Waxaa qoray: Khaalid Kooshin
“Noqo qofka aad rabtay inaad noqoto, adigoon ka sugayn fasax cid kale.” ~ Keating
Dead Poets Society ma aha oo keliya filim, waa waayo-aragnimo maskaxda iyo qalbiga qofka beddeli karta. Waa sheeko ku saabsan macallin aan caadi ahayn, John Keating oo ku soo laabanaya iskuul uu ka qalin jabiyay, isaga oo wata hal-abuurnimo iyo falsafad ka duwan nidaamka kakan ee ka jira iskuulka Welton Academy. Iskuulkaas gaarka loo leeyahay waxaa wax ka barta wiilal ka soo jeeda qoysas ladan.
Halkaas ayay ka bilaabanaysaa doorka macallin Keating, macallin si walbaba uga gaddisan macallimiinta kale ee ardaydu la qabsadeen. Keating wuxuu dhigi doonaa maaddada Ingiriisiga. Wuxuu adeegsan doonaa awoodda suugaanta iyo gabayga, wuxuuna gabi ahaanba baddeli doonaa habfekerka ardayda asaga oo dabarka ka goyn doonaa adduun araggooda. Si nafhur leh ayay ardaydiisu u jari doonaan caadooyinka dad sameega ah, xeerarka bulshada, kuwii iskoolka iyo dhammaan dabar walba oo xirxirayay.
Keating ma baro gabayada iyo suugaanta si ardaydiisu ay ugu baasaan imtixaanka, ee wuxuu u adeegsadaa sidii fure lagu furo maskaxda aadanaha laguna jebiyo cabsi gelinta nidaamka si loo xoreeyo ruuxda qofka.
Hal-ku-dhiggiisa “Carpe Diem” oo macnihiisu yahay “Ka faa’iidayso fursadda ama ilbiriqsiga” ma ahan dhiirigalin qurxoon oo uu ku maaweelinayo ardayda fasalkiisa, waase fariin uu rabo inay noloshooda dhex gasho oo ay noqoto tiir ay cuskadaan.
Inta filinku socdo, waxaad arkaysaa isbeddelka ardayda: kuwa cabsi ka qabay inay hadlaan ayaa bilaabaya inay codkooda helaan, qaar u noolaa doonista waalidkooda ayaa bilaabaya inay ogaadan waxay iyagu ku fiicanyihiin kana dhabaynaya doonista naftooda ayaga oo raacaya himiladooda. Keating wuxuu carin doonaa codka arday walba asaga oo si fudud u bari doona inay noqdaan cidda ay doonayaan inay noqdaan.
Filinku ma dhisin mala’awaal runta ka baxsan; wuxuu na tusayaa in hal-abuurka iyo xorriyadda maskaxdu ay leeyihiin qiimo sare iyo khatar wayn oo isku sidkan.
Marka aad daawanayso, filinku wuxuu si tartiib ah kuu gelinayaa laba adduun: mid ay gacanta ku hayaan xeerar, cabsi, iyo sumcad; iyo mid kale oo ay ka buuxaan hal-abuur, suugaan, xorriyad, iyo feker. Keating wuxuu ka shaqaynayaa inuu ardaydiisa u raro adduunka labaad, laakiin filinku wuxuu ina xusuusinayaa in safarkaas uusan mar walba u fududayn sidaan malaysanayno, mararka qaarkoodna uu leeyahay qiime culus.
Keating waxa uu u taaganyahay macalimiintii waaweynaa ee aadanaha ka xooreeyay dabarrada addoonsiga. Wuxuu ardayda barayaaa inaysan noqon dameeri dhaan raacday ee ay is baadigoobaan, inaysan maaddada ku ekaan ee ay maankooda kaashadaan, maskaxdana quful aanay ku jabin ee ay maangalka kaashadaan. Barayaashu waxay noqon karaan kuwo ardayda bara aragtiyo iyo kuwo baarka sare ah oo bara inay fakaraan oo is weydiiyaan waydiimo maankooda cariya, dhisana naqdintooda.
Dead Poets Society waa goob sir ah oo ardaydu ku akhriyaan gabayo ayagoo ku riyoonaya nolol xor ah. Abooyow! Godkaasi ma noqon karaa godka xaqiiqada dunida, bannaankuna maaweelo iyo is moodsiis? Waxay la dagaallamayaan nidaamka iskuulka, kuwo nololeed oo iyaga hortood la sii dajiyay oo dhigaya in qofku ka baxin waddadii loo dejiyay. Laakiin Riyadoodu dhab ahaan miyay u qalantaa in loo dagaallamo xataa haddii halista cawaaqibteedu weyn tahay? Bal adba!
Keating, inkasta oo uu ardayda u ahaa isha dhiirrigelinta, haddana wuxuu ku jiraa dagaal adag: samee, raac, dhig, weydii. Duni la rabo in la abuuro dad isku mida, loona rabbeeyo sida eyda, maya e’ la soo saaro dad naqdin ka maran, maya e’ la abuuro dad addoomo ah, maya e la abuuro bulsho hebad ah, adigu Robod muuq aadane leh. Haddaba sidee macallin u ilaalin karaa ardaydiisa marka nidaamka oo dhan uu ka soo horjeedo? Ma ku filan tahay amar kaliya, mise waxaa loo baahan yahay in qof walba uu isagu go’aan ka gaaro xorriyaddiisa?
Macallin Keating wuxuu u taaganyahay fikirka, hal-abuurka, dhiirrigalinta, iyo jabinta sharciyada dad sameega ah ee nagu noqday silsiladda aan jabayn. Wuxuu u taagan yahay booskii Socrates iyo Galileo kuwaas oo bulshada ka saaray fikirkii iska caadiga ahaa barayna runta haba qaraaraato e’. Ardaydu waa bulshada doorarkeeda kala duwan kuwa raaca xaqa, is barta oo hela naftooda iyo kuwo ku banjara raacida nidaamyada kana dhaxla murugsanaan iyo is waayid!
Filinku waa mid mudan inaad daawato kuguna qasbaya inaad is weydiiso: Waa kuma macallinka dhabta ahi? Anigu ma ahay arday u diyaarsan inuu raaco dhawaqa ka imaanaya gudihiisa? Maxaa dhab ah oo nolosha ka dhigi kara mid macno leh?