W/Q: Maxamed Jaarlees
Tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah (No-Code Tech).
Tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah waxaan ula jeednaa in wax la dhiso iyada oo aan la qorin borograam ama wax “code” ah. Sidee? Sida caadiga ah waxaan naqaan marka sooftiweerrada, weebsaydyada, iyo apps-ka la dhisayo in la adeegsado luuqadaha borograaminka sida; HTML, CSS, Javascript, Python, iwm. Haddaba waa suurtagal in aad wax dhisto adiga oo aan borograam qorin, xitaa aan aqoon luuqadaha borograaminka.
Waxaa jira shabakado ama “tools” ku siinaya wajahad aad ku dul dhisan karto waxa aad rabto, adiga oo gacankaaga (mouse-ka) adeegsanaya, oo kaliya samaynaya jiid oo halkeer dhig (drag and drop). Shaqada aad sidaas ku qaban karto waxay isugu jirtaa dhammaan dhismihii oo dhan (full development) sida; wajahad dhisid (frontend), ka shaqaysiin (backend), “database”-kii, iwm.
Balse “Tool”-ka aad wax ku dhisayso igu soo orod ma ahan oo barasho ayuu rabaa (learning curve), laakiin wuu ka fudud yahay kana dhakhso badan yahay marka la barbar dhigo qof luuqadaha borograaminka baranaya waxna ku dhisaya. Sidaas darteed ayaa loo doorbidaa, waana kacaan hadda aad u socda, oo waxaa la yiraahdaaba waa borograamarrada mustaqbalka.
“No-code tool” marka aad wax ku dhisayso kama dhigna in aadan shaqo borograamin ah hayn, waa borograaminkii oo la fududeeyay (visual programming), sababta oo ah waxa aad “manipulate” garaynayso ama aad kor ka maamulayso waa “code” ku sii diyaarsan “tool”-ka aad adeegsanayso. Kaliya “tool”-ku waxa uu kuu sahlay in aadan faraha la galin faylasha borograamka ah, ee aad si yara heer sare ah kor uga maamusho. Mar kasta loojiggaagii waa loo baahan yahay marka aad “work flow”-ga dhisayso adiga oo adeegsanaya “no-code tool”. Sidaas darteed borograamar ayaad tahay.
Si guud marka loo eego tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah ma ahan wax cusub, balse waxaa cusub in ilaa heerkaas loo adeegsado. Tusaale ahaan Photoshop waa “no-code tool” aad waligaa taqaanay, sababta oo ah marka aad sawir qurxinayso waxa aad kor ka maamulaysaa koodhka sawirku ku dhisan yahay, adiga oo aydan is arkin koodh, balse waxa meesha ka dhacaya waa koodh marna qormaya marna tirmaya, marka aad sawirka wax ka beddelayso. Canva, Adobe illustrator, iwm, dhammaantood waa la mid.
Iskaba daa kuwaas naqshadda kaliya ku kooban, WordPress oo ah CMS-ka ugu wayn ee websaydyada lagu dhiso, marka aad web ku dhisayso waxa aad kor ka maamulayso waa koodh (visual programming). Tusaalayaashaas iyo kuwa la midka ahba waa tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah ee waliba bilowga ah.
Soo soco wali, heer intaas ka sii sarreeya “tools” lagu dhisi karo ayaa jira, sida sooftiweerrada noocyadooda kala duwan (mobile apps, web apps, desktop apps, iwm). Tools-kaas waxaa kamid ah; Bubble, Webflow, Flutterflow, Adalo, EditorX, iwm. Wax kasta ayaad ku dhisi kartaa, adiga oo kor ka maamulaya koodhka ku diyaarsan meesha – koodhna is arki maysaan – waa jiid oo halkeer dhig (drag and drop).
Sida caadiga ah qofka borograamarka ah xitaa koodhka ma wada qoro haddii uu xariif yahay, wuxuu helayaa mid sii diyaarsan oo uu soo koobiyeysanayo isaga oo yaqaan meesha uu u adeegsanayo. Adigu sidaas ma samayn kartid haddii aadan koodhka aqoon, oo xitaa haddii aad soo koobiyeyso waa madmadoobe Allaa ku yaqaan, balse tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah ayaad kula tartami kartaa xariifkaas borograamarka ah.
Ka warran haddii borograamarka laftirkiisu uu adeegsado tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah? Cid qaban karta maleh ! Shaqadiisiina wuu iska fududeeyay haddii loo baahdana wuu yaqaan waxa daaha gadaashiisa ka dhacaya, inta uu “source code”-ka u dhaco buu gacmaha la gali karaa faylasha borograamka ah. Sidaas oo kale WordPress marka aan ka hadlaynay waxaa jira in uu leeyahay “custom CSS” iyo “custom HTML” oo qofka koodhka yaqaan uu ku darsan karo koodh jeebkiisa ah ama uu meel ka soo qaatay.
Mar kasta qofka koodhka yaqaan haddii uu isbeddelka la jaanqaadi karo oo uusan ahayn bartii yaqaan, cid kasta wuu uga dheereyn karaa arrimahaan. Laakiin taas kama dhigna in koodh aad ku khasban tahay. Waad ka maarantaa ilaa xad adiga oo waliba wax dhisaya haddii aad si fiican u barato tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah. Ogow waxa aad samaynayso waa borograamin heer afraad ah. Sidee?
Si aan si fudud ugu fahanno waxa meesha ka dhacaya, aan wax yar sharraxaad ka bixinno teknikaal ahaan sida ay shaqadaani u dhacayso. Kombiyuutarku luuqadda caadiga ah ee dadku ku hadlaan ma fahmo, sidoo kale luuqadaha borograaminka sida HTML, CSS, Javascript, Python, iwm, ma uu fahmo. Waxa uu fahmaa oo kaliya “binary numbers” oo ah “0 iyo 1” oo kaliya – waa heerka ugu hooseeya ee kombiyuutarku afgarto. Waxaa sidoo kale loo yaqaan “machine code”.
Luuqadaha borograaminka ee aan koodhka ku qorno waa heer sare oo waxaa loogu yeeraa “high level programming” kombiyuutarkuna ma fahmo. Waxaa jira heer dhexe oo u kala turjuma dadka iyo kombiyuutarka oo loogu yeero “assembly language”. Luuqaddaas heerka dhexe ah ayaa koodhkii lagu qoray luuqadaha heerka sare u roga “binary” (0s, 1s). Haddaba tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah waa heerka afraad ee borograaminka, oo waxa ay ka sokeysaa luuqadaha heerka sare ee borograamarradu qoraan.
Markaas soo lama oran karo “no-coders” waa borograamarrada mustaqbalka? Maadaama mar kasta laga soo durkayay “machine code”-ka ama luuqadda kombiyuutarka ee 0 iyo 1, waxaa la oran karaa waa kacaan ku dhacay borograaminka, oo dhanka luuqadda caadiga ah u soo dhawaanaya. Xitaa heer shanaad ayaa jira oo ah in dadka caadiga ah ee aan tiknoolajiyadda bilaa koodhka ah adeegsan karin, ay suurtagal u tahay in ay wax dhisaan iyaga oo u dirsanaya caqliga macmalka ah (AI), balse hadda qoraalkaan kuma saabsana arrintaas.
Ugu danbayn tiknoolajiyaddu horey ayay u socotaa ee kordhi awooddaada la qabsashada (Adaptability Quotient).
