Arrin Murugsan — A Mystery

Goor fiid ah axaddii Easterka ayaa Navagin, xaakinka dhabta ah ee degaanku ku soo laabtay gurigiisii, booqashooyin uu ku kacay ka dib. Qolka soo dhowaynta ayuu ka soo qaatay warqad dheer oo ay ku duugan yihiin magacyada dadkii soo booqday oo uu la tegay xafiiskiisa. Inta uu funaanaddii uu kor ka gashanaa iska bixiyay oo biyaha lagu xayaysiiyo “Seltzer”-ka cabbay, ayuu si raaxo leh u fadhiistay kursi oo bilaabay in uu akhriyo magacyada isdaba taxan ee warqaddaku yiil; markii uu saxiixyada isha la raacay oo badhtamaha marinayo ayaa lagu kacay oo istacajab ka muuqday. Faraha ayuu isku tumay, iyadoo wejigiisana uu ku sawirmay yaabka ugu daran.

“Mar kale!” ayuu yidhi isagoo jilibka iska dhirbaaxaya. “Tani waa mid aan hore loo arag! Ma mar kale! Waa kan misna saxiixii qofkaasi, Ilaahay uun baa garanaya kan uu yahay! Fedyukov! Mar kaleeto!”

Saxiixyada badan ee warqadda ku yiil waxaa ku jiray mid uu leeyahay nin ku magacaaban ‘Fedyukov’. Navagin inna wuu soo saari waayay beladan “Fedyukov” sheeganaysaa kuu yahay. Xusuus buu u la noqday saaxiibbadiis, ehelkiis, iyo intii ka soo hoos shaqaysayba; dib ayuu u raacay xilliyo la soo dhaafay, misna magac “Fedyukov” ahi wuu ku soo dhici waayay. Tan ka sii yaab darani se waxay tahay, la-garanwaayahan Fedyukov saddex iyo tobankii sano ee u dambeeyay ayuu si joogta ah u
saxiixayay magaciisa Iidaha Masiixa iyo Easter-ka ka dambeeyaba. Navagin, ooridiisa iyo ilaaliyaha qolka guriga mid gartay ma jiro ninkani kuu yahay, iyo meeshuu ka yimi, iyo siduu u eeg yahay toonna.

“Waa xad-dhaaf!” Navagin ayaa isku yidhi isagoo yaabban oo xafiiska dhex
socsoconaya. “Waa wax aan la garan karin oo cajaa’ib ah! Waa fal oo kale!”
“Halkan iigu yeedha Ilaaliyihii guriga!” ayuu ku sawaxay.
“Waa shaqo ibliis! Waan se heli doonaa kuu yahay!”

“Wa aan kuu sheegay, Grigory,” ayuu ku yidhi ilaaliyihii markuu soo galay.
“Kii Fedyukov ahaa mar kale ayuu magaciisii saxiixay! Miyaad aragtay?”
“Maya, sarreeye.”
“Haddaa siduu magaciisa u saxiixay, haddaanu halkaa joogin?”
“Ma aan sheegi karo.”
“Yaa sheegi kara haddaa? Halkan ayaad iska maahsan tahay qolka dhexdiisa. Isku day inaad xusuusato, laga yaabee qof aanad aqoonin inu yimi?Daqiiqad ka feker.”
“Maya, sarreeyow, kuma jirin mid aanan garanayn. Karaaniyaddii shaqada, marwadii ‘Baroness’-ta ahayd, oo soo booqatay marwadaada, iyo baadariyadii kaniisadda oo Salliibka siday, intaas ayay ahaayeen cid kale ma ay wehelin…”
“Waayo, haddaa ma isaga oo aan muuqanayn ayuu magaciisa saxiixay, ma sidaas buu ahaa?”
“Ma sheegi karo: wax Fedyukov ahi se meeshan ma joogin. Sawirka muqaddaska ah ayaan ku dhaaranyaa inay sidaas ahayd ….”

“Waa yaab! Waa wax aan maanka gelayn! Waa arrin aan caadi ahayn!” ayuu
Navagin isu sheegay. “Waa wax si weyn loogu qoslo. Ninbaa saddex iyo toban sano magaciisa saxiixayay oo aanad soo saari karayn kuu yahay. Malaha maad baa ku jirta? Mise shaqaalaha midkood ayaa magacan kiisa ku dara isagoo maaweelo ka deyaya.”

Navagin wuxuu bilaabay in uu saxiixa Fedyukov si weyn u baadho.
Saxiixan soo taagtaagan, qurxoon ee qaababkii hore u qoran, iswarwareejintiisa uu la bogay, si walba waa mid uga duwan farta ay kuwa kale ku qoran yihiin.
Saxiixu waxa uu hoosta ka xigay kan Shtutchkin, xoghayaha degaanka oo ah nin jimidh yar, oo cabsi badan; waa hubaal hadduu kaftankan foosha xun la kulmi lahaa inu naxdin u dhiman lahaa.

“Fedyukov-kii cilmigiisa la saari la’aa ayaa magaciisii mar kale saxiixay,”
Navagin ayaa yidhi isagoo xagga ooridiisa ku sii socda. “Mar kale ayaan misna oo qaban la’ahay kuu ninkani yahay.”

Marwada Navagin waa dadka rooxaanta aaminsan. Sidaas darteed, ifafaale kasta oo dabiicadda ka muuqda, mid la garan karo iyo mid aan la sixi karinba, iyadu sharaxaad fudud ayay u leedahay.

“Wax caadiga ka baxsani arrintan kama ay jiraan,” ayay tidhi. “Adigu ma aad rumaysnid; kolleyba anigu horena waan u sheegay imminkana waan ku celinayaa: “Wax badan oo adduunka jira ayaa dabiicadda ka awood sarreeya oo aan maskaxdeenna liciifka ahi fahmi karayn. Waxaan ku qanacsan ahay in Fedyukov uu yahay rooxaan adiga naxariis kuu qabta. Haddaan adiga ahaan lahaana, waan u yeedhi lahaa oo weyddiin lahaa waxa uu rabo.”
“Waa daldalan, iska daldalan!”

Navagin waa nin khuraafaadka ka xor ah. Hase ahaatee, ifafaalahan uu daneeyay waa mid murugsanaantiisa ay ka muuqato in xeeladihii ibliisku ku wada dhan yihiin oo Navagin maankisa qabsadeen oo adkaysigiisii meesha ka baxay.

Habeen oo dhan waxaa isu soo sawira Fedyukov oo noqday ruuxdii qof shaqaale beri hore dhintay ah oo Navagin waalidiintiis ay shaqada ka eryeen oo imminka soo xaadiray suu ubadkoodii uga aargoosto. Ama haddii kale isu soo ekaysiiya sarkaal hoose oo Navagin laftiisu shaqada ka cayrshay; ama gabadh uu isagu khiyaamo kaga muraadsaday.
Habeen oo dhan Navagin riyada waxa uu ku arkayay karaani shaqaale ah oo da’ weyn oo labbis qaab daran gashan, wajiga aad mooddid liin qaadhay, indhuhu rasaasta u ekaadeen, oo far wada lafa ah ku soo fiiqaya. Kolkaas ayaa Navagin noqdaa qof maskaxda dab ka qabsaday.

Laba toddobaad ayaa Navagin aamusnaa oo ay farxad ka la tageen oo uu kor iyo hoos u socsoconayay, isagoo fekeraya. Ugu dambayntii ayuu walaaci hayay ka reeyay oo intuu ooridiisii qolka ugu tegay cod miisaaman ku yidhi:

“ Zina, Fedyukov u yeedh!”

Marwadii rooxaanleyda ahayd way rayraysay. Waxay dalbatay in baal looga soo jaro warqadaha adag ee kartuunka iyo seesar. Odaygeediina inuu barbar fadhiisto ayay ka codsatay. Kolkaas ayay bilowday inay gudagasho hawlihii falallowga.
Fedyukov kuma uu raajin inay xilli dheer sugaan…

“Qoomammo iyo toobadkeen,” ayaa seesarkii ku jawaabay.
“Maxaad dhulka ku ahayd?”
“Dembiile…”
“Waa taas ee saw uma jeeddid!” ayay ooridiisii hoos u tidhi,
“aanad adiguna rumaysnayn!”

Waqti dheer ayuu Navagin wada hadal la yeeshay Fedyukov, ka bacdina wuxuu u yeedhay Napoleon, Hannibal, Askotchensky iyo eeddadiis Khlavdya Zaharovna. Dhammaantood waxay wada siiyeen jawaabo gaagaaban oo wada sax ah, micne weynna xanbaarsan. Afar saacadood ayuu seesarkii ku mashquulsanaa, jeer uu hurdooday isagoo si weyn u degay kuna faraxsan inu duni cajaa’ib badan oo cusub aqoonteedii u dhacay. Maalintaas wixii ka dambeeyay wuxuu maalin
walba barasho u geli jiray cilmiga xaadirinta rooxaanta. Xafiiskiisa wuxuu ku wargeliyay shaqaalihiisii in adduunka wax loo arki jiray inay dabiicadda ka korreeyaan oo aan fasiraad loo heli karayn looga baahan yahay raggeenna cilmiga leh inay u soo jeestaan oo dib uga fiirsadaan runtii.

Cilmiyada la adeegsado, kan hurdaysiinta, kan wax-kala-gudbinta, kan
isbaadariyaynta, iyo kan rooxaan-la-hadalka iyo fikrado wada silloon ayaa
gebigiis hantay oo maskaxda ka qabsaday. Taas oo keentay inu xilliyada qaarkood maalmo dhan akhrisan jiray buugag rooxaanta ka hadlaya, ama uu ku foogganaa seesarka, warwareejinta miiska, iyo doodo ku saabsan ifafalaha ay ka muuqato awoodo dabiicadda ka sarreeya. Wax uu ku booriyoba, raggii la shaqaynayay waxay iyana ku biireen ciidankii cilmiga rooxaanta. Dardarta ay kula dhaceen waxaad ka garan kartaa maamul-hayahoodii da’da ahaa ayaa intuu maalin ismadax maray taarkan dirsaday:
“Jahanama. Aqalka Xukuumadda. Waxaan dareemay inaan rooxaan shar
miidhan ah isu beddelayo. Maxaan ka yeelaa? Kharashkii jawaabcelinta waan baxshay. Vassily Krinolinsky.”

Ka dib markuu akhristay dhawr kun oo casharro culculus ah oo rooxaanta ku saabsan, ayaa Navagin si weyn u jeclaystay in uu laftiisu wax ka qoro. Shan bilood ayuu hawsha allifaadda ku jiray, jeer uu ugu dambayntii ka soo jeestay qoraalka buug weyn oo cinwaankiisu yahay: “RA’YIGAYGA.” Maqaalkaas markuu dhammeeyay ayuu damcay inu u diro wargeys ka mid ah kuwa rooxaanta wax ka qora.

Maalintii loogu talagalay in maqaalkaas loo diro wargeyska, waa maalin raadreeb weyn ku yeelatay nolosha Navagin. Waxa uu Navagin xusuustaa in maalintaas lama-ilaawaanka ah xoghayihii qoraalkiisa nuqulka uga sameeyay iyo ninka u qaybsan ilaalinta kaniisadda tuulada ay xafiiskiisa joogeen. Navagin wejigiisu wuu nuurayay. Buuggii uu allifay ee maskaxdiisa ka yimi ayuu jacaylqab ku fiirinayay isaga oo faraha uu ku dhex hayo ka dareemaya qaradiisa. Farxad iyo rayrayn ayuu xoghayihii ku yidhi:
“Waxaan ku talinayaa, Fillipp Sergeyitch, in qoraalkan lagu diro qaabka la
diiwaan geliyo, sidaas ayaa u badbaada roon…” markanna isagoo ilaaliyihii
kaniisadda kor u eegaya, ayuu ku yidhi: “Adiga hawl kale ayaan kuu leeyahay, ninyahow wanaagsani. Wiilkayga ugu yar ayaan dugsiga sare ku darayaa; kolkaas, waxaan u baahan ahay shahaadaddiisii loogu ansaxiyay diinta. Si dhaqsa ah ayaan u rabaa inaan u helo.”
“Si aad u fiican, sarreeye!” ayaa ilaaliyihii kaniisaddu yidhi, isagoo fooror ku salaamaya.

“Si fiican, waan gartay…”
“Ma igu soo simi kartaa berrito?”
“Waa hagaag, sarreeye. Ka welwel la’oow! Berrito hawshaasi way dhan tahay! Cid haddaad soo diri kartid salaadda fiidnimo ka hor, una sheeg in uu waco Fedyukov. Mar walba halkaas ayaan joogaa…”
“WAA MAXAY!” sarkaalkii ayaa qaylo ka kacay, isagoo midab suulay.
“Fedyukov!”

‘Adiga,..Ma adga ayaa Fedyukov ah?” ayaa Navagin weyddiiyay, isagoo indho si weyn u kala tegay ku eegaya.
“Waa qudhiisii, Fedyukov.”
“Adiga …Adiga miyaa magacaaga ku saxiixa qolkayga weyn?”
“ Haa…” Iaaliyihii kaniisadda ayaa qirtay, isagoo ay wax iskaga qasan yihiin.
“Markaanu Saliibka baadariyadu sidaan soo raacno, Sarreeye, ee soo aadno
guryaha mudnayaasha sarsare, mar walba magacayga waan ku saxiixaa…
waan jeclahay inaan sidaas sameeyo… Iga raalli ahow, ee markaan arko
magacyada isku daba taxan ee qolka yaal ayaan iscelin waayaa oo ay i qabataa inaan kaygana saxiixo…”

Navagin oo muraaradillaacsan, waxba fahmayn, waxna maqlayn ayaa xafiiskiisii gaafwareegay. Daah albaabka sudhnaa ayuu taabtay; saddex jeerna gacmaha saydhsaydhay, sidii wiil barbarad ku ah cayaarta Ballet-ga oo gabadhuu la dheeli lahaa arkay. Foodhi ayuu ku dhuftay, qosol micne la’aan ahna la ilka caddeeyay oo farta ku fiiqay meel cidla’ ah.

“Sidaas ayaan qoraalka u diri doonaa, imminkadanba, sarreeye,” ayaa xoghayihii yidhi.
Ereyadan ayaa Navagin xiskii ku soo celiyay. Wuxuu eegay xoghayihii, iyo ilaaliyihii kaniisadda, waxna wuu xusuustay, oo cagta dhulka xoog ugu dhuftay isagoo qaylo cirka ku tolaya.
“Aan nabad helee, i dhaafa! I dhaafa aan nabad galee, ayaan idin leeyahay! Ma garan karo waxaad iga rabtaan.”

Xoghayihii iyo ilaaliyihii ayaa xafiiskii ka baxay oo waddada dibedda gaadhay, isaga Navagin uu weli cagta dhulka ku garaacayo oo qaylinaayo:
“ I dhaafa, aan nabad helee! Waxaad iga rabtaan ma garan karo. I dhaafa aan nabad helee !”

ــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

Sheekadani gaaban ee “Arrin Murugsan — A Mystery” waxaa qoray qoraagii, sheekofaneedyahankii iyo dhakhtarkii Ruushka ahaa Anton Chekhov. Waxaana Soomaaliyeeyey oo tarjumay qoraaga, sheekofanneedyahanka, af-yaqaanka iyo indheergaradka Soomeeliyeed Siciid Jaamac Xuseen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *