Akhriska: Horumarinta Afka
Dhammaanteen waan ogsoonnahay in wax-akhrisku uu u wanaagsan yahay carruurta iyo dadka waaweynba, waana in aan in badan akhrinnaa. Mid ka mid ah faa’iidooyinka ugu waaweyn wax-akhrinta ayaa ah, in uu gacan ka gaysto horumarinta xirfadaha luqadda.
Dib-u-eegis cilmibaaris oo lagu sameeyay akhriska madaxa-bannaan ayaa lagu xaqiijiyay in uu kobciyo hadalka qofka, uuna ka soo saaro mid wanaagsan oo ximin leh –laga soo bilaabo dugsiyada barbaarinta ilaa iyo heer Jaamacadeed. Su’aashu marka waxa ay tahay, akhrisku haddii uu sidaa reer ugu weyn yahay, muhiim miyaa waxa aan akhrinno iyo doorashadeennu sida ay u dhacdo?

Afar daraasadood oo kala duwan, oo ku salaysan xogo laga helay ku dhowaad 1,000 dhallinyaro qaangaar ah, ayaa ay Saynisyahanadda Dabiicadda(Marina Rain) iyo Raymond A. Mar oo ah Barefasoor ku takhasusay cilmu-nafsiga ugu kuurgaleen sida akhriska sheekooyinka khayaalka ah [Fiction] iyo kuwa aanan ahayn [Non-fiction] ay xiriir ula lee yihiin awoodaha hadalka.
Waxa ay daraasaddoodii ku soo ogaadeen in akhriska khayaalku uu in badan kaga saamayn badan yahay barashada luqadda, kan aanan khayaalka ahayn.
Dhiirragelinta ka Danbaysa Akhriska Waqtiga Firaaqa
Daraasad daba-gal ah, wada-shaqayn dhex martay Shaybaarka cilmu-nafsiga ee Jaamacadda York iyo Shaybaar ka tirsan Concordia University, oo ay hoggaaminayso Barefaysaradda Waxbarashada Sandra Martin-Chang ayaa waxa ay 200 oo qof ku waydiiyeen halka ay ka helaan dhiirogelintooda akhriska, iyo waxa ku dira.
Waxa ay sheegeen sababo badan oo kala duwan, halka ugu sarraysa ee la isugu tegayay se waxa ay ahayd in ay ‘ku raaxaystaan’, laakiin waxa ayana jirtay dhinac ay u wada janjeereen oo ahaa, in ay wax u akhriyaan si ay luqaddoodu u horumarto, una yeeshaan xirfado luqad oo wanaagsan. Dhanka kale, dadka la waraystay waxaa lala xiriirinayay cilmibaarista hore ee ka hadlaysay akhriska khayaalka ah iyo inta aanan ahayn.
Dhowr nooc oo dhiirrogelin ah ka sokoow, dhiiragelinta ka timaado akhriska khayaalka ah ayaa si aan kala joogsi lahayn loogu codeeyay, beddelka [Non-fiction-ka], waxana lagu sifeeyay in ay tahay barta ugu habboon ee uu afi ka horumaro, ama uu ka dhinto. Ka-soo-qaybgalayaashii la waraystay qofkii sheega in uu akhriyo waxyaabaha aan Male’awaal-ka ahayn, isla markaa waxa uu meesha ka saarayay in uu yahay qof u baahan ‘afkiisa oo hormara’, beddelka se baahiyo kale oo haysta buu soo bandhigayay. Tusaale; qofkii wax u akhriya si uu u koro ama uu wax u barto (majaalkiisa uun), waxa uu xoogga saarayay Dhab-ka-hadalka(Non-fiction).
Akhrinta Sheekooyinka

Marki lagu saleeyo daraasadahaan, sawirka guud waa uu cad yahay; waxa af hormariya waa akhrinta sheekooyinka. Ma aha qoraallo u saadaaliyo ama uga sheekeeya dhallinyarada ‘barashada qiimaha leh ee afafka’. Laakiin, muxuu akhriska mala’awaaalku faa’iidada intaa le’eg u lee yahay?
Weli si dhab ah loo ma garannayo, laakiin hal suurtogalnimo ayay cilmibaarayaashu isku dayayaan in ay ku soo xalliyaan, taa oo ah in ay in badan erayada adagi (SAT words) ku badan yihiin khayaalka, beddelka kuwa aanan ahayn ee dhab-ka-hadalka ah.
Si bal loo baaro suurtogalnimadaan, cilmibaarayaashu waxa ay u jeesteen dhowr qoraal-aruurineed oo waaweyn, kana kooban ku dhowaad 680 Milyan oo kalmadood. Erayada ka soo muuqday SAT marki la isbarbardhigo labada dhinac, waxaa ku badnaa khayaal-ka, marka ay isu soo dhowaadaan oo uu farqigu yaraadana, waxaa laga dheehan karay oo aanan caad saarnaannayn dayaca uu qoraaga sheekadaasi ku kacay.
Sidaa darteed, akhristayaasha khayaalku [si iska fudud] ugu ma wacna shayada SAT, sababta oo ah waxa ay sheekadu koobsanaysaa erayo badan oo SAT ku abtirsada. Waxa ay markaa taasi ka dhiggan tahay, in ay jiraan wax u gaar ah male’awaal-ka oo gacan ka gaysta horumarinta xirfadda afka; waxaa laga yaabaa dereemaheenna ay sheekadu kolba kicinaysaa in ay naga caawiyaan xasuusashada erayo cusub, ama laga yaabo xiisahaa baaxadda leh ee aanu sheekada u haynnaa in uu keeno la-socoshada qoraalka ee xaraf xaraf iyo eray erayba.
Faa’iidada Akhriska ee Mustaqbalka Fog
Xaqiiqada ayaa ah tebinta sheekooyinka khayaalka ahi in ay qayb lixaad leh ka qaataan kobcinta af, aqoon iyo siyaasadba.
Marka laga hadlayo wax-akhriska; waa kiis uu saboolku ku hodmo, kan hodan ka ahaana uu hantidiisa ku kala garan waayo. Cilmibaarisyo badan oo hore loo sameeyay ayaa horaan lagu ogaaday in qofka in badan wax akhriyaa, uu akhriskaa ku wanaagsanaanayo(U fududaado), irdo badani ugu furmaan, ku raaxaysto oo uu iska dhex arko daaqadaha aqoonta oo ay kolba midi isu ballaqayso. Tanina waxa ay markaa keenaysaa wareeg sababeed kale oo akhriskii reer jeclaysiiya, ahna in akhriska firaaqa ahi uu faa’iidooyin badan u soo kordhiyo, qofkiina uu luqad ahaan u dhismo, ka soo bilow dugsi ilaa Jaamacad.
In aad qof xirfaddiisa afeed ay dhisan tahay aad noqotaa waxa ay leedahay faa’iidooyin badan; in aad iskuulkaaga/waxbarashadaada ku wanaagsanaato, shaqadaada ku guulaysato, la dhaqanka dadka oo kuu hagaago, iyo aad noqoto qof aanay oodi xirin.
Tixraac
Reading to improve language skills? Focus on fiction rather than non-fiction. Mar, Professor Raymond A. 2022. 2022, The Conversation .
W/Q: Ilhaam Buuxo
- Ninka Cad Ma Dhintaa?: Xamaas na Ma Israa’iil Bay U Shaqaysaa?
- Falsafadda Garashada ee Plato: Tusaalaha Godka iyo Xuduudaha Aqoonta Aadanaha
- Isbeddelka Dhaqaalaha Itoobiya: Loollanka Nidaamka Dawladdu Hagto iyo Furfuritaanka Suuqyada Xorta ah
- Diego Garcia: Jasiiradda uu Maraykanka uga duullo Bariga Dhexe
- Xidhiidhka Sharciga Caalamiga ah iyo Kan Maxalliga ah: Falanqayn Ku Saabsan Hannaanka Labanimada (Dualism) ee Soomaaliya
