Faallaynta buugga: Adduun iyo Taladii ee Rashiid Gadhweyne

Faallaynta buugga: Adduun iyo Taladii ee Rashiid Gadhweyne
WQ: Yuusuf Absuge

Waxaan akhriyay buugga Adduun iyo Taladii, runtii waxaan dhihi karaa waa buug aad u mug weyn xambaarsanna fariimo bulsheed oo aad muhiim u ah waqti xaadirkaan hadda la taaganyahay. Rashiid, oo markiisa horeba aan ka fogeyn suugaanta iyo qeybaheeda kala duwan ayaa hadane maadaama uu yahay qof bartay Cilmiga Bulshada waxa uu si qoto dheer ah u lafagurayaa u na faaqidayaa xiriirka ka dhaxeeya waayaha soomaalida iyo suugaan siyaasadeedka bulsho oo ay abwaano iyo halabuurayaal faro badan la gole yimaadeen.
Buuggu waa dhigaalo ama qormooyin dhowr ah halmeel la isugu soo wada uruuriyay , waxa ugu weyn ee ka dhaxeeya macno ahaanna waa in ay yihiin mawaadiic si guud uga wada hadlaya waaqaca iyo dhaqanada bulsho ee soomaalida dhexdooda ka jira sida; dhibaatooyinka fekerka iyo aqoonta, dhaqanka iyo siyaasadda.

Buuggu qeyb fara badan oo kamid ah waxa uu aad uga hadlayaa daraasad xoogganna ku sameynayaa silsilid-maanseedda Deelleey, taas oo la dhihi kara waa suugaan saadaalisay burburkii Soomaaliya iyo xaalka aan ummad ahaan ku dambeen doonna. Waxa uu qoraagu is dul taagayaa doodda ku hareereysan silsiladdaas ee ah “Deelleey ma maanso waddani ah baa mise waa tixo qabyaaladeed oo la iskaga soo hor jeeday?” Waxaa uuna ku doodayaa Rashiid, in Deelleey labadaasba ay ahayd balse waxa uu dadka daneenaya ku boorinayaa si loo derso in loo baahanyahay majaro habboon o weji cilmiyeed leh. Waajibna ay tahay in xoogga la saaro tixda maanseed halka la abbaari lahaa curiyaheeda ama qofka tiriyay oo aanan lagu fasirin abtirsiinta qabiileed. Waxa uuna ugu dambeen ka digayaa qoraagu in falaanqeynta silsiladdu ay ku dhacdo mowqifka wacyiga buka ee ah in kuwana loo baroorto kuwana loo qoslo.

Rashiid sida aan hore u sheegayba maadaama uu yahay xeeldheere cilmiga bulshada ah waxa uu si xooggan u dhaliilayaa wacyiga garaadka qabiilka ku dhisan ama abtirsiinta waxa uuna leeyahay wacyigaasu waa mid qofka iyo qolodiisu isku milanyihiin oo aanay jirinba is-ahan qofeed oo qolodiisa ka baxsan. Taasna ay keentay in silsiladdii dhameyd loo wada arka reero is hiifaya oo is wada haaraamaya. Waxa uuna gorfeynta silsiladda kusoo gunaanadayaa in ay Deelleey kulmisay dad aan xitaa luqadooda dhaladka ah isku af garan karin kasii daranna dad haddii ay wada hadlaanba si guracan isku macneeya, dad dambi aanay kala gelin isu wada heysta oo kooxba kooxda kale kusoo oogeyso.

Waxa uu sidoo kale buugga daraasad naqdin ah ku samaynayaa tixdii ‘Dhulgariir’ ee Hadraawi, tixdaasoo ka hadlaysay takoorka(kuwa isirsooca ku dhaqma iyo kuwa la takoora). Maadaama Hadraawi leeyahay dadkaan la haybsooco berri-ka maalin shisheeyaha ayay miciin bidi doonaan oo ka dhigan doona gabaad ama qaab kale oo uu dalkaan iyo dadkaan soomaaliyeed markale ku gumeysto waxa uu Rashiid si xooggan u naqdinayaa fekerkaas isaga oo ku doodaya maadaama reer yurub iyo Maraykanba ay aad ugu hormareen ayna hogaamiyaan cilmiga iyo tiknoolojiyadda caalamka, sidaas darteed in shisheeyaha la miciin bido aysan ku koobnaan doonin dadka la haybsooco oo keliyaata se bulshada soomaaliyeed oodhan u nugushahay arrintaas. Waxa uu sidoo kale Rashiid ku doodaya in mushkiladdu aysan ahayn xorriyad ama xaq hal qolo ka maqan balse ay tahay in labada qoloba la badbaadiyo; midna xaqiisa iyo qofnimadisa la dhowro midka kalena laga daweeyo jahliga, cunfiga iyo islaqabweynida shaqsiyadeed ee ku habsatay.

Buugga waxa uu soo qaadanayaa ilaa saddex shaqsi oo saamayn xooggan ku lahaa qoraaga uuna la tacajabay kartida iyo milgahooda sarreeya, iyo adduun araggooda . Waa saddex qofood oo uu qoraagu mid kasta si gooni ah ugu yaraan ula kulmay u na riyaaqay afkaaraha wanaagsan iyo qofnimada nool ee ay kulansadeen. Waxa uuna hoosta ka xariiqayaa saameynta iyo miraha wanaagsan ay ka tageen sida abwaan Ibraahim Gadhle oo kale oo ku hubeysnaa murti iyo suugaan xeeldheer.

Buugga qeybaha ugu dambeeya sida aan kor kusoo sheegay waxa uu ka hadlayaa dhaqandhaqaalaha bulsho iyo waxa jiritaanka umaddeed burburiya ama dhisa. Waxa uu qoraagu aad uga hadlaya gobonnimada iyo seeska ereygaas macno ahaan ku dhisanyahay iyo sida looga adeegsado deegaanada Soomaalida iyo astamaaha uu u taaganyahay, sifaadka ay leeyihiin bulshooyinka gobta ah iyo weliba xiriirka ka dhaxeeya xoriyadda iyo gobonnimada. Waxa uu sidoo kale buugga ku xeel dheeraanayaa waxa burburka bulsho keena amaba meesha ay tahay in xalka laga raadiyo.

Ugu dambeen qeybta ugu waaqicsan ee buugga uu ka hadlaya waa soo noqnoqshada dhibaatooyinka hoggaamineed iyo doorashooyin ee si guud uga wada jira deegaanada soomaalida. Kol kastana ay ka dhashaan cawaaqib xumo aan la mahdin. madaxweyne. Waxa uuna qoraagu sheegayaa farxaddu in aysan ahayn siyaasiyiinta oo heshiiya ama colaadda joojiya balse ay waajib tahay in xalka laga baadi goobo xididka ugu hooseeya ay mushkiladdu kasoo dhalato marweliba si aysan innoogu soo noqnoqon iyada oo wejiyo kale leh. Waxa uun tibaaxayaa fekred aan ku waafaqsanahay oo ah xitaa in qodob dastuuri ah laga dhigo muddo xiliyeedkaan markasta la isku qabqabsanaya si ay ciqaab adag uga dhalato. Waxa uuna qoraagu ku doodayaa awaamiirtu in aysan macno badan lahayn balse u hogaansamidda iyo dhowrista sharciga ay yihiin xalalka ugu haboon ee dhibaato lagu joojin karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *