Mar Dhoof

WQ: Cabdishakuur Qodax

Mar Dhoof

“Balaayo cirka kula aadday.” Ayaad waligaa maqli jirtey. Habaar kan ugu daran ayaad u taqaanney. Waxaad taqaanney sidoo kale in qofka kibra loo arki jirey nin arladu deeqi wayday oo cirka isku maqiiqay. Dhab ahaan, balaayo aan la aqoon in ay cirka kula tagto waa wixii ugu weynaa ee aad ka baqan jirtey. Tiro ma leh Inta jeer ee aad arrintaas ka fikirtey. Subax adiga oo tuulada raashin rati kaga dooney ayaad aragtay qaari qaad uu magaalada ka keena jaadka. In marka abtigaa Geelle sifeynayo sida uu dheereeyo ku sheegi jirey diyaaradda dhulka ayaad xasuusatay. Cabbaar baad maqaaxi u dhow tan jaadka keenay ka eegaysay illaa uu dhaqaaqay oo sidii aad sawirkeeda haysay dhabowday, qaddar aad kabo shaah fiiqsan kartona kaaga libdhay! Kuray ayaad ahayd aan waxba ka aqoon gaari, laakiin, sida xawliga ah ee aad muuqiisa durbaddiiba u wayday waxa uu ku xasuusiyey habaarkii aad taqaanney ee “balaayo cirka kula tagtay.”

Subaxdaa sida aad u aragtay qaad-walehaas waxaad garatey in adduunyadu ka weyn tahay kana duwan tahay tuuladda aad ku kortay. Carcar iyo xamaasad xoog leh ayuu gaarigaasi kugu beeray. Maalmaha qaar ayaad tuulada tegi jirtey bal si aad u aragto gaarigii aad la yaabtey, waad se ku hungowday dhowr mar oo aad tagtay. Galab ayaad aragtay gaarigii mid ka duwan kana qaabdaran. Waa gaari ciidan oo isla sida kii hore dheereeya. Siddeed nin iyo mid dhexda qoriga ka lusha ku taagan ayaa tuulada yimid. Dadka oo dhan ayaa yaqaanna, adiga se, waxaa kuugu horreysa saaka oo waligaa ma aadan arag. In aad waxan iyo waxa uu qabto baratid ayaad qorshey oo waxaad durba ug kacday kursigaad ku fadhiday. Sida ilma yar oo tuulo lagu yaqaanno laga fili karo waxaad xamaasad isla dhinac taagtay gaarigii ciidanka adiga oo kor u eegay wajiyadooda boorka leh, bal inaad hebello aad taqaanno uga garatid, midkood se ma aadan garan.

Intii gaarigu tuulada qaadka iyo sigaarka ka qaadanayey ayaad aragtay dhowr nin oo askarta farta ku fiiqaya. Waxa ugu weyn ee ay iskusheegayaan in ay tahay in raggani yihiin isla kuwii darraad galab tuulada ka kaxaystey sheekh Muriidi ayuu Raage Warfaa oo dhinacaaga taagani kuu sheegay. Ilma abti wada korey, laakiin tuulada ku kala lumay ayaad ahaydeen. Argagixiso ahaan in loo xirey ayaad dib ka ogaatey. Raggii ciidanka faraha ku fiiqayey ayaad sii eegtay, waxaadna garatey Xaaji Farxaan oo ay aabahaa Cigalle saaxiib yihiin. Labadiinnuba si faduul leh ayaad ugu tagteen odayadii oo aad sheekadoodii xansateen. Sida dhaqanku yahay, haddii agagaarka ay ciyaalku ka dhowyihiin looma sheego wax aan ahayn in ay dantooda iyo amarro la fil ah, galabtaa se, in aan la idin arkeyn ayaad sheekada ku sii bogateen:

-”Raggaan waa kuwii darraad foog qabtey ninkii Muriidi ahaa ee xerta ku haystey tuuladda” ayuu Sugulle Cabaade ku yiri Xandulle isaga oo tubaako uu goostey magaadkeeda la soo baxaya.

