Soo Koobidda Buugga Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Soo Koobidda Buugga Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

             Hordhac 

Buugga Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa waxa qoray qoraa Reer Maraykan ah. Waa buug ka hadlaya ilo dhaqaalleedyo muhiim ah isaga oo ka karaar qaadanaya magaaladii Baabila. Waa buug si wacan innoo baraya magaaladii dahabka Baabila. Buugga waxa uu qoraagu ku kaydiyay cilmi maanta adduunka lagu kala hago, waana cilmiga dhaqaalaha. Sida oo kale, qoraagu waxa uu tub iftiinsan marinayaa qofka doonaya in uu nolashan ka gaadho heer, kana sameeyo dhaqaale la arki karo.

Buugga qoraaga qoray waxa la yidhaahdaa George Samuel Clason, waxa uu ku dhashay magaalada Lousiana, oo ku taalla waddanka Maraykanka gaar ahaan gobalka Missouri. Qoraagu waxa uu bilaabay 1926-kii in uu qoro buugyarayaal, kuwaas oo uu kaga hadlayay dhaqaalaha. Buuggan Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa waa buug uu isugu geeyay sheekooyinkii uu kaga hadlayay magaalada Baabila, waxa uuna buugga magac uga dhigay sheekadii ugu caansanayd ee dhagaha dadka qabsatay, taas oo ahayd sheekada Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa. Haddaba, buuggan waxa af Soomaali u soo turjumay qoraa Jamac Sahal oo ka mid ah qoraayada Soomaaliyeed ee wakhti xaadirkan wax la taaban karo ku darsaday maktabadda Soomaaliyeed.

  Sooyaalka Magaalada Baabila 

Baabila waxa ay ahayd magaalo yar oo hal mar indha adduunka isku soo jeedisay. Waxa ay ahayd magaalo xadaarad nolasha laga gaadho, oo ummaddi sheegata ba muddo kooban ku hantiday. Waxa ay ahayd magaalo xukunkeedu boqortooyo ahaa, waxa ayna ahayd halkii uu ka soo shidaal qaatay dhaqaalaha maanta adduunka laga adeegsado. Magaaladani waxa ay ibo-fur u ahayd illo dhaqaaleedyo maanta la tarmiyay. Baabila waxa ay ku taallay dhul dooxeed aan ku munaasib ahayn nolal iftiin muujisa, oo guulo saas u waa weyn laga soo hoyiyo. Marka sooyaalka magaaladan laga warramayo, waxa la sheegaa in horumarkaa iyo muuqashada heerkaa gaadhay ay isku duubni bulsheed ku tumid. Deedaallada bulshadani muujisay waxa ka mid ahaa : in dooxooyinkii la dhex mariyay marin-biyeedyo aad u waa weyn, kuwaas oo looga faa’iidaystay beerida dalagyada kala duwan. Sidoo kale, waxa la sheegaa in magaaladan uu ku wareegsanaa dayr aad u dheer, kaas oo gaashaan cadawga laga hoos galo ahaa.

Boqorad la dhahi jirey Semira ayaa ahayd qofkii u horreeyay ee baabila ka bilawday dayr dhisida. Sida oo kale, dayrkii u dheeraa waxa magaalada ku wareejiyay boqorkii la odhan jirey Nabopolassar. Waxa uu dhintay boqorku isaga oo aan ka faraxalan dhisidda deyrka, balse waxa dhammaystiray wiilkiisii Nebuchadnezzar.

Qoraaga buugga Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa, waxa uu sheegayaa in dadka magaalada degganaa, ay ka faa’iideeyeen laba ilo dhaqaaleed, kuwaas oo kala ahaa : dhul beereed iyo biyaha webiga Furaat. Sidoo kale, waxa uu qoraagu sheegayaa dhul ahaan halka ay magaaladu dhacaysay, waxa uuna leeyahay : walow aysan hadda ahayn magaalo weli jirta, balse markii dambe ee la waayay dadkii awoodda iyo dhiiranaantu ku jirtey ee magaalada dhisay ama ilaalinayay, kumanaan gu’ kadib Baabila waa baaba’aday, waxa ayna noqotay meel laga guuray. Dhul ahaan waxa ay ku taallay qaaradda Aasiya, meel lix kun oo kiiloomitir bariga kaga beegan marinka (kanaalka) Suways, waqooyiga gacanka Eeraan. Dhigo ahaan, soddon ayaa ay ka sarraysaa dhulbadhaha (dhulbaraha), waxa ayna isku diillin ku yaallaan magaalada Yuma, Arizona ee Maraykanka. Cimilo ahaan waa sida magaaladaas Yuma oo kale, waa kulayle, dhul qallalan ah. — bogga 12.

Culumada ku takhasustay cilmiga Archeology-gu marka ay baadheen haadhaagii Baabila waxay ay ka heleen raadad duugoobay oo laga dheehan karo xadaaraddii magaaladu halka ay gaadhsiisnayd. Waxa la helay dhagaxaan duugoobay oo lagu xardhay qoraallo. Baabila xadaaraddaha ay ibo-furtay ee ilaa maanta la adeegsado waxa ka mid ah : in iibiyaha iyo iibsaduhu daynta ay isku lee yihiin kala qortaan; maxaa yeelay raadadka duugoobay waxa laga helay heshiisyo duugoobay. Qarnigii ay magaaladani qabsatay xadaaradda adduunka lama hindisin warqaddaha maanta wax lagu qorto, se bulshadii magaalada ku noolayday waxay adeegsan jireen dhagaxaan ama waxa ay afar gees u yeelli jireen dhoobo—sida warqadda aynnu maanta adeegsano— kadibna dabka ayaa la saari jirey si ay u adkaato oo wax loogu qori karo.
Sida la sheego Baabila waa magaaladii u horaysay ee laga adeegsado lacag. Reer Baabila waxa jira xikmaddo ay adeegsan jireen kuwaas oo ka hadlaya ahmiyadda lacagta, waxaana ka mid ah :

— Lagacta ayaa suurto gelisa ku raaxaysiga waxyaalaha ifka ugu wanaagsan.
— Lacagta ayaa ah waxa guusha nolashaan lagu beego (cabirro).

— Lacagtu wax aan dhammanayn ayaa ay la tahay dadka garawsan xeerka ay ku shaqayso.

Guga magaaladan waxa lagu qiyaasaa in ay jirtey 8 kun oo sanno ka hor, waxaana sidaas sheegay culumada raad-baadhayaasha ah iyaga oo ka karaar qaadanaya raad laga helay magaalada, kaas oo sheegayo dayax madoobaad dhacay gu’ ay ku qiyaaseen 8 kun oo sano ka hor.

Dadka magaaladan ku nool waxa la sheegaa in ay la haayeen jaad kasta oo bulsho dadkeedu noqdaan; sidoo kale waxa la sheegaa magaaladani in ay ka mid ahayd magaalooyinka ugu faca weyn dunida.

Nimco kastaa nusqaanteeday wadataaye, magaaladii Baabila waxa ay ku danbaysay danbas iyo siigo. Beerihii isha aadamaha soo jiidanayay waxa ay noqdeen caws iyo geed gunta ka go’ay. Baabila iyada oo barwaaqaysan ayaa boqor ka mid ahaa boqorradii milaygaa noolaa, kana mid ahaa boqorradii wakhtigaa ugu awoodda badnaa oo la dhan jirey Siiraas ku soo duulay, kadibna boqorkii wakhtigaa xilka hayay la taliyihiisii ayaa u sheegay in ay colka dibadda kula dagaalamaan, oo aan magaalada la cuna qabatay, boqorkiina wuu ka yeellay. Dagaalkii wuxuu socda ba waa laga reeyay ciidamadii Baabila, waxana magaaladii dahabka socotay ahaa gacanta ku dhigay boqorkii soo duulay.

Baabila maanta magac, cilmi iyo sooyaal mooyee wax kale oo ka hadhay ma jiro.

 Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa 

Sheekadan oo ah sheekada buugga loogu magac daray ayaa ah sheekooyinka buugga ku jira midda ugu caansan, ee magaceedu meel dheer gaadhay. Sheekadani waa mid ku xidhan sheekada buugga lagu bilaabayo oo la yidhaahdo “Ninkii Doonayay Dahabka” haddii aynnu isku xidhno labada sheeko oo aynnu tan danbe si kooban u sheegno dulucdeeda waxa ay sheekadu noqonaysaa sida tan : magaalada Baabila waxa ay isku haysay dad kala dabaqaddo nolasha dhaqaalaha kaga jira, oo mid kasta sida uu u wajaho ayay magaaladu u hayn jirtay. Bansir waxa uu ahaa nin farsamo-yaqaan ah oo ku shaqaysta xirfadda aslida nooca gaadiidka ah, ee Karaytada (gaadhi-dameer/gaadhi-faras) loo yaqaan.

Bansir shaqada yar ee uu ka xoogsado waxa uu ku dhacsan jirey nolal-malimeedka ay qoyskiisu ku nool yihiin, waxa uuna ahaa mid inta yar ee uu helaba ku bixiya quutul-daruuriga xaafadda. Bansir waxa uu aaminsanaa, in uusan nolasha ka helin xaqqii dhabtaa ahaa ee uu ku lahaa, oo ay u soo dhawaysay si uusan u bogin. Ninkani, sidoo kale, waxa uu aaminsanaa dadka uu wax u farsameeyo —ee isugu jira mid maalqabeen ah iyo mid isaga jeeb dhaamaba— in aysan u fallin wixii uu rejaynayay— oo ahaa in ay maalin jeebka wax roon uga soo saaran. Bansir waxa uu lahaa saaxiib kabanka aad u yaqaan, oo magaalada Baabila haddii ay waji fiican ku soo dhawayn lahayd uu ka gaadhi lahaa heer aad u sarreeya, balse saaxiibkiina sidiisa oo kale ayuu ahaa mid jeebku ciillay. Maalin maalimaha ka mid ah ayaa Bansir oo aad u murugaysan, nolashana hiifsan u yimid saaxiibkii Kobbi oo sita kabankiisa codka tolmoonnaa ee ummadda xiiso gelin jirey. Kobbi waxa uu cod tolmoon oo dhegtu ku raaxaysanayso ku tumay kabankii, Bansirna inta uu hal mar ka boodday fekerkii eegay qofka dareemihiisa soo hiyi kiciyay. Waaba Kobbi oo isna madax dejin iyo farxad u soo doontay saaxiibkii. Bansir inta uu saaxiibkii ku jeestay ayuu waydiiyay : war ma adigii baa? Kobbi, “haa, waa anigii, saaxiib”. Ileen naf ciillani boholyaw ma daysee, Bansir saaxiibkii su’aallo ayuu ku buuboy, Kobbina jawaabbo caqli gal ah ayuu siinayay saaxiibkii mar kasta uu waydiiyo su’aal. Wada sheekaysi dheer kadib Bansir iyo Kobbi waxa ay isku afgarteen jeeb madhnaantan ku baahday, in uu sababay iska-fadhi, waxa ayna isla qaateen in ay talooyin dhaqaale ka doontaan Arkad oo ahaa ninka Baabila uga hantida badnaa ammintaas ay labada nin raadinayeen ilo dhaqaale iyo talooyin wax ku ool ah, waana halkan halka ay ka bilaamayso sheekada loogu magac daray buugga.

Bansir iyo Kobbi oo hore u soo watay jaallayaashii ay nolasha isku heerka ku jireen waxa ay soo gaadheen Arkad, waxa ayna hadal ugu bilaabeen sidan : Arkad waxa aan ka mid ahayn dadkii dhallinyarnimada soo wada qaatay, nolashana heerar badan soo wada maray, laakiin, maanta adigu nolasha baadhaadhe ayaad ka taagan tahay, annaguna nolal-maalimeedka ayaan la daalaa dhacaynaa. Ma waxaa jirta sir gooni ah oo aad ku gaadhay heerkan, mise waxa aan noqonay dad iyagu is-hagraday oo waa wax laga wada tanaadi karo waddadani? Arkad waxa uu u sheegay cilladu in ay tahay laba mid uun; in ayna fahmin xeerarka maamula hantida iyo in aysan weelayn/darsin. Sida oo kale, waxa uu sheegayaa in nolasha aysan ku dhisnay hanti la dhaco iyo nasiib ku hagga hanti yeellasho ku timid dhac iyo boob. Waxa uu u sheegayaa nasiibku in uu yahay waxa ku hagaya waddada jeeb madhnaanta, waxa uuna ku dhiirrigelinayaa yeellashada hanti maguurto ah. Arkad waxa uu saaxiibbaddii uga sheekaynayaa nolashiisii ciyaalnimo, in uu la koray qoys badan, waxa uuna u sheegayaa saaxiibbadii hantida uu haystaa in aysan ku iman dhaxal uu xaas uu qabay ka dhaxlay iyo in aysan ku iman dhaxal uu ka dhaxlay aabbihiis. Waxa uu saaxiibbadii ku boorrinayaa, in haddii ay u badheedhayaan halista ay laga-ma-maarmaan tahay in la helo wakhti iyo aqoon. Hantiiluhu isaga oo saaxiibbadii u sheegaya aqoonta qaybaheeda ayaa uu ku dhahayaa : aqoonta markii laga hadlo, miyaysan bareyaasheennii murtida badnaa ina barin in aqoontu ay labo jaad tahay; mid waa tan bareyaasha ee la ina barayo, tan labaadna in ay tahay tababarka nolasha iyo waxa aynnu ka baranayno taas oo aynnu ku ogaanno wixii aynnaan hore u aqoonin?— bogga 36.

Arkad sida dadka reer Baabila u yaqaanneen waxa uu ahaa nin gacan-furan, oo inta uu awooddo aan ka hagran kuwa ka hooseeya. Waxa uu ahaa nin deeqsi ah oo aan gacanta hoos u laaban, haddana mar kasta dhaqaalihiisu waxa uu ahaa mid carrabka cirka la sii gaadhaya, oo in uu tognaado mooyee aan tabnaanin. Shaqadiisii u horaysay ee uu ku bilaabay waxa ay ahayd, in uu dhagxaanta ku qoro aqoonta jaadadkeeda kala duwan. Shaqadani, Arkad, waxa ay u ahayd mid uu ka gasoo galay albaabka hantiilayaasha, oo wuu ku qanacsanaa in maalin ba maalinta xigta ay ka sarreedo badanayso, kana hoodo iyo hammi kordhayso.


Arkad isaga oo nolal-maalimeedkiisa dhacsanaya ayaa maalin waxa u yimid nin lacag-amaahiye ahaa, waxa uuna ku yidhi, “waxa aad ii qortaa qanuunka sagaallaad”. Arkad hawshu way ku culaatay qaanuunka qoraalkiisa oo aad u dheer ayaa sababay in hawshu ku cuslaato. Lacag-amaahiyihii waxa uu yimid Arkad oo aan hawshii dhammaynin, waana uu ka biyo diiday ninkii lacag-amaahiyaha ahaa. Arkad inta uu hadalka boobay ayuu ku yidhi, “Algamishoow, hawshaadan aad ii dirtay way igu dabo-dheeraatay, se haddii aad ii sheegto sida aad ku hantiday lacagta intaa la’eg waxa aan kuu ballan qaadaayaa in aan caawa hawsha dhammeeyo”. Algamish inta uu yidhi, “waa ballan aynnu wada galay” ayuu dhaqaajiyay. Arkad habeenkii intii ka hadhay oo dhan waxa uu qorayay hawshii loo diray, waxa uuna rejaynayay oo uu waxaas oo tamar ah u galiyay hawsha in uu helo sirta ka danbaysa hanti helida. Algamish wuxuu u yimid Arkad oo hawshii ka faraxashay, waxa uuna hawl hayihii la soo booday, “ballantii aan wada galnay fuliyay, ee adna taada ka soo dhallaal”.

Algamish waxa uu ku yidhi, ” waxa aan hantiyay waddada guusha markii aan gartay waxa aan shaqeeyo in aan qayb kaydaso”. Hadalkan uu lacag-amaahiyuhu Arkad ugu halceliyay waxa uu inoo hogo-tusaalaynayaa faa’iidada ay leedahay in qofku yeesho kayd, kaas oo uu ku dabarro nolasha inta baahida gaar ahi ka soo baxdo. Sida oo kale, qofku marka uu yeesho kayd-qofeed waxa uu awood u yeellan karaa kafaynta shayo ka baylihi lahaa. Isaga oo hadalka sii wata Algamish waxa uu yidhi, ” shillin kaste oo aad kaydsatid waxa uu kuu noqon doonaa addoon adiga kuu shaqeeya. Shillin kaste oo uu soo saarana waxa uu noqon carruur uu dhalay addoonkaasi oo kuu sii shaqayn doona. Haddii aad hantiile doonaysid in aad noqoto, shillinka aad kaydinaysid waa in uu kuu shaqaynayo oo ilmo sii dhalayo, ilmahaasina waa in ay sii dhalayaan illaa heer aad marka dambe heshid hanti, in ka badan inta aad jamanaysid” —bogga 41.

Intaa kadib waxa uu Arkad bilaabay in uu kaydaso tobankii shillin ba hal, waxa uuna iska xakameeyay dhammaan baahiyihii macanodarrada ahaa isaga oo laabta ku haya in uu hanan doono tubta hantiilayaasha. 12 bilood kadib ayuu Algamish ku soo noqonayaa Arkad, waxa uuna waydiinayaa : wax uun ma kaydsatay haba yaraatee? Arkad isaga oo farxad dareemaya ayaa uu ku dhahayaa, “haa”. Arkad kaydkiisii waxa uu u dhiibay nin guriyo dhise ah, waxa uuna ugu dhiibay in uu dhul fog uga doona jawhar, kadibna dhulka Baabila uu uga gato isaga oo siinaya qiimo sare. Nasiibdarro Algamish waxa uu ku yidhi, “iska ilaw kaydkaas oo samayso mid horle”. Isaga oo taladiisa sii wata ayaa waxa uu ku yidhi, ” qofka kaydkiisa kala tashada cid aan waayo-aragnimo lahayn oo arrimahaas oo kale ku dhaqaaqa, kaydkiisa ayaa uu ku beddeshaa (doorsadaa) ogaanshaha khaldanaanta talada la siiyay”. —bogga 43. Ninkii uu Arkad uu u dhiibay lacagta ee doonay jawharta, waxa laga soo gaday wax aan jawhar ahayn oo dhal-dhallaalaya.

Gu’ kadib ayaa haddana sidii caadada u ahayd uu ku soo noqday Algamish saaxiibkii Arkad, waxa uuna waydiiyay, ” sannadkaas maxaa dheef ah oo aad heshay?” Arkad markan waxa uu aaminsanaa in uu qaaday dariiqqii guusha, waxa uuna ku jawaabbay : markale ayaan kaydiyay lacag, waxa aana u dhiibay nin leebka sameeya, ninkiina waxa uu lacagtii ka soo baxday kaydka galiyay kiro. Hadda waxa aan ka helaa dhacdhac fiican, waxa aana rejaynayaa amminta soo foodle in aan ka iibsado dameer. Algamish waxa uu ku yidhi, “weli carruurtii kaydku kuu dhalayay ayaa aad cunaysaa”. Haddaba, Arkad marka uu si fiican u bartay xeerka kaydinta waxa uu Algamish doorbidday, in uu u dhiibo xil kana dhigto mid u maamula hantida uu ka sii gaboobayo. Algamish isaga oo ka dayrinaya carruurtiisa raasamaalka ku ciyaara waxa uu Arkad u diray goob lagu magaacabo Nippur, uuna beero ku yaalla oo uu leeyahay maamulo. Arkad waxa uu tagey Nippur, waxa uuna si wacan u kaydiyay, una kala maareeyay hantidii mulkiilaha looga dhigay. Haddii gabow inna daayo geeri baan inna daynayn e, Algamish wuu god galey, Arkadna waxa uu qaatay hantida intii uu xaqa u lahaa, halkaas ayuuna ka sii waday dedaalkii uu ku gaadhayay tubta hantiilennimada, waana tubtii uu ku noqday ninkii Baabila ugu hantida badnaa.

   Toddobada Daawo Ee Jeeb-madhnaanta 

Mid ka mid ah boqorradii xukumi jirey magaalada Baabila oo la odhan jirey Sargon, ayaa mar uu ka soo laabtay dagaal uu la galay cadawgiisii reer Aalamiit la taliyaashiisii ku yidhaah deen : wax badan oo aad maagalada Baabila dadkeeda ku hagtay waddada hodantinnimada, hadda waxa ay taagan tahay heer liita, oo dadkeedu maanta ayay hiil kaa rabaan. Sargon waxa la soo darsay caloolyow iyo walbahaar, kaas oo ka dhan ahaa xaaladda maagalada.

Sargon waxa uu lataliyaashiisii ku yidhi, “magaalada hantidii ay ku noqotay magaalada ugu hodansan adduunka meeday?” Waxay ugu warceliyeen : hantidii waxay gacmaha u gashay dad kooban oo dahabku agtooda ka carbisan yahay. Maskax tuujin badan kadib, boqorkii waxa uu yidhi, “ninka magaalada ugu hantida badan magacii?” Dhammaan la taliyaashii waxay isku raaceen Arkad in uu yahay ninka Baabila ugu hantida badan, boqorkiina waxa uu yidhi, “Arkad iigu yeedha aan kulannee”.

Arkad codsigii boqorka wuu fuliyay, wuuna u yimid. Boqorkii waxa uu su’aallay : sideed ku kasbatay hantida heerkaa gaadhay, mise tahay aqoon aad dadka bari karto sida loo kasbado? Arkad waxa uu boqorka u sheegay in uu weelayay toddoba daawo oo jeeb-madhnaanta lagaga baxo, ayna tahay aqoon uu bari karo inta rabta in ay gaadho heerkiisa oo kale. Boqorkii wuu ku farxay arrinkan, waxa uuna Arkad bilaabay in uu casharro siiyo dadka kala duwan ee Baabila ku nool. Arkad toddobadan qodob ee hoos ku qoran ayaa uu toddoba cisho u kala dhigay aqoon raadiyayaashii.

  1. Bilaw in aad jeebka naaxisid/naashtid.

Haddii aad doonayso in aad guul ka gaadho dhaqaale la arki karo, lehna manaafacaad isdabo taxan, waa in aad bilawdaa naashnaashida jeebka; taas oo laga wado niyaddaada geli fal kasta oo aad qabanayso oo ku wajahan dhaaqaale, in aad jeebkana in u kaydiso. Haddii aad hesho lacag tiro badan, tahayna ka ugu dakhliga badan dadka, se aadan kaydasn shillimada qaar markasta jeebkaagu waa madhnaanayaa, waxaana meesha ka baxaysa in aad gaadho dhaqaale lagu tanaaddo.

  1. Xakamee kharashaadkaaga.

Qof kasta oo shaqeeya waxa uu galaa kharashaad, kharashaadkuna waxay u kala badan yihiin sida loo kala baahi badan yahay. In aad xakamayso kharashaadkaaga, kana tagto rabitaanka nafta waxa ay kugu hagaysaa in aad yeellato il dhaqaale. Ha jeclaan in kharashaadka u badan kaaga baxo naf jeclaysi, raaxo adduunyo iyo macanadarro nafeed, ee ahow qof xakameeya kharashaadkiisa, lana socda jeebkiisa waxa ka bixi kara iyo waxa kaydsami kara.

  1. Dahabkaagu/lacagtaadu ha kuu tarmo/taranto.

Markasta oo aad kayd samaysato waa markasta oo ay baahiyaahaagu sii kordhayaan, naftuna jeclaanayso isticmaalka kaydka. Haddaba, kaliya lacagta ha kaydin ee lacagta tarmi oo ka shaqaysii si ay kuugu dhasho lacag kale.

  1. Ayaandarradu waxa ay doorbiddaa kan aan iska ilaalin.

Qodabkan qoraagu waxa uu ku sheegayaa, in haddii qofku uu jeclaysto nolal bilaa isbeddel ah markasta uu ahaanayo kan ayaanka darran. Qofka dakhli soo galo ee aan kayd ka samaysan ayaa ah ka ayaandarrada faqrigu soo wajahayso, waxa uuna qoraagu leeyahay : kaydkaaga ka ilaali in uu lumo adiga oo ku maalgalinaya meesha leh nabadgelyada. Kala soo noqon kartid haddii aad u baahatid iyo meesha markaste leh koror kaa soo galaya kaydkaas. La tasho dadka garaadka suubban leh. Ka talo qaado dadka waayo-aragnimada u leh dahabka (dhaqaalaha) iyo kobcintiisa. Murtidoodu hantidaada ha kaaga ilaaliso in aad ku maalgalisid meel aan la hubin in ay ku badbaadayso.

  1. Hoygaaga ka dhigo maalgashi faa’iido leh.

Haddii aad lee dahay guriyo waa weyn iyo hanti maguurto ah kaga faa’iidayso isla hantidaa in aad ka dhaliso raasamaal. Haddii gurigaagu uu yahay mid deggan, oo shanqadhu ku yar tahay kaga faa’iidayso in aad wax ku dhex akhrido, naftana u carbiso barashada wax cusub, kuwaas oo kuu horseeddaya in aad ka samayso dhaqaale mustaqbalka.

  1. Dhaqaale u kaydi aayahaaga danbe.

In qofku uu kala qaybiyo dakhligiisa waxay horseedi kartaa, in qofku yeesho dhito uu berrito u aayo. Keliya maanta haka fekerin ka feker wakhtiga dhaw iyo ka fog, kana feker mid kasta iyo heerka uu dhaqaalahaagu gaadhi doono. Marka aad gabawdo ama aad tacab gabto hadda sii kaydso wixii aad ku noolaan lahayd, markastana mustaqbalka dhaw iyo ayaamaha iman doona wax u sii dhigo—geeridu waa halkeedee.

  1. Kordhi awooddaada waxsoosaarineed.

Qodabkani waa mid muhiim u ah nolasha qaybaheeda kala duwan; sababtoo ah qofku in uu dhaafo xawaaraha uu maanta awood ku qaban karo, gaadhana xawaare ka sarreeya berrito waa mid karaar heer sarreeya sii naya naftiisa. Haddii maanta aad soo saari karto ama aad awooddo in aad shaqayso 100 doollar berrito xawaaraha waxsoosaarkaaga intaa ka sii badi. Tusaale; haddii wax akhriskaagu uu maanta yahay dhexdhexaad berrito ahaw mid gaadho xawaare tamarreed kan ka sarreeya.

Shanta Xeer Ee Dahabka (hantida)

Arkad wiil uu dhalay oo toban jir ahaa ayuu u yeedhay, waxa uuna ku yidhi, “aabbo, aniga oo og tacabka aan u soo maray hantidan ma awooddo in aad si dhib yar ku dhaxasho adiga oo aan garanay hab maamulkeeda tolmoon. Haddaba, dhaqaaji hore [na] u sii qaado lacagtan kiishka ku jirta iyo dhagax-qoraaleedkan waxa aad tagtaa dhul kale, toban sano kadibna igu soo laabo.” Wiilkii wuu tagey, waxa uuna aaday magaalo kale. Waxa uu maqnaadaba waxa la gaadhay wakhtigii uu ku soo laaban lahaa guriga, wuuna soo laabtay. Guri uu ka maqnaa toban sano ayaa uu dib ugu soo laabtay aabbihii iyo hooyadii isaga ayay ka war sugayaan, dhawrayaanna waxa uu la soo shirtagay. Wiilkii yaraa waxa uu ka sheekeeyay intii uu maqnaa wixii uu la kulmay waxa uuna yidhi, “toban sano oo aan guriga ka maqnaa waxa aan khasaaray dahabkii aan kaa qaatay, se murtidii ku qorayd dhagax-qoraalleedka ayaa i gaadhsiisay horumar”. Waxa uu halkaas kaga sheekeeyay dhacdooyinkii soo maray iyo sida uu u khasaaray, balse sheekada inteeda kale buugga ayaydun ka akhrisan, ee shanta qodob oo faahfaahsan aan sheegno.

  1. Hantidu waxa ay soo doonataa qofka kaydasada wax aan ka yarayn tobankiiba hal meel, si uu hanti ugu abuuro naftiisa iyo qoyskiisa.

Qodobkan dulucdiisu waxa weeye, qof ba qofka uu ka kayd badan yahay ayaa uu ka hanti badan yahay. Qofka hal doollar kaydiya iyo kan 10 kaydiya way kala kayd badan yihiin. Mar kasta oo uu bato kaydkaagu waa markasta oo aad u sii dhwaanaysid waddada hodantinnimada.

  1. Hantidu waxa ay si hawlkarnimo iyo hagar la’i ah ugu adeegtaa oo ay faa’iido fiican u soo saartaa qofka shaqo gashta.

Maalgashiga lacagtu waa in aad ku celiso wareegga lacag samaynta. Marka aad hanti yeellato kaydka uun haku dayn, ee dib ugu celi wareegga hanti samaynta si dheefteedeedu u noqoto mid joogto ah.

  1. Hantidu waxa ay gacanttiisa ku dhegtaa qofka waayo-aragga kala tashada halka uu ku maalgalinayo.

Markasta meel aad kula laabato afkaarta waa in ay jirtaa. La haw musdanbeed talo-ruug ah oo kula faaqidda arrimaha laga-ma-maarkaanka ah. Marka aad lacag buurran gacata ku dhigto waxa aad rabto in aad ku maalgaliso kala tasho dadka ehelkeeda ah.

  1. Dahabku waxa uu gacantiisa ka siibtaa qofka ku maalgaliya meel uusan waxba ka aqoon ama meel aan waayo-aragga ganacsigu kula talinin.

Marka aad rabto in aad maalgalin samayso waa in aad u meel daydaa una saartaa guurti kula lafa-gurta arrinka. Ma aha marka aad ganacsi oo keli ah samaynayso e, waa in aad shay kasta aad qabanayso nolasha kala tashataa dadka waayo-aragnimada u leh.

  1. Dahabku waxa uu ka cararaa qofka ka raadiya dhaqaale aan suurto gal ahayn ama qofka raaca talada dhagarqabayaasha iyo indho-sarcaadlayaasha iyo qofka raaca waaya-aragnimo la’aantiisa iyo waxa uu jeclaysto.

Markasta qofka isyidhaahda si degdeg ah u samee hanti waxa uu isla hantida ku carinayaa in aysan u aabbo yeellin. Kolba heer ayay u baahan tahay in aad hantida ku wajahdo— mar waa bilaw mara waa dhammaad. Haddaba, hantidu waxa ay farihiisa ka baxday qofka waayo-aragnimo aan buurnayn adeegsada iyo qofka aan tashiga u badinin. Sida oo kale, qofka qaata qof aan waayo-aragnimo lahayn taladiisa ku aadan hanti samayn waxa uu kala kulmi in uu farta dhexda ka qaniino.

                    Gabagabo 

Buuggani waxa uu muhiim u yahay qof kasta oo jecel in uu sameeyo dhaqaale iyo ardayda dhigata dhaqaalaha. Waa jirrid qofku uu ku dhisi karo hanti maguurto ah, waana cilmi aad ku gaadhi karto hanti samayn bullaasha. Haddaba, qodabadan aynnu ka soo qaadanay buugga waa inta ugu dhumucda weyn, waana miidda buugga. Laakiin, casharrada kale ee aynnu ka baran karo buugga waxa ka mid ah : nasiibka iyo sooyaal lagaga sheekaynayo xirfaddihii reer Baabila.

Qoraaga: George S. Clason
Turjume: Jaamac Sahal
Soo koobe: Booyax Macallin
La daabacay : 2019
Madbacadda: Hiil Press; Qaahira, Masar.

One thought on “Soo Koobidda Buugga Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *