Ismaandhaafka Qaabiil iyo Haabiil

Ismaandhaafka Qaabiil iyo Haabiil: Hardanka Miyiga iyo Ilbaxnimada

W/Q: Cali Wardi, bulsha-baare ciraaqi ah

W/T: Mudane Maxamed

Weydiin : Sidee ayey ilbaxnimadu uga soo if-baxday, carrada dusheeda? Goorma ayayna ahayd?Maxay aadamuhu boqolaal kun oo sano, ay unoolaayeen ilbaxnimo la’aan, dabadeedna ay xadaaradu usoo if-baxday, si lama-filaan ah, muddoo hada laga joogo, lix kun oo sano kudhawaad?.

Warcelin : weydiintani waxay leedahay, ahmiyad cilmiyeed oo weyn, tiro maleh Inta ay baarayaashu ka doodeen weydiintani, waxaa la ogyahay in aadamuhu, ay carrada dusheeda kasoo ifbexeen, milyan sano ka hor, ama kabadan, balse iyaga, ku dhawaad muddada intaa la’eg oo dhami, waxaa ay ku noolaayeen ilbaxnimo la-aan, dabadeed waxaa ay xadaaradu soo ifbaxday, muddo hada laga joogo lix kun oo sano, hadaba maxaa yeelay?.

Waxyaabaha il-gaar ah lagu eegayaa waxaa kamida, in xadaaradu soo if-bexeedii ugu horreeyay, uu ahaa dhulka ciraaq iyo masar, dabadeedna intaa ka gadaal, waxaa ay inyar inyar uga soo ifbaxday qeybaha kale ee dhulka, markaynu halkaa mareyno weydiinta na hor-imaanaysaa waxay tahay, maxaa masar iyo ciraaq ay gogol-dhig ugu noqdeen, il-baxnimadii ugu horeysay ee carrada dusheeda, maxayse ahayd duruufta keeneysay arinkaasi? Baarayaasha qaarkood waxaa ay isku dayeen qarnigii tagay, in ay weydiintan uga jawaabaan sidan, “labadaan gobol waxay ku tilmaamnaayeen biyo badan, iyo barwaaqo dhuleed, iyo cimillo dhexdhexaad ah,” markaa ilbaxnimadu waxay ka dhalatay, dhulalkaa ku haboon beerashada, beerashaduna sideedaba, waa salka iyo jirrida ay ku istaagto ilbaxnimadu.

Sida waaqicu yahay weydiintani, iyada oo umuuqato sida cad ee waadaxa ah, hadana wercelintani, nooguma furfureyso mushkilada, si dhameystiran, annagu waxaanu ognahay in daafaha dunidu, ay jiraan dhulal dhowr ah, oo sida ciraaq iyo masar ku tilmaaman, biyo badan iyo barwaaqo dhuleed iyo cimillo dhexdhexaad ah, maxaysan beerashadu iyo ilbaxnimadu uga dhalan, ama aysan uga soo if-bixin dhulalkaa, sida ay ciraaq iyo masar uga soo if-baxday.

Aqoonyahanka sooyaalka ee caanka ah, ee ARNOLD J. TOYNBEE, wuxuu qodobkani ku leeyahay aragti cilmiyeed, ay suuragal tahay in loo arko, warcelinta ugu wanaagsan ee laga bixiyay, weydiintii aanu goor dhow soo xusnay, biya-dhaca aragtidaaniwaa in saxaraha weyn ee tixan lnta udhaxaysa badda atlaantiga ilaa khaliijka carabta, uu ahaa mid aan jirin toban kun oo sanadood ka hor, bal e waxa uu ahaa ah gobol roobab badan, oo hodan ku ah biyaha, dhirtuna dhulka qarisay, xayawaannaduna ka buuxaan, dadka deegaankuna waxay ku noolaayeen ugaarashada xayawaanka iyo gurashada miraha, waana xilli aysan soo ifbixin, xirfadda beerashada iyo dhaqashada xoolaha.

Cimillada mandiqadani, toban kun oo sano kahor waxaa ay u’ekeyd, Cimillada yurub ee hadda, maxaa yeelay yurub markaa waxaa ay ahayd, mid ku nool marxalad la oran-jiray, casrigii afaraad ee barafka, العصر الجليدي الرابع, marxaladaasi, barafka waqooyi waxaa uu ku daboolnaa yurub, balse mandiqada dhacda koofurta yurub, xilligaasi waxay ahayd mid roobab badan, markii uu daboolka barafku bilaabay, in uu ugurto dhanka waqooyi, mudo hada laga joogo toban kun oo sanadood, roobabku waxay bilaabeen in ay yurub uwareegaan, halka mandiqada dhacda koofurta yurub ay inyar inyar uqalashay.

Isbadalkan dhanka Cimillada ah ee ka dhacay mandiqadani, [masar iyo ciraaq] dabeecadda bulshada iyo sooyaalkeedaba wuxuu kaga tagay, saameyntiisa weyn, in badan oo ay hodan ku ahaayeen roobabka mahiigaanka ah kadib, waxaa ku dagay qaleyl, sidaa ayay iyaga uga ciriiryoontay, wadooyinkii iyo hanaankii nololeed, ee ay ku naaloonayeen waayo badan, waxay nolol maalmeedkooda ka helayeen, dhanka ugaarsiga xayawaanka iyo gurashada miraha, waxayna xayawaanka iyo miruhuba ahaayeen marxaladaa, kuwa diyaara oo la heli karo, dabadeedna waxay uga baaba’een inyar inyar, dabadeedna waxay u dhibtoodeen una baahdeen, fakar dhab ah oo ku aadan hannaan kale iyo wado kale oo lagu noolaado.

Wuxuu TOYNBEE leeyahay, dadka deegaanku waxay uqeybsameen labo qeybood, qaar waxay magan-galeen dhaqashada xoolaha sida geela iyo ariga, waxayna noqdeen reer guuraa saxaraha ku nool, oo maalinba sahmiya meel daaq leh, qolada kale waxay magan-galeen hareeraha wabiga, tusaale ahaan dhulka labada wabi ee raafideyn رافدين, waa ciraaq’e, iyo wabiga niil ee masar, waxayna noqdeen xirfadlayaal dhanka beerashada ah, sidaa ayayna ugu danbeyn, ilbaxnimadu uga dhex-dhalatay dadkaa beeraleyda ah.

Sida uu qabo TOYNBEE, qisada nabi Aadan ee sheegeysa in jannada laga soo tuuray, – waa qisada ku xusan dhigaallada diineed’e – iyadu waxay tilmaameysaa isbadalka weyn ee ka dhacay mandiqadaa, aadan iyo xaaskiisa xaawa waxay ahaayeen, kuwa ku nool kuna nicmeysan jannada, dabadeedna waxay ku caasiyeen Rabigood, kadib markuu sheydaanku dhiirriyay, dabadeedna waxaa uu Eebe kasoo eryay jannada, markaana waxay noqdeen, kuwa nolol-maalmeedkooda u dhibtooda oo u dhidida, waxyaabaha milicsiga mudan, marka qisada Aadan la marayo waxaa kamida, sida ay kutubta diineed soo tebinayaan, in uu Eebbe Aadan ku arsaaqay markii uu jannada kasoo eryay, labo wiil labadooduna waa Qaabiil iyo Haabiil, waxay qisadu xusaysaa, in Haabiil uu shaqo ka dhigtay xirfada qowsaarnimada, halka uu Qaabiil shaqo ka dhigtay xirfada beerashada, dabadeedna waxaa ismaandhaafay labadii walaalo, waxaana uu Qaabiil dilay Haabiil. TOYNBEE aragtidiisu waxa ay tahay, in ismaandhaafka dhexmaray Qaabiil iyo Haabiil, uu astaan u yahay hardankii dheeraa, ee ka dhex dhacay miyiga iyo ilbaxnimada ee mandiqadaas.

Hadii aynu ka dhigno aragtidaan TOYNBEE, ee ku aadan dhalashada ilbaxnimada, mid sax ah, markaa halkan weydiinta na hor-imaanaysaa waxay tahay, maxay ilbaxnimadu uga dhalatay ama ay uga soo ifbaxday dhanka beerashada, iyo beeraleyda, oo aanay uga dhalan dhanka miyiga?, Waxaa qasab ah wax kasta ka hor in aynu ogaanno, in beerashadu ay beeraleyda siineyso wax soosaar dheeraad ah, balse miyiga lagama dheefo wax soosaar dheeraad ah, wax soosaarka dheeraadka ahi waxaan uga jeednaa wax ka badan baahiyaha lama-huraanka ah ee aadanaha, waxaa suuragal ah in aynu niraahno reer miyigu waxaa ay la noolyihiin ama ay la deris yihiin had iyo goor gaajada.

Reer miyiga iyaga oo ku nool saxaraahaa aadka u balaaran, hadba waxay daba guuraan daaqa, iyagu cunto ahaan waxay ku tiirsanyihiin roobabka, hadii ay sanadaha qaar roobabku isdaba-joog noqdaan, iyagu waxay ku ladaan dharag iyo nimcooyin iyo barwaaqo, hadii ay roobabku yaraadaanna, waa gaajoodaan, taa micneheedu waa in iyaga aanay awoodin, ama aanay dooran karin in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, bal’e iyagu waxaa ay sugayaan ama ay eeganayaa samada, si ay nicmooyinkeeda ugu arsaaqdo, waxaana uu eebe quraanka ku sifeeyay, reer guuraaga xaaladooda وفي السماء رزقكم وما توعدون.

Balse beerashadu iyadu haba ku tiirsanaato roobabka’e, hadana doonista iyo dadaalku waxay door ku leeyihiin kordhinta wax soo saarka, mar walba oo ay beeraleydu dadaal ku bixiyaan nidaaminta waraabka iyo farsameynta agabka beeraha si ay udheefsadaan dhulka, wax soosaarkoodu wuxuu noqonayaa mid badan, iyagu waxay awoodaan marka intaa laga soo tago in ay wax soo saarkooda ka dhigaaan mid ka badan baahiyohooda iyo nololmaalmeedkooda lama-huraanka ah, sidaas ayaa ay barwaaqadu ugu dhex-baahdaa beeraleyda, hadey tahay cunno dhar iyo hoy ba, waxaana dhexdooda ku kobca hidaha, dhaqanka iyo fanka kala duwan, tanina micneheedu waa kororka ilbaxnimada.

Halkan waxaa jira dhan kale oo xusid mudan, waana in dowladu ama maamulku, kaliya uu kasoo if-bixi karo mandiqad beeraley ah, [ogow dowladu waxay ugu horeysaa waxyaabaha ilbaxnimada laasima] balse mandiqadaha miyiga waxaa dhif ah in ay dowladi ka soo ifbaxdo, canshuurta oo ah salka ama jiridka ay dowladdu ku dul dhisantahay, kaliya waxaa laga heli karaa ama ay suuragal ka tahay mandiqadaha hodanka ku ah wax soosaarka dheeraadka ah, oo looga jeedo mandiqadaha beeraleyda ah. Reer miyigu waa kuwo aan awoodin in ay canshuurta bixiyaan, noocii ay ahaataba, iyagu waxay u arkaan nooc kamid ah, baadda” الأتاوة” [waa eray ay adeegsadaan reer miyiga ciraaqeed oo micnihiisu yahay baad].

Waxaa dowlada lagu tilmaamaa, in ay tahay waxa ugu muhiimsan ee xadaarada ku naban, annaguna waxaa ognahay in dowladdu ay xilliyadii dhexe ku tilmaamnayd dulmi, adoonsi iyo keli-talisnimo, waxaa ay kutubta diineed madaxdii hore kasoo wariyeen tilmaan cad oo ahdhanka dulmiga iyo adoonsiga, sida Fircoon, Namruud iyo qaar kale, marka sideen isku waafajinnaa labada sifo/tilmaan.Aadamuhu ka hor inta aanay dowladu soo if-bixin waxa ay u noolaayeen sida qabaa’il kala madaxbanaan, reer miyigu nidaamkan waxaa ay ku noolyihiin xitaa sabannadan danbe, waxaana suuragal ah in aan u dhahno si guud, nidaamka qabaliga ah wuxuu ka maranyahay dulmi isku-takrifal iyo adoonsi, laakiin isla waqtigaa maaha nidaam saacidaya kororka ilbaxnimada iyo kobaca wax-soosaarka.

Qabiilku waxay leeyihiin hogaan madax ah, oo laraaco sida caadada ah, hogaankani xukunkiisa iyo hanaankiisa maamul waa mid la jaanqaadaya dhaqannada halkaa ka jira, hogaanku ma owoodo gabood-fal iyo keli-talisnimo khilaafsan dhaqanka halkaa ka jira, haduu hogaanku kasoo ifbaxo gardarro iyo gaboodfal, waxaa garbihiisa ka baxaya xubnihii uu qabiilku ka koobnaa, waxaaba dhici karta in ay dhinac istaagaan oo ay la saftaan mid ka mida kuwa isaga tartanka kula jira si ay uga dhigaan hoggaan ay isaga ku baddalaan. Balse dowladu iyada marka la eego dhanka xukunka waxaa ay ku dhisantahay nidaam kale, marka dowlada la eego, hogaanku hanaankiisa maamul waxaa uu ku tiirsanyahay awooddiisa takrifalka badan, qof rayidka kamid ahna ma awoodo in uu hogaanka ku dhaliilo arrin ama uu awaamirtiisa ka horyimaado, markaa hoggaanku waxaa lagama maarmaan ah in uu ku daanshadaanshoodo rabitaankiisa iyo doonistiisa si xuduud la’aan ah.

Dabeecadda aadamaha waxaa ka mid ah si guud, in uu isagu dul-sabeeyo rabitaankiisa iyo doonistiisa hadii aanu helin wax ka celiya, arinkaani waa wixii ay madaxdu fali jireen inta badan, inta uusan hirgalin nidaamka dimuquuraadiga ee casriga ah, ka hor nidaamkan waxay iibsan jireen gabdho adoomo ah, waxay dhisan jireen daaro iyo qasriyo heersare ah, waxay hantida u adeegsan jireeen sida ay iyagu jecelyihiin, balse annaga waxaa waajib ah in aanan ilaawin, iyada oo ay taa jirto hadana xukunkooda si walba uu u xunyahay wuxa ahaa mid ka wanaagsan nidaamkii hore ee qabaliga ahaa.

Maamulka qabiilku wuxuu ku siganayaa in ay gudihiisa ka marnaadaan gardarro, addoonsi, xadgudub iyo gaboodfal, shaqsiyaadka qabiilku dhexdooda waxaa ay iskula dhaqmayaan hadba si waafaqsan dhaqanka beesha, hadii mid iyaga kamida uu khilaafo dhaqamada iyo caadooyinka beesha, inta ay liidaan oo ay xaqiraan bay hadana eryaan, Balse hab-maamulkaas qabiilka ku haboon, kuma dhex guaysan karo bulsho weyn, oo ka kooban qabaa’il badan, waxaa lama huraan ah in uu jiro qaanuun guud oo awooddiisa dadka u adeegsada, Intaasina waa waxa ay dowladu qabato marka ay dhisanto.

Dowladu in kasta oo ay huwantahay xumaan badan, hadana waxaa ay nabad-gelyo siineysaa in badan oo dadka kamida, waxayna ku sandulleyneysaa in laga wada qeyb qaato wax soosaarka guud, iyo adeegyada bulsheed ee ay dadku wadaagaan, si aynu u garano qiimaha dowladda, waa in aynu eegnaa waxa dadka kala qabsada marka ay meesha ka baxdo awoodda qaanuunka iyo dowladda, durba waxaa ku dhax baaha fowdada iyo burburka, waa ay is boobaan oo ay diriraan, iyada oo aanay jirin cid kala celisa, waxaa arinkan dareemay sabannadii fogaa fuqahadii muslimiinta waana iyagii yiri الحاكم الجائرأفضل من الفوضى”hogaan gabood-fal badan ayaa ka wanaagsan fowdo iyo burbur”

Dhaqamada iyo caadooyinka qabiilku waxay awoodaan in ay dadku ku dhex xakameeyaan xayndaabka qabiilka, balse marka qabiilka debada laga joogo, shaqsiyaadka qabiilku waxaa ay xor u yihiin wixii ay asaagood ku falayaan, bal’e iyaga markaa waxaa ay ku faanayaan wixii ay debadda qabiilka ku falayaan, dil,boob iyo xadgudub wuxuu ahaadaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *