Sida ugu haboon ee takhasus lagu doorto

Sida ugu haboon ee takhasus lagu doorto

W/Q: Ilyaas Maxamed Diiriye

Waxaad hadda kasoo qalinjibisay dugsi sare, waxaa kaa dhex guuxayo fikrado badan, waxaad dareemaysa culays xagga nafsadda ah iyo mid ehelka kaaga imaanayo. Waxaa lagaa sugaya in aad go’aan qaadato, takhasuska aad baran lahydna doorato. Marka ha walwalin, taladaan yarna ka qaado arday kaa horreeyay, heerka aad hadda ku jirtana soo maray.

Xog uruurin ay samaysay mu’assasada Gen FKD ayaa waxa lagu shaaciyay muhiimada ay leedahay shahaadada jaamacada. Xog uruurinta ayaa sheegtay in 45% fursadaha shaqada la is weydiinayo shahaado jaamacadeed. Sidaa daraadeed, waxaa muhiim ah, in ardayga uu sii wado geedi socodkiisa waxbarasho, takhasus ku haboona uu doorto. Ardayga takhasus inta uu dooran ka hor, waa inuu is weydiiyo qodobadan muhiimka ah:

Tan koowaad ayaa ah, in ardaygu is waydiiyo waxa uu jecelyahay ama si gaar ah u daneeyo. Tusaale, waxaa laga yaaba inuu ardayga jeclaa ama ku fiicnaa intuu ku jiray waxbarashada iskuulka maadayooyinka suugaanta(arts) ah sida taariikhda, carabiga, iyo juqraafiga, marka ardaygaas hadii uu doorto takhasus la xiriira waxyaalaha uu daneeyo, waxaa hubaal ah inuu ka keeni maro natiijo miro dhal ah.

Tan labaad ayaa ah, in aradaygu is weydiiyo inuu awoodo inuu kasoo baxi karo maadada uu rabo inuu barto iyo in kale, awooddaas ayaana ukala baxdo labo nooc. Mid waa awood shakhsiyadeed oo ah sida inuu ardayga u diyaarsanyahay barashada maadada uu rabo, caqabadaha kasoo wajihi karana sida layliyada faraha badan, imtixaanada, iyo waqtiyada xiisadaha u babaac dhigi karo. Tan kalena waa awood maaliyadeed; sida in ardaygu isweydiiyo inuu kasoo bixi karo takhasuska uu rabo inuu barto qarashaadkiisa iyo in kale.

Qodobka sadexaad waa inuu ardayaga isweydiiyaa takhasuska uu rabo inuu barto waxa uu mustaqbal tari karo. Tusaale, dunidaan aan ku noolnahay maalinba maalinta ka dambeysa waa ay sii hormaraysa oo waxaa soo baxayo teknoolajiyad cusub sida; Robots iyo 3D Printing Machines, kuwaas oo badali doono shaqayooin badan sida takhasusyada la xiriira soo dhaweynta, naqshadeenta iyo wixii la mid ah. Waxa kale oo muhiim ah, in ardaydu la socdaan in ay jiraan takhasusyo mustaqbal fiican leh sida: Programming, Data Science, Medical Technolgy, Environmental Studies iyo kuwo kale.

Sidaa daraaded, ardaygu waa inuu la tashtaa lataliyaha ardayda iskuulka uu dhigto, haddii aysan madarasada laheyn lataliye u gaar ah ardayda , taas badelkeeda waa inuu ardayga la tashtaa macalin si fiican u yaqaano isla markaana weydiiya kana xog-wareysto meelaha uu ku fiicaan yahay iyo takhasuska ku haboon.

Marka ardaygu ogaado awoodiisa, takhasuska uu xiiseeyo, iyo inuu mustaqbal leedahay takhasuska iyo in kale, waxaa muhiim ah in uusan ardayga degdegin oo waxa laga rabaa in jaamcada uu wax ka baran lahaa si feejignaan leh u doortaa, isagoo ku qiimaynayo jamacada uu rabo inay xarumo ka caawinaayo geeddi socodkiisa waxbarasho leedahay iyo in kale, maktabad iyo lab heer saro ah. Marka waxaa haboon ardaygu inta uusan ku biirin jaamacada inuu kormeer ku tagaa, xarumaheeda fiiriyaa, ardayda dhigatana si fiican u wareystaa.

Tan kale oo muhiimka ah waa in aanu  ardaygu ku daysan saaxibadiis ee waxa uu jecelyahay bartaa, waxaa jirto arday badan oo culays asxaabtooda kaga imaanayo darteed takhasus aysan rabin u galay, kuwaas oo markii ay sanado dhigteen ka shallaayey. Sidoo kale waxaa dhici karto in cadaadis xagga waalidiinta kaga imaado inuu la kulmi, kaasi oo sababi karo inuu ardayga aado takhasus uusan rabin, waxaasi oo dhan wax ay u baahanyihiin ardayga inuu ka taxaddiro una shidaal qaato.

Ugu danbayn, waxaan kula talin lahaa ardayda inaysan welwelin oo ay ogaadaan heerkaan ay ku jiraan inay tahay wax la soo wada maray lagana gudbaayo. Marka ha istikhaaraystaan, dadka ka agdhow ee ay fursadda u heli karaan ha wareystaan, kadibna takhasuska ay jecelyihiin ha bartaan. Dhamaan guul ayaan idin rajeynayaa.

Fiiro gaar ah;  ardayga marka uu dooranayo takhasuska qaacidadaan haka qiyaas qaato رفق oo u taagan:
رغبة: Ma jeclahay oo ma xiiseeyaa takhasuskan

فرصة: Takhasuska fursad ama mustaqbal ma leeyahay
قدرة : Ma awoodaa oo maka soo bixi karaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *