Waxaa qoray: Caabdishakuur Qodax
Hordhac
Suugaanta Soomaalida iyo bulshada oo waligood ahaa laba wax oo isku tolan, waxa laga akhrisan karaa sida bulshadu dareenkeeda ugu cabiri jirtey. Dareenkaas oo marar badan fidsanaan jirey heer qof, qoys illaa qabiil, halka lagu soo bandhigana ahayd gole lagu bulsheeyo ama lagu garramo. Waxa uu noqon karaa dareenkaasi, meerisyo caloolyow ah oo qof bulshada ka mid ahi ku tiraabay, ama baydad xin iyo xifaalo ah oo lagu gano sidii hooto waran qof ama qolo kale oo isla bulshadaas ah. Badi waxa ay maansadaasi ku wareegi jirey dareen bulshadaasi wada taqaanno, fahanka arrintaas iyo furfurka maansaduna waxa uu ahaa xil saaran marba ciddii lagu tuhmayo garasho dheeri iyo aqoon durugsan. Haddii gabay xuju ah nin golaha ka tiriyo maalin boqran, ama garta uu dhiganayo ugu ararto, cidda furfurkeeda laga dhowri jirey waxa ay ahayd haldoorka bulshadaas.
Haddaba, isbedella ku lammaanaa kobaca aadmiga iyo korriinka maskaxdiisa ayaa labadaa wax ee isku sidkan, si fiican looga arki karaa saamaynta ay ku yeesheen. Soomaalida, oo qayb ka ah bulshooyinka ku caanbaxay erayga iyo u adeegsigeeda maansada, waxa ay isbedelladaasi dhaxalsiiyeen in dareenkii ku koobnaa gole uu is beddel ku dhaco, bari illaa bogoxna eraygii lagu maansoodaa gaaro. Tusaale, maanso nin reer Ciideed ahi ku maagayo ama ku maamuusayo qof la degaan ahi, ama nin reer Nugaaleed ah maanso uu hal uu leeyahay ku ammaanayo, ay Xaafuun ama Xaradheere ugu tagto qof kale. Sidaas oo kale, waxaa iyana ballaaratey wixii laga maansoon jirey, oo mar walba oo dareenkii ku koobnaa golahaasi fido, waxa sii durkayey wixii laga maansoonayey, lagu sheekaysanayey, laysku sheegayey, iyo wixii lagu halqabsaneyeyba.
Isbedelladasi waxyaabaha ugu weyn ee shidaaliyey waxa la oran karaa, waxaa kow ka ah, magaalowga, oo ah qodobka ugu weyn ee saamaynta ugu ballaaran ku yeeshay bulshada, dawladnimada iyo socdaallada ganacsi ee bulshadu degmooyinka kala duwan ee dunida u galaanna, waxa ay iyana ka ciyaareen qayb muhiim ah. Waxa ayna taasi dhalisey in aqoonta loo leeyahay dunida kale ay ballaarato, wax badan oo laga cilmi la’aana ay noqdaan wax caamadu ku sheekaysato.
Qoraalkan gaaban, waxa aan ku eegi doonnaa sidee ayay suugaanta Soomaalidu, dareenkaa ku koobna qolqolka bulsho walba, isugu rogay mid qaaradeed, isaga oo noqday wax lagu gorfeeyo, layskugu waxsheego, laysugu masaalo, oo layskaga diga, innaga oo ka eegi doonna dhinacyo kala duwan.
