Ceebaha Nidaamka Dhaqandhaqaale ee Hantigoosadka

Hantigoosadku waa nidaam dhaqaale oo ku salaysan lahaanshaha gaarka ah. Qof kasta ama shirkad gaar ah ayaa iska leh qalabka wax-soo-saarka (sida warshadaha, dhulka, iyo qalabka kale), iyadoo dadka laga siiyay xorriyad ay suuqa uga ganacsan karaan, una tartami karaan si ay macaamiil u helaan. Nidaamkani wuxuu ku tiirsan yahay sahayda iyo baahida (supply and demand) suuqa, waxaana loo yaqaannaa hantigoosadka gaarka ah (private capitalism). Waxaa jirta aragti kale oo loo yaqaan hantigoosadka dawladeed (state capitalism), taasoo ah nidaam ay dawladdu si toos ah uga qeyb qaadato wax-soo-saarka, shirkado leedahay, canshuuraha sare u qaaddo, isla markaana ganacsiga xakameyso. Qeexid kale oo ka duwan labadan ayaa ka timid falsafada Marxist-ka. Markiis wuxuu hantigoosadka ku qeexay inuu yahay nidaam wax-soo-saar oo ku salaysan kala sarrayn; shaqaale wax soo saara iyo looshaqeeye faa’iido qaata. Shaqaalaha ayaa shaqada qabta, looshqeeyuhuna wuxuu go’aamiyaa waxa la soo saarayo, sida loo qaybiyo faa’iidada, iyo wax kasta oo la xiriira wax-soo-saarka, iyadoo shaqaalaha cod iyo talo toona aanay ku lahayn go’aamadaas.

Si si buuxda loo fahmo hantigoosadka, waxaa muhiim ah in lala barbardhigo laba nidaam oo ka horreeyay:

1. Nidaamkii Addoonsiga (Slave System):

Waxaa jiray labo qaybood oo bulsho ah: Boqorka (master) iyo Addoonka (slave). Boqorku wuxuu lahaa wax walba, wuxuu go’aaminayay waxa la soo saarayo, sida loo soo saarayo, iyo cidda hela faa’iidada. Addoonku wax xuquuq ah ma lahayn, waxaana loo iibin jiray sida hanti.

2. Nidaamkii Dhul-goosiga (Feudal System):

Halkan waxaa jiray mulkiile dhul (lord) iyo adeege (serf). Adeeguhu wuxuu dhulka u qodi jiray mulkiilaha, wuxuuna helayay cunto yar. Mulkiilaha ayaa lahaa dhulka, qalabka iyo go’aanka. Sidaas oo ay tahay, nidaamkan wuxuu ahaa mid diin iyo waajibaad ku dhisan, balse weli adeeguhu xor ma ahayn. Markii kacdoonkii Faransiiska dhacay, waxaa meesha ka baxay nidaamkii dhul-goosiga, waxaana soo baxay hantigoosadka oo ballan qaaday xorriyad, sinaan, iyo walaaltinimo.

Inkasta oo hantigoosadku uu ka duwanyahay addoonsiga iyo dhul-goosiga (tusaale ahaan, shaqaaluhu xor ayay yihiin, waxayna la galaan looshaqeeyaha heshiis qoran), haddana waxa ay wadaagaan hal qodob oo muhiim ah: Awoodda, go’aamada iyo faa’iidada waxaa iska leh cid gaar ah, halka dadka kale aanay wax cod ah ku lahayn. Haddaba, boqorkii, mulkiilihii, iyo looshaqeeyaha maanta, saddexdooduba waxay matalayaan hal meel; cidda go’aamisa halka laga yimaaddo iyo halka loo socdo ee dhaqaalaha.

Markii uu bilaabmay qarnigii 16aad, dad badan ayaa bilaabay inay naqdiyaan hantigoosadka. Midka ugu caansan ee naqdiyay wuxuu ahaa Karl Marx. In kasta oo Marx uu aqbalay in hantigoosadku farsamada wax-soo-saarka horumariyay, haddana wuxuu cambaareeyay sida uu faa’iidada u urursado, shaqaalaha u cadaadiyo, una abuuro sinnaan la’aan baahsan. Marx wuxuu sheegay: In shirkadaha laga dhigo mid “xaddidan” (limited liability companies), si khasaaraha loo yareeyo, in isdiidooyinka ka dhex jira nidaamka hantigoosadka (sida kala saraynta, eexda iyo kala qaybsanaanta) ay keeni doonaan burbur nidaamkaas ku imaada, inkasta oo arrintaasi aanay rumoobin.

Ceebaha ugu Waaweyn ee Hantigoosadka:

  1. Sinnaan la’aan dhaqaale: Qaar baa aad u hodan ah, qaar kalena saboolnimo ba’an ku nool.
  2. Dimoqraadiyad la’aan goobta shaqada: Shaqaaluhu cod kuma lahan go’aamada shirkadda.
  3. Xasillooni la’aan dhaqaale: Suuqyada ayaa hadba si u boodbooda, taasoo keenta burbur dhaqaale iyo shaqo la’aan.
  4. Dhibaatooyin nafsadeed iyo bulsho: Sida ay sheegayaan buugga The Spirit Level ee ay qoreen Richard Wilkinson iyo Kate Pickett, bulshooyinka sinnaan la’aanta dhaqaale ka jirto waxay la tacaalaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin: Walwal iyo walaac badan, Cudurro nafsi (qulub, diiqad, shaki) iyo kala-fogaansho bulsho iyo kalsooni darro

Gabagabadii, Hantigoosadku wuxuu keenaa horumar dhanka wax-soo-saarka, balse wuxuu sidoo kale dhaxalsiiyaa sinnaan la’aan baahsan, cadaalad darro iyo xasillooni la’aan bulsho. Sidaa darteed, haddii aan la helin nidaam hubinaya in fursadaha la simo, iyo in dadku ay cod ku yeeshaan go’aamada noloshooda saameeya, hantigoosadku wuxuu noqon karaa nidaam ay tiro yar oo dad ah ku naaloodaan, inta kalena ay ku dulman yihiin.

1. Dimuqraadiyad La’aanta Goobta Shaqada

Inkasta oo dad badani isku xidh-xidhaan nidaamka hantigoosadka iyo dimuqraadiyadda siyaasadeed, haddana marka si dhab ah loo eego gudaha goobta shaqada, hantigoosadku waa nidaam ka fog dimuqraadiyad. Dimuqraadiyaddu waa in dadka intiisa badan ay qayb ku leeyihiin go’aamada iyaga saameynaya. Hase yeeshee, gudaha shirkadaha hantigoosadka, shaqaalaha, oo ah kuwa tamartooda, waqtigooda, iyo maskaxdooda gelinaya wax-soo-saarka, wax cod ah kuma leh go’aamada muhiimka ah. Tusaale ahaan:

  1. Ma laha awood ay ku go’aamiyaan mushaharkooda ama korodhkooda.
  2. Kama qaybqaataan talooyinka ku saabsan sida faa’iidada shirkadda loo qaybinayo.
  3. Ma laha cod ku saabsan nooca wax-soo-saarka, qalabka la isticmaalayo, ama istaraatijiyadda shirkadda.

Go’aamadaas waxa si gaar ah u maamula milkiilayaasha (shareholders), guddiga agaasimayaasha (board of directors) iyo maamulaha guud (CEO). Daraasad socotay intii u dhaxaysay 1950–2015 ayaa lagu ogaaday in farqiga mushaharka ee u dhexeeya CEO iyo shaqaalaha wax-soo-saarka Maraykanka uu ahaa 20:1. Balse sannadkii 2000 wuxuu sare ugu kacay ilaa 400:1, taasoo muujinaysa in CEO-yadu mushahar ahaan u helaan wax ka badan afar boqol jeer mushaharka shaqaalaha caadiga ah. Dhaqaaleyahannada difaaca hantigoosadka waxay ku doodayaan in CEO-yadu halis badan qaataan, go’aamo masiiri ahna gaaraan, sidaas darteedna ay xaq u leeyihiin mushahar ka badan shaqaalaha. Laakiin su’aasha taagan waa: Ma dhici kartaa in hal qof uu afar boqol oo jeer ka wax-soo-saar badan yahay boqollaal kale? Jawaabtu waa maya. Sidaa darteed, farqigaas mushahareed waxaa laga fahmi karaa dhiig-miirasho sharciyaysan oo uu nidaamka hantigoosadku si rasmi ah u taageerayo.

2. Sinnan La’aanta Dhaqaale (Wealth Inequality)

Mid ka mid ah ceebaha ugu waaweyn ee nidaamka hantigoosadku waa kala sarreynta dhaqaale ee sida xawliga ah u sii kordheysa. Su’aal muhiim ah haddaynu isweydiino: Sinnaan la’aanta dhaqaale ma arrin dabiici ah oo bulsho kasta ku dhacdaa mise waa natiijo uu nidaamku si ula kac ah u sameeyo? Dhaqaaleyahannada markitayaashu ah sida Karl Markis waxay qabaan in sinnaan la’aantu aanay ahayn xaalad dabiici ah, balse ay tahay xaalad la soo abaabulay oo ka dhalata hannaanka wax-soo-saarka iyo cidda awoodda dhaqaale gacanta ku haysa. Tusaale ahaan:

  • Tobanka qof ee ugu taajirsan caalamka waxay hanti ahaan ka badan yihiin ilaa 3.1 milyan oo qof oo sabool ah.
  • Daraasad la sameeyay 2022 waxay sheegtay in 1% dadka adduunka ay gacanta ku hayaan 44% hantida dunida.

Xilligii ka horreeyay 1980-meeyadii, sinnaan la’aanta dhaqaale ma ahayn mid aad u baahsan. Sababtoo ah waxaa la xidhiidhiyaa xeerar dhowr ah oo xakameyn jiray hantida iyo suuqa, sida:

  • Cashuuraha dhaxalka iyo faa’iidada shirkadaha.
  • Xeerarka mushaharka ugu yar (minimum wage).
  • Ururrada shaqaalaha (labour unions) oo xoog lahaa.

Laakiin dawladdihii Reagan (USA) iyo Thatcher (UK) waxay fureen waddooyin suuq furan ah oo lagu yareeyay cashuurihii hantida, laguna gaar yeelay shirkadihii dawladdu lahayd, lana curyaamiyay ururradii shaqaalaha. Natiijadu waxay noqotay in farqiga u dhexeeya saboolka iyo taajirka uu aad u kala fogaaday.

3. Xasillooni-darro Maaliyadeed

Dhaqaale-yahanka Faransiiska Thomas Piketty buuggiisa “Time for Socialism” wuxuu ku sheegay in nidaamka hantigoosadku yahay mid halis gelinaya xasilloonida maaliyadeed iyo isku dheelitirka bulshooyinka. Xaqiiqo lama huraan ah, ayaa wqxay tahay: Sida lagu xusay xogta rasmiga ah ee National Bureau of Economic Research (NBER) ee Maraykanka, hantigoosadku wuxuu abuuraa burbur dhaqaale (financial crashes) afartii ilaa shantii sano mar. Tani waa natiijada tooska ah ee siyaasadda suuqa furan, hoos u dhaca xeerarka, iyo xakamayn la’aanta maaliyadeed. Tusaale ahaan:

  • Burburkii dhaqaale ee 1929.
  • Burburkii 2008 ee suuqa guryaha.
  • Kacsanaanta joogtada ah ee suuqa saamiyada.

John Maynard Keynes, dhaqaaleyahankii caanka ahaa, wuxuu 1930-yadii saadaaliyay in mustaqbalka dadku ay ku noolaan doonaan nolol deggan oo ay haystaan firaaqo. Wuxuu u arkayay in hantigoosadku noqdo waddo lagu gaadho badhaadhe. Laakiin saadaashiisii ma rumoobin. Hantigoosadku wuxuu noqday nidaam dhiig-miirad leh, xorriyaddu ay tahay mid been ah, sinnaan la’aantuna tahay mid la qorsheeyay, dimuqraadiyadduna aysan suurtogal ka ahayn goobaha shaqada. Sida uu si caqli badan u yidhi Karl Marx: “Hantigoosadku wuxuu gacmihiisa kusitaa xadhkihii lagu buburin lahaa” (Capitalism contains the seeds of its own destruction.)

Gunaanadkii, Hantigoosadku, inkasta oo uu abuuray horumar dhanka wax-soo-saarka iyo tignoolajiyadda ah, haddana wuxuu sidoo kale keenay: Dimoqraadiyad la’aan gudaha shaqada ah, Kala sarayn dhaqaale oo xad dhaaf ah, iyo masiibooyin dhaqaale oo soo noqnoqda. Saddexdii qodob ee uu ballanqaaday: xorriyad, sinnaan, iyo walaaltinimo, midna ma rumoobin. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in si qoto dheer dib loogu qiimeeyo nidaamkan, lagana doodo wax ka beddelkiisa, haddii aan rabno bulsho caddaalad ku dhisan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *