Garaadka macmalka(Artificial intelligence) iyo waxbarashada: saamaynta togan


Garaadka macmalka(Artificial intelligence) iyo Waxbarashada: Saamaynta Togan

Artificial intelligence ama garaad macmalka waa habka aalad ama technology loo baro inay qabtaan howlo iyo shaqooyin iyagoo istimcaalaya garaad(Intelligence) macmal ah oo u qaab eg midka biniadaamka. Maanta adduunku wuxuu u jihaystay in lagu tartamo wax soosaarka iyo adaygsiga Artificial intelligence-ga. Waxaana cajiib ah in bayloojiga iyo technoloojiyadii la is baray laagana soo saaray Biotech, kasoo sahlay in habdhaqanka(behavior), caafimaadka(health), dooqa(test), caadhifada(emotion) aadanaha lagu ogaado caqliga samayska ah. Caqliga macmalka(AI) wuxuu ku baahay dhamaan qaybaha nolosha si gaar ah waxbarashada oo uu si xowli ah u badalaayo hanaankii iyo habraacyadii la istimcaali jiray.

Waxaa jiro qalab caqli macmal(AI tool) kuwaas oo mar dhaw la soo saaray laguna tijaabiyay mid ka mid iskuulada wadanka shiinaha, Jinhau xioshun primary school. Aalaada waa Headband ardayda madaxa looga xiraayo kaasoo sheegayso hadii ardayda uu mashquulsanyahay iyo hadii uu la socdo xiisada iyo cashirka. Wuxuu soo daynayaa midab, taasoo ka dhigan in hadii uu buluug soo saaro in ardaygaasu mashquulsanyahy oo uusan la socon xiisada amaba uu ka caajisay xiisada oo uusan diiradda saarin, laakiin hadii uu soo saaro gaduudn waxa ay ka dhigan tahay inuu ardaygaasi muhiimad sinayo cashirka uuna la socdo waxa la baranayo markaas. Qalabkaas wuxuu ka cawinaaya macalinka inuu la socdo ardayga la socdo asiga iyo mid ka haray.

Hadaba maqaalkan waxaan uga hadli doonnaa saamaynta togan ee uu garaadka samayska ah uu ku leeyahay waxbarashada iyo sida ugu wanaagsan ee aan uga faa’idaysan karno si aan uga dhigno waxbarashada mid fudud, xiiso leh oo aan laga daalin.

Garaadka samayska ah waxa uu caawiya macalimiinta iyo ardayda. Macalimiinta waxay ku dajin karaan qorshe cashireedka(Lesson plan) iyagoo ku salaynaya baahiyaha ardayda ay wax u dhigaayan. Macalimiinta jaamacadaha, barayasha iyo barefasoorada, iyagana waxay u adeegsan karan inay ku dajiyaan si la mid ah qorshe cashireedka iyo inay istimcaalaan aalad wax sixid iyo hubinta soo guurinta leyliga ay ardayda soo gudbiyaan. Waxuu garaadka macmalka ah bixiyaa faalloyin ku saabsan leyligaas; in uu saxo iyo meelaha uu ku liito qofka qoray ee la rabo inuu hormariyo (Constructive feedback). Waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa macallin caawiye macalin kaas oo badanaa macallinka ka caawiy howlaha hor yaala ee sixida, cashir diyaarinta iyo cashir sharaxidda.

Macalimiinta waxay istimcaali karaan qalab garaad macmal sida;

1) Yippity, wuxuu awood u leeyahay inuu ku sameeyo ‘quizes’ qoraalka ama nuxurka aad galiso ayuu ka sameenaya su’aalo iyo jawaabo.
2) Beautiful Ai, waxaa loo istimcaala in lagu sameeyo slides-ka soo jiidasho leh (Effective visualising) kana duwan midka Ppt.
3) Turnitin Ai, Waxaa loo istimcaala in lagu hubiyo soo guurinta. Waa qalabka ugu wanaagsan marka la dhaho hubinta xatooyada cilmiga(plagiarism).
4) Chatgpt, waxa uu kaga jawaabaya su’aal walba ood waydiisid. Wuxuu ka caawinaya qorista. Waxaa kale uu kaa cawinaya inaad wax ka baratid, iyadoo mid ka mid mabaadiida macalinka ay tahay waxbarasho joogto ah(Continouse learning). Chatgpt, waxa uu sidoo kale awood u leeyahy inuu soo kobo nuqullada cilmiyeed, cilmi baarisyada iyo buugta taasoo kaa caawinaysa inuusan waqti badan kaaga bixin inaad wada aqriso document cilmiyeed ama cilmi baaris ee uu asiga kusoo koobayo nuxurka document-ka aad u dirtid. Sidoo kale chatgptka wuxuu ku qori karaa waraaqadaha formal-ka ee loo istimcaali karo wadaxariirka(Communication).

Artificial intelligence(AI) wuxuu u sameensan yahay inuu ku siiyo waxbarid ku salaysan shaqsi(Personalized learning) oo uu ardayga wax ku barto karaar iyo qaab uu isago doorto oo cashirba cashir u dhiibo. Qiyaas fasal ay dhamaan ardayda ku jirto ay helaan dareen gooni ah, mid walba oo fasalkaas ka mid ah. Daraasad la sameeyay ayaa sheegaysa in 1:1(hal macalin:hal arday) waxbarida ku salaysan ay ka wanagsan tahay qaababka kale. Taasoo ka dhigan in caqliga sameyska aad ka dhigan karto macalin kaas oo kaliya adiga wax ku sharaxayaa, isla markaana aan ku mashquulsaneyn arday kale iwm. Waxaa uu u sameeya ardayda falcelin iyo qiimayn heerka aqooneed ee uu marayo nuxurka waxa(content) uu baranayo.

Cali macmalka shaacsanaha ah suuqa isla markaana ugu caansan waa Chatgpt. Marka laga soo tago in Chatgpt uu su’aalaha kaaga jaawabo ama uu wax kuu qoro, wuxuu u dhaqmi karaa inuu yahay macalinkaaga gaarka ah oo waxa uu ku bari karaa koorisyo iyo cinwaan walba oo aad xiisanaysid, isaga oo ay la socoto qiimayn, faalcelin(feedback) iyo waliba tijaabo uu ardayda ka qaado. Chatgpt waxa kale uu ka caawin karaa inuu wax kuugu sharaxo qaab walba oo aad dalbato, si uu kugu sharaxo. Tuusale ahaan waxaa aad samayn kartaa inaa aad ka dalbato mowduuc kadibna u sheegto in uu kugu sharaxo sida arday dugsi hoose ah, dugsi dhexe ah, mid ka aad dalbato ayuu kugu sharaxayaa. Wuxuuna ku fahansiinaya isagoo isticmaalaya luuqad fudud. 

Kahoot!, BrainPOP, Duolingo, Squirrel AI, Code.org, Quizlet, Nearpod, LightBot, Teachable Machine, Seesaw, Smart Sparrow, Prodigy iyo Classcraft dhaaamantood waa qalab caqli macmal(AI tools) kuwaas oo loo istimcaalo waxbarashada, loona sameeyay in ay ka dhigto waxbaridda iyo barashada mid fudud. Qalabyadaan caqliga macmalka qaarkood adeegsigooda waa bilaasha, qaarna waa lacag oo waxay baahanyihiin inaad kireysato(subscription). Si guud waxaa jira garaad macamal fara badan oo loo istimcaalo maamulka waxbarasho iyo mid iskuulba.

Caqliga sameyska waa dhab, waana mustqabalka dunida gaar ahaan midda waxbarasho ee caalamka. Haddaba; Soomaliya diyaar ma u tahay is-baddelkaas dardarka ku socdo? Jaamacadaha iyo machadyada waxbarasho ma u diyaar garooben? Macalimiinta iyo iskuulada ma u diyaarsan yihiin oo maku baraarugsanyihiin is badalkaas? Macalimiinta sida ay uga faa’idaysan karaan iyagoo waxbaridooda la falgalinaya caqliga macmalka? Sidee ayaan u soo saari karnaa arday la jaanqadi kara casrigaas? waa suaalo is waydiin mudan, isla markaana mudan in laga sameeyo cilmi baaris dheeri ah.

Tixraac iyo aqris dheeri ah

1. Chen, L., Chen, P., & Lin, Z. (2020). Artificial Intelligence in Education: A Review. IEEE Access.
2. Wogu, I. A. P., Misra, S., Assibong, P. A., Olu-Owolabi, E. F., Maskeliūnas, R., & Damasevicius, R. (2019). Artificial Intelligence, Smart Classrooms and Online Education in the 21st Century: Implications for Human Development. Journal of Cases on Information Technology.
3. Gagné, M., & Gagné, M. (2019). Artificial Intelligence in Education: Promises and Implications. Educational Technology & Society,

W/Q Abdulmalek Elmi Abdishakur 
Caddecilmicadde@gmail.com 

 

3 thoughts on “Garaadka macmalka(Artificial intelligence) iyo waxbarashada: saamaynta togan

  1. Masha Allah qoraa sare, waxaad tibaaxday siyaaba wanaagsan oo looga faa iideysan karo AI (Artificial intelligence) waxaan kaa sugnaaba waa dhinaca taban taas oo hubaal ah in uu cuuryamiyay maskaxda arday badan taas oo Jamacadaha dunidu ay ka sheeganayaan sida inuu meesha kasaaray competitive essays kii iyo assignments kii quruxda badnaa ee ardaydu maskaxdoda kacurin jireen.

  2. Runtii waa maqaal aad u wanagsan bulshadana ku baarujinaaya inay ka faaiideestan artifical intlegenciga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *