
W/Q: Abdullahi Osman
Her iyo Lost in Translation:
Laba muuqaal oo isku midab ah
Kallinimo ayaa daashatey. Ma garaneyso qofka ay guursatey, saaxiibadeedna dan kama lahan. Dareenka ayaa ka lumay, mana dareemayso waxa ay tahay in ay dareento. Way is wayday! Dhinaca kale Qofka ay guursatey, waxa uu ka daalay shaqadiisa sawir-qaadka. Hadda noloshiisu ma lahan xiiso, duxdii iyo macnihii noloshiisa ayaa lumay, taas oo dhalisay in xiriirkkii gacaladiisu xumaado, gabaabsina ku dhawaado. Muuqaaladda indhaheennu qabanayaan ayaan uga qiyaas qaadan karnaa in noloshiisii jinsi adkaaneyso. Waa nin caruurtiisa jecel, laakiin korriimadooda ayaa xiriirkooda soo gaabineysa, jacaylkoodana aasaysa. Ma dareemayo kalgacalkii uu u hayey caruurtiisa, waayo, waxa ay u sheegayaan in ay jecelyihiin, haddana ka maarmaan la noolaanshihiisa.
**
Oo halkee kale bay ku kulmi lahaayeen labadan qof oo aan ahayn Tokyo? Waa magaalo xiiso iyo xanuun wada socda ah. Waa macaan iyo qaraar meel ku wada yaalla; magaalo xiiso iyo qurux badan, ka duwan kuwa kale, oo gacalka iyo gobta is jecel kala fogeynaysa, arxandarraduna sida roobka ugu da’ayso dadka ku cusub. Tokyo waa tusaalaha ugu habboon ee tarjumaadda ay ku dhex marayaan noloshooda. Waa magaalo ay adag tahay in lagu noolaado, dhanka kalena qurux badan marka aad soo degtid. Sida ay u arxan darantahay bay u xiiso badantahay. Xidhiidhkoodu waxa uu u matalaa Tokyo. Sida ay jawaabaha u heleen noloshooda waa ay furfurmaysaa, oo sida laabtoodu u riyaaqsan tahay oo kale ayaan u arkeynaa magaalada oo ifaysa.
Filimku kalarkiisu wuu bedelmayaa, jawiguna wuu sii dabcayaa, waxaan dareemaynaa in muuqaaladdu meel noo wadaan. Waxaa maqalaynaa muusig; waa mid qiire leh oo dib noola mataaneynaya xasuuse hore. Wuxuu xambaarsan yahay culays qurux badan oo qiiradaasi waddo, sida wax kastana, waa mid dhamaanaya. Sababtoo ah ma ahan sheeko jacaylkii aan horay u arki jirnay, si walba uu xaalku noqdo, haddana weli wuu jecel yahay xaaskiisa iyo carruurtiisa, iyaduna way jeceshahay ninkeeda.
Tokyo ayey ku kulmeen, kadib waxay heleen sidii ay kaga gudbi lahaayeen marxalada xigta ee ciyaarta weyn ee nolosha. Sida Tokyo oo kale, waxa ay noqon kartaa mid weyn oo cabsi leh, laakiin waa marxalad ay rabaan inay gaaraan; waayo noloshu mar walba ma ahan sida aynu rabno in ay noqoto, haddana, waa safar xiiso leh oo aynaan dhab ahaantii joojin karin ama dib u dhigi karin; waa mid ay adag tahay in lagu noolaado, balse qurux badan marka la xasilo. Tani waa nooca sheekada jacaylka ah ee noloshu ina siinayso marka aynaan u baahnayn bilow cusub laakiin turjumaadda saxda ah ee waxa soo socda ayey ku tuseysaa!
**
Filimka Spike Jonze ee khiyaaliga cilmi “Her (2013)” iyo kan Sofia Coppola ee riwaayada murugo “Lost in Translation”, waa labo filim oo ka waramaya geesinnimada xaaladaha kalinimada bini’aadamka. In kasta oo ay u dhexeysay soo-saarkooda toban sano, haddana Jonze iyo Coppola filimadoodu wey iskaga dhaw yihiin sida ay u muuqdaan.
Juun, 1999kii waxaa si layaab leh guur ugu midoobey Spike Jonze iyo Sofia Coppola, guurkooduna wuxuu ka dhigay lamaanayaasha shineemada adduunka ugu caansan midkooda. Nasiibdarro, guurkoodu ma sii raagin, oo furriin ayey durba ku heshiiyeen sannaddii 2003dii, iyaga oo kala qaybsanaantooda sabab uga dhigay in ay tahay “kala duwanaansho aan la aqbali karin.”
Kalinimada Charlotte ee filimka LiT(Lost in Translation) waa mid ay dad badani la xiriiri karaan. Waa naag Maraykan ah oo degan Tokyo, iyada oo leh karti badan oo hammi ka maqan yahay. Ku noolaanshaha dal aan keedii ahayn, oo ay ku xeeran yihiin dhaqamo duwan, iyo af aysan ku hadlin. LiT waxa uu na tusinayaa aragti murugo iyo kalinnimo ah, waa filim aad u qoto dheer oo xiiso dheeraad ah yeelanaya marka aad ogaatid nolosha gaarka ah ee soo-saaraha.
Dhinaca kale ee sheekadan waxaa la shaacin doonaa toban sano ka dib, filim uu Joaquin Phoenix jilaayo shakhsiyadda Theodore Twombly, oo ah qof af-gaaban oo ku nool Los Angeles-ta mustaqbalka. Waxa uu ka shaqeeyaa shirkad shaqaaleysiiya qoraayaal xirfad leh oo u qora macaamiisha waraaqo lagu xardhey erayo kalgacal si ay ula wadaagaan kuwa ay jecel yihiin. In kasta oo uu mar ahaa nin aad u faraxsan, hadda waxaa uu daris la u noqday niyad-jab la xiriira sugitaanka saxiixa furitaankiisa gacalisadiisii carruurnimada – waa Catherine e, oo uu weli jecel yahay. Waxa filimkan ka dhigaya mid xiiso leh waa xidhiidhka caadifiga ah ee jilaagii kowaad iyo nidaamka telefoonkiisa ee Samantha. In kasta uu LiT soo bandhigay mawduucyada la xiriira guurka, Her waxa ku jira mawduucyo culus oo furiinka ku arooraya.
Theodore waxa uu leeyahay dabeecad naxariis badan, dareenkiisa kalinimada ayaa aad uga fudud midka lagu muujiyay LiT. Waxa uu ku nool yahay isla magaaladii weynayd ee uu ku soo barbaaray, waxa uu ku leeyahay guri qurux badan, waxa uu haystaa shaqo joogto ah, waxa uu leeyahay saaxiibbo ka war haya, dhibka keliya ee haysta ayaa ah in aanu haysan cid uu nolosha la wadaago. Her ma ahan oo kaliya filim dareen maskaxeed laakiin waa bandhig muuqaal aan caadi ahayn. Naqshadaynta wax-soo-saarkuna waa mid mid loo diyaariyay filim mustaqbal, waxaad dareemi kartaa tamarta hal-abuur ee la geliyay dhinac kasta oo mashruuca ah.
LiT, waxaan awoodnaa inaan fikrad guud ka helno dabeecadda lamaanaha. John waa egomaniac, fannaan ay shaqadiisu kala mudnaantahay guurkiisa. Her, lama soo bandhigayo nolosha Theodore naagtiisii hore, Catherine, marka laga reebo hal muuqaal. Muuqaalka makhaayadda ay sheegayso iyada oo xanaaqsan in xiriirkooda soo afjarmay sababtoo ah Theodore “ma xamili karin iyada”. Si ka duwan LiT oo ceebaha Charlotte aan marna lasoo bandhigin. Muuqaalkan waxaan helaynaa faham cad oo ku saabsan aragtida Catherine, waxa uu muuqalku naga yeelaya inaan la yaabno waxa shakhsiyada kowaad ku sameeyay iyada, oo sababay in uu xiriirkooda xumaado.
Theodore wuxuu mar kale iska dhex arkaayaa Samantha, ka dib markii uu jabay oo lumay sannado badan. Sida ‘Lost in Translation’ filimku wuxuu helayaa midab iyo qurux marka ay jilayaashayadu is bartaan oo jacaylku haleelo.
Barashada noloshooda gaarka ah bay is weydaarsanayaan. Theodore wuxuu mar kale helaaya quruxda adduunka iyo iyada farxadeeda. Laakiin waxaan dhihi karnaa midkood ayaa kan kale ka koraya, waayo Samantha waxay galeysaa xaalad jiritaan cusub ah. Taasi waa dhibkooda ugu weyn. Iyada iyo Theodore ma wada socon karaan hadda oo Samantha waxay dareentay inuu isagu ka gaabinaayo xiriirkooda. Laakiin uma dulqaadan karo murugo cusub marka ay ka tagto, weli farxad ayuu maskaxda ku hayaa, ma dareensana in uu markale burburay, hadda waa dareen xasuus ah kaliya. Wuu murugaysan yahay oo waa xaqiiqo jirta, laakiin wuu fahmayaa, kaligiis ayuu mar kale noqday, isaga oo leh aragti cusub ka leh wax walba.
Siyaabaha ay Her iyo LiT isugu xidhan yihiin
Jiifka Sariirta
Muuqaalka u horreya ee LiT waa Charlotte oo sariirta jiifta. Khilaafka ugu weyn ee Charlotte iyo Bob waa awood la’aanta inay dhexgalaan agagaarkooda, sidaas darteed ma awoodin inay seexdaan. Waxaan si joogto ah u aragnaa iyaga oo jiifa sariirta hoteelka, laakiin mar walba waa ay soo jeedaan. Had iyo jeer waxay eegayaan saacadaha ama waxay dib u shidaan TV-ga. Wax jira awgeed, ma heli karaan raaxo. Hurdo la’aantoodu, waa waxa isu soo dhaweysa. Marka u horraysa ay fariistaan waxay ka wada hadlayaan hurdo. Theodore ma ledi karo, waayo maskaxdiisa waxaa murjiyey culays badan oo haysta maankiisa. Markii ugu horeysay ee aan ku aragno sariirta, indhihiisu wali waa furan yihiin, wuxuuna go’aansanayaa inuu ku biiro “chatroom-ka”2 isaga oo isticmaalaya telefoonkiisa. Hurdo la’aantan ayaa isaga iyo Samantha isu soo dhawaysay. Inta badan sariir buu ku jiifi doonaa oo la hadli doonaa iyada. Waa halka uu ka muujinayo sida uu uga xun yahay burburka guurkiisa. Labada filimba waxay u muuqdaan inay si weyn xoogga u saarayaan hurdada ama hurdo la’aanta.
Dareenka Kalinimada
Dhibaatada Bob ee Tokyo waa luqadda. Waxaa ku adag inuu la xiriiro agaasimayaasha uu sawirada ka qaadayo, wuxuuna ku dhibtooday inuu fahmo waxa ay isaga ka rabaan. Charlotte iyo Bob labaduba aad bay uga baqayaan bulshada ku xeeran. Waxaad arkaysaa iyagoo muraayadaha baabuurta ka eegaya dhammaan dhismayaashan iyo midabada neon-ka, waxayna dareemayaan uun adduun gebi ahaanba ka duwan wixii ay caadaysteen. Waxaa lagu qasbay inay joogaan Tokyo waqti aan xad lahayn waxayna dareemaan cidlo, sidii oo uu gabalku ugu dumay kaynta dhexdeeda. Halka Charlotte iyo Bob ay ula dhaqmaan agagaarkooda si cabsi leh, Theodore, waa nolol maalmeedkiisa. Mar walba uu soo dhawaado furriinku, waxa uu u muuqdaa mid aan awoodin in uu cidna la xidhiidho. Waxa uu gabi ahaanba la jaanqaaday tiknoolajiyadu ku xeeran. Tiknoolajiyaddu waxa ay ka ciyaartaa qayb weyn oo noloshiisa ka mid ah, laakiin wuxuu ula dhaqmaa si dabacsan, ilaa ay Samantha timaado. Si kasta ee uu codkeeda u maqlayo, haddana weli Theodore waa kaligii aan cidna wehlin.
Waxay Ka Hadlaan Xiriirkooda Fashilmay
Marka Theodore iyo Samantha ay bilaabaan inay si dhab ah isu bartaan, Theodore wuxuu si qoto dheer u sii faahfaahinayaa guurkiisii fashilmay; wuxuu ka hadlayaa guurkiisa Catherine isagoo ka qoomameynaya. Wuxuu ugu dambeyntii qaadayaa mas’uuliyadda sida xiriirkoodii u burburay, dhammaadka, wuxuu garowsanayaa xaqiiqda fudud ee ah in ay kala fogaadeen. Catherine way tagtay isaguna waa inuu sidaas sameeyo. Bob iyo Charlotte midkoodna kuma caddeyn LiT wixii ka xumaadey guurkoodii hore, waxayna u muuqataa in uu jiro isfaham aynaan fahmeyn oo ka dhaxeeya labadooda!
Si kastaba ha ahaatee, LiT waxa uu na tusinaysaa sida Charlotte iyo John ay u kala fogaanayaan, Bob wuxuu qabaa xaaskiisa 25 sano; laakiin waxaad moodaa inay kala fogaadeen wakhti hore. Dhammaadka, ma ogaanayno halka ay ku dambeeyeen Bob iyo xaaskiisa ama Charlotte iyo John, laakiin labada xiriir ma lahan rajo badan. Bob iyo xaaskiisa Lydia, waxay u badan tahay inay ku wada sugnaan doonaan guurkooda jacayl la’aanta ah, laakiin waxaa laga yaabaa in xiriirka Charlotte ogeysiiyo inta ay noloshu madadaalo noqon karto iyada la’aanteed?
Doorka Scarlett Johansson
Tani waa cadeynta ugu weyn ee xiriirka Her iyo LiT; Scarlett Johansson waxay jilaysaa labada filim. Lost in Translation, waxay ku jilaysaa Charlotte, oo ah shakhsiyad ay u badan tahay inay ku salaysan tahay waayo-aragnimada qoraa/agaasime Sofia Coppola. Her, waxay jilaysaa nidaamka taleefanka ee jacaylka u qaadaysa Theodore. Marna ma aragno wejigeeda, waxaan maqalnaa oo keliya codkeeda, in kasta oo aynaan waligeen arag, joogitaankeeda waa la dareemayaa mar kasta oo ay hadlayso. Waxa ay awoodday inay Samantha siiso shaqsiyad muhiim u ah guusha filimka. Scarlett waa xiriiriyaha labadan filim iyo agaasimayaashooda. Lama-filaan ma ahayn in ay labada filim kasoo muuqato Scarlett, waayo codkeeeda badankiis waxaa la duubay soo-saarki dambe sababtoo ah ma ahayn jilaagii loo diyaariyay doorka shakhsiyada Samantha.
Her Waa Jawaabta Lost in Translation
Gebogebo;
Waxaan aaminsanahay in Her uu jawaab u yahay Lost in Translation. Qof kasta oo guursaday, ama qof wada socdeen muddo dheer, wuu fahmi karaa sida uu lamaanahoodu muhiim uga yahay agtooda. Sida Theodore u sheegay, “In aad qof nolosha la wadaagtaa waa wax gaar ah oo qiimo gooniya leh.” Spike Jonze waxa uu guursaday noloshiisa hal mar, waa inaan gaadhno gabagabada in filimkiisu yahay warqad uu xaaskiisii hore u qoraayo. Dareenkiisa wakhti badan ayuu gudahiisa ku kaydiyay furiinka kadib laakiin waxa uu helay habkii ugu wanaagsanaa ee loo soo bandhigo; isaga oo isticmaalaya fanka toddobaad, oo aynu ula jeedno Shineemada. Daawashada labada filim waa waayo-aragnimo gaar ah. Filimku wuxuu ku bilaabmayaa kuna dhammaanayaa Theodore oo qoraya warqad. Bilowga, waxa uu si toos ah ula hadlayaa shaashadda. Waxaan aragnaa inuu warqad u qorayo qof kale, taas oo ah shaqadiisa, laakiin muuqaalada u dambeeya filimka, waxaan aragnaa Theodore oo qoraaya warqad kale, markan waxay si toos ah ugu socotaa xaaskiisa hore. Warqadan, wuxuu ku qirtay dhammaan xumaantiisa wuxuuna u sheegay in uu hadda diyaar u yahay inuu horay u socdo. Uma maleynayo in Spike Jonze uu ujeedadiisa ka sii caddeyn karo inta uu muuqaalkaas ku muujiyay, wuxuu leeyahay:
“Gacalo Catherine, waligay waan ku jeclaa waayo waxa aan ku wada korney meel, waxaad iga saaciddey in aan noqdo qofka aan ahay, marwalbana qayb kaa mid ah ayaa igu dhex jireysa. Waan kaaga mahadnaqayaa intaas.” Waa erayo beerqaad leh oo ku xasuusinaya heestii ay Yurub Geenyo lahayd:
“Innagu isma dhaafna oo
Dhallaanimadeenii baan
Taariikh aan ku dhaadanniyo
Jacayl soo wada dhisnoo
Horaan isku dhaarsannoo
Cid kale kuma garab dhigee
Adaan kugu dhiirradaa…”
Saaxadda Hollywood, way fududahay in laga faa’iido riwaayadaha shakhsiyadaha caanka ah, laakiin marar dhif ayaa la soo saaraa farshaxan awood leh sida furniinka Oskaarta ku guuleystay ee Lost in Translation iyo Her. Looma samaynin in maal iyo magac adduun lagu helo, waxaa cad in labada filim samayntoodu ka yimaadeen xanuun iyo murugo shakhsi ah, iyo dareen dhab ah oo si qurux badan u turjumeen shaashaduhu. Waa wax soo-saar murugada u beddelaya farshaxan qurux badan oo adduunka oo dhan ku raaxaysanayo. Inkasta oo aanan la jeclayn xanuunka furiinka qofna, waxaan rajeynayaa in mustaqbalka, aan farshaxan ka samayn karno murugoda iyo duruufaha adag sida Spike Jonze iyo Sofia Coppola, uga falkiyeen farshaxan qaali ah, murogo badan oo laabtooda daashatey kadib.
- Ninka Cad Ma Dhintaa?: Xamaas na Ma Israa’iil Bay U Shaqaysaa?
- Falsafadda Garashada ee Plato: Tusaalaha Godka iyo Xuduudaha Aqoonta Aadanaha
- Isbeddelka Dhaqaalaha Itoobiya: Loollanka Nidaamka Dawladdu Hagto iyo Furfuritaanka Suuqyada Xorta ah
- Diego Garcia: Jasiiradda uu Maraykanka uga duullo Bariga Dhexe
- Xidhiidhka Sharciga Caalamiga ah iyo Kan Maxalliga ah: Falanqayn Ku Saabsan Hannaanka Labanimada (Dualism) ee Soomaaliya
