Dhaqanka raacatada iyo saamayntiisa dhanka shaqada iyo dawladnimada
_______
W/Q: Cabdijaliil Muhandis
Reerguuraaga iyo shaqada
- Qeexidda Erayga:
➥ Wax kasta oo gacanta ama qalab kale lagu qabto, si faa’iido ama dan laga lahaa looga gaaro; hawl, shuqul.
Dhaqanka raacatada waxaa haga hal mabda’ oo ah sarrayn ama sharaf. Sharaftaas oo xilliga colaadda noqota geesinnimo, xilliga nabadana deeqsinimo. Fulaha iyo bakhaylku nolol xun bay ugu dhex nool yihiin reerguuraaga uu la hardanka dabeecadda qallafsan iyo halganka nolosha ee geyigooda kakani ka soo saaray kuwo ad’adag.
Mar kasta oo aan dhaqannada reerguuraaga qiimaynayno waa inaan halbeegga sharafta saarno si aan si wacan ugu fahanno xaqiiqda ka dambaysa. Haddii kale waxa aan ku dhacaynaa khaladaadkii baadhayaasha galbeedku ku dhaceen oo kale. Cali Alwardi waxa uu sheegayaa in cilmibaadhayaasha galbeedku ay ku wareereen dhaqannada raacatada, dabeeto ay ku tilmaameen kuwo isburinaya. Tusaale bay dhaheen waxaad arkaysaa nin wax hanti ah hal go’ ka haysta oo haddii la waydiisto bixinaya, dhanka kalena waxaad arki bay dhaheen laba jilib oo lacag aan toban dirham dhannayn isugu jabaya. Waxay u fahmeen in dhacdada hore ay deeqsinimo muujinayso halka tan dambe ay bakhaylnimo ina tusinayso, waana laba sifo oo lid isku ah.
Cali markaa waxa uu odhanayaa haddii ay halbeegga sharafta saari lahaayeen dhacdooyinkaas ma ayna layaabeen isburinna uma muuqateen, waayo tan hore waan fahannay oo waa deeqsinimo waa sharafta badhkeed, tan labaadna bakhaylnimo ma aha ee reeruhu waxay islaynayaan marka nin ree hebel ah oo ree hebelkii la yaqaannay ah la damco in khasab lagaga qaado lacag. Marka ahmiyaddu ma aha lacagta caddadkeeda ee waa in la xaqiray maqaamka reerka uu ka dhashay ninku iyo dacalkii labaad ee sharafta oo geesinimo lahaa illeen geesi xoolihii inta la dhaco nabad lagulama galbado e.
Shaqada raacatada ee ugu muhiimsani waa xoolodhaqashada. Xoolahaaas meesiga ugu sharfanina waa geela, waxana lagu hantaa dhac iyo soodhacsi. Haddaba ilaha dhaqaalaha raacatada tan ugu weyn uguna sharfani waa dhaca geela. Waa astaan ragannimo, geesinnimo iyo sarrayn oo ah tilmaan tan ugu wacan ee gobi hanan lahayd.
Guud ahaan shaqooyinka raacatadu waxay u arkaysay labo nooc: mid sharfan iyo tu caayan. Shaqada sharfan waxaa kow ka ahaa dhaca, isha ugu weyn ee dhaqaalaha laga helo ayuuna ahaa dhaca geelu. Halkan hoose waxaan ku soo qaadanaynaa gabayo rag kala duwani tiriyeen oo qodobkan caddayna.
Badda jiidhayaa iyo barriga jaanta mariyaaba
Wallee geel jacaylkaan u qabo waw jirrabi ruuxa.
_Garan maayo
Dhaqaalaha Ogaadeenba waa dhac iyo duullaane
Dhabbaha loo maraa baan aqaan dhogor idiinlaye
_MC Beenalay
Basarka caydhu leedahay nin ogi kama baqeen geele
Ba’ayeeyda naaguhuna saw idinma beerqaaddo
_Xarbi Dheere.
Rag carfi leh Cabdina ii yaqaan ciir ma siin karo e
Hadday caano adhi sooryo noqon culus ma qaadeene
Waa caal la’ geel daa ninkii igu canaantaaye
_Cabdigahayr
Waxay gaadhsiiyaan heer ay dhahaan dhaca geelu xaaraanba ma aha:
by Faarax Jaamac ‘Faarax Laanjeer’
Xarbi baari xayraan col iyo xeelad iyo tuugo
Waa ugu xad dhaafaa ninkay Xiis u dagantaaye
Xulufooyinkii horeba way kala xabbaadheene
Xasan iyo Xuseen baa ogaa xeeru leeyahaye
Xinkii Dheeho lagu gawracaan xiisaddii hadhine
Xijigeedu waa qaatil iyo xayn walaalo ahe
Xiitooy ma soo hoysan karo oday xagaystaaye
Meeshii xeryaha looga dhigo xoogsi loo qabaye
Wadaadkii Xadeed iyo fadhiyey Xalin Daraawiishta
Ee xarunta geyn jirey intuu Xamar u heenseeyo
Xaafidal Qur’aan buu ahaa soo xajiyey dhawre
Isagaba xaq iyo baaddil wow kala xarriiqnaaye
Xaaraan hadduu yahay fardaha kuma xarraanseene
Xisaabaadka maantay tahiyo xaq iyo miisaanka
Xasanaad in laysaga qoriyo inuu xumaan doono
Xarafki Looxmaxfuud lagu dhigiyo xaakinkaa werine
Ifka lama xujeyn karo ninkii xiito weerara’e
Xayaabada ka soofeenka iyo xuukadiyo goolka
Tan iyo Xaawa iyo Aadan waa u xumadaysnayne
Xoolaha xaddiidka ah naftaa Xiirayow jecele
Haddii laygu xidho geelu sow xubin rageed maaha
Ma xayeesh adhaan dhacay Burcaad ka xantamayseene.
Shaqooyinka yasan waxaa ka mid ahaa hudheelada, kaluumaysiga, falashada beeraha, ugaadhsiga, dillaalnimada iwm. Gabayadan hoose waxay muujinayaan siday shaqooyinkaa u arkayeen raacatadu:
Calidhuux oo falashada beeraha dhalliilaya:
- Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
- Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
- Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye
- Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo’e
Mar kale isaga oo ugaadhsiga caayaya:
- Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
- Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
- Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane
- Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
- Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
- Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
- Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
- Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
- Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararkii Baarjeexe
MC Dage oo Cali dhuux u jawaabaya oo leh beero falashadii geel dhaqashaa lagaga maarmay:
- Gabogabo kob aan lagu hantiyin, heelki laga waaye
- Hootiyo waxaa lagu hanbaday, dhagixii Haaroode
- Kuwii dalagga lagu hiifayaa, heema saanyadaye
Sayid Maxamed oo ugaadhsiga dhalliilaya:
Hartigaba wax badan baa ku nool, hilib ugaadheede
Koluu Hiiradoo kale noqdoo, ibilka haaneedo
Bal maxaa Hobyo u dhigay arladu, kala hoyaad roone.
Kanna waa Maxamuud Cali Beenalay oo dhalliilaya shaqooyin ay ka mid yihiin guulwadaynta, dillaalnimada, kalluumaysiga iyo hudheello furashada. Waxa uu yidhi abwaanku:
Waa taan makhnuud iyo noqdaa, mukhawad Iidoore
Waa taan magaalada tagaa, macanjileystaaye
Waa taan hashaan maali jiray, gowrac mariyaaye
Waa taan maqaamkii hunguri, ugu madiixaaye
Mandharaari waa taan futiyo, madaxa goostaaye
Waa taan mindiyo uus leh iyo, malafsadaa dhiig e
Waa taan miscilil baas dhigtaa, aan marimo ootaaye
Waa taan mallooliga cayilay, macasha jiidaaye
Waa taan muluca kala soo baxaa, moolka badahiiye
Waa taan min weyn iyo go’ iyo, mohorod qaataaye
Margiyada iyo waa taan garbaha, malax ku yeeshaaye
Waa taad i mooddaa dhurwaa, maraya dow dheere
***
Haddaba soomaalida oo caqliyad caynkaas ahi ku rakiban tahay ayaa soo galay magaalada 50dii ilaa 60dii. Shaqo kasta oo aan sarrayni ka muuqan waxaa loo arkay mid yasan. Inkastoo ugu dambayn baahida magaalada, bini’aadanimada lagu soo dabbaalay raacatada soo dooshay iyo nidaamka dawliga ah ay meesha ka saareen suurtagalnimadii dhaca, haddana wali meelo badan oo ka mid ah gayiga soomaalida, gaar ahaan deegaannada xooladhaqatu u badan tahay wali waa wax laga xishoodo in laga adeego tukaan, kabalyeeri la noqdo, hudheel laga shaqeeyo ama meherad yar la samaysto. Maadaama se ayna xirfadahan magaaladu ka maarmaynin dhallinyarada soomaaliduna aysan booskaa buuxin, waxaa fursaddaas ku intifaacay dadyow kale oo ajaanib ah, marka laga hadlayo Soomaalida galbeedka.
Qof kasta oo dhallinyar ahi waxa uu rabaa shaqo nadiif ah, fudud misana lacag badan. Waxa ay wada rabaan xafiis, noloshu magaaladu se way is dhammaystiraysaa oo xirfad laga maarmaa ma jirto.
Waxa layaabka leh waa in xataa shaqooyinka reerguuraaga magaaloobay ay qabtaan aysan si wacan kuugu qabanayn. Bajaajlaha Soomaaliga ah ee Jigjiga marka koowaad waxa uu rabaa labajibbaarka kharashka uu kaa qaadanayo xabashigu, intaas waxaa kuu dheer hanjabaad iyo muran. Ganacsiyada ay ku jiraan soomaalidu waxa la galaan dabeecado qallafsan sida: qab, kakanaan iyo hanjabaad heer aad garan waayayso inaad lacag aad sidatay wax ku iibsanayso inaad baryootamaysay. Tani waxay muujinaysaa in raacatadu aysan ganacsiga taariikh fiican u lahayn balse dantu uun ay ku khasabtay.
***
Xulub Socod wuxuu Macallinku unkay 1975kii isaga oo jooga magaalada Hargaysa. Waa gabay dhaxalgal ah oo uu Soomaali haddii hadal wax daaweeyo dhinac walba wax kaga tusay. Siddii caadada u ahayd Dhoodaan xikmad qafilan ayaa gebiyada sare haysa gabaygan. Waxa uu gabaygan abwaanku ku carrab-baabayaa farsamooyin xun oo reerguuraagu magaalada la soo galeen, dhibna ku ah nolosha guud ee bulshada. Sida eexda, musuqa, hanyarida, danaystenimada iwm. Wuxuu yidhi madaxiisa Allaha raajiyee:
- Xaashaa lilee beenta, waa laga xishoodaaye
- Hadalna wayga xaraansanayd, xigashadiisiiye
- Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maanso xubinteeda
- Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
- Xariiqdiisii waa inaan marshoo, xididkii raacaaye
- Maantana xaggii uu jiray baan, kaaga xaadirine
- Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin
- Xog ogaaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye
- Allow xoolo keen buu yidhaa, kii xaniif ahuye
- Xoogaa dharaartuu helee, loogu shubo xeedho
- Xusbadda u horaysaaba waa, Xaali la ciyaare
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe
- Barashada xageediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno
- Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay
- Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe
- Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey
- Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah
- Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe
- Xaqsoornimada kii laga rabeen, xeerarka u dhiibno
- Miduu ximiyo miduu xaasidiyo, miduu xabaalaayo
- Iyo miduu xanaaq kula dhaciyo, miduu ku xayraamo
- Iyo xamaga qaar uu hayoo, xaangabshoow fudude
- Xujur galiye saasaa batiyo, howl xanibayaale
- Xannaaniyo wanaag kii mudnaa, xaabuq baa dilla e
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?
- Xalaal quute kii sheegan jiray, ama xadraynaayey
- Xaabxaabka dagan wuu yaqaan, inuu u xeebtaaye
- Wuxuu ribada xoogaa faraha, kaga xantaystaaba
- Hadhowbuu xashimo buuxsadaa, xaydhna bararaaye
- Boolida xantoobayso iyo, xagafsi mooyaane
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?
- Is xalxalidu way fiican tahay, la xaragoodaaye
- Marka hore se waa inaad xor tahay xeerna leedahaye
- Intuu xabawarkaa yahay aduun, ee xiqdigu yaalo
- How xilan xariirtoo dhan, waa la iska xooraaye
- Dadku inuu xamaashaa ka roon, inay xaraamaane
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?
Reerguuraaga iyo dawladnimada
Aadamigu waa noole bulshaawi ah. Waxa aan ula jeedaa waa xayawaan si bulsho ah u nool, bulshaawinimadana ka kasbada shakhsiyadda uu yeelanayo. Waxa ku kallifay inuu si bulsho ah u noolaado quudka iyo sidii lagu heli lahaa oo aan kaligii u suuroobaynin iyo iska daafacidda duurjoogta, dabeecadda qallafsan ee aynaan ilaa hadda la qabsan amaba aadamiga kale ee ay si uun isku maan dhaafayaan. Dhanka kale, qof waliba waxa uu leeyahay doonis gaar ah oo inuu fuliyo rabo. Haddii qof waliba rabitaankiisa gooni ahaaneed fuliyana bulsho ma jirayso, oo tusaale ahaan haddii dhuldaaqsimeed yar meel laga helo, dabeeto saddex qoys mid waliba damco inuu helo waxay ka dhigan tahay in meeshaa dagaal ka dhacayo oo laba dhiman aad u dhiman doonto ama inta laga adkaado sidaa lagu kala bixi doono. Illeen sida korriinka bulshada ee “darwinsmka”—– aragtida tadawurka ee uu Darwin lahaa- cilmiga bulshada la dhex keenay qabo “survival of the fittest” ayay noqon ama sida ay Soomaalidu tidhaahdo: ninkii roon baa reerka u hadhi. Haddaba si dhibtaas looga hortago waxaa halkan imanaysa doorkii akhlaaqda oo isku wadaysa danta gaar ee qofka iyo tan guud ee bulshada. Akhlaaqda amarradeeda qayb ka mid ah ayaa xeer loo beddelaa oo dadka lagu kala hagaa. Waa waxan hadda la yidhaahdo sharci ama dastuur. Haddaba xeerkaas ciddii dadka ku kala xukumi lahayd waa in la dhiso ama ay iskeento. Labada siyaaboodba aadanuhu waa uu ku dhaqmaa. Iyana waa waxan dawladda la yidhaahdo. Halkaas waxaa ka muuqanaysa in siyaasaddu aysan akhlaaq la’aan jiri karin, waayo waxayba u dhisan tahay hirgalinta xeerarka anshaxeed sida dooddeena hore ka dhalanaysa. Sida Russel qabo aadmigu waxa uu noolaha kale kaga sare maray hadalka, dabka, beeraha, qoraalka, qalabada iyo iskaashiga. Nasiibdarro se waxay u muuqataa inuusan qodobkan u dambeeya si buuxda ugu guulaysannin.
Dawladnimadu waa heerka ugu sarreeya iskaashiga. Soomaaliduna sida dadyawga kaleba noloshu waxay bartay ahmiyadda inay iskaashi maamul samaysato. Laakiin iskaashigeedu wuu ka duwanaa kan dunida badankeeda. Waa iskaashi ku salaysnaa abtirsiin. Waxaa la yidhaahdaa qabiil, ku dhaqankiisana qabyaalad. Qabiilka waa nidaam la isku garto, waxaa kale oo uu qabtaa shaqo siyaasadeed iyo tu bulsheedba. Waa raggii ku gabyay:
- Toolmooni hadal waa inuu tol u dhexeeyaaye
- Tuushkii xun iyo wiil yar waa la isla tiirshaaye
- Waa laysku wada tiirsan yahay sida tis oodeede
- Taabbaa la sii furi hadduu kibir ku taabtaaye
- Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
Qabiilku wuxuu nolosha baadiyaha ugu jiraa booska dawladda. Shakhsigu wuxuu qabiilkiisa ka helaa amaan, damaanad iyo caymis dhaqaale. Qofka aan qabiil u aano sheegan ugu danbayn wuxuu la dhibtoodaa mooraaljab iyo gobannimo nusqaansan siduu doono geesinimo iyo awoodo shakhsiyadeedba ha u lahaado e. Qofka reerguuraaga ahi badanaa wuxuu kaalmaystaa geesinimadiisa iyo shakhsiyadiisa,laakiin wuxuu ogyahay inuu wajihi doono khataro uuna kaligii ubabac dhigi karayn sidaas awgeed qabiil waa inuu u aano sheegtaa. Qabiilka awooda badani dadkiisa wuu ilaaliyaa meeshay dooniba ha joogaane. Wuxuu ku hanjabaa inuu si xun uga aargoosan doono cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubto xubnihiisa.
Nidaamkaa qabiilka ayay soomaalidu ku wada dhaqmi jirtay. Deris baa la ahaa aan maamul ka dhaxayn. Qaddiyadaha colaadda iyo nabadduna joogto ayay ahaan jireen. Rag xeerbeegti ah ayaa garta u fadhiyi jirya had iyo jeeraale. Dadka oo sidaa isaga deggan ayaa dabayaaqadii qarnigii 19aad waxaa bulshadii ku soo dhex dhacay dadyow qalaad oo saancaddaale ah iyo gun yar, weji guban oo dub madow. Maadaama qabiilladu aysan awood badan lahayn, dadkuna uusan maamul midaysan lahayn gumaystihii wuxuu sidaa dhibta yar ku qabsaday raacatadii Soomaaliyeed halka beeralaydu hiihdii horeba aysan ka soo waaqsan. Duni isbeddeshay oo aan kala hadhi karin balse iyadu ay in badan ka dambayso ayuun bay hal mar soomaalidii ku baraarugtay. Dhaqdhaqaaqyo gobannimodoon ah ayaa billawday, muddo kadibna waxaa la kiciyay gumaystaha badankiisii. Waxa se khasab noqotay in nidaamkii qabiillada kala fadhiya laga guuro oo qaran la samaysto illeen:
- Is xalxalidu way fiican tahay, la xaragoodaaye
- Marka hore se waa inaad xor tahay xeerna leedahaye
Waa lagu guulaystay muuq ahaan, markasta se waxaa jiray dheelli. Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa: dhar magaalo waa la xidhaaye, dhal magaalo lama noqdo. Si taas la mid ah dawlad muuqeed waa la sameeyaye, dawladnimo qumman lama helin. Doofaar dabeecaddiisa kama guuro e qabiil waliba isaga oo tixraacaya doonistiisii sarraynta waxa uu damcay inuu saami weyn helo. Natiijadu waxay noqotay in1967dii ay tartan galaan 80 xisbi oo 80 qabiil kala matalaya.
Waxaad mooddaa inaan reerguuraagu noolaan karin loollan la’aan. Haa, oo noolaha oo dhaniba ma joogi karo loollankaas la’aantii. Sida Maarkis qabo loollanku waaba wadaha socodka taariikhda. Waxa se milicsi mudan in aadamuhu loollankiisii u horumariyay siyaabo aan wax burburinayn. Raacatadu se haddii ay miyiga ku diriraysay geel, ceel iyo daaqsin; halkan waxa lagu dagaallamay oo geelii beddelay xilal iyo kuraas iyaga oo loollankaas aan u yeelin wax xad ah haba yaraado e.
Soomaalidu iyaga oo aan maamulkii qabiilka tirtirin ayay ka dul dhiseen maamul kale, muddo ka dib dawladnimadii waxaa loo waayay sidii loo waayi lahaa alaab gaadhi la dul dhigtay oo dabeeto la dhaqaaqay. Qabiilku wuxuu la mid ahaa gaadhigaas, dawladnimadii cusbaydna alaabtaas oo kale ayay ahayd. Ugu dambayn markii uu qabiilku kacayna waxa uu la kacay dawladnimadii.
Dawladnimada casriga ah waxa lagu aasaasay “heshiis bulsheed” oo ah fikrad uu curiyay jean jack rossue isagoo qayb ka ahaa iskudaygii falsafaddu ay ku baadigoobaysay sida ugu wacan ee aadmigu hab maamul ku yeelan karo. Dawlad-dhisku waxa uu la mid yahay dhismaha guryaha, heshiiska bulshaduna waa seeska guriga. Iyada oo aan sees adag loo dhisin guriga meel jilicsan laga taago waa uu dumaa. Maadaama oo uu seesku debecsanaa, loollanka bulshaduna ka badnaa iskaashigeeda, sidaas ayay ku duntay dawladnimadii soomaalida qaar haddana dhammaan dawlad la’aan u tahay.
Raacatadu uma hoggaansanto dawlad, waayo waxay daacad u yihiin dawladda qabiilka, hal marna labada cid oo isku shaqo qabata daacad uma wada ahaan kartid, sababtoo ah awoodaha hal majaal ku aaddan danahooda ayaa isgoynaya mar kasta.
Dr. Alnuur Xamar waxa uu ku sheegayaa buuggiisa “العقل الرعوي” in markii dawladnimadu dhalatay uu qabiilku shaadhkii dawladda soo gashaday isaga oo isgaabinaya. Kacaanku markii uu yidhi qabiilka waanu aasnay, muddo ka dib waxaa caddaatay: qabiilku wuu suuxaa ee ma dhinto. Dhismihii dawladda ka dib, markii danaha qabaa’ilku isla jaanqaadi waayeen waxaa dhacday in reer waliba is hubeeyo ilaa dawladdii iyo dawladnimadii salka dhulka loogu dhuftay. Ilaa haddana waxaa muuqata in danuhu sidii isu diiddan yihiin.
Tixraac:
1.Qaamuuska Afsoomaaliga, Mansuur iyo gabadha Talyaani.
- طبيعة المجتمع العراقي، علي الوردي.
- العقل الرعوي، د. النور حمد.
- The real world, kerry ferris, jill stein.
- Mareegta Doollo.com

I like the valuable information you provide in your articles.
I will bookmark your blog and test again right here regularly.
I am somewhat sure I will be informed a lot of new stuff right right here!
Good luck for the following!
Mnsha’allh runtii Eng, qoraal Wax badan Aan ka kasbaday weeye Fahan dheera igu siyaadshay.
Mahadsanid waxaad igu biirisay wax badan oon u baahnaa ENG.Cabdijaliil
Qoraal cajiib ah, ina adeer Gacanta wax ku qorista Allah swt hakuu barakeeyo amiin
Cajiib anoo meelahaan wax ka eegaaya baan arkay qormadaan quruxda badan, mahadsanid cilmi ayaan kaa faaidey.