Waxaa qoray: Xuseen Muxammed Ibraahim, email: Xuseenmuxammedibraahin536@gmail.com
Dadka Soomaaliyeed waxa ay ka mid yihiin; dadyawga caanka ku ah xoolo-dhaqashada, waxaana lagu qiyaasaa in 70% ay ku dhaqan yihiin hab-nololeedkaa raacatada ah. Habka xoolo-dhaqashada taariikh-yahannadu waxa ay sheegaan, in uusan ahayn hab dhawaan-gal ah, ee uu dalka ka jiray intii Soomaaliba jirtay. Waxa uu noqday mid faciba faca ku xiga u dhiibayey, oo aan la helin wax beddela. Sababtuna waa in sida dadkii hore ay u jeclaayeen xoolo-dhaqashada iyo si la mid ah ama ku dhaw ayay dadka hadda joogana u jecelyihiin. Duqeyda waayo-aragga ah iyo indheer-garatada Soomaaliyeed waxa ay isla qirsan yihiin, in xoolo-dhaqashadu waagii hore ahayd, hab-nololeed ka hawl-yar oo ka nolol fiican kalluumeysiga iyo beerfalashada. Sababaha kale ee la sheego in xoolo-dhaqashada ay u qaayibeen bulshada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah; Cimilada dalka iyo dabeecaddiisa oo ah mid kulul, buuraleey ah, keymaha iyo dhul-daaqsimeedkuna ku badanyihiin oo ay xooluhu aad ugu dhaqmaan.
Dad tiro yar oo keli ah, ayaa isku dirqiyey in ay dhulka qotaan oo ay dalag ka beertaan, kuwaas oo xoolo dhaqashadana aan ka madhneyn ee isku waday labada meheradoodba. Sababaha ay Soomaalidu xoolaha u doorbiday waxaa kale oo ka mid ahaa; dalka oo ahaa mid roob yar, oo kuleylka badan iyo biyo la’aanta ka sinaa, waxaana dadkii xiligaas joogay u muuqatay, in ayna suurtogal ahayn in beer lagu tiirsado, marka laga reebo xilliyo gaar ah oo aaran ah, oo uu gayiga roob ka da’ayo. Soomaalidii hore waxa ay door bideen xoolaha oo la dhaqdaa in ay ka nacfi iyo nolol roon tahay isku hallaynta beer roob sugeysa, oo aan biyo, ceel, iyo tab kale oo lagu waraabiyo aysan jirin. Sida haddaba jirta, gayiga Soomaalida waxa roobku uu heli jiray kaliya xilliyo kooban oo la yaqaano, iyada oo uusan mararka qaarna wada heli jirin oo waxa dhici jirtay, sida imminkaba dhacda in uu meel seejiyo oo uu meel kale ka da’o.
Haddaba bulshadii raacatada ahay waxa ay door bideen in ay xoolaha midigta ku qabtaan oo ay kolba meesha ay deegaantu marto u guuraan, illeyn beer ma guuri kartee, bulshaduna sidaas ayay u door biday xoolaha nool, oo hadba meeshii ay sabaantu marto ee daaq iyo biyo leh ayay u kaynaani jireen, sidaas ayayna xoolo-dhaqashadu u noqotey waxa ugu badan ee ay dadka Soomaaliyeed ku hawlanaayeen. Magaalooyinka iyo tuullooyinka oo dhulka ku yaraa, si kasta oo uu roobabku u yaraado ama abaarro u dhacaan, dhulku inta badan ma wada xaalufi jirin oo, waxaa la heli jiray dhul aan xilliyada aaranka ah ciddu gaadhin jirin iyo meelo ka fog magaalooyinka oo loo baxsado daaqna leh oo ay xooluhu abaarta kaga soo doogaan.
Waxaana la heli jiray dhul keymo waaweyn leh, iyo dhul daaqsin fiican leh, oo ka fog meelaha biyaha leh oo ay xoolo-dhaqatadu u guuraan xilliyada abaarta oo keli ah. Xoolaha la dhaqdo oo ka koobnaa, Geel, Adhi, Lo’ iyo Gammaan, isku si looma wada jecleyn, lagamana wada sinneyn lahaanshahooda, oo dadku waxa ay u qaybsanaayeen sida haddaba jirta, kuwo afarta meesiba lahaa iyo kuwo qeyb ka mid ah lahaa. Dadku xoolaha waxa ay u kala jeclaayeen sida ay u kala nacfi badanyihiin, una kala adkeysi badan yihiin. Gammaanka oo gaadiidsi oo keli ah loo isticmaalo mooyee inta kale, caanaha iyo cadka oo ay ka sinnaayeen ayay xoolaleydu ku noolaayeen. Hase yeeshee, waa la sii kala jeclaa oo waa la kala horumarin jiray, Geela ayaana laga horumarin jiray inta kale, sida haddaba jirta, oo waxtar uu dheer yahay xoolaha kale ayaa looga doortay.
Inta ayna magaalooyinku dalka ka dhismin ee aan la baran habkan ganacsiga ah ee cusub ee lacagta wax lagu kala beddesho, waxa ay waagii hore Soomaalidu wax ku kala iibsan jireen in xoolaha nool ay ganacsi ahaan u adeegsan jireen oo ay iyaga wax ku kala badalan jireen, isaga oo geelu yahay ka ugu qiimaha badan, wax walbana lagu qiimeeyo, oo tuludda ama neefka geela ah waxaa lagu qiimeyn jiray tiro dhawr jeer ku soo laban-laabanta sida; shan Lo’ ah ama soddon Adhi ah. Fardaha oo keli ah ayaa ka qiima badnaa neefka geela ah. Mudnaanta geelu ka yeeshay meesiyada kale ee la dhaqdo, waxaa sabab u ahaa in uu ka faa’iido badnaa meesiyada kale, oo geelu waxa uu lahaa faa’iidooyin tiro badan sida:-
- Caanaha oo uu meesiyada kale ka badiyo, oo qoyska ay labo ama saddex halaad u irmaanyihiin waa caano dhan aan wax kale u baahanayn.
- Caanaha Geelu waxay oolli karaan iyaga oo aan xumaan muddo dheer oo ayna oolli karin caanaha Lo’da iyo Adhigu.
- 24kii saacba Geela waxaa la maali karaa 8-10 jeer iyo ka badan, halka Lo’da iyo Adhiga laga maalo labo jeer oo kali ah.
- Haddii Lo’da iyo Adhiga la maalo ama uu ilmuhu dhaadhyo saacad ka hor, ma xigsimoodaan oo wey adagtahay in saacad kadib caano laga helo, halka Geela halkii saacba 2 jeer iyo kabadan la maali karo.
- Lo’da ama Adhiga haddii ay maqashoodu raacdo (Habeen iyo maalinba) waa ay adagtahay ama lagaba haweysan karo in caano laga maalo, balse Geelu isaga oo maqashiisa wata ayuu qofka la joogana caanihiisa ka haagaa, oo uu marti iyo mudaneba ku fillaadaa.
- Haddii Hasha geela iyada oo irmaan uu ilmuhu ka dhinto, waa la sii maalaa, iyada oo ilma kale lagu tolay ama igadh laga dhigay, sidaasina badanaa kama suurowdo Lo’da iyo Adhiga.
- Caanaha Geelu waxa ay noqon karaan sooryo sharaf leh oo marti iyo mudanaba la siin karo, laakiin caanaha Lo’da iyo Adhigu, baahi adag oo kallifta mooyaane, looma yaqaan sooryo sharaf leh.
- Cadka oo uu kuwa kale kaga badanyahay, magta oo la iskaga bixiyo, kiisa lab oo gaadiid laga dhigto iyo faa’iidooyin kaleba, taasina waxa ay keentay in laga jeclaado meesiyada kale.
Shaki kuma jiro, in la helayay dad meesiyada kaleba jecel, hase yeeshee, waa la sii kala jeclaa, Geeluna waxa uu ahaa meesiga loogu jecel yahay tan iyo haddana sida aan ogsoonnahay isaga ayaa loogu jecelyahay. Nin waayey mooyee, nin kasta ama qoys walba oo Soomaaliyeed oo reer guuraa ahi, hanti uu yeesho ama dhaqdo, waxa uu ugu jeclaanjiray Geela, waxaase jiray qoysas badan oo gaadiid maahaane godolkiisu ku yaraa, ama xerada uusan ugu jirin, waxaana suuragal noqon karaysa in qoysaskaasi ama qaarkood, xoolo kale oo badan lagaayeen, taasna sabab loogama dhigi karo in ay qoysaskaasi necbaayeen dhaqashada Geela, waxaase laga yaabaa in dhulka ay ku noollaayeen ahaa, mid aan ku fiicneyn dhaqashada Geela.
Qoysaska tirada badan ee Lo’da iyo Adhiga ama midkood oo keli ah ku noolaayi, kama diimoonayn qiimaha Geela, ee sababo badan oo jira awgood, ayuun bayna u dhaqan ama u haysan. Sababta ugu weyn ee Geela xoolaha kale looga horumarin jirayna waxaa weeye, isaga oo ah meesiga si la yaab leh ugu adkeysan kara dabeecadda adag ee dalka Soomaaliyeed. Si kale haddii loo dhigo, Geelu waa meesiga keliya ee Biyo la’aan joogi kara mudo 20 bari iyo wax dheer ah xilliga diraacda ee aan wax doog ah xooluhu haysan, sidoo kalena waa, meesiga ugu adkaysiga badan aminta ay abaartu dhacdo, taasina waa mid ka mid ah waxyaabaha looga jeclaaday meesiyada kale. Xooluhu nooc kasta ha ahaadeene, waxa loo dhaqdaa, waxtar ay leeyihiin oo dadku ka helo. Haddii aanay xooluhu waxtarkaas lahayn, waxa hubaal ah, in aan la dhaqdeen.
Haddaba waxa aan shaki ku jirin, sida xoolaha la dhaqdo waxtarkoodu u kala duwan yahay, una kala badan yahay in ay dadkuna u kala jeclaanayaan. Waxaa suurowda, in laba ama saddexda nooc ama meesi ee xoolaha ahi, ay wada yeeshaan dheefaha qaarkood, sida; Cadka iyo Caanaha. Hase yeeshee, waa ay kala Cad iyo Caano badanyihiin oo, sida aan kor ku soo sheegnayba waxaa ugu heer sarreeya Geela. Xoolaha ay bulshada Soomaaliyeed dhaqato, ee geelu ka midka yahay, waxtarkooda ayaa u yeelay qiimaha ay leeyihiin. Waxa ay xooluhu saldhig u yihiin hab-nololeedka miyiga iyo magaaladaba, waxa ayna bulshada Soomaaliyeed intooda badan illaa iyo hadda ku tiirsanyihiin xoolaha. Waxtarkaas dhaqaale ee ay guudahaan xooluhu leeyihiin, ayuu Geelu ugu sii qiima badan yahay.
Waxtarka dhaqaale ee Geelu leeyahay, waxa caddeynaya sida bulshada xoolo-dhaqatada ahi u jeceshahay lahaanshaha Geela, xoolaha kale oo dhanna uga doorbiday. Geelu waxtarka dhaqaale ee lagu qabo, gaadiidsiga ama rarka mooyee, waa ay la qabaan xoolaha kale. Hasayeehee gaadiidsiga uu dheer yahay oo keliya laguma qiimeyn, ee xataa manaafacaadka kale ee uu la wadaago xoolaha kale, ayuu ka badiyaa. Nacfi badnidaa iyo adkeysigiisa ayuu Geelu xoolaha kale ku dhaafey, oo qiimaha iyo qaayaha gaarka ah, ay ku siiyeen bulshada xoolo-dhaqatada ahi. Manaafacaadka dhaqaale ee Geela ay ka helaan bulshada Soomaaliyeed, si aynu u ogaanno kaalinta uu kaga jiro nololshooda iyo jiritaankooda, waxaa lagama maarmaan ah, in aynnu dib-u-milicsanno, suugaanta tiro-beelka ah ee ay hal-abuurka Soomaaliyeed ku faaqideen waxtarka Geela, markaas ayayna inoo soo baxaysaa wax ku oolnimada iyo qeybta uu ka qaato nolosha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.
Baaxadda iyo waxtarka manaafacaadka dhaqaale ee geela, waxa laga heli karaa suugaanta xoola-dhaqatadu ay qarniyada badan ku soo gudbinayeen dareenkooda. Suugaantaas oo ahayd mid aan qorneyn oo odhaah ah, fac welibana midka xiga u gudbinayey, waa mid isku aragti iyo ujeeddo ah marka la eego kaalinta geelu ku leeyahay noloshooda. Qarni kasta oo la joogo iyo gobol kasta oo lagu noolyahayba, xoolo-dhaqatadu waxa ay suugaantooda ku caddeeyeen, doorka weyn ee uu Geelu ku lahaan jirey noloshooda, welina uu ku leeyahay. Run ahaantii haddii aynu qalinka u qaadano qiimaha iyo muhiimada uu geelu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, ka gayoon mayno, balse markan intaas ayaan ku soo koobaynaa.
