W/Q: Cabdifataax Shureym
NINKII BAABIL UGU HANTIDA BADNAA
Buuggaan waxa qoray George S.Clason, waxa AfSoomaali u tarjumay Dr. Jaamac Sahal. Sida qofkastaba uu ka saadaalin karo magaca buugga, waa sax hantida ayuu ka sheekeenayaaa.
Waxa suurtogal ah inaad is waydiineyso magacaan buuggaan maxaa loogu bixiyay? Baabil waa magaalo taariikh fog leh, oo la sheego 4kun ilaa 5kun oo sano ka hor in ay aheyd mid kamida magaalooyonkii adduunka ugu camirnaa uguna horumarka badnaa, waxay magalada ku taalaa dalka Ciraaq, nasiib xumo haddeer raadadkeeda ayaa lahelaayaa oo majirto.
Ganacsiga, maamulka, iyo hormarka ayee ku caanbaxday. Waxyaabaha xadaaradda ay u laheyd waxa kamid ah; in wax qorista ay iyago ku horeeyeen oo ay dhagaxaan iyo hargaha ay wax ku qori jireen. Waxa la yiraahdaa Baabila waa halkii uu ka dhashay xeerarka saldhigga u ah dhaqaalaha maanta la adeegsado.
Sanadkii 1926dii ayaa qoraaga buugga soo saari jiray maqaallo kala gogo’an oo uu ku sharxi jiray Baabil, xikmadihii ka yimid dadkii aad bay uga heleen, kadib waxa laga dalbaday in uu isu geeyo oo uu buug ka dhigo.
Buugga waa buugga loogu iibsiga badanyahay dunida, waxaa la yiraahdaa 97ka sano ee uu jiro, waxaa la iibsaday 2milyan xabo wax kabadan. 97 sano ka hor buug la qoray, maxay tahay sababta uu safka hore ugu jiro ayee dadka is waydiiyaan.
Waxa la yiraahdaa waxa uu dunida u heestaa, buugga waxa uu qoraaga ku qoray qawaaniin, oo waxa isla ognahay in qawaaniinta aysan isbadalin, qawaaniinta lagu xusay buugga xilliigii la qoray haddii loo adeegsado waala isticmaali karay, xilligaan aan joognana wali way shaqeyneesaa qawaaniinta.
Buugga waxaa loo qoray hab sheeko-faneed ah, sheekooyin qurux badan ayuu sheegayaa, isla markaana sheekooyinkaas ayuu inoo soo dhexmarinaayaa qawaaniinta.
Qawaacidka koowaad marka uu rabo in uu tilmaamo waxa uu ku billaabaya nin busaarad ba’an haysato oo fikir iyo quus taagan, ninkaas ayaa waxa uu is waydiinayaa maxay dadka qaar ay hanti aan dhammaanin oo tiro badan u leeyihiin, halka kuwa kalana ay la kacaa kufaayaan wixii ay maalinka cuni lahaayeen?!
Kamuu daalin in uu jawaab u helo mas’aladaas, ilaa markii danbe uu maqlay in uu magaalada soo galay nin hantiile ah oo doonaya in loo qoro qoraaal, ninkii hantiilaha ayuu ka dalbaday in uu u qoro qoraalka uu rabo si uu lacag uga qaato, balanka wuxuu ahaa in uu maalinka qoraalka uu ku dhammeeyo, balse uma saamixin tirabadnaanta qoraalka awgii, ninkii hantiilaha ayaa u yimi isago careysan oo ku dhahaayo ballankii baad burisay, waxa uu ku warceliyay in caawa dhan uu soo jeedayo ilaa qoraalkaas uu ka dhammeenayo, balse adigana waxaad i bareysaa sirta hantida loo tabco iyo sida loo sii haysto.
Dhafar dheer kadib, qoraalkii buu dhammeeyay waaga markuu baryay, ninkii buu ku wareejiyay. Hantiilihii balanta laga sugaaye wuxuu u bilaabay in uu sanadkastaba hal arrin u tilmaamo sanad kadibna uu ka wareesto sidii uu wax yeelay.
Marka hore wuxuu tilmaamaya todobo qaacido oo jeebab ka maran lagu buuxiyo.
Kadib shan aasaas oo hantida aad heshay lagu ilaaliyo, iyo qawaacid kale oo aad buugga ugu tagi doontaan. Haddii aynu ku horeyno todobada qaacido ee jeebabka maran lagu buuxiyo waxa kamid ah;
1) Billow in aad hammi u yeelato inaad jeebkaaga buuxiso. Waxaad aad uga dheeraataa in aad caajisto, ama aad iska jiifsato kadibna aad dhahdo Ilahay baa sugaayaa wixii uu ii qoray ama nasiibka i saacidaayaa, ama qof hebel baan shaqo ka sugaayaa. Mar hadaada adiga naftaada xilqaanto oo aad shaqo taktana waxa sameenkartaa in aad keydsato waxa ku so gala 10%(boqolkiiba toban), dakhliga uu doono ha ahaado, mar haddii ay wax kuso galaan isku day inaad 10% aad keydiso.
Keydka marka aad meel ku hubsato, waxa kasoo haro ayaa la isticmaalaa, ee cagsiga yaanan la sameynin, oo ah; in marka hore lawada isticmaalo waxa ku so galo, kadibna aad keydka dib mariso, kolayba in ay wax soo haraayaan u maleyn maayo hadaad cagsi ka dhigto.
2) Xakamee qarashaadkaaga.
Biilasha, waxa aad bixineyso iyo waxa aad adeegsaneeso aad iyo aad u maamul ayuu yiri, oo ha iska daaqin waxa ku so gala oo miisaan ku soco.
3) Hantida aad aruurisay hakuu tarmato. Suurtogal ma ahan in hantid aad keydisay ay hanti kale kuugu kororto iyadoo aanan laga shaqeysiinin. Balse haddii maalgalin lagu sameeyo waxa ay soo saareysaa hanti kale.
Jack Ma, waxa uu leeyahay; “Kunka doolar ee ugu horeeyaa waxa lagu keenaa dhidid iyo rafaad, milyanka kunkaa ka danbeeyana caqli iyo cilmi baa lagu sameeyaa”
4) Hantida aad sameysay ka ilaali in ay kaa dayacanto. Fudeedsig, dhayalsiga iyo maalaayacniga inay kaaga baxdo ka ilaali, waxa uu leeyahay; “Sida caruurtaada aad u ilaashato si lamida u ilaali hantidaada”
5) Hoygaaga ka dhig maalgashi faa’ido leh.
Wuxuu ula jeedaa qaacidadaan markii la sharaxaya, qofkasta oo hanti leh waxay hantidiisa u qaybsantaa labo;
1)Wax kasta oo jeebkaaga wax soo giliya. Iyo
2)Wax kasta oo jeebkaaga wax ka saara.
Tusaale, hadaada leedahay gaari aad adiga wadato, gaarigaas waxaa kaaga baxo ee wax kuma soo giliyo, balse hadaada guri leedahay oo aad gurigaasna ijaartay, waxaam dhihi karnaa waxbuu naso giliyaa gurigaas oo ma badna waxa inooga baxa.
6) Dhaqaale u keydi aayahaaga danbe
Nolosha qof waliba waxa ay u dhaxeysaa caruurnimo ilaa da’. Waa wadada nolosha, mana jirto qof ka weecan kara, ilaa qofkii yaraanta lagu oofsado mooyee.
Hadaba qof waliba waxa u haboon dhaqaale u diyaarsado maalmaha imaanaya. Dhowr talllaabo ayuu tilmaamaya ee buugga ka eego.
7) kordhi awoodaada wax soo saarka.
Qodobkaan waxa uu ku tilmaamaya midka ugu waxtarka badan ee dhammaan qodabadaan in uu yahay, waxa uu leeyahay sare u qaad xirfadahaaga, kordhi siyaabaha aad ku heli karto qarashaad ama lacag dheeraad ah. Haddii aad shirkad ka shaqeysana isku day in aad u qabato shaqadadaa si ka wanaagsan sida lagaaga bartay, mid wax soo kordhiyana noqo. Balse dhammaan inta aan soo sheegay waxaa isku fuuqsanaaya marka aadan wax dhaqaaq ah sameynin ee aad taaknaato meeshii aad 5 sano ka hor joogtay.