Waxbarshada iyo Nolosha
Waxaa qoray: Jiddu Krishnamurti
Waxaa tarjumay: Cabdikaafi Cismaan
Waxaan la yaabayaa inaan waligeen is weydiinay waxa ay waxbarashadu tahay. Maxaynu dugsiyada u aadnaa, maxaynu u baranaa maaddooyin kala duwan, maxaynu u gudubnaa imtixaanada innaga oo midkeenba ka kale kula tartamayo dhibco fiican? Maxaynu uga jeedna waxaa aynu ugu yeereyno waxbarasho, maxay ku tarantahay? Dhab ahaan tani waa weydiin muhiim ah, kaliya uma ahan ardayda, laakiin sidoo kale waxa ay u tahay waalidiinta, macallimiinta iyo qofkasta oo jecel dhulkan. Maxaynu u galnaa halgan si aynu u noqono dad waxbartay? Ma kaliya inaan imtixaanka gudubno oo aanu shaqo helo? Mise waa howl barasho oo inoo diyaarinaysa inta aan da’yarnahay inaan fahamno sida ay u shaqeyso Nolosha? In shaqo la helo oo uu qofku nolol maalmeedkiisa kasbado waa lagama maarmaan, ee ma intaa kaliyaa? Ma waxaynu wax u baranay taa kaliya?
Hubaal, noloshu kaliya ma ahan shaqo, jago; noloshu waa wax intaa ka guda-balaaran, oo ka qotodheer, waa sir weyn, waa howl baaxad leh oo aanu u shaqeyno aadane ahaan. Kaliya haddaan nafaheena u diyaarino inaan kasbano nolol maalmeed, waxaana gafi doonaa macnaha dhabta ah ee Nolosha; in Nolosha la fahmaana waa ay ka muhiimsan tahay inaan isu diyaarino imtixaanka oo aanu qatar ku noqono xisaabta, fisikiska ama waxaad doontaba.
Haddaba, haddii aan nahay bareyaal ama barteyaal, muhiim ma ahan inaan nafaheena weydiino, maxaynu wax u baraynaa ama aynu u baranaynaa? Maxay noloshu tahay? Noloshu miyayna ahayn wax aan caadi ahayn? Shimbiraha, ubaxyada, geedaha tarmaya, samada, xiddigaha, webiyada iyo kalluunka ku jira — dhammaan waa nolol. Noloshu waa sabool iyo tanaad; waa dagaalka joogtaysan ee u dhaxeeya kooxaha, isirrada iyo qaramada. Noloshu waa khilaawo, noloshu waa diin, sidoo kale waa waxyaabaha yar ee maskaxda ku qarsan – cadawnimo, higsasho, lahasho, baqdin, guulo iyo walaac. Dhammaan intaa iyo in ka badanba waa nolol. Laakiin nafaheena waxaan u diyaarinaa qeyb yar oo ka mid ah. Imtixaano dhowr ah ayaynu ka gudubnaa, shaqaan raadinaa, waan guursanaa, carruur ayaan yeelanaa, ka dib waxaan noqonaa intaa iyo in ka badan sida mashiino. Waxa aynu ku jirnaa baqdin badan, walaac iyo nolol cabsi ah. Sidaa-awgeed howsha waxbarashadu ma innagay nagu caawinaysaa fahamka guud ee Nolosha, mise kaliya waa tu noo diyaarisa xirfad iyo shaqada ugu wanaagsan ee aan heli karno?
Dhammaanteen maxaa nagu dhici doona marka aynu weynaano oo aynu noqono rag iyo dumar? Marna miyaad weydiiseen nafihiina waxa aad qabanaysaan marka aad weynaataan? Sida aad ka wada mideysantihiin waad guursan doontaan. Ka hor inta aadan ogaan halka aad joogtaan ayaad noqon doontaan hooyooyin iyo aabbeyaal, waxaadna ku xirmi doontaan shaqo ama kushiin, kuwaas oo aad si tartiib ah ugu dhammaan doontaan. Ma intaas kaliyaa waxa aad doonayseen noloshiinu inay noqoto? Weydiintan weligiin ma weydiiseen nafihiina? Miyaynan ahayn inaad weydiisaan? Hadduu qoyskaagu ladan yahay waxaa dhacda ilaa heer wanaagsan inaad booskaaga horay u xaqiijisay, aabbahaa baa shaqo raaxo leh ku siin kara, amaba waxaad ka guursan kartaa reer tanaad ah; laakiin waad madmadi doontaa, oo waad ka sii dari doontaa. Miyaad aragtaa?
Hubaal, waxbarashdu macne malahan ilaa ay kugu gargaarto inaad fahamto qiimaha baaxadda leh ee Nolosha iyo dhammaan arrimaheeda dahsoon, quruxdeeda cajiibka ah, murugooyinkeeda iyo farxaddeeda. Waad kasban kartaa shahaadooyin, waad heli kartaa warqado taxane ah oo uu magacaagu ku dhiganyahay iyo shaqo fiican. Ka dib maxaa xiga? Waa maxay wanaaggeedu hadduu hannaankeedu yahay mid maskaxda duleynaya, daallinaya oo nacas ka dhigaya? Haddaba, kolka aad yartahay, miyaynan ahayn inaad goobto gabi waxa ay noloshu tahay? Howsha dhabta ah ee waxbarashadu miyaynan ahayn inay carbiso garashadaada si aad isugu daydo inaad goobto warcelinta weydiimahan?
Ma garanaysaa waxa ay garashadu tahay? Waa awoodda hubaanti loogu fikiri karo si xur ah, cabsi la’aan iyo qaacido la’aan, si aad u bilowdo daah ka rogista nafsadaada, maxaa dhab ah? Maxaa run ah? Laakiin haddii aad ka cabsato abid ma noqon doontid qof garaad leh. Qaab kasta oo higsasho ah, ruuxi ama caadiba, waxa ay dhashaa walaac iyo baqdin; haddaba, higsashadu maskaxda kama dhigayso mid xayaabo tiran, fudud, qumman misana garaad leh.
Waad ogtahay, run ahaan inay aad muhiim u tahay kolka aad yartahay inaad ku noolaato degaan aysan baqdin ka jirin. In badan oo innaga mid ah, sida aan u gaboobayno ayaa na cabsi galisa, noolaanshaha ayaanu ka baqanaa, inaan shaqada weyno ayaan ka baqanaa, caadada ayaan ka baqanaa, waxa dariska, ama waxa afada ama saygu dhihi doono, geeridana waanu ka baqanaa. In badan oo innaga mid ah ayaa ka baqda hal jaad ama kan kale; meesha ay baqdini ka jirtana garaad ma jiro. Dhammaanteena inooma suurowdoo, kolka aynu yaryarnahay inaan ku nooloono degaan aysan baqdin ka jirin, laakiin aynu ku noolaano xayndaab gobannimo – Gobannimadu ma ahan inaan sameyno waxa aan jecelnahay, waa se inaan fahamnaa hannaanka guud ee noolaanshaha. Dhab ahaan noloshu waa ay qurxantahay, ma ahan waxan xun oo aynu ka dhignay. Waxaaad u riyaaqaysaa qiimaheeda sarreeya, qotodheerideeda iyo muunadeeda cajiibka ah kaliya marka aad ka hortimaado wax walba – marka aad ka hortimaado diinta abaabulan, marka aad ka hortimaado hiddaha, oo aad ka hortimaado bulshadan xun – aadna sidaa bani-aadam ahaan runta u baadi-goobto qof ahaan. Ma aha ku dayasho ee waa daahfurid – taas ayaa waxbarasho ah. Ma ahan miyaa?
Waa ay sahlan tahay inaad adeecdo waxa ay bulshada ama waalidiintaada iyo macalliimiintaadu kuu sheegayaan. Kaas ayaa ah dhabbe fudayd iyo badbaadaba u leh jiritaankaaga; laakiin noolaansho ma ahan, waayo waxaa jira baqdin, madmadid iyo geeri. Inaad noolaato naftaada waa inaad goobtaa maxaa run ah, sidan waxa aad sameyn kartaa kaliya marka ay xorriyo jirto, waa marka uu kacaan ka socdo gudaha naftaada.
Laakiin laguguma dhiirigaliyo inaad sidaa fasho; qofna kuuma sheegayo inaad isweydiiso, inaad iskaa u goobto Alle, waayo haddii aad ka dido waxaad qatar ku tahay dhammaan wixii been ah. Waalidiintaada iyo bulshadu waxa ay doonayaan inaad badbaado ku noolaato, adigana sidoo kale ayaad doonaysaa inaad badbaado ku noolaato. Badbaado ku noolaantu inta badan waxa ay la macne tahay ku dayasho iyo cabsi la isku jarribo. Hubaal, howsha waxbarashadu waa inay ku gargaartaa mid kasta oo innaga mid ah in uu u noolaado si xorriyad leh cabsi la’aan. Ma ahan miyaa?