W/Q: Iftin Cabaade
Rabitaanka qofka(motive)
Rabitaanku waa dabeecad ama xaalad gudeed taasoo qofka u ah cariye ama shidaal uu ugu dhaqaaqo fal sameyntiisa uu jecelyahay una hor seedaya liibaantiisa.

Markii laga eego dhanka kasmanafeedka, waxaa jira dhowr nooc oo rabitaanno ah , waxaa ka mid ah;
- Nature motive or desire: rabitaanno dabeeci ah.
- Innature motives or desires: rabitaan aan dabeeci ahayn.
1. Nature desires_ku waa kuwa uu qofku dhasho isaga oo ay weheliyaan oo uusan xadeyn karin. Tusaale ahaan rabitaanka cuntada, biyaha iwm.
2. Innature desires-ku waa kuwo uu qofku uuna ku dhalan balse uu go’aankiis ku gaaro. Tusaale ahaan rabitaan guul (success desire) mid awoodeed(power desire) iyo mid dhaqaale iwm.
Dabcan way jiraan noocyo kale oo rabitaanno ah oo ay culimada kasmanafeedda iyo falaasifadu ka hadleen, kuwaas oo tiro badan dhinacyo badanna laga eegay, balse halkaan labadaasi aan xusnay aan ku sal dhiganno.
Sidoo kale waxaa jira labo nooc oo kale oo rabitaanno ah:
- Intrinsic motivation ( rabitaan gudeed ) iyo
- Extrinsic motivation(rabitaan dibadeed).
1. Rabitaan gudeedku(intrinsic motive) waa marka ay ku dhiirrigelineyso qanaaco gudeed ama ku raaxeysi shakhsiyadeed (personal enjoyment) ee aanay saameyn kugu lahayn ama ku riixeyn arrimo dibadeed (external factors ) sida; ballanqaad abaalmarineed ama mid ciqaabeed.
Rabitaan ama dhiirranaan gudeedku waa shidaal kugu dhaqaajiya howl keliya aad xiiseyneyso iyada oo aanay ku wadin abaalmarinno muuqda.
Tusaale ahaan; ku dhaqaaqidda akhris buug, maqaal ama mowduuc keliya aad xiiseyneyso ee aanay kugu qabsin akhriskooda inaad fasal kaga gudubto ama warbixin laguu direy ka hesho.
Waxaa jira aragtiyo badan oo lagu sharraxayo rabitaan gudeedka iyo sida uu u shaqeeyo. Aragtida ugu caansan ee lagu sharraxay rabitaankan waxa ay qeexeysaa; in dhammaan hab-dhaqannada dadka ay ku saleysanyihiin baahiyahooda gudeed. Baahiyahaas waxa ay is kugu jiraan kuwo baayooloji (biological needs) iyo kuwo nafsi ah (psychological needs).
Baahiyaha bayoolojiga ah waa baahiyo kaxeeya dadka si ay u noolaadaan una caafimaad qabaan. Sida; gaajada, harraadka, baahiyo jinsi iyo kuwo kale oo aasaasi ah. Baahiyaha saykoolojiga waa baahiyo nafsi ah kuwaas oo kaxeeya ama dhaqaajiya dadka, si ay u raadiyaan qanaaco iyo horumar. Baahiyahan nafsiga ah waxaa ka mid ah baahiyaha loo qabo karti-xirfadeed, xornimada iyo dad la dhaqanka .
2. Rabitaan dibadeedku (extrinsic motive), waxa uu ku saleysanyahay dhiirragelin dibadeed taas oo ay ku lug leeyihiin arrimo dibadeed(external factors) sida ballanqaad abaalmarineed ama mid ciqaabeed. Tusaale ahaan in lagu siiyo ama laguu ballanqaado lacag si aad howl u qabato; waxaa suurtogal ah inaadan ku raaxeysan ku dhaqaaqidda howsha, balse ay tahay in aad ku dhiirrato maadaama aad u baahantahay mushaharka laguu ballanqaaday.
Haddaba rabitaanku waxa uu ka koobanyahay 3 qeybood oo waaweyn :
- Activation (carin) : waa go’aanka uu qofku ku aasaaso ama ku unko fal uu sameynaayo. Tusaale ahaan rabitaanka ku jira arday doonaya inuu ku biiro fasal cusub oo lagu barto saykoolojiga.
- Persistence(joogteyn ): waa sii wadidda dedaalka ama go’aan uu qofku ku dhaqaaqay, haba jiraan caqabado badan
Tusaale ahaan, xaadiridda xisado badan oo kale oo saykooloji ah si aad degree u qaadato, walow arrinkaasi uu u baahanyahay maalgelin waqti, kharash lacageed iyo dhiirranaan qofeed.
3. Intensity(diirad saarid ): Tusaale ahaan arday dhiganaya kooleej isaga oo aan dedaal badan gelineynin duruustiisa, iyo arday sameynaaya dedaal joogto ah: Muraajeceynta casharrada, xaadiridda fasalka, ka qeybgalka dood-cilmiyeedyada iyo baarisyada kale ee la xiriira barashadiisa. Ardayga koowaad ma laha wax diiradsaarid ah(Concentration or more intensity), halka ardayga labaad na uu kaga dhabeeyo halganka waxbarashadiisa diiradsaarid heerkeedu sarreyso .
Lahaanshaha rabitaan (motive) waxa ay muhiim u tahay ku dhaqaaqidda meelmarinta howlaha qofka. Haddaba maxaa innaga caawinaya kordhinta rabitaankeenna gudeed(intrinsic motive) si aan uga guul gaarno go’aannadeenna iyada oo ay saameyn weyn nagu yeelan waxyaabaha bannaanka inooga imanaya, sida; qaabdhismeedka deegaankeenna ama nooca saaxiib ee aan leennahay?
Waxyaabaha kordhinaayo ama caawinaayo rabitaanka qofka:
1. Autonomy: Si aad ugu dhaqaado howl, marka hore waa in aad haysataa ama ogtahay fursadda ugu habboon ee aad ku sameyn karto. Tusaale ahaan ka warran haddii aad rabto in aad caado ka dhigato jimicsi orod oo aad subixi sameyneyso, bbalse aadan jecleyn ba orodka?! Raadi habab kale oo aad jimicsi ku sameyn karto hababkaasoo aad adigu jeceshahay kuna raaxeysaneyso, halkii aad iskaba dhaafi lahayd ama ka tanaasuli lahayd rabitaankaaga.
2. Competence or capability : haddii howluhu yihiin kuwo kugu culus oo dhaawici kara ama niyad-jebin kara rabitaankaaga gudeed, waxaad tani kaga fogaan kartaa in aad baarto fursad awoodeed oo kuu suurtogelineysa inaad ka meel gaarto yoolkaaga.
3. Relatedness: Si aad u kordhiso rabitaankaaga gudeed ee fal ama howl aad kaga guul gaari karto, waxa aad howshaada kula midoobi kartaa qof kale oo yoolkaaga oo kale leh ama waxa aad ku biiri kartaa koox dad ah oo ujeeddadaad oo kale leh, ammase waxa aad la xiriiri kartaa qof ama dad ku soo socda waddadii aad soo martay oo aad uga faa’ideyn kartaa khibradahaaga. Dhab ahaantii taasi waxa ay kordhineysaa rabitaankaaga iyo ka guul-gaaridda howshaada maxaa yeelay; waxa ay kuu tahay shidaal ku jecleysiiya inta kuu harsan .
4. Removal of factors impeding intrinsic motivation : Mararka qaar sababta aanan u dareemin shidaal ama u hollosho howl, ma aha keliya inaan leennahay rabitaan daciif ah ama aanan lahayn doonis adag, balse waxaa jira waxyaabo kale oo ka baxsan rabitaankeenna kuwaas oo hoos u dhigaaya dhaqaaqeenna. Tusaale ahaan, qiyaas adiga oo raba inaad sameyso jimicsi orod ah xilliga alaseydii ama aroortii iyada oo ayna ku hayso hurdo-gef habeenkii ah ama dhafar; dabacan waxa ay sababi kartaa in ay kugu cuslaato jimicsigaas. Waxaa wanaagsan inaad garato waxyaabaha carqaladeynaaya rabitaankaaga, kana saarto meesha
Waxaa jira waxyaabo badan oo kale kuwaas oo qofka ka caawinaaya inuu figta sare gaaro rabitaankiisa, kuwaa aan kor ku soo xusnayna waa bar-billowga iyo ubucda uu ku gaarayo inuu lahaado doonis-adag oo u suuragelineysa inuu ka dhabeeyo himilooyinkiisa .
Tixraac:
1:https://www.healthline.com/health/intrinsic-motivation.
2:https://www.nngroup.com/articles/autonomy-relatedness-competence/

waa maqaal u muhiima qof waliba oo dhallinyaraa oo maanta nool
mahadsanid wll Itiin Cabaade.