Beerta Xayawaanka: Sheeko Akhris Mudan.

W/Q: Cabdishakuur Qodax

Beerta Xayawaanka: Sheeko Akhris Mudan

“Isma doorin gaalkan diriyo daarta kii galaye…”
-Qaasim.

Dabshidkii qarnigii 19aad, waxaa awooddii boqortooyaddii Ruushka la wareegay, Nikolai Alexandrovich Romanov oo loo garan og yahay Tzar Nicholas II. Asalkaba, dhaqanka boqortooyada ayaa u badan in badankoodu baqtiga iyo baadilka baaquliga sharta ku laaqdaan. Waa duul u sameysan cabiidsi iyo i8n ay ku tagrifalaan awooddooda; si ay usii joogaan xilka, sidaas ayuuna ahaa nidaamkii boqortooyaddii Ruushku.

Iyada oo xaalku sidaa u qasanyahay ayuu qarxay dagaalkii 1aad ee dunida, waxaana foodda isku daray quwadihii dunida ku hirdamayey-dabcan Ruushkuna ku jirey. Dagaalkii 1aad isaga oo bilooyin ka harsan yahay ayuu bilowdey KACAANKII RUUSHKA oo uu fikraddiisa Brussels kala yimaadeen Vladimir Lenin rag uu u horreeyo. Sannadkii 1917 illaa 1923 ayuu socdey kacaanku, ka dibna halkaasna waxaa ka dhashey Midowgii Soofiyatka hoggaanka uu ka qabtey Joseph Stalin.

Sheekadan Beerta Xayawaanka(Animal Farm/مزرعة الحيوان) oo uu qorey ninka la yiraahdo Eric Arthur Blair, laakiin se ku caanka baxay magiciisa uu wax ku qoro(pen name) ee George Orwell, waa nooca la yiraahdo Febel ee ka hadashiisa xayawaanka. Waxaa la daabacay 17 August 1945-tii, waxayna maktbaddeena soo gashey oo af Soomaali loo rogay sannadkii 1979, AUN Maxamed Y. Cartanna looga abaal hayo. Sheekadan, oo daabacaddeeda af Soomaaliga ku qorani ay soo baxday muddo ka dib markii seeftii kacaanku dishay rag ka mid ah dadkii hoggaanka ka ahaa kacaankii 1969, waxa ay gabi ahaanba joojisay in dalka lagu faafiyo dalka gudihiisa, sababo la xiriira in sheekadu toos u sifeynayso dhaqamada kalitalis kasta. Waxaa xusid mudan muddo sannad laga joogo ay shirkadda daabacaadda Hiilpress iyo Dr Jaamac Sahal ay mar kale turjumeen sheekadan, laakiin, tan aan anigu akhriyey ee faaladdan dhalisay waa taas hore ee AUN mudane Cartan turjumay.

Sheekada Beerta Xayawaanku, waa sheeko loo qorey qaab sooyaal ah, waayo, waxa ay si maldahan u tabineysaa dhacdooyinkii ka dhacay Ruushka, mar kale waa xus, waa xus siyaasadeed(political allegory) taas oo daaha ka qaadaysa xaqiiqooyinkii iyo dhabnimadii kacaankii Soofiyatka iyo sida uu markii danbe ku noqdey mid keli-talis ah. Mar kale waa maadeys siyaasadeed(Political Satire), mar kalena waa sheeko la maldahay oo loo qorey qaab sheeko-baraley dhex martey xayawaan beer ku wada nool.

Sheekadu waxa ay ka warrameysaa sida koox xayawaan ah uga gadoodayaan kibirkii iyo xadgudubkii aadanuhu ku hayey. Sida bilowga sheekada aynu ka arki karnaba, waxa ay hawraarsan iyo guddoon leeyihiin talada uu doofaarka xawdka ah ee Mijor(Major) la yiraahdo u soo jeedinayo xayawaanka ee ah in “Kacaan”  wax aan ahayn la gudbooneyn, taladooduna ahayn.

Markii kacaankii ay ku ballameen guulaysto, waxa taladooda la wareegaya oo sida ay u dhan yihiin xayawaankii maamulaya laba doofaar! Ka Soomaali ahaan innaga xayawaanka dooafaarku waxa uu noo yahay astaan doqonnimo iyo ficil la’aan, waata Soomaalidu tiraahdo: “Doofaarka ficil la’aan ayaa loo caadabaa.” Laakiin halkan-sheekadan Orwell-waxa ku jirta aragti kale oo ah in doofaarka uu dhankooda ka yahay xayawaan caqli leh, waa taas sababta uu sheekada doorkeeda ugu fiican u siiyey Orwell doofaaradda. Haddiiba ay xoroobeen, oo biyo iyo baad wixii beerta yaallay si iskood ah u maamushaan waxay arrintu ku ururtay in labo Doofaar looga danbeeyo arrinta beerta, waa Snowball iyo Napoleon.

Sideedaba, markii labo qofi ku keliyowdo talada iyo nidaamka maamulka, waxaa khasab ah in mid noqdo-sida uu doonaba ha ku gaaree- kan ugu sarreeya meesha, maamula ee magiciisa lagu wardiyo. Rajaddii Xayawaanku ka qabeen in xaalka beertu soo hagaago- maadaama ay iska eryeen ciddii ay eedda iyo dulmiga ka tirsanayeen-si ka daran ayuu xaalku noqdey.

Sidii filashadu ahayd, waxaa meesha ka baxay in taladu ahaato mid labada doofaar u sinnaato, oo waxa bilowday in dalaggii beerta cid gooni ahi manaafacaadsato. Haddii doofaarkii Isnoobal ahaa yiri sidan kuma qummana xaalka beertu, waxa lagu suntay dabadhilif weli quuddaraynaya in ay soo noqdaan laba addinlihii laga eryay meesha, waxaana shaqadaas qabtey, oo xayawaanka ka dhaadhiciyey fikraddaas Iskuwiiler oo ahaa doofaar cod u ah Naabiliyoon.

Maalin ayaa Joonis iyo xer kale oo garab soo siisey ku soo duuleen beertii, iska caabin xoog leh oo xayawaanku sameeyey ayaa malahoodii beenisey, rajadoodiina shalow dheer ka raaridey. Dagaalkaas oo xayawaan uu Isnoobal ku jiro, naf hurid badan sameeyeen, qaar kalena ku waayeen heddooda guushii wuxuu Iskuwiilar huwiyey Naabiliyoon!

Kacaan walba oo dhasha, waxa micnihiisa badala ciddii hor boodaysay, oo waxa dhacda in marar badan kacaanku cuno dhashiisa. Haddaba, wixii xayawaaanku ku heshiiyeen waxa cagta mariyey oo waxba-kamaa-jiraan ka soo qaaday doofaarkii Naabiliyoon ahaa, wuxuuna ka eryay meesha Isnoobal, oo uu u arkayey cidda kaliya ee fikirkiisa diidaysa. Intaa ka dib, xaalkii beerta ayaa xumaadey, raashinkii iyo dalaggii beertana kaydin ayaa lagula dhaqaaqey, dabadeedna iib ayaaba loo raray. Xabad mesaggo ah haddii ay digaagad xaddo in ay dil tahay ayuu soo jeediyey Naabiliyoon.

Qawaaniintii iyo xeerarkii beerta-oo ka dhigan dastuurkii beerta-ee kala xadeynayey xayawaanka dhammaantooda waxa buriyey Naabiliyoon. Markii hore haddii ballanku ahaa in aan xayawaan mid kale ku aabyoon karin, hadda si arxan daran ayaa lagu malgayaa xayawaanka. Haddii qorshuhu markii hore ahaa, xayawaanku iskuma ekaysiin karo aadmiga, imika khamriga ayaa beerta lagu cabbaa. Haddii ballantu ahayd in xayawaanku waa siman yihiin, markan in doofaaraddu yed u leeyihiin beerta ayey isku sheegeen! Kal hore haddii wacad lagu galay in aan lala heshiin aadmiga, ganacsina la la galin, wuxuu heshiis la galaya Fedrick, haddana waxaa Turub lagula ciyaaraya qolkii joonis Bilkinton, taas oo beerta xaalkeedii ka dhigtay: “Wixii Dumay bay lahayd!”

Waxa uu Naabiliyoon sida hoggaamiye kasta oo kalitalis ah ku talagalayaa sida uu awooddiisa ugu fulin lahaa af iyo addin labadaba, waxa uuna sameysanayaa nacamleeyaal hawshaas u qaabilsan iyo ciidan marwalba ku hawlan in ay malgaan ciddii af lagu muquunin waayo. Wuxuu sameysanayaa ciidamo “Nabadsugid” ah iyo koox “Ubixii Kacaanka ah”

Akhrinteeda Maxaa Laga Dheefayaa?

Sheekadaan, waxa ay iftiimineysaa toosh lix qaad ahna ku qabaneysa dhaqamada ay leeyihiin dadka KACAANKA ku yimaada talada, sida ay ula dhaqmaan dadkii ay talooda qabteen iyo ugu danbeyn sida ay u maamulaan waxa ay meesha ugu yimaadaan. Waxa ay na bareysaa in ballankii ahayd in talada dadku u sinnaadaan cid gooni ah kacaankaasi ku naasnuujiyo.

George Orwell waxa uu sheekadan ku faahfaahinayaa saddex qodob si fiican nuxurka u soo dhaweynaya oo kala ah:

1. Musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda
2. In kacaanku marka danbe u xuub dhacsado wax dad gaar u leeyihiin, lagana faquuqo dadkii dhaliyey.
3. In dadka himilada wanaagsan ee rajada fiican kacaanka ka qabaa ay aakhirka ku baxaan gacantooda ama halis u galaan.

Shakhsiyadaha Sheekada Ku Jira:

Sida aan bilowgiiba sheegay, waxa sheekadaan u qoran tahay qaab maldahan oo waxa ay xuseysaa dhacdooyinkii ka dhacay Ruushka. Haddaba, sida farshaxannimada leh ee uu shakhsiyadaha ee xayawaan kasta u taagan yahay qof ama dabaqad waa sidan hoose:

  • Duqa Major wuxuu u taaganyahay Vladimir Lenin ama Karl Marx.
  • Mr Jones: wuxuu u taagan yahay Tzar Nicholson II
  • Snowball: wuxuu u taagan yahay Leon Trosky
  • Napoleon: wuxuu u taagan yahay Joseph Stalin
  • Squelar: wuxuu u taagan yahay Vyacheslof Molotor oo Stalin u qaabilsanaa faafinta Borobogaandada
  • Benjamin:wuxuu u taagan yahay duqaydii ku fashilantay in ay Stalin mucaaradaan.
  • Geenyada Mollie: waxay u taagan tahay dabaqadda dhexe ee Ruushka.
  • Moses: wuxuu u taaganyahay mad’habka Orthodox-ka ee diinta Kiristaanka, Ruushkana laga haysto.
  • Fedrick: wuxuu u taagan yahay Adolf Hitler.
  • Pilkington; Wuxuu u taagan yahay Wiston Churchill.
  • Boxer: Wuxuu u taagan yahay dabaqadda Shaqaalaha.
  • Eyda: Askartii Stalin ayey matalayaan.
  • Idaha: Qolyihii u nacamleyn jirey Stalin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *