Jirridda Baambuu | Faallo buug

W/Q: Biindhe Abiib

Jirridda Baambuu
Buugga Jirridda Baambuu oo aan akhriskiisa dhammeeyay 9 0ct 2021 ayaa aan isla habeenkaa damcsanaa in aan faallo kooban ka qoro sheekada buugga. Se, isla habeenkaa 8dii fiidmo waxa aan maqlay war dhiilo leh oo aan dhagtu jeclaysanayn, warkaas oo sabab u noqday in ay gaaxato xaamasaddii iyo dareenkii akhris-dhammaadka buugu igaga tagay. Warkaas dhiillada leh ee aan maqlay waxa uu ahaa geeridii EHUN e, Dr Maxammed Daahir (Afrax). Tacsidii baa is gaadhay, aad baan uga naxay, habeenkaas oo dhan wixii u badnaa ee aan ka sheekeeyay iyo wixii u badnaa ee aan maqlay ba isga (Afrax) iyo waayihiisii nololeed bay ahaayeen. Halkaas ayay ku saqiirtay faalladii iyo dareenkii isoo gujinayayba. Laakiin, in ay faalladaasi baaqato Eebbe khayr buu ka watay.

Habeenkaa, waxa kaliya ee aan doonayay in aa ka faalloodo waxa ay ahayd sheekada iyo raadka ay igaga tagtay, oo runtii intii aan sheekadaa akhrinayay waxa aan ahaa waayo arag nololeed oo Ciise Daaruuf (jillaga sheekada) ayaanu saaxiibo ahayn, Ciisana, haddii aad gacanta qabsato badwaynta nolosha iyo waayaheeda ayuu inteeda macaan iyo inteeda qadhaadhba kaala tallaabayaa, caddaalad iyo caddaalad darro mida ay noloshu ku dhisan tahay waydiin ah inta uu farta kaa saaro ayuu bartaa kaaga dhaqaaqayaa, adiga oo su’aalo madaxaaga ka wayn sita ayaad is macasalaamaynaysaan.


Balse, sheekadii waxa ay igu soo noqotay iyada oo tixraac akaadamiyadeed ah (academic reference), mar aan dhiganayay koorso ka hadlaysa aragtiyaha bulsho iyo qaabaysankooda ayaa iyada (Jirridda Baambuu) iyo kuwa kale tixraac ahaan na loo siiyay in aan soo akhrisano. Si aan si fiican ugu fahanno samayska bulshada iyo awoodaha bulusho (social forces). Haddii Jirridda Baambuu marka hore ii ahayd kaliya sheeko-faneed la male-awaalay oo aad u xiisa badan, markan waa darsi ka mid ah darsiyada aan Jaamacadda ku qaadanayo oo la rabo in fahankayga xidhiidhka bulsho iyo waxa qaabeeya kor loogu qaado. Malahayga, waxa aan ahaa qofka kaliya ee sheekadaa horay u akhriyay oo waliba afkiisa Hooyo ku akhriyay inta aan Fasalka ku joogno. Haddaba, waxa aan isku dayay in aan is qabadsiiyo meesha ay iska soo galaan casharka iyo sheekadu, awoodaha bulsho waa kuwa aynu dhammaanteen maxbuuska u nahay ee aynaan dhanna uga baxsan karin, waa jeelka aynu soo galnay inaga oo aan dooran kuna qasbbanahay in aan awaamiirtiisa raacno si aan ugu dhexbadbaadno.

Awoodaha bulsho waa dhaqanka, caadooyinka iyo aaminaadaha ay bulsho kastaaba leedahay, iskuna xidha bulshada, adiguna, adiga oo shakhsi ah ayaad ku soo biirtaa ciidan carbismay oo jiibta iyo jaanta isla helay, haddii aad tallaabada dhinacooda ula qaadi waydna aadan ku dhexbadbaadayn. Waa halkii Maxammed Xirsi (tujumaaga sheekada) uu ku lahaa bogga ereyga turjumaha, hadal u dhigan: ‘qofku waa dhibic biyo ah oo ku soo dhex dhacday daad socda’, daad socda haddii ay dhibic biyo ahi ku soo dhacdo awood ma laha ay kaga hadho ama kaga leexato. Qofkuna waa sidaa oo kale oo awoodaha bulsho dhinacna ugama baxsan karo.


Ciise Daaruuf, waxaa uu ahaa iska dhal ka soo kala jeeda laba bulsho oo aad u kala duwan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dabaqad ahaan. Hooyadii waxa ay ahayd Filibiiniyad kiristan ah dhaqaale ahaanna dabaqada hoose ka soo jeeda, halka Aabbihii ahaa carab Kuwytiyaan ah dhaqaale ahaanna ka soo jeeda reer ladan. Ciise waxa uu ku barbaaray Filibiin iyo gurigii hooyadii, isaga oo wata magac Carbeed oo Muslinimo ka turjumaya reer Kiristan ah na la nool. Haddaba, Ciise waxaa uu isku dayayaa in uu is waafajiyo isla markaana ku dhexbedbaado awoodo bulsho oo hortii samaysmay isaga iyo cid kale toona ayna waxba ka beddali karin~ dhaqanno, caadooyin, dabaqado bulsho, aaminaado iyo diimo liddi isku wada ah. Kuwaas oo uu dhexda kaga soo dhacay oo ka dhex dhashay. Qoyskiisu waxa uu ku kala noolyahay labada waddan(Filibiin iyo Kuwayt) oo runtii aad u kala duwan dhinac walba. Walaashii oo uu jecelyahay, Eddooyinkii iyo Ayaydii Aabbe waxa ay degganyihiin Kuwayt oo ay nolol sare, magac iyo maamuus ba ku haystaan.

Halka taasi liddigeeda ay Hooyadii, Awoowgii hooyo iyo Habaryartii oo ah dumarka jidhkooda baayaca ku noolyihiin Filibiin iyo nolol hoosaysa oo sabool iyo sumcad la’aan ah. Waxa uu ku dhashay guriga Aabbihii, bal se nasiib uma yeelan in uu ku barbaaro nolosha sare ee gurigaa taala oo wuxu ku barbaaray, iskorisnimo iyo nolol adag. Hooyadii waxa ay cindiga ku haysaa in wiilkeedu ka bixi doono noloshan adag, marka uu qaangaadh noqdo, maadaama uu gurigii Aabbihii ku laaban doono. Ciise, dhinaca Filibiin waa rajada qoyska hooyadii, oo waxa ay rajaynayaan in uu soo caawin doono marka uu Kuwayt ku laabto, maadaama uu heli doono dhaxalkii Aabbihii. Halaka qoyska Aabbihiina uu ka yahay bar madaw oo sumcadooda ku taala, maadaama ay jaariyad Filibiiniyad kiristan ahi dhashay!


Sidii aan horayba u idhi; sheekada Ciise Daaruuf way ka gunddo-balaadhantahay kaliya sheeko, oo marka indho soo jeeda lagu dhugto aadna loo calasho, waxa lagala soo baxayaa casharo bulsheed iyo nololeed. Waxa aynu wax ka fahmaynaa, awoodda dhaqanka, dabaqadaha iyo kalasaraynta bulshada, iyo suurtagalnimada isdhexgalka dabaqadaha bulsho. Dhinac kale waxa aad moodaa in ay sheekadani ka jawaabayso doodda ah; ma bulshada ayaa shaqsiga samaysa mise shaqsiga ayaa bulshada sameeya?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *