Dib-udhaca Afrika

Maxay Afrika uga dib dhacday Adduunka intiisa kale?

Afrika waxaa lagu naynaasaa “Hooyada Qaaradaha” waxayna naynaastaas ku qadatay inay tahay meeshii ugu horaysay ee uu aadanuhu ku noolaado, waxayna taariikhyahanadu ku qiyaasaan in Afrika lagu noolaa, in ka badan 5 Milyan oo sano. Hadana iyadoo ah, qaarada ugu qadiimsan Caalamka, waxay wali xagsanaysaa kaalinta Qaarada ugu dib dhacsan adduunka. Hadaba maxaa sabab u ah, dib u dhaca Qaaradaan guunkaa?

Maqaalkaan kooban waxaan kugula wadaagi doonaa, 10 waxyaabood oo sabab u ah dib u dhaca ragaadiyay Qarada Afrika, kana reebay qaaradaha asaageed ah.

1.Musuq-maasuqa Madaxda Afrika.

Marka aan ka hadlayno waxyaabaha ragaadiyay Qaaradaan, waa inaan xusnaa musuq-maasuqa Madaxda Afrika, wax qarsoon ma ahan, in madaxda Afrika ay musuq-maasuqaan wadamadooda. Musuqa Madaxda Afrika, waa mid ka mid ah, tiirarka ragaadiyay hormarka iyo kobaca Qaaradaan.

2.Ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye.

Waxyaabaha ay Afrika la hormari la,dahay waxaa ka mid ah, ku tiirsanaanta, deeqaha ay bixiyaan wadamada shisheye. In badan oo ka mid ah wadamada Qaarada Afrika, waa kuwo ku tiirsan kaalmada caalamigaa.

3.Qorshe la’aanta Madaxda Afrika.

Nasiib daro, in badan oo kamid ah, Madaxda Afrika, wax qorshaa kama lahan hormarinta Wadamadooda. Taas badalkeeda waxay ku mashquulsanyihiin boobka iyo dhaca hantida dadwaynaha.

Qorshe la,aanta siyaasadeed waa waxyaabaha ay Afrika la hormari la,dahay.

4.Xasilooni daro.

Qaar badan oo ka mid ah, wadamada Afrika, waxaa ka jira xasilooni daro amni, taas waxay sabab u noqotay inay dib u dhacaan wadamada ay xasilooni daradu ka jirto, nasiib daro, Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada la dhibtoonaya xasilooni darada, mudo ku siman 32 sano oo xiriir ah.

Wadamada Afrika waxay ku guuldaraysteen xal u helida khalaafyada dhexdoodaa. Qaar badan oo kamid ah Madaxda Afrika, iyagaa qayb ka ah, xasiloonidarada ka jirta wadamadooda, iyaga oo ka leh dano siyaasadeed oo iyaga u gaar ah.

5.Isla xisaabtan la’aan.

Ma jirto cid la xasiibtanta Madaxda Afrika, iyaguna uma turaan dadkii mansabka ay ku fadhiyaan gaarsiiyay, balse waxay tacadiyo u gaystaan dadkii mansabkaa gaarsiiyay. Waxay sameeyaan wax walba oo naftoodu rabooto, iga oo aan eegayn waxa ka dhalan kara. Waana mid kamid waxyaabaha dib dhaca noo horseedaya Qaaradaan.

6.Daymaha shisheeye.

Afrika waa Qaarad qaamaysan, waxaana lagu leeyahay adduun lacageed oo gaaraya, $644,855.2 billion sida ay daabacday bishii December 2022, hay’ada International Debt Statitics Data. Wadamo badan oo Qaaradaa waxay la dhibtoonayaan kororka daynta lagu leeyahay, taas oo marwalba oo wadamadaa aysan iska bixin daynta lagu leeyahay uu ku sii siyaadayo xadiga dulsaarka.

Daymaha badan ee wadamada Afrika lagu leeyahay waxay curyaamisay kobaca dhaqaalaha Afrika.

7. Midawga Wadamada Afrika oo liita.

Wadamada Afrika ma lahan midaw xoogan oo dhexdoodaa, waxaana taas sabab u ah, kala qaybintii Gumaystihii reer Yurub. Wadamada Afrika waxay ku fashilmeen inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan danahooda, taas badalkeeda waxay kaalmo ka raadsadaan Maraykanka, Shiinaha, Ruushka iyo Midawga Yurub. Midawga Afrikana wuxuu ku guuldaraystay inuu mideeyo wadamada qaarada si uu uga dhigo mid xoogan oo ka shaqaysa hirgalinta danaheeda.

8. Hormarka Tiknoolajiyada oo hooseeya.

Wali Afrika waxay isticmaashaa farsamada gacanta, marka ay timaado shaqooyinka la xiriira farsamada, taas waxay hoos u dhigtay maalgashiga qaarada, waayo, maalgashadayaasha caalamigaa, waxay rabaan meel uu dhaqaale badan ka soo galayo, waxayna ka cararayaan hanaanka farsamada gacanta oo uu uga baxayo dhaqaale badan.

9. Kaabayaasha dhaqaalaha oo liita

Afrika waxay la dhibtoonaysaa kaabayaasheeda dhaqaalaha oo liita, waxayna Madaxda Afrika dayaceen, dayac tirka kaabayaasha ay noloshu ku tiirsantahay. Sida, wadooyinka, korantada, Isbitaalada iyo waxyaabaha fududaynaya adeegyada waxbarashada. La,aanta waxyaabahaan waxay nolosha maalin lahaa ee dadka Afrika ka dhigtay mid adag.

10. Cunta yari

Gudaha Afrika, maalin walba boqolaal dad ah, ayaa gaajo ugu dhinta. Iyada oo ay sabab u tahay cunto la,aan. Waalidiinta badankood waxay la harjadayaan sidii ay Ilmahooda waxay cunaan ugu soo heli lahaayeen, halkii ay waxbarasho ka gayn lahaayeen oo mustaqbalkooda dhisi lahaayeen. Halka kuwa nasiibka u yeeshay inay ilmahooda waxbarasho geeyaan aysan helin aqoon tayo leh.

Ugu danbayn: dhamaan qodabada aan kor ku soo xusnay, waa caqabada Afrika ka hortaagan hormarka iyo inay la tartanto Qaaradaha dhigeed ah, ilaa xal loo helo dhamaan qodobadaan, hubaal hormar waa uu ka fogyahay wadamada Afrika. Hadii aan Soomaali nahayna waxaan kaalmaha hore uga jirnaa wadamada ugu liita Qaarada, waxaana waajibaad naga saaranyahay hormarinta wadankeena iyo guud ahaan qaarada Afrika. Waana inaan dhamaanteen si wada jir ah ugu istaagnaa.

W/Q: Abdiweli Sulub

Wixii tixraac ah ee dheeraad ah waxaad ka heli kartaa linkiga hoose:

https://nasonga.co.ke/why-africa-will-never-develop/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *