W/Q: Xusaam Maxjuub
WT: Cabdirahman X. Daahir
Diyaaradda Imaaraadka markeedii ugu horreysay waxa ay duulimaad sameysay 25-kii October ee 1985tii, iyadoo markaas ka soo kacday Dubaay waxayna ku wajahneyd magaalada Kiraaji ee dalka Bakistaan. Berigaa Imaaraatku waxa uu isticmaalayay diyaarad uu ka soo ijaartay shirkadaha dayuuradaha caalamiga ah ee dalka Bakistaan. Imaaraadku maanta wuu bulaalay oo waxa uu leeyahay wax ka badan 260 diyaaradood kuwaasoo duulimaadyo caalami ah ka sameeya in ka badan 136 goobood oo caalamka ah. Sanadkii 1979kii waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray dakadda Jaabil Cali oo ku taal xeebta magaalada Dubaay, lix sano ka dib waxaa daaha laga qaaday aagga xorta ah ee Jaabir Cali oo ah aag lagu keydiyo badeecooyinka, konteennarada iyo sidoo kale waxaa ku yaalla xarumaha shirkado waaweyn oo caalamka sumcad ku leh. Markii laga tago Dubaay inay tahay meel aad u yar oo ku taal xeebta koonfureed ee gudaha badda ee aan aadka u qoto dheerayn oo loo yaqaanno Gacanka Carbeed ama Gacanka Faaris markii lagu xiro aragtida Juquraafiyeed, taariikheed iyo mid dhaqan, haddana Dubaay waxa ay himiladeedii ahayd inay noqoto xarun dhexe oo ka mid ah shabkad ganacsi oo ay ku xiranyihiin saddex meelood meel dadweynaha caalamka ah.
Tan iyo billawgii qarnigan cusub Dubaay waxay gaartay horumar aad u baaxad weyn. Magaca magaalada ayaa noqday astaan lagu garto tumasho, raaxo, nolol heer-sare ah iyo kobac dhaqaale oo aad u ballaaran. Sidoo kale waxay noqotay xarun caalami ah oo ganacsi, dalxiis iyo madadaalo ku suntan. Waxa ay na tusaale horumarineed oo la majeerto u noqotay siyaasiyiin, ganacsato, jilaayaal iyo muwaadiniinta ku nool Bariga Dhexe iyo Afrika oo dhan. Inan kastaa oo Afrikaanad ah waxa ay ku riyootaa inay Qaddaamad ama Adeegto ka noqoto guri uu leeyahay oday Carbeed oo Dubaay ku nool. Iyadoo la adeegsanayo aragtida Sub-Imperialism (Imbiriyaal-yarenimo= Imbiraaliyad Faraceed) ee uu soo bandhigay aqoonyahankii iyo halgamaagii Maarkiistaha ahaa ee reer Baraasiil Rooy Moyru Mariini/Ruy Mauro Marini, waxay faham qiimo leh oo lagu falanqeyn karo naga siinaysaa xeeladaha uu adeegsado Imaaraadka si uu saameyn ugu yeesho guud ahaan gobolka iyo geeska Afrika. Aragtidan (Sub-imperialism) waxa ay muujinaysaa sida Imaaraadka Carabta uu si isku mar ah ugu noqon karo dal saameeyn ku leh awoodaha waaweyn ee Imbiriyaaliga ah, isla markaaana uu isagu laftirkiisa u dhaqmi karo sidii awood weyn oo Imbiriyaali ah aaggaga uu saameynta ku leeyahay isagoo xitaa caqabad ku noqon kara quwadaha waaweyn ee Imbiriyaaliga ah.
Curashada Imaaraadka iyo Billoow Hoose
Imaaraatka Carabta waxa uu waddo dheer u soo maray horumarkan maanta laga arkayo tan iyo markii la sameeyay bishii Diseembar sanadkii 1971. Markiisii hore waxa uu ka koobnaa lix dawlad-hoosaad, tii todobaadna waxa ay ku soo biirtay sanaddii 1972dii. Hindisahan midawga dhuleed ku dhisan waxaa la hirgaliyay markii la soo gabagabeeyay heshiisyadii ilaalinta ee uu Ingiriisku la lahaa gobolladan. Marxaladii curashada Imaaraadka iyo billowgiisa waxa uu ahaa dal yar oo u nugul waxkasta, dadka ku nool waxaa lagu qiyaasayay waagaas ku dhawaad 340,000 mana jirin ifafaalo badan oo muujinaysa dawladnimo casri ah. waxaa ku hareeraysnaa berigaa ay dhallaanka tahay daris awood leh sida Iiraan taasoo qabsatay saddex Jasiiradood oo Imaaraadka ka tirsan isla habeenkii midawgu sameysmay iyo Sacuudi Carabiya oo diidday inay aqoonsato illaa laga xallinayo muranka xuduudeed ee ka la dhaxeeya dawladdan curdanka ah. Sidaa darteed waxa aynu halka kala dhex bixi karnaa, in marxaladdii curashada iyo billawga ay Imaaraadka la kulantay caqabado waaweyn oo goboleed. 30kii sano ee ku xigtay, Imaaraadku isagoo uu hoggaaminaayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Shiikh Saayid Binu Suldaan, waxa uu qaatay siyaasad diblomaasiyadeed oo aad u deggan oo aan buuq badan lahayn isaga oo isla markaana si xawaare sare leh u casriyaynayay waddanka maadaamaa uu si dhab ah kaga faa’ideysanayay saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dhex ceegaaga saxaraha carada saafiga ah leh. Markii laga soo tago inuu Imaaraadku yahay dal leh dhaqaale aad u sarreeya iyo wax-soo-saarka dadka oo sidoo kale ah mid heersare, haddana Imaaraadku wali waa dawlad kalitalis ah bulshaduna ay si weyn u kala sarreyso una sii kala qaybsan tahay. Dadka hadda ku nool Imaaraadku waxa ay gaarayaan ku dhawaad 11 Milyan, bulshadaas markii sii hoose loo eego 1 Milyan oo dad ah ayaa ah kaliya muwaadiniin Imaaraati dhalad ah. inta kale waa bulsho shushub ah maadaamaa ay iskugu jiraan ajaaniib iyo muhaajiriin u badan dad ka soo jeeda Bangaaladeesh, Hindiya iyo Bakistaan iyo kuwa kale oo ka yimid dalalka Ingiriiska, Mareykan iyo Faransiis.
Dadkaas aan muwaadiniinta dhaladka ahayn ma heystaan xaquuqda lahaansho deegaan rasmi ah oo waa dad laga eryi karo dalka markii la doono, kuna darso ma jirto waddo sahlan oo ay ku heli karaan dhalashada dalka Imaaraad. Hantida iyo awoodda Imaaraadka Carabta waxa ay si aad ah ugu aruursan tahay gacmaha qoysaska xukuma ee Abuudabi (Al-Nahyaan) iyo Dubaay (Al-Maktuum) iyo tiro yar oo ganacsato ah oo si dhow ula xiriira qoysaskan xukunka talada iyaga uun isku koobay. Abuudabi oo ah caasimadda dalka iyo tan ugu hantida badan waxa ay haysataa inta badan awoodda siyaasadeed iyo midda dhaqaale, halka Dubaay na lagu yaqaano in ay caan ku tahay firfircoonida dhaqaalaha iyo soo jiidashada indhaha dadka ganacsatada ah, siyaasiyiinta, jilaayaasha iyo fannaaniinta caanka ah. Markii loo eego Dubaay iyo Abuudabi, shanta kale ee Imaaraatka waxa ay leeyihiin saameeyn iyo kheyraad xaddidan oo kooban. Markaan eegno dhaqanka Imaaraadka waxa uu sidoo kale leeyahay kaladuwanaanshiyo diimeed iyo mid qowmiyadeed. Inkasta oo dadka ugu badan dalka ay yihiin Sunniyiin, haddana waxaa jira in yar oo Shiico ah oo inta badan la takooro maadaamaa looga shakiyo inay Eeraan xiriir la leeyihiin. Marka aan u imaanno bulshada Sunniyiinta ah ee dalka ugu badan, qoysayska xukuma dalka waxa ay raacsan yihiin mad-habka Maalikiga ah halka dadka intiisa badan ay raacsan yihiin Madhabka Xanbaliga ah. kala sooca qowmiyeed waa waxyaabaha aadka u sii xoojinaya kala sarreynta bulshada Imaaraadka. Qabiilooyinka Carabta ee reer Miyiga ah (Badawiyiin) ayaa dhaqan ahaan loo arkaa inay heystaan dhaqanka ugu heerka sarreeya (sida Raacatada Soomaalida ah loo arko dhaqankoodu inuu yahay dhaqamada kale kan ugu sarreeya). bulshooyinka kale ee Badawiyiinta ku soo xigtaa waa kuwa carabta ah ee xeebaha deggan, qolyahaana waxaa soo saddexeeya qoysas ka soo jeeda Yaman oo dhawaan dalka yimid iyo kooxo aan Carab ahayn oo loo yaqaano Cajabta oo ah kuwa Madow. Bulshada Imaaraadka kuwooda ugu hooseeyaa waa kuwo addoomo Afrikaan ah oo dhulkan horey loogu adoonsan jiray.
Maalgashiyada Istiraatiijiyadeed ee Imaaraadka Carabta ee Afrika: Dekedaha, Adeegyada Saadka iyo Himilooyinka Imbiriyaal-yarinimo
Tobonaankii sano ee la soo dhaafay, Imaaraadka Carabta wuxuu lacag ku dhow 60 bilyan oo dollar ku maalgaliyay waddamada Afrika taasoo ka dhigtay maalgaliyaha shisheeye ee afaraad ee ugu weyn qaaradda ka dib Shiinaha, Mareykanka iyo Midawga Yurub. Labadii sano ee ugu dambeesay Imaaraadku waxa uu ballanqaaday 97 bilyan oo maalgashi cusub ah inuu ku sameyn doono Afrika taasoo saddex jibaar ka badan ballanqaadyadii Shiinaha uu horey u sameeyay. Ujeeddada ugu weyn ee istaraatiijiyadda juquraafi siyaasadeed ee Imaaraadka Carabtu ka doonayo Afrika waa inuu helo heshiisyo dekadeed oo ku wareegsan qaaradda Afrika si uu ugu suurtogasho inuu gacanta ku dhigo marrinada ganacsiga caalamiga ah ee ku wareega qaaradda Afrika. Horumarinta dekadahaas ee Imaaraadku wado waxaa sidoo kale garab socda dhisidda xarrumo kala gudbiya badeecooyinka iyo kaabayaal isku xiran oo saad ah oo uu ka dhex dhisayo gudaha qaaradda Afrika. Labo shirkadood oo waaweyn ayaa hoggaaminaya fulinta mashaariicyadan istaraatiijiyadeed oo kala ah: shirkadda AD Ports Group oo ah shirkad gaar loo leeyahay iyo shirkadda DP World oo ah shirkad uu Imaaraadku leeyahay. Waqooyiga Afrika markii aan tooshka ku iftiimino, Imaaraadku wuxuu mashruucyo deked dhisid ka wadaa xeebaha badda Madhatareeniyaanka (Aljeeriya iyo Masar). Haddaan wajiga aadinno Galbeedka iyo Koonfur-Afrika shirkadahan Imaaraadku wato waxay dekado ku leeyihiin xeebaha badweynta Atlantik, gaar ahaan waddamada ay ka midka yihiin, Angoola, Koongo, Jamhuuriyadda dimuqraadiyadda Koongo, Gini iyo Senegaal.
Kolkan haddii aan Bariga Afrika tooshka ku dulqabanno, shirkadahani waxay ka hawlgalayaan xeebaha badda Afrika gaar ahaan Kiinya, Musambiig iyo Tansaaniya. Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, Imaaraadku wuxuu mashruucyo dekado ka fulinayaa Masar, Budlaan/Puntland iyo Somaliland. Intaas kuma koobna cirweynida Imaaraatka ee sidoo kale shirkadahani waxa ay deked ku leeyihiin Jabuuti, inkastoo hadda uu muran sharci kala dhexeeyo dawladda Jabuuti. Xisaabta iigu darso horey waxa ay dekad ugu lahaayeen Eritariya, taasoo loo adeegsan jiray saldhig ciidan. Waxaa sidoo kale ay tahay in aan la hilmaamin heshiiskii deked oo ay la saxiixdeen Suudaan, heshiiskaasina waxaa la baajiyay dhawaan iyadoo Imaaraadka lagu shaabbadeenayo dagaalka ka socda Suudaan inuu qayb ka yahay iyo isbaddelka xukunka ee dalkaas ka dhacay. Intaas kuma koobna cirweynida Imaaraatka ee sidoo kale shirkadahani waxa ay deked ku leeyihiin Jabuuti, inkastoo hadda uu muran sharci kala dhexeeyo dawladda Jabuuti iyo deked ay horey ugu lahaayeen Eritariya taasoo loo adeegsan jiray saldhig ciidan. Sidoo kale Imaaraadku wuxuu heshiis deked la saxiixday Suudaan, walow heshiiskaas la baajiyay dhawaan maadaamaa Imaaraatku lagu eedeeyay inuu qayb ka yahay dagaalka Suudaan iyo isbaddelka xukunkii dalkaas ka dhacay. Imaaraadku waxa uu maalgashi kale ku sameeyay dakadaha qalalan (dry ports) iyo xarrumo xamuul loogu talagalay in wax lagu kaydiyo oo ku yaal gudaha qaaradda Afrika. Dekedahan iyo in ka badan 70 xarrumood oo qaabilsan adeegyada saadka ah ee ku kala yaalla gudaha qaaradda Afrika, waxa ay door muhiim ah ka ciyaarayaan istaraatiijiyadda ballaaran ee Imbiriyaal-yarinimada Imaaraatka.
Dhul-ballaarsiga Imaaraadka Carabta ee Afrika
Imaaraadka Carabta, waxa uu waayadan dambe ku soo baxay maalgashadaha dhulka ugu weyn ee caalamka iyadoo dalal badan oo Afrikaan ah ay u noqdeen bartilmaameed muhiim ah. sanadihii u dambeesay Imaaraadku si isa soo taraysa waxa uu dhulal badan uga helayay dhawr dal oo Afrikaan ah, si uu ugu fuliyo mashaariic waaweyn oo la xariirta waxsoosaarka cunnada iyo barnaamijyada kaarboon dhimista ah (carbon-offset projects). Hammiga Imaaraadka Carabta waa uu ka gudo ballaaran yahay kaliya inuu dadkiisa cunno u soo saaro, oo waxa uu doonayaa inuu isku baddelo oo uu is dhigo boos ah xarun caalami ah oo ganacsiga cuntada adduunka maamusha, si dalalka kale uu raashin siiyo. Sanadkii 2022dii ganacsiga cuntada ee Imaaraatku ku yeeshay caalamka iyo gobolkaba wuxuu gaaray in ka badan 27 bilyan oo doollar. Waqtigan la joogo Imaaraadku waxa uu 90% cuntadiisa ka keensadaa dibadda. Markii ay dhaceen kadib dhibaatooyinkii ay ka midka ahaayeen, sare u kicii qiimaha cuntada ee addunka 2007-2008, xanuunkii Covid19 iyo duullaankii Ruushka ee Yukrayn, Imaaraadku waxa uu kabaha u gashtay sida uu ku heli lahaa dhul beereed si uu u sugo sahaydiisa cuntada. Maalgashiyadan nuucaan ah waxa ay qayb ka yihiin istaraatiijiyadda sida wanaagsan loo qorsheeyay oo ay hoggaaminayso dawladda Imaaraadka taasoo ay adagtahay in si cad loo kala saaro danaha dhabta ah ee dawladda iyo kuwa gaarka ah.
Imaaraadku waxa uu la wareegay dhul beereed ku yaalla waddamo badan oo Afrika ah sida, Masar, Itoobiya, Kenya, Madagaskar, Marooko, Namiibiya, siiralyoon, Suudaan, Ugaandha, iyo Tansaaniya. Maalgashiyadaan inta badan ku saleysan kheyraad uruursiga (extractive nature) waxay saameyn baaxad leh ku yeesheen bulshada deegaanka iyo nidaamka dabiiciga ah ee deegaanka. Inta badan waxaa dhacda in dhul beereedyadaas uu Imaaraadku maalgaliyay lagu beero dalagyo biyo badan u baahan sida dhirta alfalfa la yiraahdo oo ah dalag inta badan la daaqsiiyo xoolaha ku nool Imaaraadka iyo Sacuudiga, tanina waxay caddeenaysaa in hawlahani aysan ahayn kaliya dhul-boob balse ay yihiin sidoo kale biyo-boob, maadaamaa aad la adeegsanayo biyihii deegaanka si loo daboolo baahida dad kale oo bannaanka Afrika ku nool. Waxsoosaarkan baaxadda leh ee dhinacyada kala duwan ee dalagyada ah ayaa marar badan horseeda yaraanshiyaha kheyraadka dabiiciga ah ee dalalka loo soo martiyay. Arrintani waxa ay si toos ah u keenaysaa cunto yaraanshiyo iyo nabadguurka deegaanka, taasoo marka dambe saameyn taban ku yeelata bulshada deegaanka. Intaas waxaa sii dheer agabyada ceeriinka ah ee laga dhoofiyo dalalka Afrika, waxaa loo qaadaa Imaaraadka Carabta si halkaas loogu soo farsameeyo, ka dibna Afrika ayaa dib loogu iib geeyaa iyagoo qiimo badan lagu dallacay. Tanna waxay muujinaysaa nidaam dhaqaale oo caddaalad darro ah maadaamaa aysan u adeegayn danaha dalalka Afrika. Sidoo kale Imaaraadku waxa uu helay dhulal ballaaran oo ku yaalla qaaradda Afrika si loogu isticmaalo dhaqaalaha cusub ee ka soo baxaya ka ganacsiga Kaarboonka (Carbon Economy). Imaaraadku dhulkaas uu iibsaday wuxuu ku abuurayaa dhir farabadan si ay nuugto Kaarboon Labo-oksaydh/Carbon dioxide-ka wasaqeeya hawada. Markii ay tillaabadaas sameeyaan ayaa lagu abaalmarinaa shahaado caddeenaysa inay yihiin dal ilaalinaya deegaanka. Kolkii Imaaraadku ay shahaadadaas helaan ee loo yaqaano Kaarboon Kiridhitis/ Carbon credits-ka ayay ka sii iibinayaan shirkadaha karbon-ka badan hawada ku sii daaya. Shahaadadaas ay shirkadaha kala iibiyaan waxay meesha ka saaraysaa diiwaankii horey looga diiwaangaliyay ee muujinayay inay hawada wasaqeeyaan.

Boobka ku Socda Macdan Qodista iyo Dahabka Afrika
Sanadihii dambe, Imaaraadka Carabta si isa soo taraysa ayuu ugu lug yeeshay heshiisyada macdanta ee waddamo badan oo ka tirsan qaaradda Afrika gaar ahaan Angoola, Jamhuuriyadda dimuqraadiga koongo, Saambia, iyo Simbaabwe. Maalgashiyadan Imaaraadku sameenayo waxa ay diiradda saarayeen noocyada kala duwan ee macdanaha muhiimka ah sida: Koobalti/Cobalt, Kuubar/Copper, Garaafayd/Graphite, Liisiyaam/Lithium iyo Niikel/Nickel. Ku lug lahaanshiyaha Imaaraadka Carabta ee ka ganacsiga dahabka ayaa dhaliyay walaac ballaaran. Dubaay gaar ahaan, waxay noqotay meesha labaad ee ugu weyn dunida ee dahabka lagu soo dajiyo, sidoo kale waa goobta ugu weyn ee lagu soo dajiyo dahabka laga qodo dalalka Afrika. Si gaar ah, Dubaay waxay dahab faro badan ka soo iibsataa waddamo la ogyahay inay soo saaraan tiro dahab yar oo ay ugu horreeyaan Ruwaanda iyo Ugaandha, iyadoo sidoo kale ku sheegta qiimo ka badan intay dalalkaasi si rasmi ah u soo dhoofiyaan. Kala duwanaanshiyaha xogahan waxa ay horseedeen tuhun iyo tashwiish ah in Dubaay ay tahay xarun lagu sifeeyo oo lagu dhaqo dahabka iyo lacagaha sharci darrada ah, iyadoo markaas loo marayo suuqyadeeda iyo warshadaha sifeynta dahabka. Sanadkii 2022dii, Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka waxa ay sheegtay in ka badan 90% dahabka laga helo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee koongo, in si hoose oo qarsoodi ah loo galiyo waddamada dariska ah sida Ugaandha iyo Ruwaanda halkaas oo markii dambe lagu sifeeyo ka dibna loo dhoofiyo suuqyada caalamiga ah gaar ahaan kuwa Imaaraadka Carabta. Tani waxa ay noo muujinaysaa in Imaaraadka Carabta ay door weyn ku leedahay ganacsiga caalamiga ah ee dahabka sharci darrada ah. Tusaalaha kale ee aan soo qaadan karo Suudaan ayaa ka mid ah waddamada dahabkooda shandado looga dhaafiyo garoonka diyaaradaha ee Suudaan sida ay caddeenayso warbixintii joornaalka Isha Bariga Dhexe/Middle East Eye ay ka diyaarisay dhaca ay Imaaraadka iyo Ruushka ay geystaan Suudaan. Tani waxa ay noo muujinaysaa in Imaaraadka Carabta ay door weyn ku leedahay ganacsiga caalamiga ah ee dahabka sharci darrada ah.
Maalgalinta Maleeshiyaadka Hubeysan
Imaaraadka Carabta ayaa saxiixay heshiisyo sii kordhaya oo ku saabsan iskaashi militari oo uu la galay dalal uu ka sameeyay maalgashiyo istaraatiiji ah oo ku aaddan kaabayaasha muhiimka ah ee iskugu jira dekedaha, xarrumaha saadka, dhulka beeraleyda ah, tamarta la cusboonaysiin karo, isgaarsiinta iyo macdanta. Heshiisyada nuucaan ah waxa ay inta badan ku billaawdaan tababarro iyo barnaamijyo waxbarasho oo arrimaha ciidanka la xariira, waxaana dhici karta in waqti ka dib ay ku baallaartaan soo dhoofinta hubka ay soo saaro Imaaraadku. Waxaa dhacday mararka qaar in Imaaraadku uu u diray ciidmo ama qalab militari siiyay hawlgallo dagaal oo ka socda goobaha ay ka midka yihiin dagaalka lagula jiro kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee gobolka Saaxil ka hawlgala, Soomaaliya iyo sidoo kale ka qaybqaadashiisii farogalinta Naato ee Liibiya. Imaaraadku waxa uu sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn siiyay dawladda Itoobiya taasoo door muhiim ka ciyaartay sidii uu Ra’iisul Wasaare Abii Axmed ugu guuleysan lahaa dagaalkii uu kula jiray xoogagga Tigreegga. Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale saldhigyo militari ka sameystay dalalka kala ah Jabuuti, Eritarea, Liibiya, iyo Soomaaliya (oo ay ku jiraan gobollada Puntland iyo Somaliland). Imaaraadku waxa uu si cad u taageeray maleeshiyada Xaftar ee gudaha Liibiya ka daagallanta iyo maleeshiyada RSF ee Suudaan dagaalka ka wadda.
Soo Ifbixii Kaalinta Imbiriyaal-yarinimo ee Imaaraadka
Markii uu Borofeesor Ruu Mawro Mariini/Ruy Mauro Marini uu soo bandhigayay aragtidiisan ah Imbiriyaal-yarinimada sanaddiii 1960kii ee uu sida gaarka ah diiradda ku saarayay dalka Baraasiil iyo guud ahaan Laatin Amererika, Imaaraaaka Carabta waxa uu ahaa uurjukujir aan dhalan wali. Tobanaan sano ka dib, ustaad Mariini iyo aqoonyahanno kale waxa ay sidoo kale qalinkooda ku taabteen dalal ay ka mid yihiin Masar, Iiraan, Israa’iil, Sacuudiga iyo Turkiga. 20-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa furmay baal cusub oo taariikhda ah taasoo keentay inuu si weyn isku baddelo Juquraafiga siyaasadeed ee gobolka, sidaas darteed waxaa muhiim ah in la falanqeeyo doorka sii kobcaya ee dalalka kala ah Imaaraadka Carabta, Qadar iyo Sacuudiga iyada oo la adeegsanayo Sub-Imperialism (Imbiriyaal-faraceed). Markii lagu eego aragtida Sub-Imperialism-ka, Imaaraatka Carabta waxa uu muujinayaa astaamaha dawlada Imbiriyaaliyad-yar ah (Sub-imperialist state): waxaa lagu macneyn karaa waddan yar oo ka tirsan dalalka Saboolka ah oo ku tiirsan awoodda quwadaha waaweyn sida Mareykanka oo ah quwad gumeyste oo weyn, kaas oo dhaqanka Imbiriyaaliga weyn soo minguuriya oo gudaha gobolkiisa kaga dhaqma sidii inuu yahay waddan Imbiriyaali weyn ah. sida uu tilmaamay aqoonyahan Mariini, waddamada nuucaan ah waxa ay isu aruuriyaan isla markaana xoogga saaraan maalgelinta gudaha waxayna sameeyaan shirkado qaran oo heysta awood suuqeed oo weyn, kuwaas oo u muuqda sida shirkadaha waaweyn ee horumary. Tusaale waxa aan u soo qaadan karnaa sida shirkadahan Monoboliga ah ee ay ka midka yihiin: Shirkadda Qarameedka Abuudhabi ee Saliidda/Abu Dhabi National Oil Company (ADNOC) oo ka shaqeysa tamarta, DP World oo ka shaqeysa ganacsiga caalamiga ah, iyo sanduuqyada maalgelinta qaranka ee hodanka ah (Sovereign Wealth Funds), dhammaantood waxa ay matalayaan oo ay sawir guud ka bixinayan sida Imaaraadku ugu socdo dhabbaha Imbiriyaal-yarnimada. Illaa iyo dhammaadkii 2010kii, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga waxa ay u arkayeen kacdoonnadii shacabka ee loo yaqaannay Gugii Carabta halis weyn oo ku soo wajahan nidaamyadoodan boqortooyo ee Muxaafidka ah ee aadka xagjirka u ah. Arrintaas waxaa Imaaraadka waxaa ugu sii darneyd in kacdoonkani uu ku beegmay xilli uu Mareykanku uu waday heshiis nugliyeer ah oo la la gaarayo Iiraan, Imaaraadkuna arrintaas waxa uu u arkayay arrin khatar ba’an ah oo jiritaankiisa daleed halis galin karta. Tobaneeyadii sano ee ugu horreeyay ee qarniga 21aad intii ugu badneyd tobankaas sano, Imaaraadka iyo Sacuudigu waxa ay ahaayeen xulufo dhow oo si wadajir ah uga soo horjeeday dhaqdhaqaaqyadii kacdoonka shacabka ee Gugii Carbeed. Sababta ay uga soo horjeedeen kacdoonnadaas waxay doonayeen inay ilaashtaan boqortooyooyinkooda reeraysan.
Imbiriyaaliyadda-Yar ee Suudaan ku Sugan: kaalin isa soo Taraysa
Ku lug lahaanshiyaha Imaaraadka Carabta ee arrimaha Suudaan tobankii sano ee la soo dhaafay waxa ay sawir buuxa naga siinaysaa rabitaankiisa sii kordhaya ee ka mid noqoshada quwadaha sub-imperialism-ka, gaar ahaan markii la fiiriyo dhinaca qabsashada xukunka gobolka. Imaaraadku waxa uu si wadajir ah ula shaqeeyay Sacuudiga, iyagoo adeegsaday askar Suudaaniis ah oo ka tirsan ciidamdada SAF iyo RSF si ay ugu dagaallamaan dagaalka Yaman. Sidoo kale waxa uu taageero lacageed siinayay Al-Bashiir illaa laga tuuray xilkii uu ku fadhiyay bishii Abriil 2019kii ka dib mudaharaadyo ballaaran oo billowday Diseembar 2018ka (Kacdoonkii Diseembar). Markii oday Al-Bashiir xilka laga tuuray, Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga oo ay wehelinayso Masar waxay kor u qaadeen hannaanka nabad-dhiska dimoqraadiyadeed ee u dhaxeeyay xoogagga rayidka ah iyo madaxda militariga ee Suudaan. Dadaalladan ay wadeen ugu dambeyn waxa ay horseedday sameynta dawlad kumeelgaar ah, walow taasi aysan ka tarjumin rabitaanka dhabta ah ee Shacabka Suudaan. Markii diidmo culus laga hor keenay rabitaankooda saddexdan waddan, waxa ay markii dambe wiiqeen awooddii rayidka iyagoo siiyay taageero dhaqaale iyo qalab militari si ay u xoojiyaan awoodda ciidamada. Sidoo kale Imaaraatku waxa uu Suudaan ku cadaadiyay inay xiriir la yeelato Israa’iil iyada oo loo marayay heshiiskii Abraham taasoo Suudaan ka dhigaysa waddan la jaanqaadaya istaraatiijiyadaha gobolka ee Imaaraadku hoggaaminayo. Bishii Oktoobar 2021, saddexda dal waxa ay taageereen afgambi militari oo sii xoojiyay awoodda ciidamada militariga ee Suudaan. Markii ay xiisadda qalalaasaha ay korortay, Imaaraatku waxa uu si cad u taageeray kooxda RSF taasoo markii dambe sababtay in dagaalkii Suudaan qarxo 15kii Abriil 2023, kaas oo ugu dambeyn ku biiray liiska musiibooyinka bini’aadamnimo kuwooda ugu xun abid ee taariikhda aadanaha soo mara. Imaaraadka Carabta, kooxda RSF waxa ay u noqotay xarun ay ka helaan maalgalin, sahay dagaal, warbaahin iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed. Sidoo kale Imaaraadku waxa uu si hoose u taageeray ciidamo calooshood-u-shaqeystayaal ah oo ay ka mid yihiin, ciidamadii Hoor Wegnar/hore ee Wagner, maleeshiyada Xaftar ee Liibiya ka dagaallama iyo kuwo ku sugan dalka Chad.
Gunaanadka iyo Xalka Looga Hortagi Karo Imbiriyaaliyaddan-yar
Imaaraadku waa dal inta badan ku tiirsan ganacsiga, waxaana aad ugu muhiimsan magaca uu caalamka ku leeyahay, sumcaddiisa iyo sawirka ay dadyawga caalamka ka heystaan. Dunidan tartanka badan ee dalalka faraha badani doonayaan inay noqdaan xarumo ganacsi, dalxiis, dhaqaale iyo tiknoolojiyadda waxa ay aad ugu taxadarraan waxkasta oo dhaawici kara sawirkooda, Imaaraadkuna waxa uu ka mid yahay dalalka aadka ugu feejigan waxkasta oo dhaawici kara ama halleenaya sumcaddiisa oo si gaar ah waxa ay walwal uga qabtaa warbaahinta wararka xun ka qorta. Si loola dagaallamo doorka burburinta ah ee uu Imbiriyaaliyadda-yar ee Imaaradku ka wado gobolka, u dhaqdhaqaaqayaasha iyo ururada caalamiga ah waxa ay adeegsan karaan dhawr istaraatiijiyad si ay uga hortagaan ficillada bahalnimada ah ee Imaaraatku horkacayo. Ahmiyad weyn oo gaar ah ayay leedahay in tooshka lagu iftiimiyo ficillada Imaaraatka iyada oo loo marayo saxaafadda caadiga ah iyo baraha bulshada. U dhaqdhaqaaqayaashaan waa ay inay dhisaan olole caalami ah oo si joogto ah loo qabanayo, oo markastaa oo la xuso magaca Imaaraadka sidoo kalana lagu xusayo fal-dambiyeedyada caalamiga ah ee uu geestay, oo ay ka mid yihiin xadgudubyada uu ka galay xuquuqda dadka iyo bulshada muhaajiriinta ah. Dadyowga caanka ah waxa ay door saameyn leh ka ciyaari karaan kor u qaadista wacyiga ku saabsan falalka uu Imaaraadku geestay iyaga oo adeegsanaya madashooda ay wax ku soo gudbiyaan. Fannaaniinta, farshaxamiistayaasha iyo majaajiliistayaasha waxay diidi karaan ka qaybgalka munaasabadaha lagu qabto Imaaraadka ama ay maalgeliyaan shirkadaha Imaaraadka, waxaana habboon inay si cad dadweynaha hortooda ku muujiyaan diidmadaas sida uu sameeyay heesaaga caanka ah ee reer Mareykan Makalmoor/Macklemore.
Tixraac:
- Maqaalka af Carabi: https://alsifr.org/sub-imperial-role-uae-africa?utm_source=pocket_saves
- Maqaalka af Ingiriis: https://www.tni.org/en/article/the-emerging-sub-imperial-role-of-the-united-arab-emirates-in-africa