W/Q: Iftin Cabaade
QAANUUN(Law)
__________________________

Maqaalkan kooban waxa aan kaga hadli doonnaa waxa uu qaanuunka ama sharcigu yahay, sooyaalkiisa qeexiddiisa , asalkiisa iyo aragtiyaha kale ee la xiriira majaalkan. Marka ugu horraysaa waa in ka jawaabaa naa waydiinta koowaad taas oo ah waa maxay Qaanuun?
Si aan u helno jawaabta waydiintan waxa aan ka istaagi doonnaa dhawr xagal, warcelinno kala duwan oo laga bixiyay ayaanna soo qaadanaynaa.
Aqoonyahanno iyo sharciyaqaanno badan ayaa midba si u qeexay ereyga “law”, sharraxaadahaasi waa ay kala baaxad weynyihiin , markii loo fiiriyo faahfaahintooda iyo ereyada ay adeegsadeen :
1. Qaamuuska Cambridge dictionary waxa uu ku qeexay ereyga “Law” in uu yahay “xeerar badanaa ay soo saarto dowladda kuwaas oo loo adeegsado in lagu nidaamiyo habka ay bulshada u dhaqanto.”
2.Qaamuuska Black’s law dictionary waxa uu ku qeexay ereyga “Law” in uu yahay ” Xeerar dhaqan oo ay soo rogto hay’ad koontorool oo leh awood sharciyeed oo dhaqangal ah (binding legal force) , xeerarkaasoo ay tahay in ay u hoggaansamaan raacaanna muwaadiniinta “. (black’s law dictionary , 6th ed ., sv. )
3.John Austin waxa uu ku qeexay Qaanuunka in uu yahay “xeerar guud oo ay soo saarto awood sare (superior power) ay na tahay in uu raaco qof walba iyada oo aan loo eegin heerkiisa”.
4. Professor H.L.A Hart Buuggiisa “Concept of law ” waxa uu ku sheegay aragti uu qabay oo ahayd in qaanuunku ka koobanyahay isutagga xeerar aasaasi ah (primary rules ) iyo kuwo heerka labaad ah (secondary rules )ah.
Xeerarka aasaasiga ah waa xeerar xakameeya dhaqamada guud ee bulshada iyo damiirkeeda (moral) , oo ayna ka dhashaan waajibaadyo iyo ciqaabo la xiriira xeerarka. Tusaale ahaan xeerarka ka dhanka ah dilka .
Qawaaniinta ama xeerarka heerka labaad (Secondary) ah waa xeerar awood siiya, suurageliyana dhaqangalka kuwa aasaasiga ah.
Sharcigu ama Qaanuunku waa xeerar lagu xakameeyo habdhaqanka bulshada . Xeerarku waa;
1.faritaanno ama awaamir dad gaar ah lagu xukumo .
2. Nidaam dad gaar ah aqbaleen oo isku haya ; dhaqan ama caado . (Merriam Webster dictionary. 2022).
Qaanuunku waa dabar isku haya damiirka (moral) bulshada iyo isbedbeddelka dhaqamadeeda kaas oo ku saleysan mabaadii’da guud ee caddaaladda ayna dhaqangeliyaan hay’adaha dowladda (garsoorka iyo police-ka ) iyaga oo adeegsanaya awoodda dowladda .
DUGSIYADA BARASHADA QAANUUNKA (SCHOOLS OF JURISPRUDENCE):
“Jurisprudence” waxaa laga soo dhiraandhiriyey erey Latin ah “Jurisprudential ” oo la micne ah “Knowledge of law ” waa barashada soo saarista , dhaqangelinta iyo ujeeddada qaanuunka .
Dugsiyada barashada qaanuunka waxaa ka mid ah :
1. Philosophical / Natural law school :kaas oo qaba argti ah in xeerarku dhammaantood ay diiradda saaraan keliya waxa saxda ah uu na ku saleysanyahay akhlaaqiyaadka iyo damiirka bulshada . waxa uu dugsigan qabaa in xeerarka xakameeya dadka ay yihiin kuwo “Nature/Divine laws” (xeerar dabiici ama kooni ah), kuwaas oo dadku aanay saameyn ku lahayn .
2. Historical school of jurisprudence : oo qaba aragti ah in xeerarku ay yihiin dad-samee ayna isla beddelaan horumarka jiilasha maadaama uu ka soo askumo dhaqamada (customs), diimaha iyo ilbaxnimooyinka dadka .
3. Positive /Analytical school of jurisprudence : Dugsigan waxa uu qabaa aragti ah in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Xeerarka iyo akhlaaqiyaadka bulshada (ethics and morals) , waxa uu ku qeexay in Qaanuunku yahay awaamir ay soo rogto hay’ad awood ku leh dadka (dowladda ) ayna soo saaraan Sharcidejiyeyaal (Law makers) .
ASALKA IYO TADAWURKA QAANUUNKA
Xeerku ama qaanuunku waa hab-socod ku lug leh waayo’argnimada iyo hab-nololeedka taariikheed ee jiilalka is daba jooga .waa xeyndaab ku wareegsan bulshooyinka waana aaladda ugu muhiimsan ee loo adeegsado xallinta khilaafaadka iyo murannada dadka wada nool .
Tadawurka ama horumarka xeerarka waxa ay billowdeen ka hor inta aan taariikhda la qorin jiritaankooduna waxa uu ka horreeyey dhisamaha maxakamadaha iyo qoridda xeerarka dowladaha casriga ah ay adeegsadaan.
Waxaa la rumaysan yahay qaanuunka uu la bilowday ilbaxnimooyinkii hore ee aadanaha sidii taa Masaarida.
Sida la sheego qaanuunkii ugu horreeyay waxaa uu ahaa kii Soomariyiinta (waxa ay ahayd ilbaxnimadii ugu horraysay ee dhulka hadda Ciraaq loo yaqaano, kadibna ilbaxnimadii Baabila ayaa beddeshay), kaas oo la sameeyay 2100 sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise. by Joshua J. Mark, 2021).
(Balse qaanuunkii ugu ballaarnaa kana koobnaa xeerar badan waxaa sameeyay Xamuuraawi oo ahaa boqorkii lixaad ee Baabila, waxaa uuna Baabila xukumayay inta dhexaysay 1792 ilaa 1750 ka hor dhalashadii Ciise.
Qaanuunkan waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa xeerar sharci ah kuwii ugu horrreeyay uguna nidaamsanaa waxa uuna ka koobnaa 282 xeer.(HISTORY.COM EDITORS, 2020).
QAANUUNKA IYO WAQTIYADAN CASRIGA AH
Xilliyadii qadiimiga ahaa ma jirin xeerar cad oo lagu qoray buugaag qaanuuneed , qof kasta waxa uu u hoggaansamayey amarka kan ka xoogga weyn ha ahaado caaqil qabiil ama boqor .
Laga soo billaabo billowga iyo bartamaha qarnigii 19aad ee soo if bixidda dowladaha casriga ah xilligaas oo bulshooyinku dastuurro qorteen aqoontuna baahday , qaanuunka waxaa loo qaatay in uu yahay go’aannada ka soo baxa goobaha caddaaladda(Maxakamadaha) ama waxyaabaha ay garsoorayaashu ku dhawaaqaan.
Qawaaniinta waqtigan casriga ah waxaa saameyn ballaaran ku leh goobta iyo waqtiga dhaqangalkooda , maxaa yeelay bulshooyinku waxa ay u kala xeer iyo ciqaab duwanyihiin sida ay u kala dhaqamo duwanyihiin, inkasta oo ujeeddada ugu weyn ee sharciyada hadda jira ay tahay in caddaalad loo sameeyo kuwa u baahan.
Ugu dambeyntii sharciyada waxa ay muhiimad gaar ah u leeyihiin jiritaanka bulshooyinka caalamka waxa uu difaacaa badbaadada guud ee bulshada, dhaqangelintiisana waxaa lagu xaqiijiyaa helidda xuquuqaha kuwa la dulmay.
Tixraac :
1. Black’s law dictinary .
2. Introduction to law book .
3. The Concept of Law book by the legal philosopher H. L. A Hart.
4. Joshua J. Mark, published on 26 October 2021, https://www.worldhistory.org/Code_of_Ur-Nammu/
5. UPDATED: FEB 21, 2020 | ORIGINAL: NOV 9, 2009 Code of Hammurabi BY HISTORY.COM EDITORS, https://www.history.com/.amp/topics/ancient-history/hammurabi