-”War Alle ka baq!? Ma kuwan ayey ahaayeen raggii macalin Muriidii xirey. Ilaahay idin dil oo idin doori. War waxaan yaa culimada ka qabta kadabkoodu ha go’ee.” Ayuu kaga jawaabey.

-“War culumadaada ma ahane niyoow naga aamus, Muriidi ayaadan aqoon e!” Ayuu Gahayr ku afjigay!

-“War naga aamus nacasyahow waxba lagaama waydiinayo hawlaha degaankee. Orod khamrigaad cabi jirtey iyo jaadkaagii doono, hadhowna raggu ha idin kala furfurno habraha meesha kabarada haysta. Nin xilkas ah oo arrimaha tuulada waxa laga waydiinayo sidiisa ayaad u hadlaysaaye, culimada hilibkooda iska daa!” Xandulle ugu hal celiyey Gahayr oo dhabarkiisa ka hadley. Gahayr balwadda waxa u dheer dabeecadxumo iyo dulqaadkiisa oo aan badneyn. Waa labada wax ee dadku ku naceen. Laakiin, isagu jacaylka dadka mar hore ayuu ka tala baxay oo waxa u qaacida ah baydkii Cali-Dhuux Aadan ee; “Ninna ima taxaaboo anaa tay ku meel mara…”

In door ah haddii hadalkaas lagu kala aamusnaa ayuu Gahayr soo tuurey hadal raggii meesha joogay iyo adigaba kaa yaabiyey. Walow aadan fahmin ujeedka hadalka, haddana, in laysku diley ayaad ka fahamtey sida uu hadalku u qaabdarraa. “Xaaskaaga ayaa igu jecel intaas oo dhan…” ayuu Gahayr kaga jawaabey xilkasnimodarradii Xandulle ku eedeeyey. Inta uusan hadalku afkiisa ka dhammaan ayuu Xandulle qorigiisa oo xabbad ku taagneyd degta kala soo degay oo Gahayr xabbad madaxiisa ku hubsadey. Walow aad naxday, haddana, sida Raage u qayliyey ee u cararey ma aadan sameyn. Nin calool adag oo aan naxdinta aqoon ayaad ahayd, maanta se dhab ahaan ayaad u aragtey nooca naxdin ee dhacda kuwa ugu daran.

Gahayr dhulka wuxuu ku dhacay isaga oo naftu ka hoyatey. Waxaa xigay se Xandulle oo isaguna si degganaan iyo qabweyni ku jirto kursigiisa ku noqday. Xabadda walow la gartey in ay qof iyo godkiisa iskugeysay, haddana, dadku ma garan in ciidanku riday ama lagu riday iyaga. Waxaa lagu soo xoomay halkii raggu ku shaxayeen ee mashaqadu ka dhacday. Dhiigga ciddii guduudneyd xinjirta ka dhigay iyo ninka duryamaya ee ciidanku qabteen ayaa hooyadaa Cubtan kuugu timid. Galabtaa tuulada adiga ayey u timid si ay dugsiquraanka macalin Muriidi kugu darto. Degdeg ayey kuugu yeertay oo aadna ugu tagtay. Iswareysi gaaban ayaa idin dhex marey. In aad u sheegto waxa mashaqada ah ee dhacay aad ayaad ugu faraxsaneyd, iyaduse yaab iyo amakaag ayuu la ahaa in aadan naxdin xittaa ka qaadin falkaas.

Si fiican ayaad u xasuusataa galabtaas oo marnaba ma illoobaysid. In Xandulle qorigii laga qaadey, isaga oo gacmaha ka xiranna gaarigii orodka badnaa dhexdiisa la dhigay ayaad xasuusataa. In gaariga Cabdi-Bile la yiraahdo dib ayaad ka baratey. In loogu magac daray dheerayntiisa awgii orodyahan Soomaaliyeed oo Cabdi Bile Cabdi la dhahana dib ayaad ka ogaatey. In uu reer Laascaanood yahayna waa kuu saaka! Intaas oo dhan in aad wada ogaatey micno aan yareyn ayey noloshaada ku leeyihiin.

**

Tan iyo maalintii aad magaalo soo gashay waxa aad ku safreysay baabuur jeer aad raacday ama aad laftaaduba kaxaysay gaari qaad, weli se diyaarad ma aadan raacin. Subaxdii kuugu horreysay ee aad shaqo darawalnimo u baxdo waxay ahayd maalin aad adeerkaa Jimcaale gaari ku geysay tuuladdii aad ku dhalatey. In macalin Muriidi dawladdu xirtey oo argagixiso darteed ay u haysey muddo badan ayaad ogeyd. In la soo daayey oo uu sonkor u dhintey ayaad iyana tuulada ka dhex ogaatey. Xanuunka sonkortu in uu yahay mid loo dhinto, in ay rooxaani keento ama uu sida hargabka dadka ku soo noqnoqdo midna ma aadan kala aqoon. Markii aad wax baratey ee aad cilmi maaddi ah kororsatey ayaad se ogaatey in uusan intaaba ahayn ee uu yahay cudur ay keento cillado jireed. Wax badan oo tuulada ah ayaad maalintaa fahamtey. In toogasho lagu xukumay ninkii Xandulle ahaa ayaad iyana soo ogaatey.

Mid kugu adkaatey in aad fahamto ayaa jirtey maalmahaa aad miyiga joogtay, “xaaskaaga ayaa igu jecel…” ayaad dhinacna u qaadi wayday. Waad ku celcelisay, jeer aad adeerkaa la wadaagtey isna uu kuu sheegay ujeedka. In gogoldhaaf wax la yiraahdo dadku sameeyaan ayuu kuu sheegay. Ma aad fahmin bilowgii, jeer laguugu sheegay in looga dan leeyahay in haweenaydu nin kale la seexato iyada oo la qabo! “Oo ninku haddii isaga oo xaas leh uu naag kale la seexdo maxaa la dhahaa?” ayaad waydiisay adeerka. Kaagama uu jawaabin, badalkeedna adigu raadi ayuu ku yiri. Muddo ayaad ka fikirtey, wax aan gogoldhaaf ahaynna ma aadan helin, ama ugu yaraan, dan sidaas u weyn kama aadan gelin!

Saaka waxaad ku safreysaa diyaarad. Markii aad magaalo timid ayaa kuugu horreysay. Subaxdii ayeydaa Cibaado Boqorre xajka tagaysay ayaa kuugu horreysay arageedda. Waxay ahayd subaxdii kuugu yaabka badneyd noloshaada. Wax duula haadka samada ayaad taqaanney. Markaad xerowga ahayd ee aad guriga culimada dayrkiisa seexan jirtey ayaad la yaabi jirtey dhimbilaha cirka isqabsada habeenkii. Mar aad waydiisay wadaad kale ayuu kuugu sheegay in ay tahay shayaadiinta wax lagu rasaaseeyo, si aysan u dhagaysan codadka malaa’igta. “Oo malaa’igta maxay ka dhagaysan?” ayaad si faduulnimo ah u waydiisay. “Si aysan u maqal codadka hawlaha ay qabanayaan ee runta ah” ayuu kaaga jawaabey. Si fiican uma aadan fahmin, waxaad kaga gaabsatey in ay hawl diin la xiriirta tahay, waayo, waad ogtahay in aysan culimadu jeclayn xerowga su’aasha badan, waxayna ku af jigaan in lagu fitnoobo su’aasha badan. Subaxdaa ayeydaa diyaaradda raacaysay yaab ka duwan kii habeenkaas aad cirka ku aragtay ayaad la kulantey. In aysan ahayn haad samada heehaabaya ama dhimbilo shayaadiin la qabadsiinayo ayaa maskaxdaaada ka weynaatey. Farsamo aadane in ay sidaas u sarreyso ayaad la yaabtey.

Toddoba iyo toban jir miyiga ka soo xarooday oo iskuul magaalo ka galay ayaad ahayd. In aad raacdo oo gaariga lagu qaadayo ayeydaa ayaad go’aansatey. Abtigaa oo aad kuugu jeclaa dheganugaylka ayaa kaa ogalaadey arrintaa. Sideedaba, dheganugaylka waalidku badi wuxuu ku xiran yahay sida aad hawlihiisa ugu qabato, waayo, baarrinimaduba waa in aad u hoggaansanto danaha waalidka warkiisa aad maqasho. Si kaste oo aad u tahay qof dantiisa yaqaanna, mar haddii aad danaha waalidka ka soo horjeesato, waxaad tahay caasi. Adiguna taas markii aad ka aragtay abtigaa ayaad fahamtey. Hawlihiisa gaarka ah ma diiddid, isna, wixii aad damacdo wuxuu kuugu sameeya baarrinimaddaas.

Markii la soo noqday ayaad su’aalo waydiisay abtigaa. Su’aalo badan oo aad fahmi wayday ayaad is daba dhigtay:”Abtiyoow, diyaaraddaan maxaa dhulka ka celinaya?” Ayaad ugu horreysiisey su’aalahaagii. Abtigaa kuma quursan e, wuxuu kaaga jawaabey si degganaan ah, badawnimadaadana lama yaabin. Asalkaba, haddii badawnimadu tahay qofka oo jaahil ka ah waxyaabaha dunida saaran, abtigaa isaguna waa ka jaahil kawnka, waayo, waxa uusan garan karin waxyaabo badan oo dunida caan ka ah, suurtagalna waxa ah in uu diyaaraddan aad waydiineyso isaguba badaw ka yahay.

-”Abti gacaliye, waa sanco gaalo sameysay oo dhulka qalab ka celinaya ayey ku xireen. Ninka wadaa waa gaal, kan sameeyeyna waa gaal kale oo naga cilmi badan!”

-”Maxaa innaga oo Islaam ah noo diidey in aan baranno gaalkaas wuxuu bartey?”

-“Abti in aanu diyaarado sameyno na looma uumin, waxa ay tahay in aan sameynno waa in caabudno Ilaahay. Kaligiisna la addeeco.” Ayuu kuugu jawaabey isaga oo u gacan haatinaya oday da’ dhexaad ah.

-”Muslimiintu in ay ku shaqaystaan dameer miyaa la rabaa abti, mise in ay sidaada xaajiyad wadaan? Tan kale, haddii Ilaahay intaas noo abuurey, maxaynu jannadaba ugu caabudi waynay?!” Ayaad waydiisay adiga oo muraayadda ka eegaya qofkaas uu salaamay.

-”Waryaa Mahadoow, waxaas ha nagu wareerin e, maxay tahay maalmahan waxa aad u aadi wayday kitaabkaagii?” Ayuu mawduucaaga uga baxsadey! Waad fahamtey in ujeedkii sheekada la bedelay, dabadeedna waxaad kaga hal celisey hadal uusan jeclaysan, dood kalena ku furay:

– “Abti sheekhii iyo xertii oo dhan ayaa siyaaro aadey oo midkoodna ma joogo, markaa cid kitaab akhrisa ama dhigataa ma jirto”

– “Siyaaro! War illeen qolyaha qabuuraha caabuda ayaad u gacan gashay, oo shirkiga faafiya?!”

-”Qabuuro la caabudo kolley ma arkine, ma maytida in la xuso oo loo duceeyo ayaad diiddan tahay abti?”

-”War maytidaada ma ahane iga wad balaayada qabuuraha caabudda!” Ayuu hadalka ku soo soo xirey. Waad jeclayd in uu kaaga jawaabo waxyaabo kale, laakiin, in guriga la soo gaarey ayaa sheekadiina hakadka galisay. In aad waydiiso sababta fashilkeenna uu muslimnimo ugu qarinayo ayaa kuugu waynayd wixii aad tabaysay. In aad iyana waydiiso waxa u diiday muslinka in ay diyaarad sameeyaan ayaad iyana ka fikirtey cabbaar.

Intii waxaas ka danbeysay oo dhan waxaad ka fikiri jirtey sida diyaaraddu u shaqayso. Cidda diyaaradda wadda waxa ay baratey iyo waxa qofka muslimka ah ka hortaagan inuu sidaas sameeyo. Waad xasuusan tahay maalin aad daawatey flimka “Flight” ee aktarka caanka ah ee Denzel Washington wado sida aad ula falgashay. Walow aadan adigu afar quraarad oo Fodka ah cabin sidii Widikar, haddana, in aad darmuus shaah ah dhammeysay ayaad xasuusan tahay. Yaab ayuu kula lahaa flimkaasi. Wax badan oo aad barateyna wuxuu ku sameeyey in aad dib u eegto. Sharciga oo aad darajada koowaad ka haysato, waxa uu ahaa wax quseeya. Kiiska danbiga mudane Widikar ayaa ku quseeyey. Xilkasnimodarradii ficilkiisa iyo ragannimadii uu ku qirtey ayaad isbarbardhigtay. Waxaad ku mataashay run iyo riyaaq lammaan.

Saaka waadigan boorsada jiidaya. Waadigan kumbiyuutarka garabka ku wata, gacanta kalena baasaboorka iyo warqadda fiisaha ku sita ee dal shisheeye u socda si aad wax ugu barato. Waadigan hilowga aad u qabto dalkaaga iyo xamaasadda dalka iyo nolosha kugu cusub la dedoonaya. Waadigan dhagaha waaweyn ku sita qoorta. Waadigan muraayadaha indhaha oo madow ah gashan ee shaarka cad iyo surweelka madow ku xirtey dhexda. Waadigan gegida diyaaradaha dhex taagan. Markii aad soo gashay gudaha, wax walba waxay ku xasuusiyeen maalintii koowaad ee aad isbitaal tagto. In aan qofba magaalada ku harin oo dadkuba wada xanuusan yihiin ayaad maalintaa moodday. Maalintii aad suuqa tagtay sidaas oo kale ayaad iyana aaminsaneyd. Meeshii dad badan dareen wadareyn ah ayaad ku xukmin jirtey, waa tabtaas waxaad ugu haysato hadda in dadkuba wada safrayo. Waad se ku qososhay badawnimadaas!

Dadkii baxayey ayaa loo yeeray, qofkii afraad ee safka gala ayaadna noqotey. Xiisaha aad u qabto diyaaradda ayaa keenay in aad sidaas safka ugu horreysid. Safka ayaad dib u eegtay, sidii oo aad ka fiirinaysid gacal aad taqaanno ama qof aad waji garato, ma se dhicin. Diyaaraddii ayaad fuusheen. Kursi daaqadda xiga ayaad ku qorneyd oo aad fariisatey. Diyaaraddii ayaa matoorkeedu daarmey. Durba guux aan dhammaad lahayn ayaa isqabsadey. Sidii gaarigii ayey kala wareegtay, dhabbo weyn oo bannaaanna ku oroday, dabadeed hawada gashay. Cabsi daran ayaad dareentay, wax badan oo aad garan wayday ayaa dhacay. Adiga oo aan kala saari karin dareenka aad dareemayso fulaynimo iyo wax kale oo aadan aqoon waxa uu yahay, ayaad dhagahaagii qoorta kuugu jirey gashatey dhagaha, dabadeedna heestii Dacar iyo Hibo-Nuura “Degmooy Isoo Ducee” shidatey, hoosna ugu ducaysatey: “Allow aan balaayo cirka nala aadin” wax sanna ka rajeysay waayaha aad qaabishay iyo nolosha aad badawga ka tahay ee barashada, dulqaadka iyo adkaysiga kaaga baahan sidaasna ku sagootisey magaaladaadii.

2 thoughts on “Mar Dhoof

  1. Anyways, definitely the unique video games could be emulated fairly completely
    today, which solely fulfills the request for a full Pokemon recreation on Android-actually moreso than is formally going to
    be fulfilled anytime soon (although we’ll see how things go if the Switch is a huge
    flop, which might power some reevaluations).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *