
Waddada Naarta
W/Q: Mooge Umal
Hilibka weydda ah iyo dhuubnidiisa aad moodid in lafta iyo jiidhka la isku dhalaaliyay, indhaha godgodan ee aan naxariista lahayn ee soo taagtaagan iyo muuqa sare ee halowga iyo hanfigu ka sokeeyo ayaad ka fahmi doontaa in uu ruuxani beri dhawayd magaalada yimi oo uu muddo negi ku yahay— weli se foolkiisa diihaal uu la ilgo’ay kaga sii yaal oo laga arki karaa. Marxaladahan la isla yaqaan ee magaalowga Soomaalida waxa ka mid ah in uu qofku beryo tuulo soo joogo dabadeedna magaalada weyn yimaaddo, hawlo badan oo anshax ahaan qarriban oo haddii uu tuulada ku kici lahaa aan waxba loo arki lahayn ayaa laga yaabaa in uu magaalada mashaqo kala kulmo.
Naf qallafsanaan u dhalatay ayaa Xiis ku jirta, isbeddelkana ma jecla oo kakanaantii uu miyiga kala yimi weli ka ma aysan hadhin, dhawrkan gu’ ee uu magaalada joogo waxa la moodaa in uu ad adayg kale ka sii qaaday. Noloshiisa ma jiro xilli qurux badan oo xusuustiisa ku duugan, taasina waa ibtilada Xiis maankiisa gelisay ee humaagga baas nolosha kaga beegtay, waxa ay u diiday in uu si qumman u fekero, meel fog kama aysan soo raacin oo geejiraha Soomaaliga ahi waa ruuxa ugu qallafsan waxa qof aadmi ah Ilaahay uumay, dhab ahaanna haddii aan la is yeelyeelayn, Soomaaliga runt ahi waa geeljiraha xilkaska ah, debecsanaan laguma oga, waayihiisa oo idil waxa uu ku maareeyaa xeerka dabiiciga ah ee noloshu leedahay, haddii jileec iyo nugayl ku galo waa ay ku loodin doontaa, iska caabbin uu taas ka qabo ayaa uuna waayaha kula jiraa, wax geeri iyo nolol u dhaxeeya ma yaqaan, wax kasta oo isaga qaali ku ah ama uusan huri karin waxa uu ku cabiraa heerka uu ka joogo ee uu geerida uga la maago. Geeljiraha Soomaaliga ahi waa ruuxa bixiyay hawraarta bahalnimada ah ee tiraahda, hebel waa ninka reerka laga dilo oo uu uga jeedo, waa ninka ugu qiimaha badan ee reer hebel ama bulshada ku jira. Dadka iyo nolosha oo dhan waxa ay ku beegaan cabbirkaas masaalkiisu geerida yahay, haddii ay rabaan in ay qof dadnimadiisa qeexaan, waa in uu yahay nin ku noolayn kara ama ku dili karo, geeri iyo nolol wax ka duwan in ay jiraan oo aadmigu tab kale yeelo ma oga, waxa ayna labadaasi u tahay maamuuska u weyn ee ay siiyaan qofkii ay gobanimo ama xitaa ay raganima ka xilanayaan, dadnimaduna heerkaas fog ee aan dadka loo qiimayn karin ayaa ay ka joogtaa.
Baxaalligaas ayaa qofnimada Xiis ku abuurnaa, waayaha jaan ee uu ku soo kacaamay haddii aad dhugan lahayd waxa dhici lahayd in aad u garaabtid, mase aan rabo in aan damqashadaas ku maararowno.Xiis isaga oo toban sano jira ayaa aabbihii Xoojo geela ku daray, weliba waxa la raaciyay niman arxan daran oo geeljire ahaa, halkaas ayaa uu ka soo bilowday waayihisii geeljiraha ee uu ka soo cabbay ceelashii wiyirka ahaa ee noloshiisa geela. Masuuliyad uusan xilkeeda qaadi karin ayaa uu tuurta u ritay oo culayskeeda in badan la goohay oo la gubtay. Weligii isaga oo gef sameeyay ama arrin ay seegtay looma garaabin oo taasi ma aha wax lagu yaqaan geeljiraha, nabarro aan weli bugsan oo aad gunaadkooda ka naxaysid baa garabka kaga yaal, haaro aan duugoobbin oo aad moodid in hada lagu dhuftayna waxa ay kaga yaallaan gacmahaha. Jidhkiisu waa meel guban iyo meel go’an oo goor hore inta jug kaga dhacay soo godatay, intii uu geeljiraha maankiisa ayaa ay ku daabacnyihiin sida xusuusta qaaliga ah oo kale, wax kasta oo xanuun badan waxa kaga daran oo uu ka yaqaannaa in uu geeljire cadaab ah soo maray. Weligii cid uma uusan sheegin maxaa la dhahaa naxariis, maxaa la dhahaa tudhaale, haddana waa qof gabanimo badan oo wax uu xeeriyo iyo wax uu ka gaabsadaba yaqaan.
Nafsad ahaan geeljiruhu waa qof hal jaad ah oo la yaqaan waxa uu gudo iyo waxa uu galo, aamus ayaa uu dibnihiisa u tolay, waana hawlkar gelin iska dhan cadceedda taagnaan kara, xilli dheer socod ku gaarradnaan kara oo dhul baaxad weyn lug kaga tallaabi kara, dhulka iyo deegaanka uu ku nool yahayna si wacan ayaa uu u badiyaa oo uu u kala yaqaannaa dooxooyinka iyo kaymaha, dhudhubaha iyo togaga carrada ka jeexan, haddiise aynu nafsad ahaan faallayno, dabar maskaxda iyo garashada kaga duuban ayaa uu la goohayaa, haddii uusan is halligin nafo kale oo qaali ah ayaa uu galaafan karaa, sidaas awgeed waxa aan isku deyaynaa in aan fahanno hanaqaadkii iyo meertadii xilliga ee ay maskaxda iyo dadnimada Xiis soo martay. Xiis kolkii da’da labaatanka madaxa ka jaray ee uu muruqiisa xoog iyo awood ayaa uu geela iyo aydii baasaydba diiday, waa la isku dayay in la jujuubo oo aan la sii dayn, aabbihii isaguna macangag ahaa ayaa ku taliyay in la dhangadeeyo oo ay geeljiruhu gacan iyo guhaadba ku xejiyaan haddii uu mar danbe diidma sameeyo ama wax la mid ah falo, nimanka kale ee uu la joogay, rag wada tabaadi ah oo sida awrta geela habeed ku taal, marka uu far dhaqaajiyo ama uu wax diidaba sidii neef baadi ah ayaa ulayn jireen, si run ah ayaa uu goortaas u karhay nolosha baas ee uu isagu ka ahaa ruuxa ugu ciidanka daran ee aan taagta lahayn, miyir ahaan Xiis nin aan murti xumayn oo hadalka heli og oo haddana dulqaad yar ayaa uu ahaa, kuraynimadii ayaa uu geeljiruhu fiidkii inta uu geela mayricinayo kaftan turxaan leh ku dhibi jireen, waana halkaas meesha uu dulyarida iyo cadhada degdegga ah ew foolka ka saaran ka keenay, hadalkiisuna waxa uu noqday mid xanaf leh oo xubinta uu ku dhuftaba goosanaya, dabciga dhalanka ee aadmigu waa xariir, balse waayaha ayaa duxdii abuurta ahayd ka dila oo sida Xiis ka dhiga wax baas oo aan naxariis lahayn, hadalka uu damcaba waxa uu ahaan jiray dhamac hulaaqaysa oo xiiraysa.
Hiyiguu ka lalabay oo waxa galay dareen ah in uu geelan uu daba joogo iskaga hadho oo uu magaalada galo ayaa uu ku go’aan adaygay oo laga fujin waayay, aabbihii ayaa uu la faqay oo ay isku af garteen, waxbarasho ayaan bilaabayaa oo geela iyo ayda waan ka tegayaa, halkaas baanna ka shaqaysan doonaa, nin reerka magaalada u jooga ayaan noqonayaa, kollay sidii ay noqotayba, aabbihii Xoojo markaas in ay is fahmeen ayaa ay u ekayd, la yaab ayaa ay lahayd sidii uu Xoojo u yeelay taladii uu wiilkiisu ula yimi ee uu soo jeediyay, isaga qof ahaantiisu ruux dhibaato laga uumay oo xaaja adag, weligiina aan gar laga helin ayaa uu ahaa, dabeecad kulul oo aad ta xoorka moodid ayaa uu lahaa, diidmadu isaga xallad iyo wax macaan uu bogto ayaa ay Xoojo la lahayd, muuqaal ahaan nin dherer xiga oo lafa yaryar, midab maarriin ah oo madow u dhow oo dayac ka dhergay ayaa uu lahaa, salxanyo dhaadheer oo madaxa labada dhinac ka xulay iyo indha aad moodid in ay iftiinka ka baqayaan ayaa aad markiiba indhaha ku dhufayn lahayd, waa dadka aan jaaha iyo aragooda waxba laga garan karin, abaar iyo aaran, dayr iyo diraacba waa isku mid oo dhafoorkiisa waxba kuma yaallaan, waayuhu waa ay dhaafaan iyaga oo aan wax summad ah ku reebin, taasi in ay engegnaan iyo qallaylka ruuxdiisu la liidato yahay ayaan filayaa, hasayesshes, Xiis waa nin sulub ah oo caato isla soo goday, waa nin dheer oo aan itaal badan ka muuqan, lafa dhuudhuuban oo kor u yuuqan ayaa uu ahaa, maarriin furan oo aan hawl ka muuqan ayaa jeerka horeba indhaha ku dhufanaysaa, isaga oo sidaas u liita haddana niyad ahaan quus iyo qatooyo toonna ma aysan hayn oo waa uu ladnaa, maxaa yeelay, nolosha geeljiruhu waa mid gobanimo ku heenyaysan oo gaajo iyo harraad kasta oo jira ma soo loodiyaan oo foolkiisa nayaayiro ayaa uu inta badan la kaahayaa, itaalxumada iyo weydnimada ku taal waa baxaaalli isaga gooni u ah oo tilmaamaysa in jidhkiisa solon yahay oo aan subag iyo dux badan oo wax yeellaysa lahayn, kana bedqaba subowga iyo sonkorowga ay la liitaan dhalinyarada filkiisa ee magaalooyinka ku dhaqan.
Wiilasha la da’da ah ee maanta magaalada jooga lama caafimaad aha oo lama tamar aha naftaas xorgoga aha ee aad dhuubnidiis la yaabaysid, lama niyad aha oo xitaa lama garaad iyo maskax aha, dareen ahaanna waa boganayaa oo sida filkiisa magaalada ku nool ma bayhoofsana, dubaaqiisuna elwel iyo walbahaar toonna weligii ma arag oo fahanka noloshiisu in uu koobnaa ayaa uu taas kaga badbaaday, garashadiisu waa mid dihin oo ay fududahay in uu si dhibyar wax u barto ama uu ula qabsado shaqada uu goortaas hollado. Astaamaha iyo sumadaha jaadkaas ah ayaa qofka soomaaliga ah ee dhaladka ah waaqiiba lagu yiqiin, qof dhuuban, midab maarriin ah leh oo ilka cadcad, madaxana qab ka buuxo, naf mayal adag oo geesinimo dhalan ahi lafaha kaga jirto oo aad u maskax fiyow oo u fahmo badan, tabtaas ayuu aqoonyahankii dhulmareenka ahaa ee reer bariga ahaa iyo kuwii kale ee reer galbeedka ahaaba ku sifeeyeen Soomaalida, waana isla sifahan iyo sumadahan Xiis dabcigiisa iyo muuqiisa ka muuqda. Makhaayaddan uu galabta joogo ayuu ilaa maalin saddexaad si isku xigta u imanayay, waa meel inta badan rag waawayn oo isku sheeko ah fadhiistaan, balse isagu nin qalaad oo aan cidna garanayn isagana aysan cidi garanayn ayuu makhaayadda ka yahay, sida ay Soomaalidu ay waayahan danbe magaalada u soo galayso, dadku ma wada hadlaan oo dushaas sare ayaa la iska wada eegayaa iyada oo qolo kasta dareenkeeda qabto.
Meel dhexe ayaa uu makhaayadda ka fadhiyaa oo si aad moodid in uusan dan ka lahayn ayuu hareeraha u fiirinayaa. Muddo bil ku siman oo uu magaalada joogo barqadii ayaa uu meheraddan yimaadaa, rag odayaal ah oo badan oo xilligaas meesha ku sheekaysta. Ayaamihii uu magaalada yimi ayaa ay aabbihii Xoojo meheradan wada yimaadeen oo rag ay odayga is garanayeen oo tolka ah ayaa ay markaas iska heleen, isaguna sidii uu maalintaas u tegay ayaa uu u joogteeyay oo makhaayaddu meelo badan oo kale waa ay uga duwanayd, goor ayse barqintii tahay oo ay cadceeddu fallaadho diirran ganaysa oo dadku balbalada meherrada hadhsanayaan ayaa uu meel gees si aan baraad lahayn u fiigsanaa, eegmo digtooni ku jirto oo anfariir ka muuqdo ayaa uu meel hortiisa ah ku ganayay, dad badan ma aysan joogin meesha oo rag dhawr ah ayaa si habqan ah qolaba meel u fadhiday, qof waliba isaga iyo naftiisa ayaa isku maqnaa oo aamus baa la wada hoganayay, mashquulkaas qof kasta goonidiisa ugu maqan yahay ayaa uu Xiis la yaabanaa, waxa ayna ahayd dhaqanka uusan garan ee uu magaalada ku arkay,
Ninka meherada iska leh oo gadh rifrifan leh iyo timo aad hoolif moodid oo aad u foolxun ayaa meel dhexe oo Xiis ku beeggiisa ah soo fadhiya isaga oo kursi caag ah ku dhacdiisan, lugo uskag badan oo safan ku yaal sidii in godin lagu sarsaray ayaa uu ku dhererinayay sanduuqii lacagta oo hortiisa qotonsan, xilliyadan oo kale makhaayadaha shaaha laga cabbo ee ay Soomaalidu ku muranto waa xilliyada ay camiran yihiin oo dad shaqa ka yimi iyo dadka kale ee aan magaalada muraadka ku hayn ayaa halkaas ku dooda. Guuxa ka baxaya waad yaabaysaa, dhawr nin baa doodaha iyo muranka hogaanka u haya oo fadhi-ku -dirir kasta koox gaar ah ayaa uu u shidan yahay, meeshan laba nin ayaa keenada u haya oo doodda soo qodobeeya, waa laba nin oo iyagu si gaar ah saaxiibbo u sii ah, waa rag isku waaya ah oo askar soo wada ahaa, maantase labadooduba waxa ay kartidii kaga soo ururtay in ay halkaas ka qayliyaan, laxowga iyo xusuusaha baas ayaa ay kaga raystaan in ay mar kasta falanqeeyaan xaaladaha iyo waayaha askarta maanta ka jirta geyiga Soomaaliyeed, weli waa rag hiddihii askarta dhabta ah lahaa ee nafqaybsiga iyo gacaltooyada lahaa ku taagan oo had iyo jeer majeerta, labada nin, mid baa laxaad weyn iyo laf u dhashay oo aad sidii neef geel ah kor u jalleecaysaa, waa nin aad u madow oo wejiga sidii in uu gubtay ayaa uu finan sidiisa u madmadow ku leeyahay, cimaamad jilicsan oo fudud ayaa inta badan garabka u saaran, waa nin dabci fudud oo calool xaadhan, in uu gacanta ka kaftamo ayaa uu isku dayaa, arrimaha ay ninka kale ka wada doodaan isaga wax weyn lama aha oo ma sii raacraaco, waxa ayna taas u ekayd in uusan ahayn dadka fekerka badan ama doodda jecel ee aan hadalka ka hadhin. Ninka kale isagu waa nin dabci adag oo marka aad aragtid foolqallafsan baa ka sokeeya, dhebi ayaa uu gacanta ku sitaa, waa nin sida uu u egyahay dabciguusu yahay oo waa dadka muuqaalkooda laga garan karo dhaqanka ay leeyihiin, hadal kuma yara, murankuna waa hawshiisa, goorta aad aragtidba waa madax xiiran yahay oo in uu timaha col la yahay ayaa la moodaa. Ninkan danbe ee dabciga xun dhebigiisii ayaa uu kolkaas gacanta ku lulayay, sidii qof uu hadal hayo oo is celcelinaya ayaa uuna u ekaa, waase uu hadlayay isaga oo gawnaxyada buuraya oo cadhada codkiisa ka soo horrayso.
Cabbaar iyada oo la aamusanyahay oo uu Xiis meeshiisii yuururo ayaa labadii nin ee saaxiibbada ahaa mid kamid ah hadalka bilaabay isaga oo maanta ka sheekaynaya askar ku dhaawacantay dagaal ka dhacay Jubada Hoose, cidda lala dagaalamay kama uusan hadal balse waxa uu aad uga hadlay macnaha dagaalku askariga u leeyahay iyo asalkaba dagaalka iyo nafhurka waxa ay wadaagaan. Hadalkiisa dhiifoonaan baa ku lammaan oo waa nin dhaqankii askarta leh oo aan rabin in uu iska yiraahdo hadal aan xubin ku joogin, ninkii makhaayadda lahaa oo daal la hamaansanaya ayaa oo si hiifitaan leh u eegayay, hal mar ayaa uuna hadalkii xamaasad geliyay isaga oo qawdhamaya “ Inkasta oo ay raggu hilba dirireen, haddana rag kale oo dhaawac ah ayaa ay goobta kaga soo tageen, in ay fulaynimadaas sameeyaan oo raggii ka garab dagaallamayay cadowga iyo bahalka uga soo cararaan ma aysa ahayn, askariga dhabta ahi taas dil ayaa uu ka xigaa ama uu in uu halkaas ku burburiyo wacadkii uu galay..” Ninkii kale ee saaxiibkii oo dhoollacadaynaya ayaa uu fiirinayay, waa uuna iska aamusay, hasayeeshee cadho ibiliis baa saarnayd oo in uu fadhiga xejin waayo ayaa uu ku dhawaa sida ninkaasi u dhibaataysnaa. Xiis intuu makhaayaddan imanayay maanta ayaa uu maqlay wax xiiso leh oo naftiisu u bogtay, judhii u horraysay ee uu ninkaasi ka sheekeeyay dagaalka, nafhurka iyo askarta ayaa ay isku taagtay jidhidhico roobka laala’eg, dabcigii dhalanka ahaa ee laabta kaga beerna ayaa ay sheekadaasi soo kaakicisay, waa macangagnimada iyo arxan darrada lagu ababiyay ee uu geeljiruhu leeyahay ayaa isagaba dadnimadiisa ku marmaran oo ka dhab ah, ay iyo geelba aa uu ka soo tegay haddana eebadaasi waa mid uu la rafaadi doono oo nafsaddiisa ku uuman, waana ibtilo barbaarintii ka soo raacday oo wax kasta oo dhaca ama is beddel kasta oo uu ambaqaado ka sii adkaan doonta, dirir iyo colaaad huraysa ayaa uu u jeelqabaa, ismana uu oga oo ma sheegi karo dareenka runta ah beledaas jeclaysiinaya, mana garan karo waxa keena in uu qofku dagaal galo ee uu ugu dhinto ama ugu dhantaalmo, maantase hadalkaas uu maqlay dhuuxiisa ayaa uu galay oo waxa si aayar ah u soo noolaanaysa naftii geeljiraha ahayd ee dhalashadiis guyaal badan ku abuurnayd.
Ha is duuduubo oo idhaha inta uu rogrogo cadho hadba gees ha jaljalleeco, isaga maad ayaa ay la ahayd xaaladdaasi, waxase uu markan isku dayay in uu faalladiisa ku darsado dhacdadaas uu saaxiibkii warkeeda bilaabay, si debecsan ayaa uu ugu warcelinayay isaga oo leh, “Ninyahow aniga waxa ay iila muuqataa in ay xeelad ku dagaalameen, waxase laga yaabaa in ay awood ay u babac dhigi kari waayeen la saaray oo ay noqotay in ay nafahooda la soo baxaan, tallaabo caqligal ah ayaa ayna ahayd, askariga nool baa mudan in uu badbaado, sida aad ogtahayna goobta geeri baa loo tagaa!”
Hadal kulul ayaa uu kala hor yimi.
—In ay dhiig ku fooldhaqdaan baa ay ahayd, anigu fulayo ayaan u aqoonsaday raggaas. Muxuu yahay dagaalka dhexdiisa lagu fekerayo ee aad leedahay wax bay badbaadinayeen, in uu ruux ka hadho ma jeclayn oo raggu geeri sharaf leh in ay dhintay ayaa ay ahayd. War ma innagaa isku siba wax u aragna nin yahow.
—Wax aan caqliga galayn baad ka sheekaynasaa!
- Sidee raggu dagaalka uga soo baxeen iyaga oo aan dhaawacoodii soo qaadan? Askarigaaga meydkiisu xitaa waxa uu la mid yahay isaga oo nool oo aad soo qaaday, waxa aadba sheegaysaa dhaawac laga soo cararay, waan iska ogaa in beryahan cid kasta magaca askarta ay wadato oo la yaabi maayo in kuwaasiba askar ahaayeen. Sidee ayay ugu dhaceen in gadaashooda kaga yimaadaan askartii garabahooda ka diriraysay oo dhaawac, sow hadhow cadawgu ruux togi maayo, meeyay nafhurkii askariga lagu yiqiinnay, meeyay, meeyay..” Ayaa sii lahaa isaga oo xiddiddo buurbuuran dhafoorka ka kaceen margiyada adkaynaya intii aysan cadhadiisii ku dhex baaba’in qayladii iyo bullaankii meheraddu la oogsatay.
Dooddii gaabnayd ee labada nin u dhaxeysay aad ayaa uu Xiis ka helay, kama uusan wada helin ee tii ninka madaxa xiiran ee cadhada la haliilayay ayaa uu madaxa u ruxay, in naf la gooyo oo aan go’aan badbaado iyo dhexdhexaad midna ahayn la qaato ayaa uu sii jantay, halkii uu fadhiyay isaga oo aamuska qaayibsan ayuu fekerkii macangagga ahaa laabta uga riyaaqay. Geeljiruhu waa jaad sharka ka mid ah, waa noolaha ugu cadowsan ee ay Soomaalidu taqaan, colaadaha uu kiciyo waxa ay noqdaan dab hulaaqa, mid uu isagu bilaabay oo uu joojiyayna ma jirto, waa wada aano iyo godob la wada eedo. Dooddi kadib raggii ma aysan sii wadin oo halkaas bay kaga hadheen, kaftan yar baa rag kale u bilowday, wax aan badnayn markii la joogayna, siyaasadda Xamar iyo dawladnimada Soomaalida ee garacatay ayaa la faallaynayay, si baas oo daal ka muuqdo oo xanaf iyo xajiintii qabiilku ku taal ayaa wax loo faaqidayay, waase arrinka u weyn ee uu qofka makhaayadda iska leh sheekadeeda u dhololo, isaga ayaa dadkii oo dhan afka wada qabsaday oo keligii baa duryamayay, dadku waa ay dhibsanayeen, sidii ay rag meesha fadhiyay laabta iska lahaayeen, “Nacalad kortay, waa qof jaanjaaman oo aan erey wanaagsan la barin!” cidina hadalkiisa ma rabin oo waxa lala yaabanaa doqonimada uu hadalkeeda ku dhiirran yahay, Xiis intii uu ninkani hadlayay aad uma dhaadayn, markii danba se waa haraamayay, waa ay fududayd in goortaasba doqonimadiisa la wada dhaado, waxa uu ahaa dadka marka ay afka kala qaadaan doqonimadu ka soo horraysay ee calyadu ka qubato.
Sheekadii iyo murankii goor uu gabaabsi yahay ayaa uu ka soo tegay isaga oo muraaqaysan oo feker dooddii kaga dhashay ayaa maskaxdiisii yarayd la debendeebaysay, guri durugsan oo xaafad magaalada geeskeeda ah ku yaal ayaa uu u soo lugeeyay, waa uu soo badheedhay, maya wax dhib ah kuma aysan hayn milicdii darnayd iyo digibka Laascaanood, waa carro cad kulul oo hanfi neefsanaysa, qofkuna haddii uu cabbaar indhaha ayaa madoobaanaya oo murqaha suunniya ayaa ku xanuunaya, socodku hawl kuma ahayn oo intii uu garaadsaday waa uu soconayay, hasa ahaatee, dhulkii hawdka ahaa uu ka yimi waxa uu laha ciid macaan oo lugta iyo aragat toonna waxba yeelayn oo qabow, ha iska ahaado deegaan oomane ah oo kaymo badan, haddana waa dhul qurux badan xilliga uu barwaaqada yahay, naftuna ay u jeesho.
Aqalka uu joogo waxa iska leh nin adeerkii ah, waa nin xaas ah oo mashaqada nolosha la hardamaya, labada wiil ee yaryar ayaa uu korintooda la halgamayaa, wax kasta iyaga dartood ayaa uu u falayaa, isaga naftiisu wax culays ah kuma hayso oo taas qoyskiisa ayaa uu u darban yahay, qofku marka muddo joogo waxa dhacda in uu isla yaabo ama uu naftiisa xilkasnimo uga shakiyo dabadeed isku hawlo in uu guri dhisto oo reer yeesho, naftiisu baylah bay ahayd oo waxa uu dadnimadiisa oo dhan u hurayay reerkaas iyo ubadkaas, run ahaanna ma jiraan wax intaas ka badan oo uu qaban karo qof Soomaali ah oo weligii habaarnaa, waan ogahay oo dhammaanteen dad ayaandaran oo nolosha kurbadeeda ka wada cararaya ayaynu nahay, qoyska iyo ubadkana waxa aynu ka fekernaa marka aan garwaaqsanno in aan dhiman doonno inaga oo gacma madhan oo caydh ah, sidaas awgeed waa in aan adduunka kaga sii tagnaa ubad aan dhalno oo hadhow qaayiba foolxumadii geeridu inaga keentay, iyaguna waa ay inoo soo nacladi doonaan kolka ay xaqiiqada arkaan, taa baase [tafiir] la yiraahdaa oo luggooyo meerta ah oo innaga iyo iyagaba inaga horraysay. Ninkaas sidaas ayaa uu u halgamayay, naftiisa in uu badbaadiyo waxa uu ka doorbiday in uu xilkeeda ku beego daryeelka qoyska, si uu uga dhawro miciyaha dhaadheer ee gaajada. Noloshu iskeeda waa fikrad dhibaato ah balse ay dadku jecel yihiin in ay iska noolaadaan, diif iyo daranyaba mutaan, intii ay si fudud u dhiman lahaa ee ay uga raysan lahaayeen halista socota. Doodaha caynkaas ahi maanta kuma abuurna maskaxda qofka Soomaaliga ah. Xiis adeerkiina ma saluugsana waayihiisa, waxase la moodaa in uu beryahan danbe soo fahmayo hannaanka ay isu beddelayaan nolosha magaalowga Soomaalidu iyaga oo la jaanqaadaya casriga xawaaraha jaraya ee dunidu maanta geeddiga u tahay, maya ee dayowga ku riday ee heedadawga ka dhigay. Maalin dhawayd ayaa ay isaga iyo adeerkii is waraysteen oo u sheegay in uu waxbarasho gelinka danbe ah bilaabi doono, gelinka horena uu adeerkii shaqada dhismaha ee uu qabta ka la shaqaynayo, shaqadaasi waa xirfad fudud oo reer miyiga magaalada soo gala ay dhakhso u bartaan oo ula qabsadaan, horta xirfad yaanan odhan waa shaqo xoog iyo adkaysa u baahan, qarash wacanna leh, Xiis iyo adeerkii arrintii waa ay isku af garteen, waana in uu waxbarashadaas degdeg u bilaabo, waa uu riyaaqsanaa, wax kasta oo cusub iyo filashada ayaa taas iska lahayd.
Galabtii ayaa uu soo baxay, makhaayaddii uu barqadii joogay ayaa uu toos u soo aaday, dadku kala shaahyacabsab ee isagu haddii uusan maalintaas labada gelinba cabbin xaraarad ayaa uu madaxa la kaaraayaa, galabtu waa xilliga uu maalintii ugu jecel yahay, marka ay cadceeddu galbeed u foorarsato oo dhuka hadhku soo fuulo, waa hadhkaas macaan ee mugdigii habeenka xiga, waxase uu maanta hiyigu u hayaa sheekadii uu barqadii maqlay oo xiiso iyo dareen ku abuurtay, degdeg buu fadalka qaadayay sidii in belaayo eryanaysa, meel uu isku celiyo ayaa uu fiirfiirinayay, kursi faloor ah oo dheer ayaa uu salka la helay, kursiga in laba qof ama ka badan ku fadhiisato ayaa loo sameeyay, si kalsooni leh ayaa uu isugu kala bixayay, hal cabbaar ah kadib ayaa qof jimidh yar oo weyd ah dhinkii kale ee kursiga kaga soo fadhiistay.
Qofkan caatada ah ee indhuhu godka ka soo jeedaan ee madaxa qalfoofta la moodo cimaamaddu ugu duuban tahay ayaa uu Xiis si amankaag leh u jalleecay, waa nin aan da’ badnayn oo hadda dhalinyaranimada sii sagootinaya, basaas ba’an ayaa foolkiisa saaran oo dibnuhu waa ay jeexjeexan yihiin sidii qof aan muddo dheer hadal toyan, surwaal gaaban oo holofsan ayaa dhudhunka u jooga, waaba maro qaab daran oo dhalinyaradii saxwada iyo wadaaddadu berigii hore xidhan jireen, gadh aan badnayn oo sidiisa u diifaysan ayaa uu leeyahay, indhihiisu waa kuwa eegma debecsan oo miskiin baad moodaysaa, mase aha oo dhaqdhaqaaqiisa digtooni baa ku lammaan, mana aha dadka eegmada badan ee markiiba la arko, eeg weligaaba fiiri, way adag tahay in aad muuqiisa ka dheehatid dadnimada ama dabeecadda uu leeyahay, goorahanba Xiis waa uu eegayay qofkan dhiman ee hoosta ka soo galay, war muxuu qofkani, ayaa uu is lahaa, shaahiisii ayaa uu iska cabbayay, mase uusan garanayn in kuraasta lagu wada fadhiisto ee aan isaga keligii meesha loo dhigin, markan inta uu is hayn kari waayay ayaa uu ninkii gadaal ugu jeestay oo maag ku bilaabay:
—War maxaad ahayd, qofkaagani?”
Waa uu u kasay oo ninka falcelintiisa ayaa uu sugayay, hasa yeeshee, filashadii uu qabay mid aad uga duwan ayaa uu helay, waxa ayna la ahayd arrin uu la yaaabo.
—Horta salaamu calaykum, salaanta ayaa hadalka lagu bilaabaa, walaal.
—War salaan lahayne, naga ag kac oo orod meel ku deeqda fadhiiso.
Cadhadhu waxa ay u ekayd in ay dhab ka tahay, in uu gacanta ula tago oo tukhantukheeyo ayaa uu ku fekeray.
—Walaal kursigan adiga keligaa looma samayn, labadeena waa ina le’eg yahay ee is deji walaal.
Ma cadhoon, mana kululaan, wax dareen ahi ma gelin, si xeelad ah ayaa uu markaasba ugu halceliyay.
Xiis nin garasha xun ma ahayn, mana uu garan waayin in uu si qumman wax u eego oo fekero, aragyay in meeshu laba qof ku filan tahay, dabadeed isaga oo aan garaabin oo is xejinaya ayaa uu iska jeestay, waa uu gartay in uu gardarnaa, balse raganimo uma arkayn in uu garawshiyo bixiyo ama uu gefkiisa si uun u qirto. Haddii wax yar la joogayba ninkii kale ayaa hadalka dib u bilaabay. Muuqaalka Xiis iyo dhaqankiisa ayaa uu bogtay, nin reer miyi ah oo dareen dig ah oo dhalan ah ku jiro ayaa uu ka fahmay, aqoon ahaan si kasta geeljiranimada ama aqoondarradu waa ay uga sokaysay oo waxa ay ninkaas la noqotay in uu Xiis barto oo dabinka soo geliyo.
—Salaamu calaykuma walaal, iska warran?
- Cayluma salaan, inaadeer.
Degdeg ayuu ugu warceliyay oo waxba ma uusan hubsan, waxa uuna gartay gobanimadii uu isagu diiday in uu sameeyo uu falay ninkii uu sida xun ula hadlay ee uu maagay, is bariidintaas kadib baa ay is baranayeen.
—Magacaa walaal?
—Xiis, inaadeer Xiis baa la i yidhaahdaa, adiguna magacaa bal oo isu kay sheeg?
—Daakir, waa kaas magacaygu.
Abbaartii u socday ayaa uu guda galay.
—Ma dhawaan ayaad magaalada timi?
—Muddo ceelka waa joogaa, reerihii oo Dhummay agtooda yaal ayaan ka soo kacay, nin reer Dhummay ah baan ahay, sow ma taqaanid?
Xeelfurnaan baa ka muuqatay Xiis oo dabar oo hadalka ku seeteeyay ayaa ka furfuray, waxa uu rabay in uu si fudud isu gartaan, haddan waa uu ka gaabsanayay in uu haybsado, waana sababta uu deegaanka ugu sheegay, hasa ahaatee, ninka kale waa uu is dhawrayay oo ma uusan doonayn in uu isagu qeexo oo uu Xiis garto qofka uu yaahay, sidaas awgeed weydiinta ayaa ku badnayd.
—Haa, si wacan baan Dhummay u garanayaa, haaheey, waxase ku weydiiyay intaad magaalada joogtay maxaad bilowday, shaqo ama waxbarasho, midba?
— Inaadeer maya, waanse ku tala jiray in aan labadoodaba dhawaan bilaabo oo aan horta gelin hore iska xammaasho, wixii gelinka danbe ahna waxbarashada bilaabo.
—Labadooduba waa muhiim, siiba diinta in aad baratid baa mudan. Ka warran haddii aad aniga galabtii ii timaadid? Meel suuqan Rooyaal aan ka fogayn ayaan galabtii dhalinyaro wax ku baraa, adiguna nin dhalinyaro ah baad tahay oo sida raggaas baad wax u baranaysaa.
—Baga! Ilaahay baaba soo dhaweeyay, goorma ayaad i geynasaa, iska daa, berri baan halkan iska raacaynaa.
-Hagaag, barqadii bartan igu soo mar..
Hal mar ayaa ay falloorkii kor uga wada hinqadeen, aaskun waa uu sii dumayay, hawraar baa hadal u xigtay.
Qolka dhalinyaro door ah ayaa uu wax ugu dhigaa, ma xuma, waa iska hagaagsan yahay, agab badan ma yaallo, sabuurad madow oo kuwa tabaashiirta lagu qoro ayaa derbiga ku tiirsan, Xiis oo buugga qalinka xoog ugu haya sidii neef geel ah oo uu ragaad bixinayo, far Soomaaliga iyo ta carabiga ayaa la baray, waxa intaaa u raacda oo uu ardayda u mariyaa kitaab yar oo uu xadiiska uga akhriyo, xadiisyada uu u mariyo fahan baas oo nacayb iyo colaad ku jirto ayaa uu ku akhriyaa, ardayduna waa rag badow ah oo garasho ahaan liita, ma garan karaan wax san iyo wax xun toonna, qofkuna maskax ahaan marka uu sida dhallaanka yahay fahanka xun ee gala waa ay adag tahay in jeer kale laga maydho, taasi waxa ay ahayd saansaanka guud ee goobtu lahayd, balse galbaha qaar iyo inta badan fiidadkii rag kale oo ay isku xer yihiin oo sheekadooda laga garanayo in ay si wacan isu yaqaannaan ayaa ay qolka ku kulmaan, waa rag is wada gamaarinaya oo belaayo la wada hagoogan si aan dhakhso loogu aqoonsan, feejignaan baa ku xeeran oo habsami ayaa heemaalkooda guud laga dheehanayaa, lamase garan karo xumaanta iyo naca qalbiyadooda jiifa ee ay nolosha u hayaan, waxa yaab leh, qofku waxa uu durba xumaanta u qaataa sida uga sahlan, fursad uu wax kale ku barto ama uu ku ogaado ayaa uu heli karaa inta uu sharka jeclaysanayo. Dhawr galbood ayaa uu Xiis bogaadiyay, waayihiisa nololeed ayaa uu ka la sheekaystay, sheeko iyo waayo aan geelii uu raaci jiray ahayn ma lahayn, noloshiisuna waa dhul qarfa ah iyo hayaan uu ku cagaagay, haa, taasiba waa nolol xiisa leh oo ololaysa, isaga oo yool baadhaya ayaa uu weydiiyay in uu wax ka og yahay dhaqdhaqaaqa dhalinyarada gadoodsan ee fahanka gurracan ee ay diinta ka qaateen dadka u gumaada, falcelintiisa ayaa uu jeedaalinayay, balse Xiis waxba ma ogayn oo waxa balanbalka ugu wacan waa ogaal xumada.
Galab aan fogayn ayaa uu Xiis hal mar si kedis ugu soo galay Daakir oo Idaacad dhegaysanaya, dabadeed waxa uu maqalayaa ereyo xiisa badan oo la amakaagu doono, nin cod dhuuban ayaa si raynrayn leh u soo tebinay rag uu naftood hurayaal u bixiyay oo dagaal lagu rogmaday ku madhay, si niyad ayaa uu dhoosha uga qoslayay markii uu ku naxay Xiis oo meel uusan filayn kaga soo baxay, wax dareen ah ma muujin ee Idaacaddii ayuu iska sii dhegaystay, Xiis waa u bogay raggaas uu maqlayay ee la lahaa waa naftood hurayaal, haddana in ay dagaal ku naf waayeen ayuu ka sii helay, sida uu maankiisa ku hayo, ragga iyo colaaddu waa mataano, nin ragga ah ah uu yaqaanana waa ninka dirira ee nabad iyo naxariis ka fog, sida uu qabo, ninkii aan kolkaas dagaal ku dhiman nin ma aha, nin aan naftiisa bixin ee aan dhiiq ku fooldhaqan qof abuuran ma aha, xumaan laabtiisa ku jirta ayaa ku soo kacda marka uu ereyga dagaal, dil iyo dhimasho maqlo oo aabi ayaa uu la ruxmadaa. Idaacaddii baa dantay, Daakir oo farxad iyo nayaayiro ka muuqata oo ibliisku balag u ruxayo oo qaab daran ayaa Xiis casharkii u dhigayay, markii uu u dhammeeyay ayaa uu si xiiso leh u weydiiyay, “Maxay ahaayeen wiilashii naftood hurayaasha ahaa ee aan maqlayay.. rag xiniinyo badan bay ahaayeen, tolow yay ahaayeen? Daakir qudhiisu waa uu is hayn kari la’aa, hadalkii Xiisna si weyn buu ula sii dhacay oo isaga oo kalsooni dareemaya ayaa uu lahaa, “ waa rag naftooda dhaar kula galay in ay xaqa u dhintaan oo baadilka burburiyaan, geeridoodu waa milgo, miyaadan maqal naftood hurayaasha ka dagaallama buuraha Galgala, niman aan la aqoon ma ahee, ma haddaa kuu kow ah?
—War rag xiniinyo badan baad ka sheekaynasaa, qoodh iyo xero. Anigu waan jeclahay nin karmeedka nolosha aan iska joogin ee dirita ka dhex muuqda.
Muraaqo ayaa jidhkiisu la gariirayay oo dagaal iyo dhiig ayaa uu riyaaqsanaa, waa yaab iyo amankaag, kadib ayaa uu Daakir weydiiyay.
—Ragga dagaalka maxaa ku kallifay, kollay nini waa belaayo u jooge, anigu weligayba waan qabay ninka iyo colaaddu in ay wada dhasheen, horta Galgala miyaad i tiri? Meeshaasi maxay ahayd?
Daakir intii hore oo waan uu is gamaarinayay, balse markan waxa ay noqotay in uu hadalka deeqsiiyo, isla jeerkasna u gudbiyo fekerka gurracan ee uu aamisan yahay, waxa ayna la ahayd kansho qaali ah.
—Waa runtaa Xiisow. Raggaasi waa hiilkii diinta, ma aragtay waxa carrada siyaasi iyo dawlad la sheegsheegayo, waxa ay rabaan in hirgaliyeen sharcigii shaydaanka oo ay shareecadii Ilaahay ka sara mariyaan, annaguna taas baan xarbiga kula jirnaa, raggaasi waxa buuraha u koreen oo ay godadka u galeen waa colaadda la geliyay, waana ay dirirayaan oo naftooda ayaa ay u hurayaan difaaca diinta.
Hadalka waa ka buuxsaday, ficil iyo kicin baana uurkiisa gubaysay oo dibnaha ayaa uu qaniinsanaa, waxa uuna ku dhawaa in uu jejebiyo agabkii meesha yaallay, cadaawaddu waxa ay ka joogtay heer bahalnimo ah, sida runta ahna fekerka uu sheegayo caqli iyo aqoon kuma raacin, ereyada waaweyn ee uu akhrinayay tabtaas uu u lahaa ayaa isagana loogu meeriyay oo isaga waa agab waxtar ah oo dad kale aragtida iyo fekerkooda ku riteen. Xiis ayaa uu sidiisa oo kale la rabay. Hadalka ayaa uu sii waday isaga oo Xiis guubaabinaya.
— Xiisow adiga qudhaada diinta xil baa kaa saaran, in aad difaacdid oo aad naftaada u hurtid baa habboon, taas baa kuu maamuus badan oo kheyr kuugu dhaw..
- Niyow, waa runtaa, waa la yaga yaabaa, naftu waa hooggaas, kollayba, in ay dirirtaas qadhaadh ku dhimato ayaana la qaatay, ninkii jiray waxa uu yidhi, waa halis ka warqab.
Daacad buu iska yahay oo si dar Alle ah ayaa uu belaayada ugu xamaasadaysan yahay, mana uusan garan hadalkii ninka iyo dulucdii uu ka hadlayay, hadda ayuu baraarugay oo weydiinayaa.
— Oo horta waxaan ku iri, raggaas qoodha ah miyaad ka mid tahay?
—Haa, naftood hurayaashaas ayaan ahay.
—Alleylehe, nafhurku waa shaqo gobanimo leh, waxanse ku su’aalay, horta nafhurku waa sidee, ma wax aan dagaalka oo lagu mintido ahayn baa?
—Naftaada oo dhan baad u hibanaysaa diinta difaaceeda iyo barbaarta kale ee kula jirta. Si kama dambays ah baad u dhimanaysaa adiga oo riyaaqsan. Jannada ayaad gelbis ku gelaysa oo habloo kuu diyaarsan ayaa caleemo qoyan kugu soo dhawayn doona, aragtida aad nafta siinaysaa waa taas xaqa ah.
Hadalkaas waa uu u guuxay oo hoog baa u muuqday, hir baa laacay, halis baase ka hoosaysa. Intaas oo dhan waxa uu nayaayiro iyo guul u arkayay halaaggaas, waase uu u darbanaa oo si fudud ayaa uu u rabay in uu wax u dilo waxna u burburiyo oo carriga foolxumo ka buuxiyo. Hadal aad moodid in uu nafsaddiisa kula hadlayo oo meel uu socdo aysan jirin ayaa uu ninkii ku lahaa,.
—War rag rag ka tegay baad ka sheekaynasaa Daakir. Waan jeclahay in aan naftayda sida ugu habboon ugu hibeeya dagaalka ruuxdiisa oo aan wacdaro dhigo. Mid aan carjaameeyo iyo mid aan jeeniga sii mariyaba. Anigu haddii ay dirir noqoto in aan naf badan galaafto oo aan naxariisba yeelin baan jeclahay. Gumaad baan korka ka istaagi lahaa oo qof ma sii daayeen.
Fajac baa ku dilaya waxa ninkaas xamaasad ka muuqata. Intii uu Laascaanood joogay galabtaas maalin uu ka calool fiyoobaa ma aysan jirin. Aragtida uu Daakir qabo ee uu la kurbanayo ma fahansana, isaga wax dhib ah taasi kuma hayso. Aad buuse ugu jeelqabaa in uu hal mar oo qudha dagaal dhex istaago oo uu nafo badan ajalo, aad buu u doonayaan in uu dhiig ku cillaanto sidii Ciisihii hore oo isaga oo deeb leh dhan walba tallaabada u qaado oo wax u gumaado. Agab halis ah oo wax gumaada buu jeclaystay in uu noqdo, waxa uu doonayaa in uu wax dilo, maxaa yeelay, taasi waxa ay la ahayd hawsha ugu fudud ee uu qaban karo, waa uu suufiyoonay beladaas, welina kama uusan hadhin baxaalligii nafsaddiisu la liidatay ee aaminsanaa in aan gar dhexdhexaad ah la qaadan, dadkuna ha dhintaan ama noolaadaan, taas baa xeer ah.
Galabtaas ayaa uu waddo dheer oo kulul cagta saaray. Halis baa ku hareeraysan oo halaq baa sunsumaya. Isaga taasi uma aysan muuqan oo weligii si dhab ah uma fekerin ee naf cadow ah oo ku jirta ayaa halista ku qalqaalisay, isla sababtaas ayaa jidkaas cagaagga ah ee gocondhada leh u qaaday, isaga oo aan dib oo u danbaysa ka soo laabana doonin. Galbo dhawr ah oo kale ayaa ay raggii kale ee Cawil xertiisa ahaa is arkeen oo aad u sheekaysteen, tabo dhagareed ay ku soo xero geliyaan iskuma aysan hawlin oo Xiis qof ahaantiisa ayaa uu u laylisanaa, nafsad qallafsan oo uu dhashay baana taas ku igbaaraysay. In badan baa ay dadku siyaalo kala geddisan isu waydiinayeen, qofku doorasho dhammaystiran ma u leeyahay jidka uu nolosha qaadayo? Waa la warceliyay oo qolo walba dhan bay ula kacday. Qolo ayaa ku jawaabtay haa, qofku waa abuur la karaameeyay oo garaad leh, sababtaas ayaa uuna gar ugu yeeshay in uu doorto jidka uu nolosha raacayo, qolo kale ayaa iyaduna ku doodday, maya oo doorasho xor ah ma leh, waxa uu kuu dabranyahay waxa qaddarka loogu qoray. Taas qaddarka loogu qoray ayaa laf ahaanteeda laga sii dooday oo haddii uu shar u galo, muxuu yahay arrinkiisu, ayaa la is weydiiyay, warcelin toos ahna looma helin, qofkuna waxa uu had iyo jeer la goohi doonaa waxa uusan cod dhammaystiran ku lahayn oo geystay ama uu xitaa naftiisa gadhsiiyay oo ah hoog iyo halaag dhammaad lahayn oo ay noloshu ka abuuran tahay. Arrinka Xiis haddii aad dhah u dhugatid oo aad fahantid xaaladda uu nafsad ahaan ku sugan yahay, waxa aad ogaan doontaa in in uusan jidkaas miyir iyo ogaal ku raacin ay ababintii la mariyay haloosigaas ku riday, berr iyo maantana hoog buu ka mudan doontaa oo deli ayaa uu iska xoorayaa.
Waaberigii ayaa hurdada laga jafay Xiis iyo rag dhawr ah oo ay wada socdeen oo ay u soo wada sadcaaleen si belaaya u geystaan. Afar habeen ayaa uu Boosaaso joogaa, waxa uu sugayaa inta uu naftiisa halligi doono, si uu ogaado in uu waxtaryahay oo uu sharka u geysto in uu jiro oo qudha. Taas wax aan ahayni kuma wayna, balse caqligiisa yar waxa lagu shubay aragti sharkii ku abuurnaa qurux iyo rejo wacan ugu dartay oo maankiisa ka ceegaagta. Qurux baa loogu sheegay in uu halaagga uu geysto ku heli doono, isaga taasi aad ayaa ay ula fududayd, caqligiisu ma aqoonsan karayn waxa uu naftiisa u goynayo oo dad lamid ah oo aan ka diin iyo dadnima xumayn u rogayo, ma isaga aayaba yaqaannay, maxaa hagaagsan, maxaase xun oo ay tahay in la kala garto. Ruux jimidh yar oo gadh wejigiisa ka wayn leh ayaa hortiisa qotonsanaa sidii malagii wedka oo bogaadinaya, indhihiisa farxad iyo rayrayn aan run ahayn ayaa ka muuqatay, Xiis ayaa uuna si toos ah ula hadlayay, in uu si gaar ah u beegsanayo ayaa ay u ekayd oo waa loo jeeday, raggii kale ee sharka u heellanaa ayaa uu u sii bushaareeyay, qaarkood nolol wacan ayaa u hiraysay oo waxa ay rabeen in ay degdeg ah u dhintaan, qaarkood waxa haysay doqonimo aan dawo lahayn, iskeeda ayaa ayna taasi shil u tahay, hasayeeshee, Xiis cid kasta waa uu ka geddisanaa, firfircooni iyo dhiirranaan yaab leh ayaana foolkiisa ka widhwidhaysay, waxa la moodayay in uu la dhacsanaa naftiisa iyo awoodda ay u leedahay in wax halaagto, adkaar iyo tahliil uusan aqoon ayaa la akhriyay, in fursad weyn oo dadka kale nasiibku siin waayay iyagu ayaankooda wacan ku heleen ayaan loo sheegayay.
Dirays cusub ayaa ay xidhnaayeen, aad baana loo guubaabinayay oo ragga qaarkii ayaa durba dibnaha qaniinsanaa oo nolosha u qamuunyaysanayay, isagu, waa Xiis, waa uu bidhaamayay, awood baas baana ruxaysay.
Waddada dhinaceeda ayaa uu taagnaa, waxa uu maankiisa ku hayay tilmaantii la siiyay, waxa uuna sugayay ruuxii uu galaafan lahaa loo sheegay in uu jidkaaa uu taagan yahay soo marayo, Xiis in uu wax dilo ayaa uu doonaa, taas baana ku weyn oo uu qalabkan culus ee halista ah u waalwaalanayaa, dhabarka iyo gaadadana waxa uu ku sitaa biro tira badan oo qarax loo sanceeyay, naftiisa in uu wax ku halaago ayaa uu doonayaa, qaddiyad ama aragti uu wax ku dilo ma yaqaan, mana lahayn garashadii uu taas ku yeeli lahaa oo lafteedu wax baas ah, waxa aan yaabkeeda laga gayoon karin nafsadda caynkaas u uuman ee u oomman in ay disho ama ay goyso. Sharku in uu iskii abuur kakan oo aan la furfuri karin yahay ayaa laga yaabaa. Xilli gadiid ah oo kulul ayaa uu dhabbadii taagnaa, weli in uu wax galaafto ayaa uu u hamuumayaa, baabuurkii uu sugayay oo qofkii loo tilmaamay wato ayaa hal mar ku soo baxay, hal mar ayaa uu isku maqiiqay isaga oo ah sharkii oo aan dheg la qabta lahayn, jud aad u weyn ayaa qaraxday, dhulka ayaa uu cadkiisii sida quruuruxa ugu soo daatay, halis baa dhaqaaqday oo hoog aan la malayn karin ayaa carrada gilgilay, cabsi dhab ah ayaana dadkii dareemay, ciidda oogadeedana nuxuus iyo mugdi ayaan ku gadaannaa, naxdin iyo murugo ayaa qalbiyadii dadka xulayay, noloshiisa waxa uu rabay in uu argagaxaas falo si uu raysto oo niyaddu u qabowdo. Dadkii goobta ku soo uruuray ayaa si ogaan la’aan ah u eegayay belaayadii dhacday, wixii dhulka hilbo googo’an daadsanaa lama kala saari karayn, Xiis iyo qofkii uu galaaftay ayaa labaduba jeerkaas dad siman u ekaa. Naftiisa ma waxa uu u gooyay si uu garto in uu waxtar yahay?