Sheekafaneedda: Maleawaalka Dhabta ah!

 

Waxaa qoray: Cabdishakuur Qodax

Sheekafaneedda: Maleawaalka Dhabta ah!

Sawirka: Dhammaadka Flimka Detachment(2011) oo ay ka soo muuqatey sheekada gaaban ee “the fall of the house of usher” taas oo uu qorey Edgar Allan Poe.

Stephen King[1], oo caan ku ahaa sheekacurinta ayaa laga hayey:“Sheekafaneeddu waa dhab ku lifaaqan maleawaal!” Waa hadal yaab leh, qofka aan sheekada akhrinna ku qoslayo, maskaxdiisuna markaba tuseyso in waxa uu akhrinayo ay tahay maleawaal! Stephen wuxuu iskudayayaa in uu sidii Maxamuud Darwiish uga eegay xagal ka duwan tii abwaannadii kale jacaylka uga eegeen, ee uu lahaa: “Jacaylku waa beenteenna runta ah.” Si u eg, se micnu qotodheerna ku lamaanan yahay.  

Isla hadal sidaa u eg, duluc ahaanna la mid ah waxaa isna laga yiri Albert Camus oo dadku ku xasuustaan waxqabadyadiisa falsafadeed iyo sheekooyinkiisa caanka baxay. Camus wuxuu yiri, “Sheekafaneeddu waa maleawaal looga warramayo dhab jirta.” U fiirso labadaa hadal ee labada nin ee  kala waayaha ahi yiraahdeen, mid walba waxa uu tibaaxayaa in sheekadu tahay maleawaal, dhab ah iyo xaqiiqo maldahan. Taas oo haddii hadalka la soo dhaweeyo yeelaneysa qeexitaan u eg kii Darwiish ka bixiyey jcaylka, kaa oo noqonaya: Sheekafaneeddu waa maleawaalkeenna dhabta ah.

Haddaba, muddooyinkii danbe waxa aad u badanayey dhalinyaro akhriska sheekada badsadey, fikirkii duugga ahaa ee sheekada laga haysteyna god ku ridey. Walow ay shaacsane dadyowga dunida dhan ka dhex jira ay tahay, haddana, ka Soomaali ahaan, waxa aad mooddaa in aynu caadeysanney halhaysyo dhexdeena caan ka noqday oo aan ku liidno waxqabadyada suugaaneed oo sheekadu ugu horreyso. Waxaa carrabkeenna ku badan in aynu ku celcelinno: “Sheekadu waa wax aan sii ridneyn, oo hadaltiro ah.” Iyo “Sheekadu ma ahan wax aan madadaalo dhaafsiisneyn.”

Tusaale, Dr Maxamed Xirsi, oo sheekadiisa Dabinkii Jiraalka bandhigeedii 2020 ka jeedinaya kalmadda qoraaga wuxuu sheekada ku sifeeyey in uu beri u arki jirey “Sheekabaraley” aan sii ridneyn. Wuxuu sheegay in uu aad u quursan jirey akhriskeeda, una haystey in ay tahay kaliya agab lagu madadaasho, sida sheekooyinkii baadiyaha. Laakiin, waxa uu si qurux leh u qirayaa in sheekadu tahay doon aragtiyaha nolosha lagu rari karo, iyada oo qoraaga siineysa fursad uu hal buug ugu kulmin karo qaddiyado kala madaxbannaan oo tirobeel ah. Wuxuu sifeynayaa sida ay sheekadu u tahay wax akhristaha tusinaya aragtiyo waaqaca nolosha ka jira oo RUN ah, taas oo ka markhaati kacaysa hadaladdii Stephen King Iyo Camus yiraahdeen, ee aan qoraalka hordhaca uga dhignay.  Tusaale kale, qoraaga Mark Manson, oo qorey buugga The Subtle Art of Not Giving a F*ck, waxa uu sheekada u arkayey mar in ay tahay wax aan madadaalo sii dhaafsiisneyn, laakiin, markii uu qorayey buuggiisa uu ku baraarugay qiimaha ay leedahay sheekadu.

Mar haddii aynu sidaa u dhignay, waxa aynu jawaab u raadineynaa su’aasha ah, “Maxaa aynu uga baahannay maleawaal dhab ah?” Dabcan, waa su’aal maangal ah oo ay tahay in laga jawaabo. Waxa aynu isla eegi doonna sheekada waxa aynu uga baahannahay innaga oo raacineyna tusaalayaal fahamka soo dhaweeya.

●Sheekadu waa muraayad bulsho:

Ibraahim Hawd oo faalleynaya 2007 sheekada caanka ee Dr Afrax qorey ee Maanafaay, waxa uu ku tilmaamay “Muraayad Bulsho” isaga oo ciwaanka qoraalka ka dhigay; “MAANAFAAY: Muraayad Bulshadu Isku Daawato.”

Haddaba, innaga oo ka duuleyna qodobkaa Hawd sheekada Maanafaay ku koobay, waxa aan oran karnaa, sheekadu waa muraayad bulsho, sababta oo ah waxa ay sheekadu soo gudbineysa sooyaalka, dhaqanka iyo taariikhda umadi leedahay. Marka aad akhrineyso sheekada, waxa aad baraneysaa dad iyo dhacdooyin gooni ah oo bulsho cusub ama taada ku saabsan. Waa meel qofku ka baran karo dhaqan cusub iyo dhul uusan wali tagin. Tusaale, haddii aad akhrisid sheekada Maanafaay, Roge, Aanadii Nageeye ama sheekooyinka ku saabsan burburkii sida sheekada Ina Dalmar ee “In the name of our fathers.” Oo Boodhari Warsame ku turjumay “Aabayaasheen baa na baday” waxa aad dhab ahaan u baraneysa dhacdooyinkii, noloshii iyo sidii dadku ahaa wixii ka horreeyey dhicitaankii dawladda. Aan si kale u dhaho, marka aad akhrisid sheekada “Things Fall Apart” ee Chinua Achebe, Waxa aad si dhab ah uga daawan kartaa bulshada reer Nayjeeriya, adiga oo marba dhinac u qaadaya waddooyinka xaafadaha sheekada ku jira, kuwaas oo maleawaal  ah, laakiin, dhammaan ka turjumaya bulshada Nayjeeriya. 

  • Sheekadu waxa ay qofka u furtaa fahamka:

Marka la akhrinayo waxqabadyada suugaaneed, siiba sheekada, waxa aynu badi ku arkeynaa su’aalo qofka qoraaga ahi ka keeno dadka, diinta, jiraalka, deegaanka iyo dunida ku meeran. Tusaale, sheekada caanka ah ee Leo Tolstoy qorey ee la dhaho “How Much Land Does a Man Need?” waxa aynu ku fahmi karnaa sida damaca aadmigu u kobco.  Waxa aynu si fudud u fahmeynaa damaca xargaha goostey ee aadmiga, innaga oo ka daawaneyna ruuxda shakhsiyadda koowaad iyo ciribdanbeedkiisa. Tusaale kale, waxa aynu ka fahmi karnaa sheekooyinka Dostoevsky oo badi ku saleysan falsafadda “Jiraalka.”[2]  Oo faham fiican naga siinaya dugsi falsafadeed oo dhameystiran.

  • Sheekadu waxa ay korisaa Arxanka[3] qofka:

Qoraayadda reer Nayjeeriya ee Chimamanda Ngozi Adichie[4] waxa ay leedahay: “Sheekadu waa farshaxan awood kuu siinaya in aad noqotid qof kale, kabtooda iyo karintooda gashatid, faham fiicanna aad ka heshid adduunkooda.” Hadalkaa Jimamanda, waxa uu daliil u yahay sida sheekadu qofka ugu ogalaato in uu dareemo nolosha qof kale, tudhaalena u muujiyo. Tusaale, marka aad akhrineyso sheekada “Dambi iyo Ciqaab” Ee Dostoevsky qorey, waxaa aad dareemi karnaa shakhsiyadaha ku jira noloshooda, iyada oo dareenkooda gaarka ahi adiga ku xanuujinayo.

  • Sheekadu waxa ay kobcisaa maleawaalka:

Walow guud ahaan suugaantu kobciso maleawaalka, haddana, sheekadu waa agabka ugu sarreeya ee qofka awood u siinaya in uu kordho, kobac fiicanna sameeyo maleawaalkaagu. Waxa ay akhristaha ku safrisaa duni aan tiisa ahayn oo khiyaal curis ah, iyada oo carineysa maskaxda kuna dhalineysa fikrado cusub. Albert Einestain oo ka hadlaya maleawaalka waxa laga hayey: “maleawaalku isaga ayaa ka muhiimsan aqoonta!” Waayo, aqoontu waa wax dhab ah oo xadidan, xeerar gooni ah oo aan la dhaafi karinna leh, laakiin, sida Jean-Jacques Rousseau ku sheegay maleawaalka, waa wax aan xad iyo xuduud lahayn. Tusaale, qofka akhriya saddexlayda Qaahira ee Najiib Maxfuud qorey, waxa aad si fiican ugu noolaan kartaa Qaahira oo joogta horraantii soddonada, qarnigii tagay.  

  • Sheekadu waxa lagu kaydiyaa dhacdooyin tagay:

Waxa sheekada lagu kaydiyaa dhacdooyin taariikheed oo tagay. Waa diwaan dhammeys ah oo bulsho taariikhdeeda laga fahmi karo, lagana daraaseyn karo. Waxa aan si fiican uga fahmi karnaa tusaalahan: marka aad akhrineyso George Orwill sheekadiisa “Beerta Xayawaanka.” Waxa aad akhrineysaa xus siyaasadeed oo ku saabsan guud ahaan dunida iyo gaar ahaan bulshadii Ruushka ee isaga gudubtey boqortooyaddii, kacaankii xilka laga tuurey, kuna danbeysay gacantii Stalin. Ama, haddii aad akhriso sheekada gaaban ee uu qorey Maxamed Aadan Ciiraale ee la yiraahdo “Unuunkii Daqaqamay.” Waxa aad dhex joogsaneysaa Muqdisho oo la murugaysan qarixii ka dhacay xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee Xamar. Ama, qofka akhriya sheekada Roge ee Cabdullaahi C Cige, waxa uu arki karaa dhacdooyin taariikheed oo dhacay, sida toogashadii ka dhacday garoonka diyaaradaha Burco.

  • Sheekada waxaa lagu hodmiyaa afka:

Suugaanta oo caan ku ah kaydinta afka iyo adeegsigiisa, ayey haddana sheekadu u tahay wax door weyn ku leh. Marka af Soomaali lagu akhrinayo waxqabadyada kaladuwan ee qoraayada Soomaaligu qoreen, waxa la arki karaa farshaxannimada iyo sida ay ugu hodminayaan afka. Sheekadu waxa ay tarmisaa, sida suugaanta kale, erayada, waxa ayna akhristaha ka caawisaa in uu afka ka barto in ka badan. Tusaale, qofka ku nool Nugaal ee akhriya waxqabadyada Prof Cali Jimcaale Axmed iyo ragga la nooca ah ee lahjadda degaankooda wax ku qora, waxaa hubaal ah in uu baranayo af iyo lahjad gooni ah, kuna hormarinayo afkiisa.

  • Sheekada waxa ay qofka ka dhigta qof dhiifoon:

Mar haddii qofku inta uu waxqabadyada kaladuwan ee suugaaneed akhrinayo, waxa khasab ah in marba marka ka danbeysa ka saarayo daacadmiskiinnimada[5], waayo, waxa uu la falgalayaa dhacdooyin kala duwan buugaag ku saabsan. Waxa ay qofka u saamaxayaan in uu xaglo kala duwan ka eego, shakhsiyado iyo xirfado cusubna ka dhaxlo. Waxa ay qofka bareysa, fasaxna in u siineysaa in uu ka qaybqaato, lana falgalo shakhsiyadaha sheekada. Tusaale, qofka akhriya sheekooyinka ku saabsan danbiyada iyo falalka ka dhasha, waxa hubaal ah in uu si fudud u fahmi karo dhacdooyinka ku xeeran isaga oo marba marka ka danbeysa ka biirsanaya dhiifoonaan sheekada.

  • Sheekadu waxa ay ka qaybqaadata dhiska shakhsiyaddaada:

In sheekada loo arko wax aan qiimo ridan lahayn, waxa ay qofka dhaafisaa waxyaabo badan oo uu shakhsiyaddiisa ku dhisi lahaa, sida maanshiilidda[6] oo uu ka dhaxli lahaa sheeooyinka. Walow aysan sheekadu qofka siinin casharo qodobeysan-sida buugaagta naf-dhiska-haddana, waxa ay qofka u siisa awood buuxda oo uu kaga qaybqaato dhacdooyinka, doodaha sheekada ku jira faaqido, taas oo qofka u sahasha in uu shakhsiyaddiisa ku hormariyo, wixii dhacay ee doqonnimo ah ama dadnimo ahna ka biirsado. Tusaale, marka aad akhrineyso sheekooyinka ku saabsan bulshooyinka dhaqan-dhaqaalahooda, taariikhdooda ama siyaasaddooda, waxa aad si fiican uga baran kartaa casharo ka qaybqaadan kara dhismaha shakhsiyaddaada. Ama, xittaa sheekooyinka “maleawaalka cilmiga” ah, waxa aad si fiican uga baran kartaa aragtiyo cilmi.

Qodobaddaas sare iyo kuwa kale oo tiro beel ah ayaa nagu riixaya in aynu akhrinno sheekada, iyaga oo ugu danbeynta horseedi kara in aan sheeko fiican qorno, ama aynu si fiican u warinno dareenkeenna, dhaqankeena iyo sooyaalkeenna. Najib Maxfuud oo ahaa sheekayahan weyn ayaa mar sheekada ku qeexay in ay tahay dhacdooyinka ka dhaca agagaarkeenna. Waxa se kagu dari karaa in ay nafteenna xittaa ay tahay dhacdooyin ka dhaca guda nafaheenna, oo ay tahay agab aan nafteenna uga warrami karno, innaga oo aan is magacdhabin, taas oo noqoneysa maleawaalkeenna dhabta ah.


[1] Stephen King: Qoraa Mareykan oo sheeko-curinta ku caan ah, buugaagtiisa qayb ka mid ahna loo badalay flim.

[2] Falsafadda Jiraalka(Existentialism): Waa falsafad qeexaysa in dhammaanteen aan masuul ka nahay in aan abuuranno ujeedka iyo micnaha nolosha.

[3] Empathy

[4] Chimamanda: Qoraaga buugaagta Americanah iyo We should all be feminist

[5] Naïve

[6] Critical Thinking

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *