiiyaan macaamiisha ugu badan ee wax ka iibsan kara. Taas la’aanteed, waxaa ganacsigu ku ekaanayaa oo keliya degaanka shirkaddu ku taal oo shaqaalaheeda iibku afka ay ku hadlaan wax ku gaarsiin karaan. Si haddaba loo ballaariyo macaamiisha shirkadda, waxa khasab noqonaysa in degaammo fog la gaarsiiyo adeegga iyo badeecadda shirkadda. Waqtiga hadda la joogo waa waqti shirkaduhu ku tartamaan waddan walba oo si caalami ah ayaa shirkaduhu u suuqgeyn karaan waxsoosaarkooda iyo adeegooda. Suuqgeyntaas waxaa lamahuraan u noqonaya in la turjumo qoraallada shirkadda iyo farriimaheeda iyadoo la tixgelinayo dhaqanka, diinta iyo dabeecadaha ganacsi ee ummad wax loo turjumayaa leedahay.

Ma laga yaabaa markaa inaan niraahno qofka wax turjumayaa ma beddelo ereyada keliya, ee wuxuu isku jaangooyaa qoraalka uu beddelayo iyo sida dadka loo turjumayaa u fahmi lahaayeen oo waa inuu qaddariyaa habka ay u sameeyaan ereyada iyo weeraha? Ujeeddada turjumaadda ganacsiga la xiriirtaa waa in farriinta shirkaddu gaarto dadka wax loo turjumayo. Khasab maaha, markaas, in erey walba si toos ah loo turjumo ee waa in ujeeddada laga leeyahay loo gudbiyo ummadda xataa haddii ereyadu aanay si toos ah isugu dhigmin. Ma la oran karaa turjumaadda oo dhan waa in micnaha iyo ujeeddada la gudbiyo ee aanay khasab ahayn in erey walba erey lala doonto?

Tusaalaha ugu dhaw ee muujinaya sida aqoontu ugu badbaaddo ama ugu horumarto turjumaadda, waa sida afka Carabiga ah loogu badbaadiyey aqoontii Yurub (Giriigga). Dawladdii Cabbaasiyiinta (750kii ilaa 1258dii Miilaadiga) ayaa caan ku ahayd inay dhiirrigelin jirtey turjumidda aqoontii Giriigga oo u badnayd aqoonta Falsafadda. Kutub badan oo ay qoreen aqoonyahannadii Giriigga ayaa loo turjumay Carabi ka dibna waxaa ka dhashay kacdoon aqooneed oo kaydiyey siina horumariyey aqoontii Giriigga. Boqorkii Cabbaasiyiinta ee Al Ma’muun ayaa si xooggan u maalgeliyey turjumaadda oo sameeyey xarun la yiraahdo ‘Hoyga Xikmadda’ oo lagu abuuro laguna kaydiyo aqoonta. Qayb weyn oo ka mid ahaa hawlihii lagu qaban jirey xaruntaas ayaa ahayd turjumaadda aqoontii Giriigga oo loo rogayey afka Carabiga. Waxaa la soo turjumay aqoontii Pythagoras, Aristotle, Archimedes oo ahaa Giriig iyo aqoonyahanno kale oo ahaa Hindi iyo Beershiyaan. Samaynta waraaqaha ayaa iyadan laga oo gudbiyey Shiinaha oo waxaa waqtigaas magaalada Baqdaad oo caasimad u ahayd Cabbaasiyiinta ka jirey xarumo lagu sameeyo waraaqaha sahlaya in aqoonta la abuuro ama la turjumo.

Qarniyadaas waxaa Yurub ka jirey dibudhac waxaana loo yaqaan Waagii Mugdiga (Dark Ages) oo aqoontii ayaa luntay ka dib markii dawladdii Roomaanku burburtay oo qabaa’il aan ilbax ahayn oo dhinaca Jarmalka ka yimi ay qabsadeen dhulkoodii. Boqolaalkaa sano aqoontii ka maqnyad Yurub, waxaa lagu kaydiyey qoraallo ay sameeyeen aqoonyahanno wax ku qori jirey afka Carabiga. Kuwaas qaarkood, sida qoraalka la yiraahdo ‘Aragga’ ee uu qoray Abul Ali ibn Al-Haytham ayaa 1572dii loo turjumay afkii Laatiinka si aqoonyahannadii Yurub ay wax uga bartaan. Qoralladaas cusub ee qaybta ka noqday baraaruggii Yurub waxay abuureen aqoon cusub oo keentay in laga hormaro xagga beeraha, samaynta dharka, farshaxanka iyo samynta lacagta. Sidaas ayaa soo kicidda ilbaxnimada iyo dhaqaalaha Yurub ay dib uga dhimbil qaadatay aqoontii ku kaydsanayd afka Carabiga ah.

Waxaan iyaduna qarsoonayn sida waqtiga hadda la joogo ay waddamo badan oo ay ka mid yihiin kuwa Carabtu ay ugu tiirsan yihiin aqoon lagu abuuro degaammo kale oo aan laga aqoon afka Carabiga. Isla sidii dhici jirtey qarniyadaas hore ayaa maanta aqoonta reer Galbeedka, Jabbaanka iyo waddammo kale loogu soo beddelaa afka Carabiga si looga faa’iidaysto oo loogu hagaajiyo dhaqaalaha iyo horumarka. Halkaas waxaa ka cad qiimaha turjumaaddu u leedahay ishdhaafsiga aqoonta iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa kale oo iyadana tusaale loo soo qaadan karaa baraaruggii Jabbaanku ku kaceen qarnigii 19aad oo loo yaqaan Dibuhabayntii Meiji (1868). Waqtigaas ka hor ma ahayn Jabbaanku waddan caan ah oo horumar muuqda kula tartami karey waddammadii kale ee adduunka. Hayeeshee kacdoonno waqtigaas dhacay ayaa keenay in la mideeyo waddanka oo tartan horumar oo xagga waxsoosarka, bulshada iyo ciidanka ah la bilaabo. Qayb weyn waxaa ka qaatay dibuhabayntaas in la soo turjumay aqoontii waddammadii kale ee waqtigaas horumarsanaa ay ku qorteen afkooda. Aqoonyahannadii sida xoogga leh uga qaybqaatay ololahaas oo turjumaadda badan sameeyey waxaa ka mid aha Fukuzawa Yukichi iyo Nakamura Masanao. Kacdoonkaas wuxuu Jabbaanka gaarsiiyey heer ay si buuxda ula tartamaan ama ugaba horreeyaan waddammadii ay aqoontooda soo turjunteen.

Turjumaadda sheekooyinka ayaa iyaduna qayb ka qaadata in la fahmo dhibaatooyinka bulshada. Waxaa xaqiiqo ah in bulshooyinka kala degaanka ah ay wadaagi karaan dhibaatooyin isku mid ah iyo fursado ay tahay inay ka wada faa’iidaystaan. Sheekooyinku waxay soo xambaaraan dhacdooyin hore oo xaqiiqo ah ama mala-awaal ah oo muujinaya sida bulsho u furdaamisay dhibaato waqtigeeda joogtey ama uga faa’iidasyteen fursad hor taalley. Ha yeeshee, bulsho walba waxay sheekada ku gudbisaa afkeeda oo iyaga ayaa isu sheega oo jiilashooda dambe u soo tebiya. Marka sheekadaas lagu beddelo af kale, waxaa u fududaanaya bulshada afkeeda wax loogu turjumay inay dersi ka qaadato sheekadaas oo aanay u noqon keliya wax ay waqtiga isku dhaafiyaan ee ay ka dhigtaan tusaale ay kula tacaalaan dhibka iyo dheefta dhulkooda ka jira.

Faa’iidooyinka turjumaadda waxaa iyaduna ka mid ah in la soo gudbiyo farriimo ku kaydsan qoraallo aan hadda fartooda la akhrin karin oo ummadihii lahaa ay dabar go’een ama la illaaway sidii ay wax u qori jireen. Fartii ilbaxnimooyinkii Sumariyiinta, Masaaridii hore iyo faro kale oo isbeddel xoog leh ku dhacay sida tii Giriiggii hore iyo afkii la oran jirey Aramaic (Aramaayak) ayaa hadda aqoonyahannadu daraaseeyaan si ay u soo turjumaan aqoontoodii.

Aqoonta la turjumo ma aha oo keliya tan ku qoran farta la akhriyo. Waxaa la turjumaa aqoon ku kaydsan sumado iyo farshaxan. Waxaa jirey ummado aan fartoodu qaangaarin ama aan laga hayn qoraallo fareed laakiin sumado iyo sawirro muujinaya dhacdooyinkii waqtigooda iyo sidii ay u noolaayeen ku xardhay dhagaxaan, godad iyo dhismeyaal ay ka tageen. Qalabkii ay samaysan jireen ayaa isagana laga dheegtaa heerka ilbaxnimo ee ay gaareen iyo habnololeedkoodii. Tusaale ahaan Ilbaxnimadii Inca (Inka) ee ka jirtey Ameerikada Koonfureed lagama hayo far qoran oo ay lahaayeen laakiin si mug leh ayaa hadda loo fahamsan yahay qaab nololeedkoodii. Waxay lahaayeen qaab ay iyagu unkeen oo ay farriimaha isugu gudbin jireen. Waxay isku tidci jireen xargo kala midab ah oo ay u samayn jireen gunudyo tiro ah oo mid walbaa muujinayo micne gaar ah. Xargahaas oo loo yaqaanney Quipu (Kibbu) waxaa lagu kaydin jirey xogaha la xiriira canshuuraha, tirakoobka, ganacsiga, cabbiraadda iyo amarrada ciidamada oo waxaa jirey dad ku qaybsan inay xargahaas markii la sameeyo qaadaan oo degdeg u gaarsiiyaan meeshii farriintu ku socotey. Hadda waxaa la hayaa xargo badan oo ka haray ilbaxnimadaas oo laga fahmi karo farriimihii ay isu diri jireen. Dhismayaashii ay ka tageen iyo raadad kale ayaa iyaguna muujinaya sidii ay u noolaayeen.

Maadaama maanta adduunku isu furmay oo ay fududaatay in la isu gudbo oo dadka, aqoonta, alaabta, iyo xataa xanuunnada si fudud loo kala qaadan karo, waxaa muhiim sii noqonaysa in dadku is fahmaan. Isufurnaanta adduunku waxay sahlaysaa in dhib iyo dheefba la wadaago. Waxaa markaa loo baahanayaa in la helo waddo fududaysa in qofka safarka ah uu si nabad iyo fudayd leh u socdo, in dantii uu u safray uu siduu rabey ugu soo dhammaysto, in alaabada la isu gudbiyo, sidii loo adeegsan lahaana la isu tebiyo, iyo in ciidammada amaanku iska kaashadaan siday uga hortagi lahaayeen dembiyada xuduudaha dhaafsan. Intaas oo dhan waxay u baahananyaan in la fahmo afafka kala duwan ee ay ku hadlaan dadka safraya iyo kuwa loo safrayo, kuwa alaabta sameeya iyo kuwa loo sameeyo, kuwa dembiyada qorsheeya ama sameeya iyo ciidammada ka hortaga. Waddammada xanuunnadu ka bilawdaan iyo kuwa ay dhici karto in xanuunku u gudo ayaa iyaguna u baahanaya waddo ay isugu tebiyaan farriimaha la xiriira xakamaynta iyo daawo u helidda xanuunkaas.

Muhimmadda turjumaaddu kuma joogsato waqti iyo goob gaar ah. Inta dadku jiro, iyo meel walba oo ay joogaan waxaa muhiim ah in xogta iyo aqoonta la is weydaarsado taasina waxay khasab ka dhigaysaa in la helo hannaan ummadaha kala afafka duwan ay isu dhaafsadaan farriimaha iyo aqoomaha afkoodu xambaarsan yahay. Ha noqoto qoraal in wax lagu turjumo ama in oraah loogu kala afqaado laba qof oo midba xog iyo aqoon xambaarsanyahaye, dadku intay jiraan turjumaaddu waa jiraysaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *