Bulshada Soomaaliyeed 75%-kii, waxaa la sheegaa in ay tahay dhallinyaro—taas oo looga qiyaas qaadan karo awoodda ay ku dhex leeyihiin mujtamaca Soomaaliyeed. Waxaa faafay aragtiyo leh “Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada“, “Waa hoggaanka berri” iyo “Dhallinyarada ayaa ah kuwa wax beddeli kara” IWM ah.
Aragtiyadan oo dhan waa kuwa u adeegayo in ay dhallinyaradu yihiin rajooyiinka ay lahaan karaan bulsho, gaar ahaan Soomaalida. Nasiib darro se, waxa awoodda intaas la’eg kala dhantaalayo waa isku duubni la’aanta iyo in aysan jirin wacyi wadaag guud oo qaabeeya hab fekerkooda iyo adduun aragooda.
Dhalliyaradii dhashay burburkii dowladnimada Soomaaliya 1991-kii, waa kuwa aan fursad u helin in ay arkaan xasillooni, nabad iyo adeegyada asaasiga ah ee dowladeed. Waxaana ka dhashay in ay bulshada wacyigooda kala daato gaar ahaan dhallinyada.
Haddaba, waa ayo dhallinyarada aan rabno in ay noo horseedaan isbeddel bulshadaan lagu samatabixiyo? Ma kuwii aan soo sheegnay ee aanan arag wax dowlad ah oo ku koray fowdada? Ma kuwa looga sheekeeyay in uu reerkooda reerka kale ka wacan yahay ee aynu ku argno baraha bulshada?
Maya. Intaba ma aha! Kuwa aan rabno in ay u dhabbo xaaraan mustaqbalka bulshadaan, waa kuwa intaan oo daruufo ah ah ku hareereysan yihiin:-
1. Waa dhallinyaro kala koray wacyi ahaan oo aan isku wacyi ahayn, mana jiro deegaan deegaan kale ku wacyi ah! Waa jiil loo kala sheekeeyay oo aan isku xan ahayn—oo la daladhacaya qabyalad, eex, caadifad, aqoon yari iyo dhibaatoyin kale.
2. Waa jiil uu ragaadiyay dhibta qabyaaladda oo isku colaaadiyo, iskuna dila si aan ka fiirsi lahayn! Waxa ay doodahooda ku soo uruurtaa reerkeyga kaaga ka fiican oo ay la taagan yihiin baraha bulshada! Waxa ay dhaqan geliyeen oraah hore oo ahayd “Goortii hore qofka waxaa lala colloobi jiray markii ay dirir idin dhex marto halka maanta lala colloobo goortii qabiilkiisa la ogaado”!
3. Waa barbaar ay dowladdu aad ugu gaabisay doorka ah wacyi siinta guud ahaan bulshada, gaara ahaa jiheynta dhallinta. Saxaafaddeena ma buuxin gaabkaas, oo waxa ay noqotay mid tabisa dhiillo, taas oo salka ku hayso aragti ah in saxaafadda loo arko afmiishaarnimo, waxayna abuurtay kala fogaasho bulsho iyo tabinta dhiillooyin qaraar!
Haddaba, si loo helo dhallinyaro hab-fekerkooda iyo adduun-araggoodu sarreeyo, waa in dowladda abuurtaa wacyi guud ay wadaagi karaan dhallinyarada sida, in ay xoogga saarto farrimo ku qotomo wadaniyadda iyo in dib loo curiyo xasuus wadareedda bulshada Soomaaliyeed, iyada oo loo maraayo barnaamiyo ay saxaafadda garwadeen ka tahay.
