Nuxurka buugga Tacliinta Dulmanayaasha
Waxaa qoray: Ismaaciil Dhuubow
Buugga Pedagogy of the Oppressed/ Tacliinta Dulmanayaasha ee uu qoray Paulo Freire, uuna af Soomaali ku tarjumay Aw Guudcadde, kaas oo markii ugu horreysay la daabacay 1970-kii, wuxuu noqday mid ka mid ah buugaagta ugu saameynta badan ee ku saabsan waxbarashada iyo horumarinta bulshada.
Fareyre wuxuu buuggaan ku muujinayaa muhiimadda ay leedahay waxbarashada firfircoon, iyadoo diiradda la saarayo ka-qaybgalka bulshada iyo ka-tilmaameynta nidaamyada waxbarashada dhaqameed. taqliidiga ah, taas oo cadaadiska ku dhisan. Wuxuu ku baaqayaa in waxbarashadu aysan kaliya ahayn hab aqoon lagu shubo balse ay tahay waddo lagu fahmo xorriyadda iyo cadaaladda bulsheed.
Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee buugga waa in waxbarashadu ay tahay aalad lagula dagaallamo cadaadiska. Fareyre wuxuu ku doodaa in nidaamka waxbarashada dhaqameed uu ardayda ka dhigayo kuwo aan lahayn fikir madax bannaan, kuwaas oo kaliya lagu shubayo ama loo meerinaayo aqoon go’an. Wuxuu ku tilmaamay nidaamkan “tacliinta bangiyaysan”—taasoo macnaheedu yahay in ardaygu yahay weel la buuxiyo, halkii laga dhigi lahaa qof maskaxdiisa shaqaysiiya oo wax curiya.
Baalwo, wuxuu horumariyay aragtida waxbarashada wada sheekaysiyeed (Dialogical pedagogy), taasoo ka tarjumaysa in macalimiinta iyo ardaydu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan fahamka iyo waxsoosaarka aqoonta, iyagoo ku tiirsan wadahadal iyo fikir is weydaarsi. Nidaamkan wuxuu awood siiyay ardayga inuu kaalin mug leh ku yeesho go’aannada waxbarashada, taasoo kobcisa awoodiisa fakarka iyo wacyiga.
Qoraaga wuxuu ku adkaysanayaa in waxbarashadu tahay aalad wax ku ool ah oo lagu gaari karo isbeddel bulsheed. Wuxuu u arkaa in dadka la dulmay ay leeyihiin waayoaragnimo iyo aqoon, kuwaas oo lagama maarmaan u ah sidii isbeddel loogu abuuri lahaa xaaladda cadaadiska. Waxbarashadu waa inay ka caawisaa dadka dulman inay fahmaan xaaladooda, oo ay halgan ugu galaan sidii ay ugu noolaan lahaayeen bulsho xor ah oo caddaalad ku dhisan.
Wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa in nidaamyada waxbarashada dhaqameed ay u adeegaan sidii hab lagu xakameeyo bulshooyinka, halkii ay ka noqon lahaayeen waddooyin lagu gaaro xorriyadda. Wuxuu ku baaqayaa in waxbarashadu noqoto mid la jaanqaadayso xaqiiqda nolosha iyo xaaladaha taagan, halkii ay ahaan lahayd nidaam furan oo qofka lagu cabburiyo.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in ardayda ay door muhiim ah ka ciyaaraan kacdoonnada iyo isbeddelada bulshada. Ardayda jaamacadaha waxay kaalin muhiim ah ku leeyihiin halganka bulshooyinka dulman. Wuxuu ku doodayaa in ardayga horta loo baahanyahay inuu helo waxbarasho u suuragelisa inuu fekero, xorriyadna ku noolaado, si uu ugu istaago halganka ka dhanka ah dulmiga iyo cadaadiska bulshada dhexdeeda. Isagoo fekerkaas sii adkaynaya, wuxuu caddeeyaa in waxbarasho ku dhisan fikir naqdineed iyo curinta maskaxda ay tahay mid keenta horumar bulsheed oo dhab ah.
Baalwo Fareyre, oo ka mid ah faylasuufyada ugu caansan qarnigii 20aad, wuxuu lafaguray bulshooyinka ka soo baxay gumeysiga, isagoo ku dooday in si loo gaaro horumar iyo waxsoosaar dhanka bulshada ah, loo baahan yahay in waxbarashada laga dhigo mid ku dhisan fikir xor ah oo naqdineed. Nidaamka waxbarashada ee gumeysiga ka dhashay wuxuu ku tilmaamay mid curyaamiya ardayga, halka uu doonayo in ardayga loo abuuro fagaare furan oo uu ku baran karo wacyigiisa, ugana fekeri karo sidii uu bulshada ugu horseedi lahaa isbeddel dhab ah.
Gabagabadii, inkastoo buuggu leeyahay dhaliilo, haddana waa mid si heersare ah loo qoray oo fikrado qoto dheer ka bixinaya waxbarashada iyo isbeddelka bulsheed. Waxaan kugula talin lahaa inaad akhrido, si aad uga faa’iidaysato aragtida uu soo bandhigayo qoraaga.