Faallo buug: Sharciga 50-aad

Casharrada buugga Sharciga 50-aad

W/Q; Maxamed D. Ciise

Casharradan laga soo qaatay “Sharciga 50-aad” waxa ay bixinayaan aragti xeeldheer oo istiraatijiyadeed oo ku saabsan maaraynta caqabadaha nolosha iyo gaarista guusha. Iyadoo dhinacyada qaar laga yaabo in ay muran ka dhashaan, ku dhaqanka mabaadi’dan oo leh feejignaan iyo daacadnimo waxay awood kuu siin kartaa inaad ka gudubto caqabadaha, dhisto saameyn, oo aad uga tagto saameyn wanaagsan oo joogto ah adduunkaan. Buuggaan iyo buugta la midka ah ba waxay akhristaha ku qasabayaan inuu u fahmo qodob walba si iskiisa u madax bannaan. Akhri qodob walba mar iyo mar kale si aad u fahantid misana aad u dhuuxdid dufankiisa. Kitaabkaan waxaa si wadajir ah u wada qoray xeeldheere sare Robeerto Giriini iyo raabbarka sare ee Fiifti Sinti. Casharrada ugu muhiimsan ee ku siinaayo awood, saameyn iyo qab ayaa kala ah;

1: Ahow cidda aad tahay; markaad la qabsanayso oo aad istiraatijiyad samaynayso, ilaali qiyamkaaga asaasiga ah iyo runnimadaada. Iska ilaali inaad naftaada ku lumiso raadinta awood ama wax is dabamarin ah. Markaad rabtid inaad dhisto istiraatiijiyad marka hore ha lumin qiyamkaaga qofeed, ahowna mid ka run sheego naftiisa. Tani waxay ku siinaysaa inaadan naftaada culeys saarin, sidoo kale waxaad ahaanaysaa qof aan lunsaneyn.

2: Lahow u jeeddo cad; lahaanshana u jeeddo cad waxay adkaynaysaa go’aannadaada sidoo kalana waxaad ahaanaysaa mid leh diirad saarid. Haddii aadan laheyn u jeeddo cad waxaad noqonaysaa mid lunsan misana aanan laheyn awood. Sideedaba awooddu waxay u baahantahay go’aanno isla markale go’aannada lafteedu waxay u baahan yihiin u jeeddo cad. Haddii aad rabto awood, saameyn bulsho iyo karisma waa inaad yeelataa u jeeddo cad. Markaad ogaatid u jeeddadaada waxaad ahaanaysaa mid ka shaqeeyo danihiisa uun. Robeerto Giriini, mar walba wuxuu xoogga saaraa sidii uu qofku uga shaqeyn lahaa dantiisa sidoo kalana uu u heli lahaa awood. Qodob kaani wuxuu ka kaalmaynayaa qofkii raaco inuu noqdo mid ka shaqeeyo dantiisa waxyaabaha kalana aanan kudhex milmin.

3: Ciyaar ciyaarta dheer; Ka fakar wax dhaafsiisan ku qanacsanaanta degdega ah oo qorshee guusha mustaqbalka fog. Baro farshaxanka dib-u-dhigista oo u hur guulaha mustaqbalka dhow si loo gaaro guusha kama dambaysta ah. Qodob kaani waxa uu kugu qasbayaa inaad marwalba ka fakarto danaha waqtiga fog sidoo kalana aad mararka qaar u hurtid danaha qaar danaha fog fog. Wuxuu qodob kaani kaa caawinayaa inaad marwalba lahaato dano waqti dhaadheer ah sidoo kalana aad ka shaqayso danahaaga.

4: Ku ciyaar Gacmo daciif ah oo xoog badan; Baro sida mararka qaar la iskugu muujiyo mid daciif ah sidoo kalana ha lumin awooddaada oo ku ciyaar gacmo xooggan. Marwalba oo aad ahaato qof ka run sheego naftiisa, sidoo kalana leh u jeeddo cad misana ciyaaraayo ciyaar fog waxaad yeelanaysaa cadow badan tani waxay kugu qasabysaa inaad mararka qaar isku muujisid mid daciif ah. Ka shaqeey mashruuca Kalsoonidaada iyo ilaalinta degenaanshaha xitaa xaaladaha adag si aad u hesho faa’iido nafsiyeed.

5: Noqo Xidhiidh sameeye Sare; Sare u qaad xirfadahaaga isgaadhsiinneed si aad u qanciso, u dhiiri geliso, oo aad u samayso gorgortan hufan misana saameyn leh. Baro sida farriimaha loo gudbiyo misana dhagaystayaashaada ugu gudbi si hufan oo saamyen leh. U hadal si cad una gudbi farriintaada si saameyn leh oo ka dhig danahaaga kuwa u fula si hufan. Marwalba ka fikir sida ugu qumman uguna saameynta badan ee aad farriimahaaga iyo danahaaga aad u gudbin laheyd. Xidhiidh sameeye sare markaad noqotid waxaad helaysaa dhagaystayaal ku adeeco misana danahaaga si sare ayaad u gudbisanaysaa.

6: Xakamee Sheekada: Noqo qof u firfircoon qaabaynta sawirkaaga iyo saamaynta aragtidaada. Faham sida sheekoyinku u maamulaan dhaqdhaqaaqa awoodda oo baro inaad xakamayso sheekadaada si aad u dhisto saamayn. Ka faa’idayso fursadaha wada sheekaysiga oo gudbi danahaaga kaddibna iskaga aamus sheekada. Dhab ahaan qofka warka badan ma helo awood sidoo kalana ma helo qaddarin iyo sharaf bulsho oo noqo mid awood u leh inuu hadlo markii loo baahdo inta kalana iskaga aamus oo xakamee hadalkaaga.

Ugu danbeyn buuggaani waxaa ku xusan xeerar kala jaad ah misana qaarkood qoraaga Robeerto Giriini wuxuu ku sheegay buuggiisii caan baxay ee 48 sharci ee awoodda. Fannaanka Fiifti Sinti, ayaa qeyb ka ah qoraalka buuggaan wuxuuna soo gudbiyay xeerar uu ka dheefsaday awood, saameyn iyo karismo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *