
Faaqidaad: Xaajada qabiilka
W/Q: Mooge Umal
Qabiilku feker ahaan ma uu qaato go’aan keli ah oo uu arrin jirta ku guddoonsan karo, balse taas lidkeeda waa uu xaajoodaa, waxa gole isugu yimaado dad tiro badan oo hayb ahaan qabiilka ka mid ah oo goobta u yimaada si ay talada meesha lagu hayo garasho ahaan wax ugu darsadaan oo ay go’aanka qudha ee la soo saari doono wax ugu lahaadaan. Habka aan u tebinayo xaajada waxa laga yaabaa in ay maad kuula muuqato, hasa ahaatee waxa aan gole-ka-fuulayaa aragtida aan ku beegi doono hannaanka ay xaajadu dhab ahaan iila egtahay, iyo sida ay ay xaajada qabiilku inta badan macna qumman u lahayn oo ay u tahay wax garasho ahaan liidata oo aan dux lahayn. Xaajada haddii aan aragtidii “Nafsadda Jamaahiirta” ee Guustaafa Laaboon ku eegno waxa ay u muuqanaysaa garashada doqomada oo aan ahayn maskax fiyow iyo faallo qumman oo aan ku salaysnayn baahi run ah oo ay dadku u qabaan in ay duruufta jirta kaga gudbaann ama ay ku soo saaraan go’aan badbaado ah oo midho bisil yeesha. Haddii ay xaajadu inta badan ka dhex dhacdo goob mahwi ah oo dad tiro badan oo haybta reerka ku midaysan joogaan, waxa laga filayo ma ay aha in qodob la abbaaro ama go’aan la gaadho, ee inta badan xaajadu waxa ay abuurtaa in haybtu tahay lama taabtaan iyo in qabiilku tiro ahaan u yahay awood jirta oo ku salaysan tirada uu yahay iyo cidda markaas u dabran in ay goobta joogitaankeeda ku milgeeyaan haybta ay hullaabanyihiin oo marka tiro laga tago aysan dadku u yeelan karin aragti mid ah oo ay xaaladda jirta ku gorfayn karaan. Haddii aad ogtahay, xaajooyinka qabiilka wax cusub lagama soo saaro, ee waxa dib loo naqtiimaa qodobo hore loo gaadhay iyo dhaqan soojireen ah oo aragtida gobanimada ee qabiilka ku salaysan, sida in ay toljira yihiin oo ay taasi wax kasta oo kale iyadu ka mudantahay, in tolka la yahay waa isxusuusin iyo in ganafka lagu dhufto talo kasta oo taas ka soo horjeedda.
Haddii ay tahay in aan xaajada fahanno sida ay go’aanka wadarta ah u saamayso oo aan uga jeedno sida ay xaajadu u abuurto ogaal fidsan oo dadka qabiilka ah oo dhan u ogolaadaan, waa in aan ka fekerno sida ay dadka qabiilka ah ee goobta jooga saamaynta xooggan ugu leeyihiin go’aanka la gaadhayo iyo goddoonka odayada. Talada qabiilka inta badan waa mid fidsan oo aan hal meel ku uruursanayn, haddii ay dhacdo in ay qolo goonni ah talada yeeshaan, waxa iman karta in dadku ay iskood dood u abuuraan oo ay odayaal kale u doortaan iyaga oo kaga falcelinaya in ay taladii qabiilku ay qolo dhantaashay oo ay u diiday in golaha la keeno waxa jira iyo xaajooyinka ay tahay in la guddoonsado, sidaas ayaa ay xaajadu u tahay aragti aan garasho qumman ku salaysnayn ee ay u tahay qumminta garashada dadka badan ee qabiilka kamidka ah ee golaha jooga, si gurraca looga dhawro midnimada qabiilka, inta badanna waxa golaha lagu gaadho asal ahaan ma aha go’aamo ee waa dhaqan iyo hiddaha qabiilka oo ku salaysan in tirada iyo dadka badan ee reerka garaadkooda la gardaadiyo. Golaha waxa lagu abuuraa cimilo ogaal ahaan kacsan oo garashada dadka lagu gilgilayo, si ay dadka raba in qabiilku go’aan yeesho dembi u dareemaan oo ay uga gaabsadaan in ay tolnimada si qumman uga fekeraan. Cidda koox walba gilgilaysa waa dadka tira badan ee qabiilka oo maxasta iyo caamada u badan oo kugu sandullayn doonta in ay milgaha qabiilka dhawrto si aysan adiga bulsho ahaan kuu wiiqin. Doqomadu kaalin wax tar ah ayaa ay qabiilka ku leeyihiin, maxaa yeelay door ay wax tari karaan ayaa ay golaha qabiilka ka helaan, sida xinka jifiyaha oo ah feker aad u hooseeya oo ay fahmi karaan, maxasta reerka qudhoodana ku godli karaan, iyagu na [Maxastu] waa ay kala goo’goo’ayaan oo higilka guud ee qabiilka sida ay ugu ad adagyihiin ayaa ayna jifiyaha ugu dheganyihiin oo marka ay doqomadu heerkaas keenaan waa ay u wada kacayaan in ay xinkaas dhex galaan, meeshaasina waa halka ay doqomadu sida wacan u dhex galaan ee ay reerka taladiisa doorka muuqda ugu yeeshaan, maxaa yeelay, sida runta ah, talada qabiilku waxa ay ku salaysantahay nafsadda [Bulsha weynta].
Aan ku dhiirrado, in aan xaajada ku qeexno quminta garashada maxasta, iyo yamxeerinta runta qayaxan ee dhab ahaan aan laga indha saaban karin, taas waxa aan ku cabbiraynaa in ay xaajadu tahay sida kacdoonka dadka ka dhex aloosan loo demiyo, ee aan run ahaan ahayn go’aamo kaalingal ah ee uu reerko qaato. Door badan ayaa ku jira sida ay xaajada u hagaajiso nolosha bulsho ahaan ee qabiilka oo in badan ay adagtahay sida loo maamulo dad kala aragti duwan, kala aaminaad duwan, kala duruufo ah oo haddana hal hayb oo hal abtirsi oo midaysan leh ku wada jira, waa arrin masalo bulsho haddii loo eego kakan, si fudud na aan lagu furfuri karin, isla mar ahaantaana aan hal qool oo kooban loo wada gelin karim madaxyada taagtaagan ee aragtiyaha faraha badan ee ay dadka qabiilka ku midaysan wataan. Markaas ayaa ay xaajadu noqonaysaa sida loo miyiriyo hiyikaca, gadoodka, doodaha qallafsan, garashada gurracan ee ka iman karta dad fara badan oo odayada reerka dhammaantood ka wada sugaya in ay keenaan go’aamo taageeraya waxa ay doonayaan iyo aragtiyaha ay wataan.
Si badbaado loo hiigsado, waa in ay jirto tab iyo xeelad ujeedka la rabo lagu gaadho, sida in kooxaha kala duwan ee cid ahaan reerka ah hal ujeed loogu wada mideeya, taasi waxa ay noqonaysaa Xaajada. Asal ahaan qabiilku waa dad ku midaysan dabar abuur ama dabiici ah oo abtirsi iyo hayb ku eg, oo aan garasho hufan u baahnayn si loo fahmo waxa ay haybtu tahay, ma ay adka in aad garawsatid in ay dad fara badan oo aad aragtay ay yihiin reer hebel, maxaa yeelay, ma aha dad isku raacay aragti caqiido, dhaqaale, siyaasad ama wax kale ku saabsan isku bahaystay, sidaas oo ay tahay na, waxa haybta wadaaga dad fara badan oo aragtiyo intaas oo jaad aaminsan, halkaas ayaa waxa ka imanaysa sidee dad hayb mid ah wadaaga oo aragti ahaan kala duwan u wada yeelan karaan hal gole oo lagu wada xaajoodo? Waa ta aan rabno in aan fahanno sababtoo ah, xaajadu waa dawga keli ah ee weydiintaas u yeeli karti halcelin loo garaabi karo, waana xeeladda duugga ah ee qabiilku u abuuray si ay dadka qabiilka ah ee hadda na kala aragtida iyo duruufaha duwan u yeeshaan hal gole oo mideyn kara, waana xaajada, ama in golaha la isku waraysto oo si siman looga wada fekero in samaha qabiilka iyo gobanimadiisa la wada doono, waxa wada doonaya u noqdaan xagjirka reerka, siyaasiga, wadaadka nabaddoonka ah, tuugga reerka, dadqalka reerka, aqoonyahanka reerka, iyo ganacsadaha reerka, oo dhammaantood waxa ay ku wada qanci karaan ay tahay garashada doqonka ama doonista dadka badan ee qabiilka oo sida lagu yaqaan dadka caamada ah—aan lahayn garasho doornoon oo go’aan kaalingal ah goobta keeni karta, waxa golaha lagu celcelin doonaa hadallo mar hore la yidhi, iyo waayaha rag hore oo go’aamadan oo kale qaatay si aan waxna loo qaadan, waxna looga tegin. Xaajadu ma aha tashi nool oo xaalad taagan lagu gorfeeyo, ee waa hagaasinta iyo bakhtiinta caqliyada nool ee qolo leedahay, ama haddii aan sii faahfaahinno, xaajadu waxa ay u samaysantahay in fekerka cusub ee koox ama cid reerka kamid ahi golaha keentay aan loo yeelin ee lagu dhex baabi’iyo codadka badan ee ay golaha ka dhiiban doonaan kooxaha kale ee iyagu na reerka ah ee raba in ay aragtidooda golaha marsiiyaan, si markaas tolnimada iyo midnimada loo ilaaliyo, waa in aan waxba la yeelin, ee garashada doqomada loo hogaansamo, taas oo ah tolnimada xooggan.
