Kalinimada iyo Halabuurka
Qallinkii: Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir
Tarjumid: Cabdiraxmaan Caqiil
Waxa aan mararka qaar fariistaa kaligay, anoo ka fogaanaya buuqa iyo sawaxanka badan, waxa aan jeclahay inaan kaliyoobo si aan u garto halkee ayaan taaganahay? iyo sababta aan u joogo? Kolkaas ayaan gartaa ahaanshiyahayga, waxa aan ogaanayaa meesha aan ku liito, iyo halka aan u xoogganahay, waxa aan sidoo kale ka fekeraa in aan dadka kale iyo waxa ay hiigsanayaan garto, waa fadhiyo muhim ah, se khatar ah.
Dadka u janjeera xagga shaqada(in ay shaqaystaan ku hammiya ama macaash doonaya) waxaa jirta wax aysan jeclayn taas oo ah in ay naftooda la kaliyoobaan, waxa ay ka doorbidaan in ay dadka ku dhexjiraan ama hantidooda ay la noolaadaan, waxa ay ka baqaan in ay naftooda la fariistaan buuqana ay ku fogaadaan.
In aad kaligaa fariisato xitaa haddii aad makhaayad joogto, ama in aad naftaada la gaar noqoto adigoo gurigaaga ku sugan, iyo in aad nolosha u fiirsato adigoo dad kale la socda xitaa, sidoo kale aad akhrido dhowr sadar oo taariikh ah adoo aamusan, taas waxa ay ka dhigantahay in aad u janjeerto waxa loo yaqaan maskax-majuujin. Qur’aanka kariimka oo inoo tilmaamaya arrintaasi waxa uu Alle ku yiri:( قل إنما أعظكم بواحدة أن تقوموا لله مثنى وفرادى ثم تتفكروا) [ Nabiyow waxaad ku tiraahdaa hal mas’alo ayaan idinku waaninayaa oo ah inaad Alle dartii u kacdaan idinkoo labo labo, ama kali kaliba ah dabadeedna aad fekertaan].
In si qotodheer loo fekero waxa ay ka timaadaa labo dariiq oo kala ah: habka u fiirsashada ahaanshiyaha, iyo habka la falgalidda buugga. Labadaa dariiqna waxa ay u baahanyihiin in nafta la la kaliyoobo, iyo in si qumman loo fariisto goob aan buuq badnayn. Haddii aad kaligaa fariisanayso ha noqon qof bilaa yool ah, oo gacanta ku sii qabso qallin, buug, iyo waraaqo, kombiyuutarna hareertaada ha yaalo, iskuna day in aad qorto macluumaadka maskaxdaada kasoo burqanaya, qor wixii feker ah oo aad muhiim u aragto si qotodheerna uga dood, su’aalo tiro badan soo quf adoon ka labalabayn, ahaw qofka aad tahay hana ka xishoon waxa aad tahay, naftaada weydii su’aalahan, maxaa ii qabsoomay? Maxaa dantayda ah? Maxaase iga hortaagan?
In aad kaligaa meel fariisato micnaheedu ma aha in aad nolosha ku jabtay sida dadka qaarkii u maleeyaan, waxaaba jira cid ka baqaysa in ay kali fariisato, cid isku dayaysa markasta in ay isku mashquuliso hawlo tiro beel ah, hawlahaasi qaar baa waxtar leh, qaar kalena waa huuhaa bilaa faa’iido ah. In uu kaligii fariisto kama baqayo isagu, balse su’aalaha imanaya ayuu ka cabsi qabaa, dadka qaarkii baan jeclayn in ay aadanaha ka fogaadaan, sababtuna waa tarbiyaddii lagu soo koriyay ayuu ka bartay in uu ka baqo kali fadhiga, muhiim ma aha in aad kali ahaato nolosha oo idil, balse kalinimadu waa dariiqa ugu mudan ee istaraatiijiyad loo dejiyo, haddii aan kalinimadu jiri lahayn lama arkeen garaad badnidii Qasaali, xeeldheeridii aqooneed ee ibnu Taymiya, iyo waxsoosaarkii Einstein, la fadhiga badan ee dadka kama soo baxaaan dad gaar ah, waxaa ka soo baxa uun dad isle’ eg.
Waxa aan dhugtay oo u fiirsaday buugga ( Islaamka u dhaxeeya bari iyo galbeed) oo uu qoray ustaad Cali ciset Begofij, waxa aan ugu tagay fakar qotodheer iyo mowduucyo si xeeldheeri ku jirta loo lafaguray, waxa aan ogaaday in ninkaa wax badan uu ka akhriyay buugta fekerka ah, waxaan kaloo ogaaday in uu kaligii fariisan jiray si uu u dhugto ugana fekero wixii uu akhriyay una uruuray.
Waxa uu inbadan fekeri jiray kolkii uu xabsiga ku jiray, waxa uu isku helay waqti badan iyo goob naadir ah, waxa uu halkaasi ku allifay buuggiisa qiimaha badan ( Hayaankaygii xorriyadda ),shakhsiyaddiisa ma uusan ahayn qof jecel in uu makhaayadaha ka shaaho inbadan, mana xiisayn jirin warwareegga iyo socodka badan, buugga ayuu saaxiib la noqday khalwayntana deris ayuu la noqday, haddana la fariisiga dadka kale waxa ay u ahayd mid mirodhal ah, isaga oo ahaa siyaasi, mufakir hoggaamiye ah. sidoo kale waxa aan garowsaday in cid kasta oo wax qorta, ama hab cilmiyeysan u doodda aragtiyo muhiim ahna xambaarsan, in uu buug ka dambeeyo oo uu saaxiib la yahay.
Marka aan kaligay akhrinayo buug xambaarsan aragtiyo gudaballaaran, ma dareemo wax daal ah, balse haddii aan dad la fadhiyo oo meesha ka socoto sheeko aan meel ku salaysanayn, waxaan dareemaa sidii in aan cadaab ku jiro oo daal iyo rafaadna ay ii dheeryihiin. Sidaa awgeed waxa aan isku dayaa in aan laba qaab u noolaado; tan koowaad nolol caadi ah oo aan dadka ku dhex jiro iyo nolol gaar ii ah oo aan naftayda la noolahay taa oo aan ku fekero, ku safro aniga oo dadka la socda balse aan dareensiinayn arrintaasi. Mararka qaar waxa aan qoraa maqaal dhan ama risaalo anoo dadka ku dhex jira si aanan u dareemin caajis iyo daal, si aan u waayin ahaanshiyahayga iyo fekerkayga.
Waxaa jira dad inbadan fekera oo soo saara aragtiyo waaweyn, haddana waa aragtiyo aan meel ku salaysnayn, dhibtu ma aha hab-fekerkiisa waxaase mushkilad ka taagan in uusan waxba akhrin iyo in uusan ujeedo lahayn. Ahaanshiyaha waxa ay dhalisaa in uu qofku ujeedo ka lahaado wax kasta, ahaanshiyo ma jiri lahayn haddii aan ujeedo jirin, ujeedana ma jirto haddii aan ahaanshiyo jirin. Maxaa ka qurux badnaa xusuus-qorkii ustaad C.wahaab masiiri ee ku magacaabay Socdaalkaygii feker ( رحلتى الفكرية ، فى البذور والجذور والثمر ، سيرة غير ذاتية غير موضوعية ), buuggu waxa uu ka xog-warramayaa marxalad sii horaysay oo uu ustaadku soo maray, waxaase i soo jiitay wax uu ku magcaabay ( taariikh-nololeed aan ahaanshiyo iyo ujeedo lahayn), waxa aan halkaa ka fahmaynaa in ahaanshiyaha iyo ujeedka ay si guud u qaabeeyeen taariikh-nololeedka ustaad C.wahaab masiiri oo ahaa mufakir iyo faylasuuf eebbe ha u raxmadee.
Kalinimadu waxaa ku sugan hal-abuur, ku dhexnoolaanshaha dadkana waxaa ku sugan halgan iyo dadaal, in diinta Alle laga shaqeeyana waa hadaf iyo ujeedo, in laga shaqeeyo horumarka bulshada waa hawl aan looga maarmin dhexgalka bulshada, aadunuhu ma kala maarmaan, balse in qofka uu dadka dhexdooda ku noolaado isagoon naftiisa aqoon waa cimri khasaarin, waxaase hal-abuurnimo ah inaad kulansato labadooda ( Kalinimo iyo dad ku dhexnoolaansho), sida ay u kulansato laba badood oo midi biyaheeda macaan iyo mid kale oo biyo dhanaan, dhexdoodana soohdin aan isku darsamin lagu awday.
In qofku naftiisa la kaliyoobo waa xabsi qofka doorasho ku leh, jeelkuna waa khalwad khasab ah, waxaase qurux badan in aad mararka qaar doorato jeelka aad ikhtiyaarka u leedahay. Kolka aad isku hesho waqti kugu filan iyo goob dhif ah, waxaad la iman kartaa hal-abuur iyo waxsoosaar, balse haddii aad isku hesho goob kugu filan iyo waqti dhif ah waxa aad shaqaynaysaa khariido la’aan, wa soosaarkaaguna wuxuu noqon mid aan ujeedo lahayn, ahaanshiyahaagana waad lumin. Hal-abuurku waa sida kulanka labada badood ee ahaanshiyaha iyo ujeedka, goor iyo goob, hal-abuur feker, iyo hawl waxsoosaar leh. In uu qofku kulansado hawlo uu iskii u qabto iyo in uu dadka la kaashado hawlaha qaar ayaa ah arrin qurux badan oo ay adagtahay in la isla helo, halkaas ayuu qofku ku guuleysan karaa kooxina ay guul ku gaari kartaa.
Maqaalka isaga oo carabi ku qoran hoos ka akhriso
Aadbaa u mahadsantihiin bahda raad-reeb waxaa noogu suntantihiin haldooro u hiilay bulshada inteeda wax aqriso iyo kuwa wax baaraba
Thnks i get more information for this article