Baraarug Bulsheed
Suugaanta oo u unkan asal ahaan, sida aan hordhacaba kaga warran dareen bulsheed kali iyo kulli labadaba leh, meelaha ay sida fiican dareenkaas ugu muujiso waxa kow ka ah, marka bulsho gooni ah la baraarujinayo, halis hanaqooda jartana laga hanuuninayo. Haddab, suugaanta Soomaalida oo awal wacyi reereed ku bilowday, mar dambena u tillaabay jamhuuriyada Soomaalidu wada harsato ayaa horraantii lixdanna waxa uu u laba kacleeyay hir cusub, kaas oo abuuray baraarug bulsheed ay gaarsiinayaan Afrikaanka kale. Waxa aan tusaale ugu soo qaadan karnaa, M. Cabdullaahi Singub ayaa horraantii toddobaatannada qorey heestiisii caanka ahayd ee “Midab Gumaysi Diida” Oo ujeedka ugu weyn ee uu u qoreyna ahayd in Afrikaanku ka midoobaan kalaqoqobnaanta, oo cadawga muuqooda neceb, ay diidaan in ay tiisa meelmariyaan, meel kali ahna uga soo wada jeestaan, isaga oo ku taliyey, is maqal dhalinkara hadhow in ay cadowgaas ka midoobaan, sirtii ay ku dhammaadeen, oo ahayd in ay qaayibeen midab gumaysina, ay “Maya” dhahaan. Si la mid ah Singub, heesta “Afrikaay Hurudooy” oo erayadeedu uu lahaa abwaan Ismaaciil-Farxaan waa carin iyo guubaabo bulsheed oo abwaanku, uga dan lahaa in ay dareenkaas gumaysiga iska yureeyaan.
Dareenkaa Afrikaannimo ee ku dhalisay hal’abuurka Soomaaliga ahi in uu ka damqado, waxa isna jirey dareen kale oo Islaamnimo oo barbarsocday. Hadraawi, maansadiisa Fido, waa albaab fiican oo laga gali karo sida suugaanta Soomaalidu u sawirtey wixii Yuhuudda oo garabsaneysa reer Galbeedku ku falayeen Falastiin. Wuxuu si waafi uga warramayaa in Jasiiradda Carabtu qayb ka yihiin waxyeeladda lagu falayo maalin walba reer Falastiin. Intaas waxa dheer, waa uu tibaaxayaa dhab ahaan, sida Falastiin uga adkeysatey wax walba oo hagardaamo gaadhay, isaga oo leh:
“Falastiin ma geed baa
Halka faash ku laba-dhaco
Laamuhu ka foofaan.
Falastiin ma beer baa
Waqal fool eryaayoo
Laga guro fariidkoo
Fufka dhala halyeeyada
Hadba foodda laga jaro?!”
Cali-Gaab, waxa uu isna ka qayb qaatey in uu wax ka yiraahdo arrintaa. Waxa uu si taariikh leh, garasho fiican oo farshaxan leh uga warramayaa sida Yuhuuddu ku timid Bariga Dhexe iyo waxa sii waarinaya in ay meesha sii joogaan.Waxa uu Cali si soo jiidasho leh uga warramaya gumaystahu in uu yahay sida bahal dhiigga kaa nuugaya, dhimashadaadana u xusulduubaya, Waxa kali ah ee uu ka macaashana ay tahay kala-baahsanaanta. Si qurux leh ayuu u warinayaa in waxa ugu weyn ee reer Galbeed ku naaxay ee “Nabadda” lagu sheego ay tahay afka baarkiisa. Isaga oo si dadban u tibaaxaya kala daadsanaanta Carabta in ay sababtay in ay caawiyaan Falastiin ayuu dhexmarsanayaa qodobkii uu rabay oo ah in Afrika midowdo, cidda ku kibirta ee wixii lagu ballamay baalmarana, sida ay tahay wax loogu bidhaamiyo, ballanna laga dhigto dagaal.
“Afrikaay is buuroo
Isa soo bahaysoo
Ninka baal u leexdana
Basar wax ugu sheegoo
Ku ballama dagaal.”
Gumaysi La Dagaallanka
“Qasab kuma balweyn karo.” Iyo “Ninna ima taxaabee anaa tey kuma meel mara” oo laba xilli oo kala duwan hal-abuurro Soomaaliyeed ku maansoodeen, labaduba waxa ay tibaaxayaan xorriyada dhalanka ah ee aadmiga ku tolan, iyo sida uu mar kasta fallaag uga yahay in wax lagu sandulleeyo. Si la mid ah, markii wacyiga maansayahanku ballaartey, waxa uu fidiyey isla nuxurkaas ah in kibirka iyo aabiga laga gaashaanto, karkaarkana la waydaarsho ciddii falkaas samaysa. Hadraawi, waxa uu si farashaxan leh maansadiisa “Galangal” ugu faaqiday jabkii ka gaaray Mareykanka dagaalkii Fiyiidnaam, waxa uuna gabaygaas si fiican ugu faaqiday waxa ay tahay in ciddii ku kibirta aadmiga ay iskaga xoreeyaan. Waxa uu ku guubaabinayaa isaga oo Xamar jooga, in dadka Laa’oos iyo Fiidnaam joogaan u dhintaan gobannimada, dabcanna waxa uu uga socdaa waa in dadka dunidu, goor iyo ayaan u midoobaan in ay la dagaallamaan nooc kasta oo gumaysi yahay. Waa kan isaga oo leh; “Gobanimada waa loo dhintaa, gooriyo ayaane.” Waxa uuna raacinayaa intaas, in ay tahay in garasho la raaciyo halganka. Waxa uu leeyahay, waxa ugu weyn ee gumaystuhu ku jabo waa garashada, waayo ayuu leeyahay, “Waligoodba guul kala ma tagin, meel garaad jiro e.”
Gugii Carabta
Sida la xasuusan yahay, dhacdooyinka saameynta ku yeeshay taariikhda casriga ah waxa ka mid ah, Gugii Carabtaoo ahayd dhacdo siyaasi ah oo ka dhalatey kacdoon bulsho oo dhulka Carabta ka qaraxday. Waxa ay ka billaabatey mudaharaado ka dhashay dhimashada qof dab iskuqabadsiiyey hareeraha wadooyinka magaalada Tuunis, caddaaladdarro uu tirsanayey awgeed, taas oo dabayl caafimaad oo kale ugu faaftey badi dhulka Carabta, waxaaana halkaas ka qarxay in madax badan oo Carbeed kursiga waayaan, dhimasho iyo nololba. Suugaanyahanka Soomaaliyeed, waxa uu ku jirey, raggii tixaha badan la xiriiriyey dhacdooyinkaas. Maansooyinka sida qiimaha badan u qaada dhigay ee dhinac walba u baahay waxa ka mid ah, maansada “Wareegto” oo ah hal’abuur uu Weedhsame leeyahay. Weedhsame, oo ka mid ah suugaanyahannada Soomaalida ah kuwooda ugu maansada cuddoon ayaa si qurxoon maansadaas ugu falanqaynaya dhacdooyinkii ka billaabmay isgubiddii Maxamed. Waxa uu si fiican sawir uga bixinayaa waxa ku dhacay wadamada Carabta iyo guud ahaan ciddii ku kibri jirtey Aadmiga. Walow ay tahay wax kala duwan arrintaas sida looga faallooday, haddana, inta tusaalaha uu u soo qaadanayo, waxa aan ka qaadan karnaa dhowr dhacdo:
“Saddaam baa waayir iyo
La sudhay wiish soo deldela.” —Xukunkii Saddaam
“Hadduu qabi jirey wanaag
Qaddaafiba wiilal baa
La dhacay waran iyo rasaas
Waayeelkii qooqi jiray
Warraaqiisii nin ogi
Saldanad uma qabo wareer.” –Xukunkii Qaddaafi iyo Liibiya.
“Xusniba waadiga nabsiga
Markuu waadaan darsaday
Miyaan loo wadin maxkamad
Kiiyoo sida waadhadhkii
Sariir wadhan oo il-daran.” –Xusni Mubaarak iyo xukunkii Masar.
“Dulmiga waagi baryaba
Danyara gaar ugu wahsaday
markii wayraxa is yiri
Wadkaa dhaame ka dhimo
Kacdoonkii loo wanqalay
Yarkii wadhata ahaa:
“Miyaan Cali lagu wadicin
Sanciyo waddankii Balqiis
Wadaadkii haysan jirey
Kiiyooy wajigiyo gudbteen
Waaxyaha qaar huleel!” –Saynal Caabidiin, Yemen
“Wadnuhu wuxuu boodayaa
Wahaabiga reer Sucuud!” reer Aalasucuud, Sucuudiga
“Waxay wiririg waarigtii
Dulweehaneysaa Bashaar.”Bashaar Asad, Suuriya.
Waxa uu maansadan si fiican ugu falanqaynayaa waxa ka dhacaya dunida. Waxa xusid mudan hadda oo aan qoraalkan qorayo, “Wiririgwaarigtii” in ay is heleen Bishaar Asad, oo dhammaan dadka reer Suuriya aysan qaxooti ahayn, marka laga reebo isaga! Madaxweynihii dalka ayaa qaxooti ku ah dal shisheeye.
Dhacdooyin Caalami Ah
Suugaanta cuddoon ee hal’abuurka Soomaaliyeed ka tiriyey dhacdooyin caalami ah, waxa laga xusuusan karaa maansooyin ay abwaannaddii tiriyeen qarnigii tagay dhammaadkiisa, kuwo ay ku halqabsadeen, ama ay ka tiriyeen dhimashada shakhsi miisaan lahaa ama dumista talis macangag ahaa, ama, warinta taariikh mahadho lahayd. Ha ahaato Gaarriye oo fadeexaddii Mareykanka ka raacday “Wotargayt” ka faalloonaya, ha ahaato Hadraawi oo jacbur ahaan inoogu sheegaya wixii “Filibiin” ka dhacay iyo sheekooyinkii Markoos iyo gabadhii ku xigtay. Ama, Maki Xaaji Banaadir oo “Wamal xayaatu dunyaa Ilaa mataaculquruur” kaga warramaya wixii dunida ka dhacay, isaga oo si aftahamo leh, oo eray fudud ku gudbinaya ujeedkiisa. Ama, Caasho Cige oo si qurux badan ugu heesaysa wixii ka dhacay buuraha Goolan iyo sidii dhulkii Suuriya lahayd ugu gacan galay Israa’iil. Waxa aan soo helaynaa maansooyin badan oo xiiso leh.
Haddii aan ka billowno, dhammaadkii dagaalkii koowaad, waxa Laangadhe oo abwaan ahaa laga dalbaday in uu ka gabyo wixii guulo Ingiriisku taransadey, oo uu guubaabiyo ciidamadii Ingiriiska. Wuxuu yiri, hadal markii danbe noqday halqabsi oo ahaa;
“Maxaa laba gaal oo abtirsiiyo gudboon,
Midna aan u gumayn, midna aan guusha u siin.”
Inta la ogyahay, waxyaabaha taariikhda casriga ah ku xardhan waxa ka mid ah rag madow oo diiday gumaysigii ninka caddaanka hor boodayey iyo raggii ku daabnaa ee uu qalbiga ka ahaa ninka cad, dushana gibil madoobaa. Raggaas waxaa ka mid ah Lamuumbe, oo astaan halgan ugu suntan dhammaan madowga oo idil. Geeridiisi ayaa hobaladdii Waaberi iyo Cabdullaahi Qarshe ka sameeyeen hees iyaduna halgankiisa oo fan ah noqon karta. Sida qofka Soomaaliga ahi ee garashada fiyow u diidan yahay dulmiga gudaha ah, si la mid ah ayuu u diidaa kan lagula kacayo walaalkii ka fog; haddii Qarshe horraantii kontannada ku heesayey,
“Hadhuub nin sitoo,
hashiisa irmaan
ha maalin la leeyahay baan ahay!” si la mid ah ayuu u dalbanayey caddaalad, waxa uuna cod dheer ku sheegayey in aysan dadka madoobi illoobayn godobta ninka cadi ka galay:
“Midin iyo magan ahaan maynee
Miyaa na la muquunin karaaye,
Maangaabyada meel nagaga dhacayo
Ma moogin godobtaa nagaga maqane.”
Waxa aynu bogagga taariikhda ku arki karnaa fadeexaddii ‘Watergate,’ taas oo saameyn ku yeelatey taariikhda casriga ah ee Mareykanka. Dhacdadaas oo shaacsane ku noqotey dhammaan dadweynaha Mareykanka iyo dunidaba, wax loo saariyey madaxweyne Nixon iyo dawladdiisii. Abwaan Gaarriye oo iigu suntan dadka sida xeesha dheer u maansooda ayaa si fiican gabay uu u bixiyey isla dhacdada kaga warramay. Waxa uu abwaanku ka warramay munaafaqadda taliska Mareykanka, iyo sida ay marwalba fadeexadda ugu yaqaannaan wixii iyaga lagu falo. Wuxuu ku doodayaa, waana sida ay tahay e, in fadeexadda ka dhacday daarta Watargayd ay ka qayb tahay kun fadeexado oo kale, laakiin, aan afka ninka cad aan soo marin. In aysan afkooda soo marin wixii ay ka yeeleen Fiidnaam. In aysan eray ka oran sida ay Israa’iil, iyo waxa ay ku falayso. Waxa uu si qurux leh u sheegaya in iscasilaadda Niksan ay tahay wax ka sahlan dhimashada rag halyeeyo u ahaa shacbiga madow. Sidii uu u laayey Mareykanku dhimashada Hindidii casayd. Waxa uu ka sheekaynayaa in waxa Yaan Ismiith ku falay dadka madow in ay yihiin, in Mareykanku midig siiyey. Waxa uu warkiisa ku kobayaa baydadkan:
“Alle weger waxaa belo dhigteen, waa ka waasacane!
Niksan wayla sahal ceeb haddaad, ka werweraysaane,
Qirta wootar-gaytyadu ka badan, taydin weriseene!”
Intii xisbigii Shuuciga ahaa ee “albacsi” ee Suuriya ka arriminayey muddo ku siman rubac qarni ka badan, waxa ay dagaal la galeen Israa’iil, waxa dagaalkaasna looga qabsaday gobalka caanka ah ee buuraladeyda ah ee la yiraahdo Golan. Israa’iil xabbad joojin la gaaray, oo ay hadda oo aan qoraalkan qorayo ka baxday, waxa ay kula wareegtay gobalkaas. Qaramada Midoobay oo garwadeen ka ahaa xabadjoojintaas waxa ay si cad u siiyeen gobalkaas Israa’iil. Hal’abuurka Soomaaliga oo caddaaladdarrada ugu soo qaadanaya tusaale dhacdadaas, waxa uu sameeyey hees caan ah oo uu miraheeda lahaa abwaan Cali Caateeye, waxa si qurux badan ugu luuqaysay Caasha Cige;
“Qarka Goollanhay iyo
Sida qoorrigoo kale
Arrin laba quruumood
Qalabkay isku haystaa
Oo guurti qaaddiyo
Guddi qaybsha loo direy
Iyagoon gartii qalin
Haddii ay si qaabdaran
Qalin ugu saxiixaan
Qalalaase mooyee
Nabad laguma qaatee…”
Maki Xaaji Banaadir ah foolaadka suugaanta Banaadiriga casriga ah, waxa uu leeyahay maanso waano ah oo uu kaga warramayo waayaha dunida iyo sida ay tahay in Soomaalidu uga masayrto, dabadeedna u midowdo, waayo, waxa kali ah ee u cuntamaya dadkan ayaa ah in ay midoobaan. Waxa uu kaga sheekaynayaa mawduuca “Geopolitics-ka” oo shaacsane ka ah dugsiga siyaasadda. Maki, wax uu si farshaxan leh u warinaya dhacdooyin ay u weyn yihiin dhicitaankii Warsaw. Dhacdooyinkii Afrika ka dhacay ee gumaysi la dirirka ah, ama dhacdooyinka kale ee siyaasadeed.
“Midowgii Soofiyeti
Iyo maamulki Warsaw
Mar horey burbureen
Mikaayiil Korbajeef
Andareey Goromiiko
Iyo madaxdii ka horreysay
Mar horreey qulquleen
Mastar Boris Yeltiisin
Moosko iyo Jeejniya
Wuu mideyn kari waayay
Wamal xayaatu dunyaa
Illaa mataacul guruur!”
“Madaxweyne Dosantos
Iyo Master Joonis Safiimbi
Iyagaa isku muuqda
Master Looran Kabiila
Iyo mucaaradka maanta
Alla maxaa kala heysta!
Marxaladdaan kalaguurka
Mandela iyo Boteleesi
Mar horreey ka tashteen
Maamulkii De kaleek
Oo midabtakoorka ahaa
Meesha waa ka direen
Maanta South African-ka
Madaxooda bannaan
Midigtii isticmaarka
Mar horreey ka baxeen.
Monaroofiya maanta
Waa magaala nabdoon
Waa mabsuud shacabkeeda
Jaarles iyo Master Joonson
Maslaxeey aqbaleen
Iyo maamul wadaag ah
Ooy ku mideysan yihiin,
In Soomaali maseertoo
Midnimo loo hanqaltaago
Meesha waa ku jirtaa”.
Dhinaca jacburka, macalin Dhoodaan iyo abwaan Hadraawi labadaba, waxa ay si kala duwan oo warin fiican leh labadooda oo kala duwan uga warramayaan dhacdooyin kala duwan oo aduunka ka dhacay. Hadraawi maansada jacburka ah ee Isasudhan(1986) waxa uu ku falanqaynayaa, sida aan hordhaca qaybtan ku sheegay, wixii taliskii Markus ku falay shacabka reer Filibiin.
“Madaxtinimada Filibiin,
Ma dadkay u siman tahay
Miyaan aniga lay siin
Miyaan Raygan odhan hay
Kun miyaanan shalay dilin
Kumanyaal xabsiga dhigin
Duqa iga sarreeyaa
Markii uu warkaa helay
Sowkii mabsuudee
Hambaliyada qoraalkaa
Degdeg iigu soo diray
Hubka yiri; “Ha loo raro”
Haddii aanan toosnayn
Soo muu caroodeen
Anna ima canaanteen
Ma duruusihiisaad
Igu beenineysaan?’
Qarnigii tagay dhacdooyinka horumarka aadmiga tusaalaha u ahaa waxa ka mid ah in dadku gaaray Cirka, oo dayaxa la tagay. Warkaas waxa si kaftan ah maanso ugu sheegay macalin Dhoodaan. Waakan isaga oo leh:
“Yaabbaa adduunkii ka dhacay wiiga maanta ah
Dhulkii lagaba guuryoo cirkaa loo tartamayaaye
Xiddigaha dushoodaa dhawaan la isku haystyaaye
Aboole kow iyo toban baa kharibay dad aan la koobayne
Suuqaa markii aad u degtaba buuq haddaad maqasho
Dayaxay tageen iyo ma tagin muranku weeyaane
Wadaadadii jiboodiyo casrigu way is dilayaane
Ilkihii rag laga daadiyeey galabta sheegeene
Yurigaa Giriigbaa la yimid hawshan oo idile
Isagaa wareerkaaba baray dunidii fiicnayde
Awal waa la wada diidi jiray oo la beensadaye
Hadda unbay xaqiiqaynayaan waana la hubaaye
Armstaroonba waa kii dayaxa ciid ka soo raraye
Luna iyo Aboolaana dhigay calamadoodiiye
Haddaynaan ina guurin oo meel kasii dayanin
Afrikaanku baashuu lahaa waa la dagayaaye.’’
Gabagabo
Suugaanta Soomaalida oo hadda weli ku jirta casrigii ururinta, ama diwaaneneynta, waxaa aan qabaa in ay leedahay dhumuc iyo ogaal fidsan oo ay ku falanqaynayso dunida ku xeeran, si la mid ah suugaanta kale ee dunida, oo iyaduba leh awoodda iyo baaxadda intaa la’eg, maansooyinka tusaalaha u ah ee aan xusnayna, waxa looga tusaale qaadan karaa awoodda ay u leedahay in ay ka tilowdo gabiyada Soomaalidu degto, waayo suugaanta Soomaalidu waa sidii Kaynaan yiri markii uu qaadayey heesta iyana quruxda leh ee “Illaa Libaaxu hadal barto/Until the Lion learns to speak.”
“My poetry hails within the streets
My poetry fails to be discrete
It travels across the earth and seas
From Eritrea to the West Indies
It knows no boundaries
No cheese
It’s studied in parts of Greece.”
Hadalka Keynaanna waxa caddeyn u ah in Barefasoor Cali Jimcaale Axmed iyo rag kale ay suugaantooda ka dhigaan jaamacadaha Mareykanka. Waxa caddeyn u ah, in rag badani ka qoreen buugaag suugaanta Soomaalida, waxa tusaale aan u soo qaadan karnaa buugga Heellooy oo uu qorey JW Johnson oo ah nin cad oo xiiseynaya suugaanta Soomaalida. Aan qalinka dhigo, aniga oo ku gabagabaynaya in aan ka mid nahay ummadda leh gabayga ugu qaalisan waxa dunida lagu maansoodo, nuxur ahaan iyo dhisme ahaan.
