Filinka Breathless: Jabinta xeerarka soojireenka ah.

W/Q: Abdullahi Osman & Weedhsan Kaarshe

Filinka Breathless: Jabinta xeerarka soojireenka ah.

“Hadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shira’e” -Cali-Dhuux Aadan.

Sida sunnada kawnku tahay, marwalba waxa jira fac cusub oo hilfaha u qaada wixii dadku la dhacsanaa, dabadeedna ku jalbeebiya duxdooda facacusub ee hirkoodu dhalin doono.

Waxaa uu Cali-Dhuux ka hadlayo waa waxa uu qoraalkeennaan ku saabsan yahay.Waxa aan ka sheekayn doonnaa waa diinta cusub ee filimka Breathless la dhex yimid shaleemada.

Filinka Breathless waxa uu soo baxay oo ifka yimid iyada oo shineemada adduunka iyo dabcan tan Faransiiskuba u xiran yihiin xeerarka filinsameynta ee Hollywood, taas oo ahayd shineema istuudayaha ku koobanayd kuna salaysnayd dhigaal-shineemeedka oo kaliya, laakiin, waxa uu filimkani la yimid ayaa ah arrin ugub ah oo ka dhigtay in uu beddelo qaabka shineemada casriga ah.

Nuxurka sheekada oo koobani waa; Michael oo baabuur xadaya kadibna tooganaya mid kamid ah booliis soo eryaday, laakiin, dedaaladiisa uu ku doonayo in uu Booliiska kaga baxsado ma guulaysanayaan, waayo, ma jirto meel uu u baxsado oo uu u ciirsado, yacnii meel maaddi ah oo celin karta ayuu waayayaa.

Intaa kaddib, waxa uu u jeedsanayaa jacaylka Patricia si uu markale ugu raaxaysto nolosha dhallinyaranimo ee xoriyadda iyo welwel la’aanta miiran ah. In kasta oo, marka ay ogaato in ay booliisku baadigoobayaan saaxiibkeed ay dib u uga fekerayso go’aamadeeda.

Breathless iyo Hirka Cusub ee Shineemada Faransiiska (Nouvelle Vague).

Breathless, waxa aynnu ka dhugan karnaa dhammaan astaamaha hirka cusub sida: Isticmaalka kamaradaha gacan-ku-qaadka ah, shakhsiyadaha koooban (badankood ma ahayn jilayaal caan ah), wada-hadalka dabiiciga ah oo ka baxsan dhigaal-shineemeedka, iftiiminta dabiiciga ah, duubista ka baxsan istuudiyaha, iwm.

 Jilayaashu waxay jebinayaan xeerka Derbiga Afaraad oo ay toos ula xiriirayaan daawadaha si ay u muujiyaan dareenkooda ku aaddan muuqaalkaas gaarka ah.

 Breathless, kaamaradda Godard waxay diiradda saaraysaa dhaqdhaqaaqa kala duwan iyo meelaha bannaan ee u dhaxeeya jilayaasha si uu daawadaha ugu muujiyo waaqica iyo nolosha dhabta ee shakhsiyaadka filimka. Breathless wuxuu baal cusub kaaga furayaa shineemada “Nouvelle Vague” si gaar ah wuxuu asal u yahay farshaxankii filim samaynta Godard.

Breathless waxa uu aduunka ka gaday farsmada habaynta ee (Jump cuts)-ka. Jump cut-ku waxa uu imaanaya marka aad sawirada is daba taxan ee uu muuqaalku ka kooban yahay aad dhawr sawir ka dhex saartid, kadibna aad isku keentid labada gabal ee muuqaalka adiga oo aan ka lahayn ujeeddo ah in aad wax hagaajisid ama qurxisid.

 Natiijadu waxay noqonaysaa; muuqaalku waxa uu u muuqanaya mid wakhtiga ku safraya oo hadba horay u boodaya. Freeze Frama-ka iyo Jump cuts-ka ayaa ah waxa ka yeelay hirka mid la yaab leh.

Jump cuts-ku mararka qaarkood waxay u muuqdaan khalad habayn, wax uu habeeyaha muuqaalada filimku iska ilaaliyo in ay dhacaan, laakiin Godard wuxuu arkay suurtagalnimada in farsamadaan looga faa’iidaysan karo boobsiinta muuqaallada aan muhiimka ahayn oo aan macne badan u samaynayn daawadaha.

 Habayntani waxay daawadaha u ogolaanysa in uu gacan ku yeesho samaynta filimka isla jeer kaasna uu isagu buuxsado meelaha bannaan. Breathless waxa uu ahaa  filimkii ugu horreeyay ee lagu isticmaalo farsamadaan Jump cuts-ka, waxa ayna noqotay mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee wax-soo-saarka filimada hirka cusub.

Jabinta Xeerarkii Asalka Ahaa ee Shineemada.

Breathless iyo hirka cusub waxay isla garteen in aysan jirin xeerar gaar ah oo ku aaddan filim samaynta. Waxay qabaan, in aadan u baahneyn nuxur sheeko oo laga yaabay, se sheeko lagu qoray joornaalka maalinlaha ah baad filim ka abuuri kartaa sida (Breathless).

Iftiiminta dabiiciga ah, ku duubista goobaha kala duwan ee magaalada iyo kaamaradaraha gacan-ku-qaadka ah ayaad kaga maarmaysaa qalabka qaaliga ah iyo kiraynta istuudiyaha.

 Filimkaan iyo guud ahaan filim-sameynta Godard waxay caddeeyeen in filim-sameeyuhu uu noqdo mid xor u ah waxa uu abuurayo isaga oo adeegsanaya xeerarkiisa gaarka ah, taasina waa qayb kamid ah aragtida Auteur-ka ee oranaysa; soo-saaruhu waa qoraaga filimkiisa  si lamid ah qoraaga buugga oo kale.

 Isaga ayaa u madax bannan daqiiqad walba oo farshaxan ah ee filimka ku jirta, sidoo kalena waa in laga dheehan karo waayo-aragnimadiisa iyo fikradihiisa gaarka ah, aragtidaasi waa mid ka hor imaanaysa xeerarkii soo-jireenka ahaa ee filim samaynta ee maamulayaasha istuudiyaha iyo dhigaalka shineemadu ay go’aamin jireen filimka,dabcan fikradda u weyn ee Nouvelle Vague-ga ayaa ahayd ba in laga hor yimaado xeerarka asalka ah.

Muujinta waaqici ayaa ahayd muhiimadda ugu weyn, ujeeddada samayntuna ma ahayn madadaalo oo keliya laakiin waa in ay wada xiriiraan soo-saaraha iyo daawaduhu. Koobnaanta dhaqaalaha samaynta filimkuna waxay ku khasabtay soo-saarayaasha in ay la yimadaan halabuur cusub.

Shakhsiyadaha gaarka ee Godard

Filimkaan ka dib, dookha gaarka ah ee shakhsiyadaha Godard waxay ahaayeen kuwo waaqici ah oo taabanaya dareenka daawadaha. Waxay daawadaha kala siman yihiin waaqaca, si guud waa jiritaanka oo aad iska dhex helaysid, waa doodaha aragtiyaha nolol maalmeedkeenna ku jira. Godard wuxuu awooday inuu sameeyo filim aan la fal gali karno dhacdooyinkiisa, wax iska caadi ah oo nolosheenna ka dhaca ayuu naga dhex tusay dhamaan filimadiisa uu filimkani bud-dhigga u yahay.

Waxa uu abuuray shakhsiyado u babacdhigaya, kuna dul qoob-ka-ciyaaraya duruufaha nolosha ee kala duwan, sida saaxiibtinimada, jacaylka, danbiga, dawlad la’aanta, dhimashada (maaddi iyo macnawi) iyo dareenno kale oo falsafi ah.

Hadii aan si kooban isu dultaagno shakhsiyadaha labada jilaa ee Michel iyo Patricia; Michel waa baxsad nolosha iyo jiraalkeeda dhinac uu uga boodo waayey, wuxuu leeyahay hal riyo oo ah inuu iska gudo deyn lagu leeyahay kadibna uu Talyaaniga u kaxaysto gacalisadiisa.

 Dhanka kale Patricia bilowgaba waxaad ka dareemaysaa inay tahay nooca dumarka dhaddignimada ku adag, ma jecla in cidi nolosheeda kamid noqoto, waxay jiraalka ka dhex raadinaysaa xorriyad waxa ay mar is weydiinaysaa fikraddii caanka ahayd ee Schopenhauer “Ma kala garan karo in murugadeydu ka dhalaneyso xorriyad la’aanteyda ama xorriyad la’aanteydu ka dhalaneyso murugadeyda.”

Abuuridda shakhsiyadahaasi waa waxa innoo oggolaanaya in aynu daawanno muuqaalka caanka ah ee 23-daqiiqo ah ee qolka yar ee jiifka ee huteelka, kaas oo ah Seberg iyo Belmondo dalabkooda nolosha; dareemo isku walaqan oo ka waramaya, jacaylka, guusha iyo guuldarada. Waxay daqiiqadahaas ka sheekaysanayaan wax badan oo noloshooda ah.

Waxa uu in badan isku dayayaa inuu ku qanciyo inay jeceshahay waayo iyadu marna qiraal kama samaynayso dareemadeeda oo way dadaysaa, waxay ku andacoonaysaa in aanay hubin jacaylkiisa, in aanay wali baran iyo in ay shakhsiyaddiisa ku wareersan tahay.

 Balse waxaas oo dhan waxaa sal u ah falsafaddeedii xorriyad-doonka ahayd iyo iska ilaalinta in nolosheeda cidi soo faro-gashato, sidaas oo ay tahay way ogtahay heerka u jecelyahay iyo inay riyadiisa kaliya tahay.

 Inta ay qolkaa ku jiraan waxay ilaa toban daqiiqo ku qaadanayaan inay is eegaan uun si ay isu indho akhriyaan. Waxay u sheegaysaa inay baqayso iyada oo leh “waan cabsanayaa, inaad i jeclaato anna aan ku jeclaado ayaan rabaa, isla si lamid ah waxaan doonayaa in aanad i jeclaan, waad ogtahay inaan xor ahay, xorriyadana aan jeclahay.”

 Jacaylka ayay u aragtaa inuu xorriyadda yar ee ay haysato ka qaadayo. Waxay dhammaadka iskugu laabqaboojinayaan in ay doonayaan in ay u wada noolaadaan sidii Juliet iyo Romeo, oo midna midka kale la’aantiis noolaan karin.

Dhamaadka filimka Patricia waxay gacaliyaheeda u dhiibaysaa booliskii iyaga oo taagan xariiqdii badbaadada darafkeedii u danbeeyey ee guusha. Waxay ku odhanaysaa “Michel waxaan hubsaday in aanan ku jeclayn mar haddii aan awooday inaan anigu ku soo ogaysiiyo booliiska.”

Flimka Breathless waxa uu gebi ahaanba beddelay shineemada qaabka loo sameeyo iyo sida loo fasirto ama loo arkaba. Waa waxa inna baraya in aynnu sheekooyinka rogrogi karno si aan u abuurno sheeko cusub.

Flimkani, waxa uu kamid yahay filimaanta ugu muhiimsan taariikhda filim samaynta haddii uusan ahaynba kan ugu wanaagsan. Waa sidii uu Roger Ebert yiri e “Shineemada casriga ahi halkaan bay ka billaabantaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *