Qoomamo| Sheeko gaaban

Qoomamo

WQ: Mooge umal

Weligay intii aan jirey, maanta maalin igaga xanuun badan ima aysan soo marin. Inaan ka badbadinayo ayaan moodayaa, aniga oo xanuunka i hayay awgii si dhab ah u dareemay dareenka xanuunka badan ee ay leedahay xaqiraadda iyo bahdilku. Xumaan oo idil ayaa uu naftayda ugu abtiriyay oo meel hoose oo huluul ah i geeyay. Hal mar baan ku abtirsaday nolosha fakhriga iyo gaajada, intaas oo dhan la iguma dayn ee waxa aan kaga sii arooray laan gaaban oo daal iyo doqonimo la yidhaahdo oo inta dad nool cid jecel oo ogol aysan jirin. Maanta waxa aan si dhab ah u dareemay sida qof inta la dulleeyo oo la liido haddana loo maago oo isaga oo waxaas oo dhib ah qaba keligii eedda loo saaro sidii kitaab dayn ah oo culus uu duudkiisa ku sido. Hal ilbiriqsi oo aan xafiiska joogay ayaan daalayaa oo ilaa maanta sida aan noqon doono ka fekeray. Maxaa yeelay fekerka xun isaga ayaa wax walba ka daran. Mar hore waxa aan akhristay in marka naagaha hoogga iyo basanbaaska ku soo koray la maago ay dareen macaan laabta ka dhadhansadaan oo libtiisa carrabka ku calaashtaan. In aan dhintay ayaan is moodayay oo ay qoloftayda oo qudha kursiga saarantahay. Wax badan baan khayaalkayga foofiyay oo aan ka fekeray dulliga, iyo sidii aniga la ii galay ee la ii xaqiray. Iyada oo aan la ogayn ayaa la i xaqiray, balse iyaga niyadwanaag iyo xumaan uurkooda ku jirto kii ay ahaataba, aniga silic iyo saxariir aan galay ayaa uu ii ahaa. Aamus aan qurux iyo xarraga lahayn oo aad modddo kii saboolka iyo doqomada ayaa aan ciirsaday, oo laabtayda ku dhayay. In aan or iyo qaylo isku daro oo aan dhulka ku carto ayaan damcay, se aniga oo aad u kurbaysan oo xanuunkii xaqiraadda iyo bahdilaaddu ii geystay la darbaysan ayaan neef gobanimo leh qaatay, isla markaana ibtiladii i heshay garwaaqsaday.

Kursiga inta uu gacmaha saartay oo suxullada ku muday ayuu sidii qof ila talinaya hadal badan dudubiyay. Inaan hadli kari waayo ayaan ku sigtay, laakiinse hal mar baan erey aan macnihiisa garanwaayay idhi, haddaan xusuusto waxa uu ahaa hadal aan islahaa isku dhaafsii, dabadeed aniga oo dibnaha i qalalay carrabka ku qoynaya ayaan idhi: ” Erey kasta oo aad i tidhi dhega daloola ayuu ku dhacay oo hadalkaagu waa mid gar ah!” In uu qofku naftiisa sidan oo dhan u illaawo ma ah wax lala yaabo, waayo aniguba inta aan is illaawayay ayaan sidii malaga nafta oo ila talinaya u guntay ereygiisa kulul ee xubnahayga gubaya. Naftayda gobee oo rejo wacan oo aan isa siiyay ayaan is idhi ku fara adayg oo nolol wacan oo aad jeceshahay gaadh. Balse isma odhan sidan baad noqon doontaa. Waxaan isu arkay addoon yar oo sayidkiisa gacmaha u duugaya, waxa aan isu arkay inaan dhintay oo naftayda dulleeyay oo aan anigu sidaas ku xumeeyay ku burburiyay wanaag kasta oo aan naftayda la jeclaa. Cid allaale iyo cid aan eersandoono ma jirto. Qabku waa cadow haddii aad i odhan lahayd waa aan kaa akhrisan lahaa; balse taasi waa been, been baad Ilaahay u sheegtay! Maxaa yeelay anigu intaas oo dhan waxa aan la xanuustay waa sida qabkayga loo dilay ee aniga oo arkaya inta qoorta lagaga istaagay hortayda lagu dulleeyay. In sidaas loo dilo oo keli ah ayaa xanuun oo dhan iigu filnayd, in xitaa nolosha lagu silciyayay ee la dulleeyay ayaa wax kasta oo i gaadhay igaga daran oo igaga sii xanuun kulul. Inaan dhaqankayga wanaagsan muujiyo ayaa jeclaystay oo meesha aan doonayo habsamidayda ku tago oo ku hanto, sidii ay dad aanan aqoon iigu bogi lahaayeen ayaan isu muujinayay. Waxase aan haddana ka xumaaday inaan noloshayda sidaas yar ee fudud ugu hibeeyo dad xunxun oo qalaad. Waan jabay oo jab keli ah kuma joogsan ee si xun baan u riiqmay. Maanta wax kasta oo i gaadhay doonistayda ayaa ku calaamadsan, iyada ayaana ii hoogga ii horseedday, oo sidii aan doonayay iyo sida la ii galay waa ay kala fogyihiin. Doonistu waaba dhibaato, oo dhab ahaan wixii aan la kulmay anfariir buu igu riday, aad baanna u xanuunsaday, inta macna idil uu leeyahay ereyga Xanuun!

Kursi sal wayn oo qurux badan ayaan ku fadhiistay oo dhexdiisa wayn ku dhex dhacay, sidii in aan god wayn ku dhacay oo aan qaarka sare kala soo jeedo. Inta aanan si baar leh u fadhiisan ayaan wanaag kasta oo aan jeclaa ka fekeray, haddana waxa aan ka sii welwelay haddii ay waxba qabsoomi waayaan, haddii ay waxba dhici waayaan ka warran? Ayaan laabta iska idhi. Waxayse ay noqon ma aanan ogayn.

Tallaabada koowaad ee aan jaranjarada saaray ayaa hawo culus oo qabow iyo kulayl midna aan ahayn oo huur ah ayaa i saaqday. In aan god madow oo dhusunka u daloola sii galayo ayaan moodayay, balse jaranjaradu kor ayay u sii jeedday oo qayb sare oo dabaqa labaad ah ayaan u sii koray. Jaranjarada intii aan sii korayay oo dhan hawo cabudhsan iyo cimilo huur ah ayaan madaxa la sii gelayay. Jidhka ayaa hawadan diidaya oo wejiga sidii wax aan hanfi mooday ayaa iga leefay, balse haddana dhalooyin baa dhinac walba ka muuqanayay markii aan dabaqa sare soo koray. Hal midab oo aan sheegi karo ma lahayn dhalooyinku, balse dhexda ayaa balaastiig kaga dheganaa, oo midab khafiif ah oo aad bac madaw moodid ayaa ay lahaayeen, waa dhalooyin qaro waawayn oo culculus, mid waliba dabadeeda waxa yaalla qalab xafiis oo cusub. Inkasta oo aan jaranjaradii cidhiidhiga ahayd ee dhuubnayd ku cabudhay, haddana waxa aan ka sii xumaaday sida dhaloyinka casriga ah ee wada dhalaalaya dabaqan u buuxiyeen. Meel walba bir culus oo ballac wayn baa taalla ama soo sudhan oo waraaqo balaastiig ah oo wax ku sawiranyihiin ay ku dheganyihiin. Derbiyada looxyo la jarjaray oo midba qaab leh loo dhigay ayaa ku dhegan. Mid goobo u eg ayaa dhinac walba ku dhegan oo xagal kasta oo derbiyadu isugu yimaadaan looxaas oo xagal saddex gees ah ka samaysan ayaa ku dhegan. Dunida maanta dabaylaha carsriga ayaa dhidibada u rujiyay, sidii geed damal ah oo salka laga gooyay, oo dhulka si naxdin iyo walbahaar leh u jiifa. Wax kasta waxa ay noqdeen balaastiig ama dhalo wayn oo meel taal. Wax kasta dhalo iyo qalab cusub oo naftu diidayso ayaa la dhigay oo lagu qurxiyay.

Run aantii mar kasta oo aan arko sida uu casrigan dunida u foolxumeeyay ee maadiga qalalan ee abaarta ah uga buuxiyay waxa aan ka welwelaa nolosha danbe ee la noolaan doono, ama aan joogi doono aniga oo waayeel ah oo aad moodo inaan markhaati ka ahay wixii danbe ee casriga baas qarribay iyo sida uu u gamuuray ishii maaxda ahayd ee nolosha dabiiciga u burqanaysay; ama kaymihii la gubay, dhirtii la gumaaday, xoolihii la gabawaray, dadkii hayaamay iyo dabeecaddii dhulka iyo aadmiga ee la dhalanrogay, waxa aan aayaha danbe ee fooshaxun si caloolyow leh uga sheekayn doonnaa dheregdhacsigii hadimada keenay, hantigoosiga cirka wayn iyo wixii uu uunka u geystay, iyo umadihii hagaasay.

Wixii aan marba bir iska riixayay oo culayskeeda gacanta sii raaciyo si aysan u dhicin, waxa aan markii danbe galay oo u soo gudbay xafiis qabow oo neecow gacan-ku-rimis ah oo aan dabiici ahayn ka soo boodayso bir derbiga ku dhegan oo caag cad ku dahaadhanyahay. Neecowdaas waxa aad moodaysaa inay laabtayda oo daldaloosha gelayso, mar kasta oo neefta qaatana sidii oo uu naqaska igu dhegayo ayaan mar kale neef culus dib u qaataa. Qalabkaas iyo aniga cadaawad baa naga dhaxaysa, col baan abidkay ahayn! Weligay marka aan arko marwaxad babanaysa waa aan ka durki jirey oo weligay ma macaansan neecawda hanfiga wadata ee ka soo baxaysa. Waa dabeecad igu gaar ah oo diidan wax kasta oo cusub oo dunida lagu soo kordhiyo, waxa aan jeclahay dunidu inay dhul dabiiciya oo udgoon noqoto, inay ka nabad gasho birahan qallafsan ee meel walba ku dhegan, caaggan foosha xun ee midabada la mariyay ee meel ba sii foorara, balaastiiga madow ee meel walba ku tolan ee gacantu diidayso. Inta aan xafiiska fadhiyay waxa ka badnayd inta ay indhahaygu qabanayeen kuraasta sida boorsooyinka buurbuuran ee qallalan, miiska looxa adag ee midabka leh ee kaambiyuutarku saaraynayahay, koob dhalo ah oo xarriijimo leh oo dhinac yaal. Miiska dhexdiisa intaas oo god oo yar oo midba wax ku jiraan ayaa ku yaal, waa godad yar oo mid qalimmo ku jiraan, mid kale wax aanan garanayn oo midab cad leh oo sida qalinka u samaysan oo foorara, waa aniga oo aan aqoon qalab badan oo xafiis laga isticmaalo oo sidan agabkan foolxun.

Cabbaar ayuu ii eegay sidii qof miyi ka yimi oo dhaygagsan, isaga oo aad moodid in uu diihaal iga muuqda ka damqaday, oo indhaha si feejigan iigu dhugtay. Goortaas ayaa aan naftayda bahdilay! Wax walba oo markaas dhacay aniga ayaa eedeeda leh. Haybadda aan dhalanka ahayn ee ninka I horfadhiya ka muuqata iyo khushuucda iga muuqata awgeed; xafiis kan ay xafiiskan sida ka badbadiska ah loo bilay in aanan u qalmin ayaan isugu sheekeeyey! Waan u ogahay qofku inuu naftiisa naco sahal ma aha, oo duunkiisa marka la fiiriyo waxa ay noqon doontaa jariimo oo wayn oo ku daabacan qabriga xusuusaha madmadow ee aan dib oo danbe loo akhrin doonin lana faagayn; isaga iyo naftiisuna waa ay lumayaan oo waxa ay ku abaadi doonaan nolol aan jirin oo aan weligeed bilaabmin, taasoo ah daabaqad uusan weligii ka bogsan doonin. Waa markii koowaad ee intaan noloshayda qof eegay isku khajiladay, oo inta aan yabaalkii i galay hoos qoorta u rogay ayaan iskula sheekaystay:

“Ma sidan oo dhan ayaa dadku u hoogay oo loo dulleeyay. Ma tabta aan maata ahay ayaa uu ruux walba oo himilo nololeed leh, u hanhabay, oo isaga oo is ogayn u hantaaqay, mid uusan weligii ka soo laaban doonin. Hanjabku waa dhmmaadka nolosha iyo riyada, oo qofku hantaaqada gaadhay in uu dib uga soo kabto waxa ay u muuqataa isla riya kale. Maxaad sidan naftaada ugu gashay? Ayaan weli is waydiinayay, oo damiirkayga ayaa i gubayay. Naftaada ayaad xumaysay oo aad xaqirtay. Qof aad wanaag ka filayso in aad sidan u eegto, adiga oo aad moodid in Ilaahay baryaysid, oo inta aad qoorta laalaadisay laabtaada hugun aadayn ogayn ka baxayo, ayaa ah halka ugu horraysa ee uu dulligy nolosha ka galo, dulliga hanyaraanta, dulliga addoonimada, iyo ka fulaynimada ah. Qofkani in uu wanaajin karo haddii aad u malayso ayaa ah doqonimo wayn oo ciqaabteeda laga helo midhaha qadhaadh ee aad guran doontid mar kasta oo naftaada wanaaji is tidhaahdid. Ma in uu qofkani shaqo ki siiyo ayaad sidan oo dhan indhaha ugu rogatay. Runtii nafyahay doqonta ah maanta adiga ayaa boqonta is heeray. Bal eeg sida qofkani isu arko. Waxa uu isu arkaa axadka keli ah ee ku taageeri kara isla markaana ku siin kara talada ugu habboon ee qof ku hodmo karo, isaga oo madaxiisa qab ka buuxo, oo aad ula dhacsan hadalkiisa. In uu qof aadmi ah oo run ahaantii u taabyar sidan isula qumanaado, maxaa ay noqon kartaa, amase maxaa lagu qeexi karaa?”

Olol baa laabta iga baxay oo xubnaha oo idil i saameeyay. Faraha hore ee gacmaha ayaan ka dhididay oo hanfiga i leefay ee marawaxada ka soo baxayay ayaa ay oogadaydu ka dubaaxisay oo farihii qoyanaa ayaa aan wejiga ku duugay. Wahab baa foolka iga saaran, oo aad baan u itaalxumahay sida aan malaynayay. Niyadda nitaaqo iyo culays baa igaga jirey, oo dubaaqayga caloolyow ayuu la gubanayay. Haddii aysan niyad jirin, haddii aan feker qurux badan jirin, run ahaan nololi ma ay jirto. Isla egtii, Kaand ayaan soo xusuustay, oo iyada oo iskeeda halxidhaale u ah, haddana fekerku waa dhabbada loo maro ujeedooyinka iyo hanka sare ee uu ruuxu doonayo. Koodh madow uu oo gashanaa inta uu iska bixayay oo katabaanka saaray ayuu kursigii waynaa ku soo fadhiistay. Anigu intaas oo dhan waa mar aan eegayo afkiisa wayn iyo mar aan aniga oo qandhaysan dhegaysanayo codkiisa wasakhda ah ee dhegaha iga gelayay. Inta uu hadlayay anigu waxa aan hadba jalleecayaa dhinacyada iyo gerbiyada qolka aan ku jirno oo ah biro foolfoolxun oo dhalaalaya meelba ka soo lushaan oo ay meelo kalena ku dheganyihiin. Kursiga uu ku fadhiyay ayuu xoogaa yar ka hinqaday, dabadeed ayuu ila hadlay, aniga oo markii u danbeysay dhegaysan doona.

“Sidaas ayay inoo ahaanaysaa. Adiguna qaado taladayda oo naftaada dhis oo si wacan wax u baro. Waad helaysaa shaqada, markaasna taladaydu way ku anfici doontaa. Haye, sidaas bay inoo ahaanaysaa..” Ayuu hadalka ku dhammeeyay isaga oo gacanta soo dhererinaya oo ay indhihiisa fariidnimo ka muuqato, isaga oo aad moodo inuu ka helay sida uu iila taliyay. Sidii uu addoon ku giijinayo qawlallada ku mudan iyo silsiladan ku go’an.

“Waayahay, gudoomiye. Barasha wanaagsan.” Ayaan ugu warceliyay aniga oo kursigii waynaa ka soo kacaya oo gacanta u taagaya si aan isu gacan qaadno markii u danbaysay ee aan gacanqaadi doono qof jaadkan oo kale ah, oo ah astaan ay leeyihiin hantigoosiga cirka wayn, ee dhaqaalaha u tabcanaya si ay u jilaan heer nololeed oo lamid ah heerarkii dhulgoosiga ee ay reer yurub ka soo gudbeen. Hantigoosiga soomaaliga ahi waa qof wadaad ah oo aad cirwayn, oo aan Ilaahay aqoon, oo aan dadnimo lahayn, oo aan lahayn tilmaamaha dadnimada korran ee geesinimada, deeqda iyo dabciga macaan, oo aysan maankooda ku jirin himilad hiraysa ee uu leeyahay qofka hanka leh, ee dadnimada sare leh. Ninku aad buu muuq ahaan u ladnaa, oo dhantac baa ka muuqday sida uu jeegada u xoqayay, sidii aan aan horjoogay taliye aabi la naaxay. Hantigoosigu waa xar galay dhudda geedka nolosha iyo dabeecadda oo doonaya in uu bolol ka dhigo. Xeerar aan dhalad ahayn ayuu nolosha ku soo kordhiyay, sida uu oogadeeda uga soo buuxiyau birqalaxda iyo daasadah cammaarigaa ka badan ee qolka aan ku jirey xagal walba yaallay. Hannaanka uu isagu abuuray ayuu ka dhigay sida ugu habboon ee ay tahay in loo noolaado, oo shaqada iyo hantida ee maanta haysto waxa uu doonayaa in uu ku helo heer iyo maamuus uusan geyn, si uu dadka u gumeeyo. Taasi waxa ay igu abuurtay in aan ka fekero ibtiladii aan la kulmay markii shaqada doontay, oo waxa ay i gelisay dareen aanan markaa hayn oo ahaa, sida ay u wayntahay naftu, maalinkaa ka hor naxligii i galay oo kale ma dareemin, oo aniga oo feker ahaan bedqaha ayaa ay haddana ruuxdayda dhalanka ahi i gubaysay, oo damiirkayga kalsooni baan siiyay oo igu hagi doono meel walba, isaga ayaa i solansiin doona talada habboon ee aan qaadan doono.

Dib baan u qaaday wadadii iyo jaranjaradii aan soo koray, aniga oo is canaantay oo aan weligay illaawayn sidaan uga qoomameeyay. Jaranjarara markii aan ka soi degayay hawo fudud oo macaan baa hoos ka imanaysa aniga oo og in laydhan macaan ee jaranjarada yar soo gelaysa si wacan ii doojinayso oo aan macaansanayo. Neecowdii xorriyada oo hoos ka imanaysa ayaan u haystay oo bakhtiinaysa dabka iga baxaya. Wax kasta oo igu dhacay neecawdaas yar ayaa iga maydhay oo laabtayda xariir ka dhigtay, balse waxa aan si gaar ah u garwsaday qofku in noloshiisa xaqiro dhibaatada ay leedahay, iyo midha xun ee aayaheeda goosan doono. Jaranjarada oo gaabnayd haddana inta aan isla sheekaysanayay ayaa wakhti badan ila noqotay oo waxa aan moodayay inaan cabbaar hoos u sii deganayo. Waayo haddaan anigu markii hore is xaqiri lahayn waxan oo dhan ima aysan haleeleen, aniga ayaa islahaa uma qalantid meeshan oo kale, aniga ayaa islahaa ma tihid qofka u mudan, waa run ma ihi qofka u mudan, balse haddana waxaas oo dhan oo jirrab iyo kadeed ah inaan muto ma aysan ahayn. Gobanimadii ruuxdu lahaydna waa aan baylihiyay oo guuldarra i qabsatay.

Qaybta hoose ee shirkadda dad badan oo kala duwan ayaa dhex ordaya oo dhammaantood wada hamuumaya. Wax ay la ordayaan garan maysid balse mid waliba waraaq cad oo khad madow ku qoranyahay ayaa uu la ordayaa sidii oo ay gacanta ku qabsadeen kitaabkii loogu qoray wixii ay camal adduunka shaqaysteen oo lagu yidhi akhriyaa waa kan kitaabkiinniiye.

Sidii qaybta sare oo kale ma kulula oo inay meel dabiiciya tahay oo ay laydh macaani ku gelayso waad dareemaysaa. Laba irrid oo waawayn ayaa dhinacyada kaga yaal, midka jihada hore ee wadada wayn ku beegan ayaa uu geed ku hor yaallaa oo caleemaha ruxmaya ee dhirta ayaa hawa macaan oo kale u samaynaya, oo mar kasta halkani waa meel qabow qaybtani. Sidii qaybta sare ayaa meel walba oo qaybtan ka mid ah dhalo wayn oo dhalaalaysa ku beegantahay. Xafiisyo yaryar oo googo’an oo wada dhalo ah ayaa ku yaal, meel walbana dhalo iyo waraaqo baco ah ayaa ku dhegan. Derbiyada midabkii oo kale ayaa ku dhegan iyo looxyo midab la mariyay oo sidii goobada oo kale u samaysan. Biro cadcad oo jiidjiidan ayaan ku hoos yaal oo aan is idhi in la cuskado ayaa loogu tala galay. Kollay meel indhaha u roon ma aha, waa meel lacag uun laga uun loo yimaaddo oo aan naf kale oo wax jecel dhex joogin. Foolxumo wayn oo aad mooddo in la qaayihay ayaa gudaha iiga muuqatay, dad sidii agabka oo kala wada ruclaynaya, oo dadku waa ay wada fiigsan yihiin, waxaad moodaysaa in halkan qorraxdii la keenay oo bankii qiyaamaha la taaganyahay, sida uu qofka kasta u daallanyahay oo ay tiisu u cuslaysay. Aniga oo jaranjarada ka soo degtay oo meel dhexe maraya ayaan isha ku dhuftay waraaq wayn oo balaastiig yar oo khafiif ah marsanyahay. Derbiga igu beegan ee irrrida wayn ee hore ku aadan ayay dhinicisa ku dhegantahay. Sidii looxad duug ah oo beri hore lagu kaydiyay taariikhu duug ah oo abaaday ayaan ku dhaygagay, waxaan ka fekeray sida noloshu balaastiigga yar ee khafiifka ah ugu ekaatay ee sidan oo kale wax kasta isu beddeleen. In fankii quruxda badnaa waraaqdan dhexdeeda lagu dulleeyay ayaan qalbiga muggiisa dareemay oo cod hoose oo xanuun badan ku reemay. Waxa ku sawiran aqal soomaali si xun kaambiyootarka loogu sawiray oo foolxun oo aloolkiisa aad moodaysid bac dhalaalaysa, doogga guriga agtiisa ku yaal sidaas oo kale ayuu u dhalaalayaa. Maqasha aqalka agtiisa joogta iyaduna tabtaas oo kale ayaa loo foolxumeeyay, oo loo hoojiyay, dabeecadda nolosha oo la godobeeyay ayaa ka soo baxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *