Is-baddellada bullaaliyay Cusboonaanta(Xaddaasada)

W/Q: Mudane Maxamed

Is-baddellada bullaaliyay Cusboonaanta(Xaddaasada)

Waxaa sida caadiga ah la aaminsanyahay, ama loo fahmay, in cusboonaantu ay tahay; horumarkaa isku xiran ee qeybaha badan, ee bullaalay qarnigii 19aad. Dr Cabdu-Ilaah Balqasiis, oo ah qoraa iyo fillasoof udhashay dalka Morocco ayaa waxa uu qabaa: in ay aragtidaasi aan soo sheegnay ay tahay mid saxsan, si guud ama qeyb ahaan. Dhanka kale waxaa uu dr ku qabaa, in cusboonaantu ay leedahay sooyaal is-dulsaaran. Haddaba, waa sidee?

Sida uu diktoorku qabo, waxaa horumarkaasi bullaalay qarnigii 19aad gadaal kataagan sooyaal dheer oo ka kooban arimo isdulsaaran oo muddo is korkorayay. Markaana wadadaa dheer ayey soo jartay cusboonaantu, ilaa ay dhameys-tirmeen qeybeheeda oo dhan. Suurtogal maaha ayuu yiri Dr ku, in aan diraaseyno cusboonaanta, inaga oo aan ulaaban oo aan diraaseyn arimahaa Sooyaalka ku jira oo boqolaal sano labeerayay, laga soo bilaabo qarnigii 15aad ilaa dabayaaqadii qarnigii 19aad.

Waxaa Dr ku diiradda saaray, todoba bar(meel), oo ugu waaweyn barihii uu soo jeexay, isbadbadalkii ay cusboonaantu sameyneysay, intii lagu jiray Sooyaalkaa dheer:

  1. Sabankii baraaruga( عصرالنهضة): Xilligaani oo bilowgii hore ka hanaqaaday taliyaaniga, kolkii danbana baahay oo wada gaaray qeybo badan oo Yurub kamid ah. Baraarugu waxaa uu markii hore ku billowday, suugaan iyo fan ahaan, waxaa uu isu badalay markii danbe, xirfad curin iyo maskax-maal balaaran oo dhanka farshaxanka ah, waxaana uu dhalay saameyn dhanka sawir-gacmeedka, dhismaha, muusiga, iyo qeybaha kale ee farshaxanka. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq aqoon(saqqafo), suugaan, sooyaal, fan dhanka farshaxanka iyo quruxda ah, oo galay sooyaalka aadanaha, taas oo samaysay qaar kamid ah suugaanyahannadii, farshaxamiistayaashii ugu caansanaa taariikhda. Sidaasi ayuu sabankaasi u yahay tiir sare uhayay xadaasada ama cusboonaanta, una soo dhabar-adeygay dhismaha cusboonaanta ee hada taagan.

Waxaa xusid mudan oo dadku badanaa moodaan in ay isku mid yihiin sabankii baraaruga عصر النهضة, iyo sabankii maanfurka عصر التنوير, balse kala duwan. Sabankii baraaruga sida aan sheegnay, waa qarnigii 15aad, waxaana uu ka danbeeyay qarniyadii dhexe العصور الوسطى. Baraaruggu ma aheyn saban uu curtay kacaan aqooneed, amaba kacaan dhanka hab-fakarka ah, ma ahan saban loogu ab-tiriyo aragtiyo waaweyn, kaliya waxaa uu qarniyadii dhexe uga duwanaa, dhinaca hab-dhaqanka iyo saqaafada iyo in mudnaanta lasiiyay fanka iyo farshaxanka, iyo in dib loosoo nooleeyay fankii Giriiga iyo Roomaanka, waxaana yaraatay mudnaantii lasiin jiray diinta iyo kaniisadda oo gabaabsi noqotay. Dhanka kale waxaa xilligaani loo jiheystay amuuraha bini’aadanka sida; waxbarashada, waxcurinta, culuumta, turjumidda buugaagta, suugaanta, farshaxanka, quruxda iyo wax qorista iyo akhrinta, waxaana uu gogol-dhig unoqday, qarnigii 17aad ee Maanfurka, markaasi oo laxaqiijiyay, aragtiyo falsafadeed oo cusub iyo isbadallo dhab ah.

  1. Mad-habka Protestantism, ee hagaajinta diinta. Qarnigii 16aad waxaa dhacay dhacda weyn, oo saameynta iyo raadka ugu weyn ku yeelatay aayihii hayaanka horumarka ee reer Yurub. Waxaa uu ahaa dhaqdhaqaaq diineed oo isku hawlay, in dib loogu laabto akhrinta naska diineed, iyo in caqli xor ah lagu akhriyo aayadaha oo aan loo daba fariisan kaniisada, maadaama kaniisaddu dadka ku sandulleyneysay, in ay diinta ufasiraan sida ay iyadu usheegtay. Is-baddelkaani waxa uu lahaa labo garab, oo ay kan koowaad howshiisu aheyd; islaaxinta diinta iyo in kitaabka dib loogu laabto loona fasiro si waafaqsan caqliga iyo cilmiga, halka kan labaad, uu siyaasada kula hardamayay kaniisada. Haddaba raadkani waxa uu noqday dhaqdhaqaaq kaalim weyn ka ciyaaray, bullaalidda ay maanta xadaasadu ku raaxeysaneyso.
  2. Kacaankii Beerashada iyo kacaankii Warshadaha; Kacaankani waxaa uu wadada ufuray ama u horseeday, in laga guuro aragtidii dhaqaale ee han-yarida ku dhisneyd, taas oo aheyd in wixii kugu filan lagu kaaftoomo oo ay keenayeen duruufo jiray, loona guuro dhaqaalaha wax-soosaarka iyo kobcinta, fududeynta adeegyada nolosha, iyo abuuridda fursado shaqo. Sidoo kale waxaa uu horseeday dhalashada dabaqado kale, oo bulshada kamida, markaa waxaa uu kaalin weyn ka soo ciyaaray, kacaankani Sooyaalka iyo dhismaha cusboonaanta.
  3. Kacaankii Aqooneed: kacaankani waxaa uu kolkiisii ugu horreysay ka billowday, aqoonta Cilmi-falaga oo ay horseed u ahaayeen Galileo iyo rag kale. Waxaa kale oo uu ku billowday aqoonta fiisikiska, qarnigii 18aad, Isaac Newton. Miraha kacaankani laga dhaxlay waxaa kamid ahaa, mudnaanta ballaaran ee uu cilmiga yeeshay iyo in ay dadku xiiso badan uqaadeen, waxaana baahay tijaabada fakarka, ayada oo ay Yurub gashay baraarug aqoon iyo mid falsafo. Kacaankani ayaa asiguna qayb lixaad leh ka qaatay kobaca xaddaasada.
  4. Aragtidii Maanfurka فكر الأنوار: Qarnigii 18aad waxaa yurub ka curtay oo si wayn u gacan sareeeyay, saqaafo aqooneed ay bulshadii reer magaalka ahayd yeesheen, oo ma aheyn saqaafadaasi mid u xeyndaaban mufakiriintii iyo falaasifadii qarnigaas, bal waxa ay ku baahsaneyd qeybaha kale ee culuunta. Waxaa uu dhaqdhaqaaqan sida dhabta ah ula diriray jahligii yurub ku baahsanaa, waxaa uu in badan difaacay xorriyada fakarka iyo caqiidada, markaa waxaa ay aragtidaani kasoo qeyb qaadatay, hab-dhismeedka cusboonaanta ee maanta jirta.
  5. Kacaankii siyaasadeed ee qowmiga(qaranimada) iyo dimuquuraadiga ahaa, kacaankani siyaasiga ah, waxaa uu ahaa mid ka kooban kacdoonno dhowr ah, oo ka curtay dalal kala duwan. Waxaa ugu horreeyay kacaankii Ingiriiska 1688dii, kacaankii Mareykanka iyo midkii faransiiska ee 1789dii. Kacdoonnadaasi waxaa ay gabagabeeyeen maamulkii kaniisadda iyo boqorradii xulafada la ahaa, sidoo kale waxaa uu waddooyinka u furay kacaankan, sameysanka dowladaha qowmiga ah ee casrigan. Waxaa ay kacdoonnadaasi albaabada u fureen guusha kama danbeysta ah ee calmaaniyadda, maadaama ay fureen ama kala jareen, xarigii iyo xiriirkii kadhexeeyay, diinta iyo dowladda, kuwaasi oo siyaasada lamaane ku ahaa. Wxaa ay sidoo kale kacdoonnadaasi go’aamiyeen, sal-u-aasidda nidaamka dimuquuraadiga ah.
  6. Kacaankii Teknoolajiyadda: Waxaa la aaminsanyahay in kacdoonkani uu curdan yahay, waxaana uu billowday horraantii qarnigii 20aad, balse waxaa ay hirarkiisu u socdaan si is-dabajoog ah. Waxaa durba la arkaa raadad waaweyn oo uu kacdoonkaani reebay oo ay ugu horreyso fududeynta adeegyada aasaasiga ah ee nolosha, waxaa uu ka takhalusay mashaqooyin badan oo khatar ku ahaa jinsiga aadanaha, oo ay ugu horeeyaan xanuunada.

Intaasi aan soo xusnay, waa baro-kontorool ku asteysan heerar isbaddel oo ay soo jeexday cusboonaanta, barahaasi waa qeybo is dulsaaran oo is korkorayay intii ay cusboonaantu soo jiitameysay. Intaasi waa inta ugu waaweyn, qofka daneynaya diraaseynta qodobkaan, waa in uu dul-isataagaa barahaas, iyo marxaladaha iyo sooyaalka ay xaddaasadu soo martay. Dr-ku waxa uu qabqq in aysan suurtogal ahayn in aan diraaseyno cusboonaanta, inaga oo aan ka eegin dhinaca Sooyaalka iyo marxaladaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *