Bulshada Xidhan Iyo Bulshada Furan
Bulsho baadhe iyo faylasuufkii la odhan jirey Kaaral buber ( Karl Popper 1902-1994) ayaa waxa uu daah qaadey aragtida la yidhaahdo ”bulshada xidhan iyo bulshada furan” ( Open and closed society). Si fudud waxa aynu odhan karnaa bulshada xidhxidhan waa bulshada isbeddelka iska caabbisa ee wixii kusoo kordhaba u aqoonsanaysa wax khatar ku ah, tusaale wanaagsan waxa aynu usoo qaadan karnaa in odayaasha soomaalidu ay beri diideen in jaamacad laga furo degmada sheekh ee gobolka saaxil iyagoo ku doodey in goobtaas ay bixinayso wax baal marsan diinta islaamka.
Bulshooyinka carabta iyo soomaalidu waxa ay ka simanyihiin iska caabinta is beddelka waayahaya, waxa la xusey in wakhtigii uu soo baxay qalabka wax lagu daabaco ay wadaaddo masaari ah ay fatwoodeen in qalabkaas uu xaaraan yahay maadaama lagu daabacayo wax quraanka iyo diinta ka mid ahayn. Waxa kale oo la fatwoodey in dharka siiba saraawiishu ay yihiin dhar ay gaaladu leedahay. Sidoo kale waxyaabaha aadka looga qayliyay waxa ka mid ah kamaradaha iyo qalabka duubista.
Soomaalidu waxay daliishaadaan laba maah maahyood oo ku tusinaya in aanu qofku is baddal samayn karin, walow la odhan karo maah-maahyada waxa loo adeegsan karaa qaabab iyo xaalado kala geddisan. Maah maahyada cajiibka ee ku haboon in aanu qofku la iman karin wax ka baxsan waxa ay dadkiisu sameeyan ayaa waxa ay yidhaahdeen (( Tolkaa iyo kabtaadaba waa lagu dhex jiraa)) maah-maah kalena waxa ay leedahay (( Caado la baajaa cadho alle ayay leedahay)) waa tee caadada loo jeedaa ?.
Aqoon yahay Cabdisiciid ayaa si fudud inoogu kala saaray labada bulsho waxa uuna yidhi ((Bulshada furani waxay la mid tahay biyo socda, tan xiranna waxay la mid tahay biyo fadhiya. Bulshada xiran waa midda aan isbeddelka oggolayn, oo wax kastaa agteeda ay sugan yihiin –siyaasad, saynis, diin, dhaqan, iqk. Bulshada furanna waa midda aan isbeddelka dhibsan ee u aragta in uu yahay dabeecadda koonka iyo waxa horumarka keena. bulshada xiran waxaa ku badan baqdinta iyo waxyaabaha lama taabtaanka ah, qofka la noolina wuxuu noqdaa neef xayn duunyo ah la daaqaya, oo hadba dhankay u didaan ula didaya (=Tolkaa iyo kabtaadaba waa lagu dhex jiraa). Bulshada furan qofka waa u kala caddahay waxa la wadaago iyo waxa qofka u goonnida ah.)).
Badiba bulshooyinka xidhan waa bulshooyinka wakhtigan la joogo ka dib dhacay horumarka togan ee dunida inteeda kale ku talaabsadeen. ma jirto sabab loogu dhaganaado caado iyo dhaqan aan kuu horseedayn inaad ka dhaqaaqdo meeshii aad sannado ka hor taagnayd.
Soomaalidu maah-maah kale waxa ay ku leeyihiin ( Bartii yaqaan bari uma korodho) oo macnaheedu yahay qofka ku eekaada kobtiisa in aanay waxba u kordhayn. Noloshii reer guuraanimada ahayd ee soomaalidu waxa ay ahayd mid ku wareegaysa hal goobo taas oon meelna looga leexanayn xayndaabka wareeggaas. Ka dib is dhallan rooga waayaha aya khasab uga leexiyay jidkey hayeeen.
Bulsho kasta iyadoo haysta oo aan ka tagayn cadooyinkoooda aya waxa ay horumar iyo is bedel ka samayn karaan guud nolosha, waana ay la jaan qaadi karaan oo la qabsan karaan is beddellada nolosha. Tusaale wanaagsan bulshada itoobiya oo ah bulsho isku dhafan kala af, diin iyo dhaqan ah ayaa wada nool iyadoo qolo kastaa haysato waxa ay gaarka u leedahay, sidoo kale bulshada Hindida oo iyahana bulsho kala geddisan aya qolo kasta geerkeeda u haysta dhaqankooda iyo diintooda waana ay ka wada qayb qaataan horumarka dalkooda.
Ugu dambeyn, is badalka waxa ku sugan cabsi, cabsidaas aya hor istaagaysa in aan laga dhaqaaqin goobta la taagan yahaya. Ha yeeshee haddi aan loo badheedhin khataraha sidee meel loo gaadhaya, si kasta oo laysaga caabiyo in lays badalo waayaha nolosha ayaa inagu khasbaya in aynu is baddalno. Haddii ay is caabbiyaan laba awoodod meeshaas waxa ka dasha bur bur iyo dib u dhaca. Xero edegaynta (Globalization) oo ah isku furanka iyo dhex galka dawyowga dunida iyo ganacsiga ayaa noqdey awoodda ugu wayn ee ka xoog badatay bulsho kasta oo xero isku ooddey.
W/Q: Mukhtaar Axmed

Mahadsanidiin .