Fanka Tolmada: Falanqayn iyo Sooyaal Kooban

Fanka Tolmada: Falanqayn iyo Sooyaal Kooban

Cabdisalaan Hayoon

Waxaa hubaal ah, qof kasta oo mar uun isku dayay ama ku fikiray inuu soo saaro ama tolo dhar, in uu si dhaw ugu fikirey in waxa ugu mudani ay tahay sida uu u ekaanayo dharkaasi. Tolmadu waa farshaxanka qaabaynta, naqshadaynta, isku-habboonaysiinta, soo-saarista iyo dhamaystirka shay ku soo baxaya qofka xidhannaya. Ereyga tailor (dawaarle) oo markii ugu horeysay ka soo muuqday qaamuuska ereybixinnada Oxford sanadkii 1297, waxa laga soo dhiraandhiriyay erey Faransiis ah oo ah”taller ” oo la micno ah jarmo ama goyn. Ereyga tailor afka Laatinka wuxuu ku noqonayaa sartor oo ka dhigan qofka tola dharka ama dib u habeeya. Waxaa laga soo dheegay ereyga Ingiriiska ah ee “sartorial” oo ah mid ku aroora dhar-tolidda.

Farshaxanka tolistu wuxuu hanaqaaday qarniyadii dhexe. Tolmayaashii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa tolidda dharka gaashaanka “linen armorers/diraca dagaalka” oo laga ganacsan jiray, taas oo ka dhigan in cid gaara loo toli jirey, dharka cufan oo laga hoos xidhan jirey diraca dagaalka si uu uga difaaco qofka xidhan finiinka qurubyada hubka culus ee soo dhaafa dharka. Wixii ka danbeeyay hawlgalkaas, ururadii dawaarlayaasha ee ugu horreeyay waxay ka abuurmeen Yurub. Tolmuhuna wuxu ka bilaabmay yurubta galbeed intii ka dhexaysay qarniyadii 12-aad ilaa 14-aad. Xilliyadan ka hor dharka waxaa uun laga samayn jirey hal hu’ oo cawrada uun u astura qofka, kan tolaya iyo kan xidhanaya midkoodna ma danayn jirin qaabka dharku u egaanayo.

Intii lagu guda jiray dib u soo noolaynta, dharka dhaqanka ee labka iyo dheddigaba (loose robes) ayay bilaabantay in la gaabiyo, ururiyo ama la dhuubo oo loo tolo qaab u eg qaabdhismeedka aadanaha.Tan ka hor, dharba cid ma gadan jirin, wax kastana gurigaa lagala iman jiray ama qof kastaba isagaa tolan jirey, tan oo la micno ah in xirfadlaydii xarfaanta dunta iyo irbaddu calanka u sideen intii ay bilaabantay qof iyo labiskiisa.Tan iyo intay bilaabantay doonista dhar qaab iyo qiyaas gaar ah u tolan waxaa korodhay baahida loo qabo in la helo farsamayaqaanno ku qalabaysan xirfad sare. Runta ayaa ah in tolmayaasha jiraa dhamaantood muujinayaan in aragtida dharka laga haystaa is gedgeddinayso oo hadba moodo cusub loo diga-roganayo, tusaale ahaan wixii shan sano ka hor la sidan jiray maanta waa laga gudbay. Dharku maanta waxayba ka mid yihiin lamahuraanka nolosha; waa hab ay dadku ku muujiyaan nafahooda, heerarkooda bulsho, kuna soo bandhigaan waxa mudanka u ah ee matali kara. Si kale hadii loo dhigo, soo mudh baxa dawaarlayaashu waxay muujinaysaa in aragtida faashiyoonku ama casriyayntu horumartay.Sannadihii 1100-aadkii, shaqada dawaarka waxa loo aqoonsaday mid sharci ah. Boqor Henry-gii koobaad, waxa uu siiyay billada boqornimada dawaarlayaashi Oxford 1100-kii. Ururadii London ka jirey ee dawaarka iyo dirac-sameeyaashaba(Linen armorers) ayaa waxaa la guddoonsiiyay qalabka boqortooyada 1299. Dhinaca Faransiiska , Tailleurs de Robes waxay heshay cahdiga boqortooyada 1293-kii. Sanadkii 1588-kii dhammaan farsama yaqaankii tolmaha sida kuwa tola dharka guri jooga, dharka raga(Pant makers), Diraca dagaalka (Robe Makers), ayaa waxay ku midoobeen shirkii loo yaqaanay Maitres Tailleurs d’Habits/ (Master Tailor of clothes).

Tan iyo bilawgii, ganacsiga dawaarku wuxu ahaa mid aad ugu firfircoon isku gudbinta xirfaddaas, halkaas oo khubarada dawaarku ku hagayeen kuwa curdinka ah isla jeerkaasna ay ka dheefsanayeen khibradooda hawlqabad. Xirfadbaridaas waxay ahayd tababarid sida marada suufka loogu qaabeeyo qaab u eg samayska jidhka qofka. Markay habkaas ku xeel dheeradaan dadka dawaaarka baranaya waxa ay aqoon u yeelan jireen inay qaabkooda iyo xirfaddooda gaarka ah la soo baxaan iyagoo ku ladhaya wax kasta oo bili kara samaynta naqshadda ugu wanaagsan ee qofku xidhan karo.

Dukaamnada ugu badan waxa lahaa kana shaqayn jirey dawaarle tayo sare leh, fikirkaas oo aad mooddo inuu markale dib usoo laabtay qarnigan 21-aad oo dukaannada dharku socodkooda ay jaangooyaan farsamayaqaannada ay haystaan, si la mid ah sidii uu waagaas dawaaruhu u ahaan jiray muraayadda meheradda iyo kan diyaariya dharka inta ugu badan. Habka uu xirfadle kastaa u gooyo marada ayaa keenta inuu yeesho saxiix iyo hab-tolmo u gaar ah oo uu ku soo jiito macaamiishiisa.

Dukaamada dawaarku kolka ay koraan dawaarlayaal badan ayay shaqaalaysiiyaan, oo loo carbiyo qaab heer sare ah. Dhar-jarayaashu waxay gacanyarayaal u yihiin khibradlayda tolmada. Jarayaashana waxaa inta badan hoos joogay qaar shaqadoodu tahay in ay ku ladhaan waxyaabaha ka dhimman sida isku-keenidda qurubyada jarmada, jeebadaha, badhamada iyo waxyaabahq kale ee fudud. Halka kuwa ugu hoosaya boqortooyadan dawaarka ay ahaayeen ardayda xirfaddan baranaya oo iyagu u xil saaran nadaafadda iyo kala-socodsiinta hawlaha, markay hawshu dhamaatana ka barta asaasiyaadka dawaarka inta ay waxbarashadu uga dhammaanayso.

Ka hor soo saaristii makiinadda tolmada, dharka qaar ayaa laga yaabay inay hal dawaarle ka badan u baahnaayeen, isla jeerkaasn dawaarlayaal dhawr ah ayaa lugaha isdhaafsan jiray oo midba dhinac kaga hagaagi jiray maradaas iyada oo la isticmaalayo irbad iyo dun sida haddaba weli ka jirta qaybo ka mid ah qaaradda Asia. Afka Faransiiska waxa loo yaqaan xeeladsan luga-is-dhaafsiga ‘assis en tailleur/Cross-legged’. Sababta qaabkaas wax loogu baranayay waxay tahay in aanay jirin buugaag qoran oo la raaco muddadaas hore ee ay xirfaddani soo shaac baxaysay. Buuggii u horreeyay ee afka Ingiriiska lagu qoray wuxuu ahaa Taylors Complete Guide/Hagaha dawaarlaha, oo la daabacay 1796. Kaas kadib buugaag kale oo dhawr ah ayaa xigay sida; Compaing and Devere’s Tailor’s Guide 1855 iyo E.B Giles buuggiisa Influential History of the Art of Cutting 1889. Buugtan waxa dib loo daabacay tobanaan sanno waana mid ka mid ah kaabayaasha dardargaliyay horumarinta farsamadan qarnigii 19-aad.Maanta ereyga “dawaarle” guud ahaan waxa loo yaqaan qofka farsameeya ee soo saara dharka ay dadku xidhaan. “Bespoke ” ayaa iyaguna ah kuwa ugu mudan dhinaca waxsoosaarka dharka marka la joogo.Bespoke sida ereyga ka muuqata waxaynu odhan karnaa “dharka hadla” ,dawaarlayashani waxay u nashqadeeyaan una soo saaraan dharka macmiil gaar ah, dharkaasina suuqa lama soo galiyo.

Markii u horaysay waxa laga daahfuray carriga Ingiriiska horraantii qarnigii 18-aad. Bond Street, Savile Row iyo St.James Street oo ku yaalla galbeedka London ayaa ah goobaha aadka loogu yaqaannay in laga helo dharka dhaqanka ee tolan. Inkasta oo dawaarlayaashasi si joogto ah ula jaanqaadayeen isbeddelka iyo casriyaynta fanka farshaxanka dawaarka waxaa ku lammaanayd ilaalinta summaddooda dawaarka ee asalka sida Huntsman oo soo kordhiyay suudhka halka badhan leh ee ilaa maanta la xiiseeyo gugii 1849, sidoo kale Bernard Weatherill oo la aasaasay 1910— ayaa leh hoy farshaxaneed qaybna ka ah sida taariikhdu warinayso dharkii uu xidhan jirey boqor George V. Kaalmaha ugu heerka sarreeya waxaa ku jira maanta farshaxamayste Alexander McQueen, oo isagu fankiisa dawaarka ku soo billaabay habkii qadiimiga ahaa ee Savile Row.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *