
Qiraal
WQ. Cabdisamiic Fu’aad
Muddadii wadahadal rasmi ah iyo xidhiidh wax-ku-ool ah inoogu dambaysey waxa laga joogaa gu’ iyo xoogaa. Ma aha wakhti yar. Waa xilli laba qof oo mar dadka isugu dhowaa, haddii ay joogtayntii iska-war-haynta hakiyaan ay isu beddeli karaan dad isku qariib ah. Xisaabta aan isku dhufsaday marka aan ka qiyaas qaato waxan islahaa wax walba way dhammaadeen. Niyadda iyo nafta waxan u sheegay way ku illowdey oo nolosheeda way raacatay ilaa uu i soo gaadhey warka caloolyowga leh ee ah; inaad kalgacalkeennii bilnaan jirey weli si uun uga dhursugayso. Adiga kaama maqal xogtaas, waxa kallifayna waa ay ii caddahay, nin kaa tashaday baad ii arkaysey oo aan mudnayn inaad iska daba taagnaato waadna ku saxnayd. Qalbigu se marar badan ma xaqiiqsado run hortiisa taalla, eedna kuma lihid oo waa sidii aan anba noqon lahaa haddaan bartaada joogo. Xogtaas aanan filayn ee isoo gaadhey waa sababta aan farriintan kuugu soo dirayo goortan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.
Dhab weeye inaan qaab foolxun oo aadan geyin u dhuuntay. Fal aadan jaadkiisa iiga baran buu ahaa. Waxaase dhacda mar hadalku uusan macne lahayn oo dhihiddiisa ay dhaanto haysashadiisu. Taasina inay dhaliso inaad dib uga fekerto dadnimo been ah inaan kuu jilay bay abuuri kartaa ama abuurtay. Waad qummantahay. Waa aan hubaa inaad marar badan ku hawshootay ka fekerka ujeeddada aan sidaas u yeelay. Waad qummantahay mar walba.
Anigu waan gaabsaday. Gaabsiga iyo yaraynta joogtaynta xidhiidhku waa xeelad aad loo adeegsado oo lagu gebagebeeyo xidhiidho badan. Dadku ujeeddooyin kala duwan bay u sameeyaan. Qaarkood waa eedkacarar, qaarkoodna waxay u arkaan tallaabo qofka aad ka tegayso dhaawaca kalgacal ka dhawraysa, qayb kalena wax ay ku hadlaan bay garan waayaan kolkaas bay gaabsiga miciin bidaan. Qoladaas dambe ayaan ku jiraa. Waa aan ogahay inaad ka gaagaabsato gabadhii aad geyaan isugu jeclaydeen inay fal gunnimo tahay. Haddana sidaas oo ay tahay falkaas gobanimada ka fog waan ku kacay maxaa yeelay waxan arkay inaanan kuu qalmin oo aanan noqon karin qofkii aad rabtey inaan kuu noqdo. Riyooyinkii aan wada dhisnay inaanan rumayn karin waxay igu noqotay run qadhaadh oo hareertayda iyo hortayda taagan iyo waa’ igu baryey.
Ballantu waa wax qurux badan. Quruxdeedu se waa fulinta. Inkastoo fulinteeda aysan mar walba baajin wacadfurista iyo kutalaggalku, oo ay xilliyada qaar duruufaha iyo dakharrada noloshu sababaan, marar kalena fekerka, aragtiyaha iyo wacyiga qofka oo is dooriyey eersadaan, haddana waa aan ogahay inaan intaasi qiil iigu filnayn. Yeelko se, oo waxa aan rabaa inaan wax walba daaha kaaga faydo. Ma aan rabo inaan isugu kaa daro inaan ballantii adkayn kari waayey iyo inaan wax kaa qarsado oo aad ku baaxaadegto isweyddiinta sababaha go’aankayga ama ay macquul noqoto in aad is dhehdid armaad wax ku samaysay oo aad eed aadan lahayn dusha u ridato. Waa wax aan kaa fili karo maadaama wanaaggaaga heerkiisa korreeya aan ogahay, wanaaggaas oo inta uu aad u fara batay mararka qaar sababa inaad isu xambaartid gef aadan gelin.
Waayuhu wuxu wataa wacaashiisa iyo hawshiisa. Waxa aad isleedahay iyo waxa ay tahayna waa cir iyo dhul. Aniga wuxu igu salaamay jidgooyooyin aanan ka filanayn oo aanan marna ku xisaabtamin inay da’daas igu haleelaayan. Warmihiisa ayuu igu turqay, waxana uu igu mudey mindi aan moodey inuu si wacan u soo afaystay. Waa ay is dhimeen hammiyadii, firfircoonidii iyo filashadii wacnayd een lahaa adiguna aad igu sii dhiirrigelin jirtey. Noloshii aan kuu dhaliili jirey ee ku koobnayd inta rag badan oo Soomaali ahi isu xil saaraan ee ahayd waxbaro, shaqo kugu filan hel, guurso oo carruurtaada iyo xaaskaaga wax ku eg ha waayin xataa waan ka hoos maray. Ninkaygii suuraysan jirey inuu Soomaali oo dhan wax taro, hadda arrinkaasi wuxuu ila yahay wax lagu qoslo maxaa yeelay waxa xataa igu adkaatay inaan naftayda iyo dadka xaqa igu leh wax taro. Guurkii iyo haasaawihiiba waxay noqdeen wax aan maskaxdayda ku soo dhicin iyo dermo aan laabay oo aan doonayo inaanan guyaal door ah soo rogin. Qof wax uun u toosanyihiin baa arrimahaas gala, qorsheeya oo ka fekera.
Waxan galay nolol tii aan kula rabey aan ahayn oo aan kugu habboonayn. Nolol aad qofka ku nool ee astaameheeda qaybtood yeesha aad u arkayso inuu yahay qof dhintay oo nolosha ka dhacay. Dhaqannada qaarkood aan ku dhacay iyo waxyaabaha qaybtood aan falay ee aan caadiyaystey waa dhaqannadii iyo falalkii aynu si wadajir ah u naqdin jirney, fogayn jirney ee wada caayi jirney, qofka sameeyana uu inoo ahaa inuu haadaan iyo shalow dheer ka dilindillaysmay. Maanta waxa aan ahay tusmada caydaada marka aad xanaaqdo iyo sawirka xun ee aad kahato.
Xal iyo maarayn baan dhan walba ka fiiriyey heer ay wax caadi ila noqdeen shaqooyinkii aad sida weyn u nebcayd ee aad ka dheerow i odhan jirtey. Doorashooyinka hadda i horyaalla ee weliba igu xooggan waa macallinnimo iyo askarinimo. Waa labadii shaqo ee aad i odhan jirtey agtooda ha marin. Waad ku saxnayd waayo waa laba shaqo oo si kasta oo ay muhiim bulshada ugu yihiin haddana qofkii gala ay adagtahay inuu dheef iyo macno badan ka helo oo kob caleen leh ka soo durduriyo. In yar baan u jiraa go’aansiga qaadashada qalinka iyo tamaashiirta. Dan kama lihi inaan ku hagaaso oo ku dhex lumo qaylada ardayda iyo canaanta maamulahaayaasha dugsiyada. Ma kala jecli inaan ku habsaamo shaqadaas la isku illaabo ee laga qaado magudbenimada iyo walaaca joogtada ah ee suququlka mushaharka aan waxba goyn.
Waxba uma jiro gelista xero ciidan oo lagu qaadanayo tababar cadaab ah iyo nolosha ka dambaysa ee sidashada qoriga, booshka dhawrka candho ku jiraan iyo dirayska caddaaday, cadceedduna dilootey ee aanu iska beddelin askariga Soomaaliyeed ee ayaanka daran. Uga tudhi maayo nafta inay ku dhex olosho qaraxyada iyo ladagaalanka argagixisada bahalaha ah ee kaalinta koobaad kaga jira inkaarta haysata dalkeenna iyo dadkeenna. Damqasho kama lihi gabaddanada iyo fooraha qaybta dambe ee habeenkii iigu iman doona barta kaantaroolka laga ilaaliyo madaxda dhiigmiiratada ah ee macasha ku yeeshay cashuurtii ummadda silicsan. U badheedhista labadaas shaqoba kama fogi, balse waxa qudha ee aanan maalin maalmaha ka mid ah jeclaysan doonin waa inaan mar uun indhaha isa saarno anoo labadaas shaqo ku daaley, gubtey oo dhafoorradu i soo bexeen timuhuna dayac ila badh caddaadeen ama ila biibeen. Sidaas darteed haddii aad i arki waydid ha la yaabin waayo waan kaa dhuuntay aniga oo ka cararaya inaad xaaladdaas igu la kulanto dabadeed ay naxariistaadii badnayd dareenkaaga gilgilisho oo ilmadu ku-talagal-la’aan kaaga hililiqlayso.
Xaaladdan iyo xilligani waxay iga dhigeen lafow dhagax iyo bir finiin ka hadhay, taas oo dheef dadnimo u ah gaar ahaan qof ku nool dal rafaad noloshiisu tahay sida keenna oo kale. Ragganimakorodh, adkaysi iyo waaya’aragnimo aan yarayn baan ka qaaday oo malahayga ah dheefta qudha ee waayahani i baday, balse haddana isla xaaladdaasi waxay iga dhigtay qof ka geddisan kii aad taqaanney oo qallafsan, dareemmadii debecsanida lahaana agtiisa ay mood ka noqdeen.
Bushaarada qudha ee aan naftayda kaaga sheegi karo waa inaanan luminin rajadii, inkastoo iyada lafteedu aanay sidii aad u ogayd markan u balaadhnayn. Ballan aan naftayda la galay mar fog welina aan kula jiro kulana jiri doono ayaa ahaa inaanan marna lumin yididiilada maxaa yeelay naawilaaddu waa halka arrin ee qofku kaga badbaado dhimasho-noolaan. Waa dabeecaddii ifka in qofka wakhtigu hakiyo se waxa uu kaga baxsado ayaa ah rejada iyo yuhuunta hore u wadda ee tusaysa hirarka barwaaqo ee meel aan fogeyn ka bidhaamaya. Ma aan lumin dhoollacaddayntii iyo qosolkii oo aan hadda sidii aad taqaaney aan u badnayn. Isma aan dhiibin.
Inta aan caleentaydu caddaannin ee aanan iilan ifkana arsaaqad iyo ayaamo iigu dhimanyihiin, wanaaggaagii illaabi maayo, dadnimadaadii aqoonsan waayi maayo, xasuustaaduna iga hadhi mayso. Abaalkaagii gabi maayo, haddii aan gudi waayana waan kuu ogsoonaan. In aan samo kugu xusuusta waa ballanta kalgacal ee aan fulinteeda karayo. Waxad ahayd gobanimadii oo dhammays ah, asluubtii iyo akhlaaqdii oo la qofeeyey iyo ilays aan dadka dheeraa muddadii aan wadaanta jacaylka wada haynney. Daryeelkaagii, xilkasnimadaadii, dadnimadaadii, kalgacalkaagii, naxariistaadii, bashaashnimadaadii, dhib-ka-dhawristaadii, raalligelintaadii iyo mahadcelintaadii sabab la’aanta ahayd ee aan kugu gacal-cuni jirey waan tebi doonaa. Awal waxaad mudnayd hanasho, sidoo kale haddana waxaad mudan tahay in aad noqotay hiraal lamahelaan iyo suurad sahal-laguma-gaadhaan. Noloshii bilnayd ee aan ka warrankeeda kugu harqin jirey, waxan moodi jirey run iyo hawlo gaadhistoodu fududdahay, mar dambe ayaan se ku baraarugay inaan mooyaqooqaar ku jirey. Caku war la’aan iyo waaya-aragnimo la’aaneey!
Ilayskaaga ka sii durkaya goobta aan joogo dareenkayga, wuxuu uga dhigan yahay sidii qof gurigiisii oo gubtey dhinbiishii u danbeysey oo sii basaysa markhaati ka noqday,laakiin miyirkayga wuxuu u la mid yahay sabool gacalkiisii soo martiyey oo inta sooray si fiican u anbabixiyey. Ololka laabta marmar ku soo kaca waxa aan ku demiyaa heestii galbashada ee Jaango qaadi jirey midhadhkeedan: “Waayuhuna gees buu/gacantayda dib u xidhay/kuna gaadhi waayee/galbataye nasiibkaa/anna samir guddoonsaday.” Waxaa se mudan in aan kuu sheego, wakhtigu wuu gudbayaa, duruufuhuna way la socdaan, nolosheennu uma istaagi doonto in aynu isweyney, keliya waxa aynu u noolaanaynnaa si ka duwan sideennii hore. Kelinimadu waa khasab se wehelnimadu waa dookh, ha uurxumaan gacalooy.
Iga raalli ahow, haddaan hadalkan caloolyowga ah kugu dheereeyey. Boqoraddii geyaan ugu qiimaha sarraysayeey, farriintani ma aha laabqaboojin ee waa qirasho, waa dhiirranaan iyo geesinimo la moodo nacasnimo, waxaanse ku dabaqanayaa dadnimadaydii iimowdey intii aan aamusnaa. Waxan kaaga tegayaa maanso kooban oo aan isleeyahay hadalka aad maanta oo dhan shubaysey way soo koobaysaa. Uma baahnid inaan murtidan kooban kuu qalo waayo xariifad xeeldheer baad ku tahay suugaanta. Tixdani ma aha kuwii jacaylka ahaa ee dhoollacaddaynta joogtada ahaa kugu sababi jirey, mana aha suugaantii guud ee nolosha ka warramaysey ee aynu wada faallayn jirney. Waa sadarro kooban oo uu tiriyey gabyaa Axmed oo ka mid ah saaxiibbaday iyo akhyaarta qaaliga ah ee aan dunida ka bartay. Waa dareen dhab ah oo noqon kara mid xanuun kulul balse ka turjumaya runtii aan ku ballannay inaan isu sheegno hadday wax walba dhacaan. Nabadeey gacaliso, nolol qaayo leh ku noolow:
“Rajaxumo i haysaa jirtoo ruxaysa laabtayda
Mana hayo nolol raaxalood ila rafiiqdaaye
Mana rabo berri aawadeey in aad rafaadaaye
Iska guurso ruux kale anaa kaaga raalli ahe!”