Mabda’ Dheefta(Utilitarianism)
WQ: Sayyid Maxamed
Marka la joogo dhanka falsafada akhlaaqda, aragtiyaha ugu shaacsan ee inta badan laga doodo isla markaana aad lafaakhido waxaa kamid ah; aragtida akhlaaqeed ee ku dhisan dheefta(Utilitarianismمبدأ النفعية)
Aragtidaani oo loo qeexo qaabab kala duwan, oo sida ugu dhaw loo qeexi karo: aragti akhlaaqeed oo rumeysan in hab-dhaqanka ama howsha ugu wanaagsan ee laqabto in ay tahay tan xaqiijisa oo hirgaliso(siyaadada kororka dheefta). Hadii aan si kale udhigno aragtidaani, waa falsafo-akhlaaqeed oo ay u jeedadeeda aasaasiga ah ay tahay in la xadeeyo qiimaha ay leeyihiin waxyaalaha, falalka iyo hab-dhaqannada, iyada oo la fiirinaayo hadba inta ay la egtahay dheefta.
Halbeegga wax lagu qiimeynaayo kolka uu dheefta yahay waxa aan awoodnaa in aan garanno, maxaa sax ah, maxaa qalad ah maxaa akhlaaq ah iyo maxaan akhlaaq aheyn. Waxaa sidoo kale eray cilmiyeedkaan si badan loo adeegsadaa, marka lajoogo siyaasada iyo dhaqaalaha, waxaa loogu abtiriyaa aragtidaani oo asaaskeeda leh caalimka iyo rug-cadaaga dhanka qaanuunka Jeremy bentham(1748- 1832), isla markaana ab filasoof Ingiriisi ah.
Daafaha caalamka marka lajoogo kulliyadaha waxbarashada ee xuquuqda, waxaa tusaale ahaan loo soo qaataa, si loo fahmo aragtidan ama mabda’an, qadiyad dood badan ka dhex dhslisay, garsoorka wadanka Britain, qadiyadaasina waxaa ay aheyd sidatan.
Qarnigii 19aad Koofurta badda Atlaantiga, doontii Mignonette, waxaa ay uqarqoomeysay si tartiib-tartiib ah, kadib in badan oo ay dabeylaha la hardameysay, kooxda wadayaasha ee doontu waxaa ay ku boodeen mid kamid ah laashashka badbaadada. Waxaa ay wadayaashu ka koobnaayeen afar badmaaxe; Dudley, Stevens, iyo Brooks, waxaana ku afar ahaa Richard Parker oo ahaa wiil agoon ah da’diisu aheyd 17 jir. Afartuba cunnada kaliya oo ay markaasi sitaan waxaa ay aheyd, labo gasacadood oo khudrad ah oo aan laheyn biyo cabitaanka ku haboon.
Maalinkii 18aad markii uu wadcigu noqday mid aan lagu noolaan karin, waxaa uu naaquuduhu soo bandhigay, in qori-tuur la sameeyo si loo doorto qofkii hilibkiisa iyo dhiigiisa huri lahaa(la cuni lahaa), si uu inta kale u badbaadiyo. Maalinkii 19aad waxaa ay naaquudaha iyo kalkaaliyihiisu isku raaceen, in wiilka yarka ah lagu kala boxo. Waxaa xusid mudan in wadaha sadexaad, diidanaa in uu kaqeyb galo qorya tuurka is-cunka, uu ugu danbeyn dhiniciisa ka cunay hilibka wiilka yar ee lagu qadeeyay.
Maalinkii 24aad waxaa iyaga badbaadisay, doon laga leeyahay Jarmalkataas oo u kexeysay dhanka Britain, iyadoo dowladdu ay markaa ay gacanta ku dhigtay, si loo maxkamadeeyo. Kolkii la gaaray maxkamadeynta intii la maxkamadeynayay ma aysan inkirin labada badmaaxe wixii ay faleen, balse waxaa ay ku doodeen in dhaqankaa ay dantu u geysay. Waxaa ay ku doodeen in sida wanaagsani ay tahay in uu hal qof dhinto, si ay saddexda kale u badbaadaan. Waxa ay badmaaxayaashu ku doodeen in uu habdhaqankoodu ku dhisnaa akhlaaq, iyaga oo u eegaayo cawaaqibta danbe.
Dhanka kale garsoorayaashu kuma aysan qancin arinkaasi, sababtoo ah waxaa ay u arkeen in nooca habdhaqannkoodu uu yahay mid aan akhlaaq ku saleysneyn, iyada oo aan loo fiirinayn cawaaqibta danbe iyo natiijooyinka. Waxaa muuqata in kuwa ka dhiidhiyay, falka ay badmaaxayaashu ku keceen, ay ku xujeysanayaan mabaadii’da akhlaaqeed, ee ay ka kororsadeen rumeysadkooda diineed, taas oo u aragta; in samaha iyo xumaha ay yihiin labo waxyaabood oo sugan oo uusan isbaddel ku dhicin, sabab kasta iyo meel kastaba, dilkuna waa jariimo, goor kasta iyo meel kasta. Mujrimka in uu ciqaab maraana waa qasab, xaalad kasta, heerarka ciqaabta haba kala duwanaadaane.
Marka aynu qadiyadaan dhuganno, waxaan durba kala fahmi karnaa, halka ay kala mareen mabda’aan dheefta(manfacada) ku dhisan iyo aragtida lidka ah. Bentham waxaa uu ahaa, mid u arka in habdhaqanka akhlaaqda ku saleysan uu yahay midka u xaqiijiya(kororka dheefta) tirada ugu badan ee dadka, inta suurtogalka ah. Sidaas daraadeed waxaa ay aragtidaani u aragtaa, in xadidida ama qiimeynta falka akhlaaqda ku saleysan iyo habdhaqanka toosani, ay ku xirantahay natiijooyinka iyo cawaaqibta danbe ee ka dhalandoonto. Waxaa uu sidoo kale mabda’aan qabaa, in aysan wax qiima ah laheyn qaababka iyo hannaanka loo maraayo gaarista natiijadaasi. Waxa uuna Bentham ku qoray buugga uu ugu magac daray; “مقدمة لمبادئ الأخلاق والتشريع”.
Waxaa ay dabeecaddu ina hoos dhigtay xukunka laba mudane oo aynu gacanta ugu jirno liibaanta iyo xanuunka isla markaana ku dhiseyna labadaas waxaanu ku qasbannahay in aan xadeyno falalkeena iyo in aynu go’aaminno falalka aan qasabka aheyn. Falalka gafka ah iyo kuwa toosan, labaduba waxaa ay ku xeranyihiin, labadaas mabda’. Farxadda iyo silaca ayaana go’aamiya wax kasta oo aan faleyno dhab ahaantooda, ama aan ku fakareyno. Hadii falkaa dad cunnimada ah, markii dhinac laga fiiriyo ay ka dhigantahay badbaadada sadex qofood, hadaba waa falka ay waajibka aheyd in la sameeyo, waana falka akhlaaqda ku saleysan ee suuban. Waxaa kale oo xusid mudan, in aragtidaani ay tahay mid daneysa, dan-wadareed, sida mid bulsheed ama dan guud, taas oo ka duwan sida laga aaminsanyahay aragtidaani, oo ah in ahmiyada 1aad ay siiso danta shaqsiga ah ama danaha gaarka ah.
John Stuart Mill(1806 – 1873), oo ah filasoofar iyo dhaqaalayahan Ingiriis ah, ayaa qoray islamarkaana baahiyay, intii udhexeysay sanadihii 1861 ilaa 1863 buug uu ubixiyay ‘كتاب المنفعة’. Waa dhigaal falsafadeed oo difaacaya madhabka manfacada(Utilitarianism) ee dhanka akhlaaqda. Waxaa uu qoraagu dhexda u xirtay in uu difaaco aragtidaan akhlaaqeed, iyo in uu u qiil dayo, asiga oo madhabkaaani ka istaagay mowqif kana yeeshay aragti, taas oo uu ka kororsaday macalinkiisa Jeremy Bentham. Dhanka kale waxa uu qoraagu sheegay, in ay suurtogal tahay in falka lagu go’aamiyo in uu yahay mid saxan ama mid gafsan, iyada oo laga eegayo dhanka akhlaaqeed, isla markaana la raacayo raaxada uu falku leeyahay ama xanuunka ka dhalan kara falkaasi.
